- Shirkadda Tabouk Shipping
(Dubai) oo Qaaday Tigidh-ka Binti Jeylaani ee Muqdisho-Nairobi
- Binti Jaylaani oo La soo
Gaarsiiyey Lacago deeq ah
- Binti Jaylaani oo Australia Looga Helay
Dhakhtar Lagu Daweynayo

Shirkadda Tabouk Shipping (Dubai)
oo Ballan Qaaday Tigidh-ka Binti Jeylaani ee Muqdisho-Nairobi
June 1, 2007: Bahda
SomaliTalk.com waxay shacabka Soomaaliyeed ee la socdey arrinta Binti Jeylaani
la socodsiinayaan in shirkadda Tabouk Shipping ee xarunteedu tahay Dubai ay
ballan qaaday in ay bixin doonto tigidha diyaaradda ee Muqdisho-Nairobi.
Markii aan qormadii tigirka loogu
radinayo daabacnay (May 31, 2007) waxay SomaliTalk.com ballan qaaday in
shirkadda ugu horeysa ee bixisa tigir-ka diyaaadda ee Binti Jeylani ee
Muqdisho-Nairobi in shirkaddaas muddo hal sano ah lagu xayaysiin doono
SomaliTalk.com. Waxaa markiiba May 31, 2007 nasoo gaarey in shirkaada Tabouk
Shipping ay bixineyso tikidhkaas. Mid ka mid hawl-wadeenada shirkadda Tabouk
Shipping, oo ah Abshir Xuseen Cusmaan oo jooga magaalada Dubai ee dalka
Imaaraadka carabta, waxa uu sheegay in lacagta ay shirkaddu ballan qaaday ee
tigidhka Binti Jeylaani aan wax shuruud ah ku xirnayn, haddii la xayaysiisyo iyo
haddii kaleba waa sadaqo, ayuu yiri. Haddaba bahda SomaliTalk.com ayagoo u mahad
celinaya shirkadda Tabouk ayey siday ballan qaadeen xayaysiinta shirkadda bixisa
tigidhaas waxay hal sano shirkaddaas xayaysiiskeedu ku jiri doontaa shabakada,
waxaana dadweynaha Soomaaliyeed ku dhiiri gelineynaa ay macaamilaad wanaagsan la
yeeshaan shirkadda Tabouk oo adeegsadaan adeegsiyadeeda.
Magaalada Nairobi waxaa Binti
Jeylaani loogu diyaarinayaa sidii ay uga qaadan lahayd Visa-da dal ku galka
Australia oo ah meesha looga helay dhakhaatiirta lagaga qali doono burada weyn
ee afkeeda ka soo baxday, buradaas oo ku taaley muddo laba sano ah, balse hadda
aad ugu soo weynaaneysa ayna u bahan tahay qalliin degdeg ah. Hadda waxaa
shacabka Soomaaliyeed sugaya caawinta Binti inta ay ku sugan tahay Kenya. [Halkan
kala xiriir shirkadda Tabouk Shipping]
Binti Jaylaani oo La soo
Gaarsiiyey Lacago deeq ah

Iyadoo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dibadaha looga bartay inay gacan siiyaan
dadkooda ayaa waxaa deeq lacageed la soo gaarsiiyey gabar Soomaaliyeed oo afka
buro uga soo baxday oo lagu magacaabo Binti Jaylaani, lacagahaasi deeqda ah oo
ka kala yimid dadka Soomaaliyeed ee ku nool caalamka daafihiisa ayaa waxaa
gaarsiiyey Amiin Yuusuf Khasaaro oo ahaa shaqsi xiriirinayey dadka Soomaaliyeed
iyo gabadhaasi.
Binti Jaylaani waxay u mahacelisay intii lacagahaasi soo gaarsiisay, waxayna
illaah uga barisay in bedelkeeda mid ka badan siiso.
Binti oo marba marka ka dambeysa xaaladdiisa ay ka sii liidaneyso ayaa waxay ugu
baaqeysaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool caalamka in kala tacaalaan buradaasi
oo ay sheegtay in ay si fudud looga daweyn karo haddii dibadda loo qaado.
Dad Soomaaliyeed oo fara badan ayaa haatan u ololeynaya sidii gabadhaasi dibadda
loogu qaadi lahaa si ay u hesho qaliin.
Dadka lacaga soo gaarsiiyey qaarkood ayaa codsaday in magacooda la sheegin oo
waraaqaha ay ku soo direen ayaa ahaa kuwo aan magac ku qorneyn, kuwana waxay
ahaayeen kuwo ay magacyo ku qornaayeen, dadka lacagahaasi soo diray waxaa ka mid
ahaa.
