Wefti nabadeed oo ka
socday Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland,Odayaasha dhaqanka ee Deganada
Sool, Sanaag, iyoHayland, Saraakiisha Ciidanada Maamul Goboleedka Puntland
iyo Ciidan ka socda Maamulka Puntland, ayaa saaka aroontii Hore gaarey xarunta
Gobolka Cayn magaalada Buuhoodle.
Weftigan oo ay kala
hogaaminayan Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amiga ee Maamulka Puntland ,iyo
Odayaasha dhaqanka ee Degaanka Sool,sagaan iyo Hayland oo uu hogaaminayo(Garaad
Abshir Saalax) ayaa kala ahaa:
-
Wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga ee
DGPL(Axmed Cabdi Xaabsade)
-
Wasiirka Cadaadalad ee DGPL(C/risaaq Yaasiin
Cabdulle Geesood).
-
Wasiir xigeenka Dawladaha Hoose ee Puntland
(Axmwed Jaamac Carab)
-
Garaad Abshir Saalax
-
Garaad C/salaan Xassan Maxamed
-
Ugaas C/laahi Ciise Nuur
-
garaad C/laahi Maxamed Guuleed
-
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool ee Puntland
-
Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Gobolka Sool
Waxaa kale oo
weftigaasi ka mid ahaa Cuqaal,Nabadoono,Culimo,iyo Dhaliyaro oo dhamaantoodba
u soo baxay in ay mashaqadaasi wax Ka qabashadeeda ka qayb qaatan dejinta iyo
nabadaynta dadka degaanka ee walaalaha ah ee isku dhacay,
Arintan ayaa salka ku
haysa (Aano iyo kala aar-goosi labada beelood dhexdooda ah iyada oo sanadkii la
soo dhaafay mashaqo tan la mid ahi ka Dhacday degaanka Aangalo )in kasta oo la
xaliyey hadana waxaa la sheegayaa in ay arintani marka kale soo cusbboonaatay
ayna sababtay dhimasho 14 ruux iyo in ka badan 17 dhaawac ah, arintaan ayaa
awal lagu xaliey dhaar labada qoloba mid 50 oday laga dhaariyey hadda kor mar ay
isaga dhinteen dad badan dhaartaas oo ay jebiyeen labada beelood nidkood oo nin
diley taasina ay sababtay dhimasho iyo dhaawac fara badan.
Beelahaan dirirtu
dhexmartay ayaa ka soo wada jeeda degaanka Buuhoodle waxayna kala yihiin
Hayaag iyo Reer Hagar.
Weftigaan ayaa markii
ay saaka aroortii hore gaareen waxay u dhaqaaqeen goobaha ay kala fadhiyaan
labada Ciidan ee labada beelood ee dagaalku dhex maray shalay,oo ah labao reer
oo wada dhashay,waxaana isla saaka la kala dhex dhigay Ciidankii la soo galay
dhinaca Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Dhinaca kale waxay
Odayaasha dhaqanku galaeen u kala dab qaadida labada dhinac ee mashaqadu dhex
martay maalintii shalay.
Maxamuud Cumar Bille
Garowe
Wararkii ugu Dameeyey ee Baargaal:
oo
aanu ku helayno isgaarsiinta nooca loo
Taarka ayaa
Akhri
Maraykanka oo u Qiil
Dayaya Degitaanka Xeebaha
Bariga Soomaaliya.
Qarax Xooggan oo
ka Dhacay Guriga Cali Geedi
Xilli uu
Cali Maxamed Geedi ku sugnaa gurigiisa
oo ku yaal degmada C/Casiis ayaa waxaa
lala beegsaday qarax loo malaynayo
ismiidaamin oo...
Akhri... Jun
3
Xeerka
Qabyada ah ee Saxaafadda DFKMG
Sharcigaas oo ka kooban 27 qodob ayaa
waxaa dhowaan ansixiyay golaha
xukuumadda DFKMG, waxaana...
Akhri..
Faafin:
SosmaliTalk.com | June 3, 2007