SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAARGAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Wararkii ugu dameeyey ee Baargaal:

June 3, 2007

Wararkii ugu dameeyey ee Baargaal oo aanu ku helayno isgaarsiinta nooca loo yaqaan Taarka ayaa sheegaya in duqeyntii ciidamada Maraykanka ee halkaas ay galaafatay oo kaliya 4 askari oo ka tirsan ciidanka Puntland Intelligence Service(PIS) oo iyagu hagayey duqaynta Maraykanka iyo sidoo kale dhul beereedyo iyo nafley kale, balse kooxihii lagu tuhunsanaa Al-qaacida ee ay sheegeen in Puntland dagaalka la gashay aan ilaa hadda la ogeyn meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

Dad aan kula xiriiray isgaarsiinta nooca loo yaqaan Taararka ayaa ii xaqiijiyey in Ciidamada Maraykanku ay khasaare u geysteen oo kaliya ciidankii Sir-doonka Puntland ee hagayey Maraykanka, ka dib mar ay duqeynta iyagu isku soo hageen.

Nimanka meesha galay ee lagu tuhmayo Al-qaacida, ayaa dadka deggaanku sheegeen in ay u badan yihiin dhalinyaro ka soo jeeda isla degaankaas oo iyagu aad u kala yaqaan degaanka dhinaca xeebta waliba, ayna u sahlan tahay in ay galaan meelo aan loogu gali karin.

"Puntland waxay sheegtay in dagaalkaasi ay kaga dileen kooxahaasi 6-ruux isla markaana ay ka qabteen laash dhereeya iyo sidoo kale Gaari nooca Sulfaha looyaqaan.? Hadaba waxaa is waydiin mudan halka iyo meesha uu gaarigaasi ka yimid maadaama ay kooxahaani ka soo dageen Xeebta oo aan gaari ku socon karin..." Akhri qormadii C/risaaq Koronto

Inkastoo, warbaahintu ay sii deysay warar ay ka soox xigteen masuuliyiinta DGPL oo sheegay in dagaalkii dhexmaray iyaga iyo Al-Qaacida uu sababay dhaawac 4 askari oo ka tirsan dhinaca Puntland , haddana waxaa beeninaya arrintaas dadka degaanka ku nool.

Nin aan weydiiyey in uu sida runta ah ii sheego maadaama ay tahay beentu xaaraan ayaa yiri:

"Dadka weydiinaya wax dadka aan degaanka u dhalan iyo kuwa aan aqoonta u lahayn ama kuwa iyagu deggaanka ku soo hogaaminaya Ciidamada Maraykanka waxaan jeclaan lahayn in ay annaga wax na weydiiyaan annagaa joogna degaanka oo uga war roon, Baargaal waxaa yaal Taarar waana ku meel kasta oo aan Telefoon gaarin yaala ee lagu kala war qaato, waxba yaan dadka la wareerin."

Si kastaba, ha ahaatee, arrinta Baargaal ayaa hadda ah mid caadi ah.

In aan dagaal ka dhicin meeshana waxaa kuu cadaynaysa ganacsiga iyo hawl-maalmeedkii wuxuu ahaa caadi intii Maraykanku duqaynta ku hayeen oo dhan aagaas.

Maxamuud Cumar Bille
mcbille@gmail.com
Garoowe

Faafin: June 3, 2007


Markab Laga Leeyahay Denmark oo Lagu Afduubay Xeebaha Soomaaliya

COPENHAGEN, Denmark - Markab ah kuwa xamuulka qaada oo laga leeyaay Denmark ayaa lagu afduubay xeebta Soomaaliya, sida uu Sabtidii sheegay mulkiilaha markabkas, isagoo soo xiganey warbixin laga helay markab ay leeyihiin ciidamada Faransiisku, sida ay werisey AP.

Markabka oo lagu magacabo Danica White waxa uu kusii jedey magaalada dekeda ah ee Mombasa Kenya isagoo ka yimid Dubai, waxan auu Mombasa u wadey qalab dhisme, waxaana la qafashay Sabtidii (Jun 2) ama gelinkii dambe ee Jimcadii (Jun 1), sidaas waxaa yiri, Jorgen Folmer, oo ah afhayeen u hadlayey shirkada xamuulka qaada ee Danish-ka ah ee la yiraahdo H. Folmer & Co.


Isha sawirka: Shirkadda http://www.folmer.dk/

Waxaa wararku tibaaxeen in markabka ay saaran yihiin shan shaqaale ah.

Waxa uu afhayeenkaasi sheegay in markab ciidamada Fransiisku uu aagga lagu afashay markabkaas ku sugnaa, laakiin ay u suurta geli wedey in uu markabkaas badbaadiyo maadaama Markabka Faransiisku uusan geli karin biyaha Soomaaliya.

Afhayeenku macadayn meesha qafakaasi ka dhacay, laakiin waxa uu sheegay in ay tahay biyaha Soomaaliya. Shirkaddana waa u suurta geliweydey in ay wax xiriir ah la sameeyaan shaqaalihii markabka saarnaa.


Lix Dagaal-yahiin ah ayaa Lagu Diley Soomaaliya: Reuters

BOSSASSO, Somalia (Reuters) -- Six Islamist fighters, including foreigners from Western nations, were killed in U.S. air strikes and battles with local forces in northern Somalia this weekend, a regional official said on Sunday.

BOSSASSO, Somalia (Reuters) -- Lix Islaamiyiin ah, oo ay ku jiraan ajaaniib reer Galbeed ah, ayaa lagu diley duqayntii Maraykanka iyo dagaalkii lala galay ciidamo degaanka ah ee Woqooyi Bari Soomaaliya dabayaaqadii toddobaadka, sidaa uu axadii Sheegay sarkaal gobolka ka tisan.

"Shalay (Sabtidii) waxaan dilley lix argaggaxiso ka yimid America, Britain, Sweden, Morocco, Pakistan iyo Yemen," Sidaas waxaa yiri Maxamed Cali Yuusuf, Wasiirka Maaliyadda ee Maamul Goboleedka  Puntland.

"Waa guulaysaney, dagaalkiina waa dhammaaday. Shan ciidamada Puntland ahna waa la dhaawacay," ayuu ku sheegay shir saxaafaeed uu ku qabtay Boosaaso.

Wax kale oo faahfaahin ah ma uusan bixin, ayey tiri hay'adda wararka ee Reuters.


Telefishanka CNN oo Sheegay in Maraykanku Duqeeyey Aagga Baargaal


Eeg magaalada Baargaal

Juun 1, 2007: Telefishanka Maraykanka ee CNN ayaa sheegay in Jimcadii uu Maraykanku duqeeyey meel ka tirsan Woqooyiga Bari ee Soomaaliya (Aagga Baargaal), waxana uu sheegay in weerarkaas lagu qaaday wax looga shakisan yahay Al-Qaeda, waa sida warku u dhigay'e. Telefishanku waxa uu soo xigtey ilo aan la cayimin, kuwaas oo sheegay in aan la aqoon khasaaradii uu weerarkaasi geystey.

Baargaal waa magaalo ku taal xeebta Badweynta Hindiya, gaar ahaan cirifka Woqooyi Bari ee Soomaaliya, waxay fogaan ahaan qiyaastii magaalada Boosaaso dhanka bari ka xigtaa 230km marka laga eego cabbirka khariidada. Islamar-ahaantaasna waxay qiyaastii 100km woqooyi ka xigtaa magaalada Xaafuun.

Eeg magaalada Baargaal oo kor laga sawiray... Guji...

READ: U.S. strikes reported on Qaeda suspect in Somalia

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com