1. Xaawo Max’ed Faarax (Oslo, Norway)
2. Xabiibo Cali Dharaar (Birmingham, England)
3. Hodan Max’ed Faarax (Oslo Norway)
4. Faadumo Xuseen Maxamuud (Hanwel)
5. Liibaan Daahir Warsame (London, England)
6. C/rixiin Sh. Cali (Dublin, Ireland)
7. Gabdho Soomaaliyeed (London, England)
8. Jaamac C/Qaadir Jaamac (Dubia, U.A.E)
9. C/llaahi Axmed Xaaji (NRA)
10. C/Nasir Max’ed Ciise (Stockholm)
11. Ismaaciil Sh. Max’ed Xuseen (S W A)
12. Sahro Abuukar Sheekhow (Stockholm)
13. Qadar A. Nuur (Minnesota)
14. Sahro (Mennesota)
15. Ubax (…...............)
iyo dad fara badan oo aan halkaan ka soo koobi karin
kala soo xiriir
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Tel 002521-532494
May 31, 2007
Binti Jaylaani oo Australia Looga Helay
Dhakhtar Lagu Daweynayo
Waxayna hadda
Degdeg ugu baahan tahay Kharashkii lagu geyn lahaa Nairobi siloogu diyaariyo
Visa-da dal ku galka Australia...
Waxaa farxad weyn ii ah in aan shacaka Somaliyeed ee
danaynaayey arinta Binti Jaylaani Maxamed Cabdi, oo
afka buro ka soo baxaday, la socdsiiyo, in gabadhaas
ay ogolaatay hay’ad waddani ah, kana shaqaysa
waddankan Australia, khaasatan magaalada Melbourne. Hay’adan ayaa ah mid horay u
keenijirtey caruurta Soomaalida waddankan Australia si loogu daweeyo.
Waxaanu mahad gaara u direynaa Ebbaha nagu
guulaysiiyey arinkan, iyo dadka ka qayb qaatay doonta
arinkan.
Binti Jaylaani ayaa waxaa sawiradeeda ii soo gudbiye
Somali badan oo uu ugu horeeyey website-ka SomaliTalk.com oo si gooni ah codsi iigu soo gudbiyey.
Waxaan kale oo jira dad badan oo si gooni gooni ah
arinta iigala soo hadlay, iiguna soo gubiyey. Waxaan
kuligiin idiin sheegaya in gabadhaas arinteedi
keenista ay hada bilaabatay, dhakhtarkii qali lahaa
iyo hoygii ay joogi lahaydna la dhameeyey.
XAYAYSIISKA SANNADKA:::
Shirkadda: TABOUK
SHIPPING |
Markii aan
qormadan daabacnay (May 31, 2007) waxaa SomaliTalk.com ballan
qaaday in shirkadda ugu horeysa ee bixisa tigir-ka diyaaadda ee Binti
Jeylani ee Muqdisho-Nairobi in shirkaddaas muddo hal sano ah lagu
xayaysiin doono SomaliTalk.com. Waxaa markiiba May 31, 2007 nasoo gaarey
in shirkaada Tabouk Shipping ee xarunteedu tahay Dubai ay bixineyso tikidhkaas. Mid ka mid hawl-wadeenada
shirkadda Tabouk Shipping, oo ah Abshir Xuseen Cusmaan, waxa uu sheegay
in lacagta ay shirkaddu ballan qaaday aan wax shuruud ah ku xirnayn,
haddii la xayaysiisyo iyo haddii kaleba waa sadaqo, ayuu yiri. Haddaba bahda
SomaliTalk siday ballan qaaday xayaysiiskii shirkadda Tabouk
ka akhri halkan
 |
Hadaanu nahay reer Melbourne, waxaanu soo dhamaynay,
anagu, dhakhtarkii qali lahayd, cisbitaalkii lagu qali
lahaa iyo kharajka joogitaankeeda waddankan Australia.
Waxaa kale oo na sugaya, in aan kharajka qaliinka iyo
daawada bixino hadii nalooka baahdo. Sidaas darteed
waxaan Somalida qurbaha, iyo ganacsatada Somaliyeed
aan ka codsanayaa in ay ka qayb qaataan gabadhaan
kharajka lagu keenayo magaalada Nairobi oo loo baahan
yahay in la keeno si visa looga dalbo safaarada
Australia u fadhida magaalada Nairobi ee wadankaas
Kenya.
