Warar: May 31, 2007
Qoysas Badan Oo Kusoo Noqday Muqdisho Oo Mar
Kale Ka Barkacaya Agagaarka Wersheda Baastada Ee Muqdisho.
Dadkii ka barakacay caasimada muqdisho oo qaarkood kusoo laabtay xaafadaha ay ka
ag-dhow yihiin ciidamada xukuumada Ethiopia ayaa dib uga daad guraysanaya
alaabtooda kadib markii halkaas kala kulmeen amaan daro xoogan .
Dadkaas oo qaarkood ay ku dhaqan yihiin agagaarka Warshada Baastada ayaa
bilaabay in ay isaga guuraan hareeraha Warshada kadib markii ay dhibaato amaan
daro oo xoogan kala kulmeen deegaankaas oo mararka qaarkood qaraxyo lala
beegsado ciidamada ethiopianka ay ugu jawaabaan tacshiirad ay la beegsanayaan
dadka rayidka ah ee ku dhaqan xaafadaasi
Qaar ka tirsan Dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaankaas ayaa saxaafada u
xaqiijiyey inay xaafadaasi noqotay meel aan amaan ahayn islamrkaana ay aargoosi
iyo dhibaato baahsan ku hayaan ciidamada ethiopianka ee fariisinkoodu yahay
wersheda baastada
Axmed xuseen oo kamida dadka rayidka ah ee xaafadaasi ayaa sheegay inay dhibaato
xoogan oo amaan darro ka jirto xaafadaasi islamrkaana ay lafahooda ula
baxsanayaan ,taasoo uu sii raaciyey waxaanba ka cabsi qabnaa inay dhac iyo boob
noo gaystaan ciidamadaasi Ethiopia islamrkaana ay haweenka naga fara xumeeyaan .
Axmed oo ay saxaafadu waydiisay ciidamada Ethiopia miyay shacabka xaafadaha soo
fara geliyaan mise marka qarax loo gaysto ayay dadka dhibaateeyaan ,waxuuna ku
jawaabay walaahay dadka rayidka ah waxaa haysta dhibaato xoogan waayo ciidamada
Ethiopia iyagaa fara gelin aad u xun ka dhex wada xaafadaha sababta oo ah waxay
fatishiyaan haweenkii xijaabka indho-shareerka xirnaa islamarkaana aan wax
ixtiraam ah siinayn taasina waxay kicinaysaa dadka muslkimiinta ah eek u dhaqan
xaafada .
Axmed oo hadalkiisii sii wata ayaa intaas raaciyey looma adkaysan karo nin
xaaskiisii muslimada ahayd oo sida sharciga islaamku qabo xijaaban hadii asakari
Ethiopian ahi uu ka furto xijaabkii waa dhibaato aad u xun islamrkaana keeni
karta diin la,aan hadaba ciidamada Ethiopia iyaga ayaa waxay wadaan dhibaato iyo
fara gelin baahsan oo weliba anshax darro taas ayaana keenaysa inaan iskaga
guurno xaafadaasi .
Sidoo kale Barakacan cusub ee ka bilowday deegaanadaasi ku xeeran agagaarka
wersheda baastada ayaa kusoo beegmaya xili 3- qof oo rayid ah lagu diley
todobaadkan gudahiisa deegaankaasi islamarkaana loo aaneeyey inay su ula kac ah
u dileen ciidamada xukuumada Ethiopia ee ku sugan agagaarka wershedii hore ee
baastada .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Binti Jaylaani oo
Australia Looga Helay Dhakhatar Lagu Daweeyo
Waxayna hadda Degdeg ugu baahan tahay
Kharashkii lagu geyn lahaa Nairobi siloogu diyaariyo Visa-da dal ku galka
Australia...
May 31, 2007


|