Waxaa loo baahan yahay kharajkii keenista iyo
ku haynta, iyo weliba barista arimaha caafimaadkeeda
kale, inta aan la siin visa-da, amaba dal ku galka
waddankaan Australia. Waxaan dawalada Federalka Ku
Meelkaarka ah, safaaradeeda ku taala magaalada
Nairobi, ka codsaneynaa, in ay gabdhaas ka caawiso,
sidii ay visa-da dal ku galka Kenya uga caawini
lahayd.
Cidii danayneysa, caawimid, amaba arinta gabadhaas,
waxaa ay la xiriirikaraan, hawl waddeenada United
Somali Women Organization, oo iyagu howsha gabadhaas
gacanta ku hayndoona inta ay ku sugan tahay waddankan
Australia. Hawl-wadeena hay’adan Somalida ah ayaa
waxaa ay shalay la shireen hawl-wadeenada hay’ada
gabadha keeneyeysa, waxaana ay isku afgarteen in
arinta Binti Jaylaani ay wadda wadidoonaan labaadaas
hay'adood. United Somali women Organization ayaa balan
qaaday in ayan wixii awoododa ah, marna ka
hagrandoonin gabadhaasi inta ay waddankan ku sugan
tahay. Waxaa ay balanqaadeen in ay abaabulidoonaan dad
ka shaqeeya, cisbitaal kuhaynta, dhakhaatiir la
shirka, uturjumida iyo ururinta dhaqaalaha qaliin ee
loo baahankaro. Waxaa xusud mudan in hay’adani ay si
gooni ah u codsatay in arinta gabadhaas in ay xil
gooni ah isga saaraan, lana wareegaan hawsha
gabadhaas, markaan ku jirey raadinta keenista gabadha
waddankan. Waxaana aad ugu faraxsanahay in ay dusha u
tuurteen ka shaqaynta daryeelka iyo caawinada
gabadhaas inta ay wadankaan joogto, kuna sugan tahay
gacata hay'ada oo iyadu masuuliyada guud qaaday,
hayneysana gabadhaas inta ay waddankan ku sugan tahay.

Ciise Dholowaa |
Waxaad kala xiriirikartaan United Somali Women’s
Organization hablaha kala ah, Fartuun Faarax oo ah
Gudoomiyaha hay,ada, taleefonkeeduna yahay
[0061431709398] iyo Zeinab Maxamud (Ubax Islaweyn) oo
ah ku xigeenka, taleefonkeeduna yahay [0061401802306].
Hadii kale, aniga ayaa igala soo xiriirikartaan
taleefonka ah [0061432385585] amaba emailka ah
imfarah@students.latrobe.edu.au aniga ayaa wixii
fariin u gudbindoona Fartuun iyo Zeinab.
Ciise Maxamuud Faarax (Dholowaa)
Belbourne, Australia
Tel: 00-614-0180-2306
Email:
imfarah@students.latrobe.edu.au
Faafin: SomaliTalk.com | May 31, 2007
LIFAAQ:
Bahda SomaliTalk.com waxay mahad gaar ah u
jeedinayaan dawladda Australia oo had iyo jeed si fudud fiisooyinka dal ku galka
ugu sahlayey carruurta Soomaaliyeed ee lagu soo daweynayo Australia. Waxa kale
oo aan u mahad celineynaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia oo markasta u
taagan garab siinta carruurta Soomaaliyeed. Si gaar ah waxaan ugu mahad
celineynaa ururka haweenka Soomaaliyeed ee ku sugan Australia oo xannaaneeya
carruurta bukaanka ah ee la geeyo Australia inta daweyntu u socoto ilaa lagu soo
celinayo Soomaaliya.
Waxa kale oo ammaan gaar ah leh Ciise Dholowaa
(PhD Candidate, School of Historical and European Studies, La Trobe University,
Bundoora.) oo markasta u istaaga carruurta ku tabaalaysan Soomaaliya sidii ay u
heli lahaayeen dhakhaatiir lagu daweeyo.
XUSUUSIN:
Binti Jeylaani waxaa hadda u bilowday sidii loogu
diyaarin lahaa safarkeeda Australia si loogu soo daweeyo, kaddibna loogu soo
celiyo dalkeeda hooyo. Waxaa hadda muhiim ah in la helo kharajkii lagu geyn
lahaa Nairobi, kharajkii inta uu u socdo baaritaanka caafimaad ee diyaarinta
Visa-da Australia iyo kharajkii ay ku joogi lahayd Nairobi - Waxaana arrintaas
laga sugayaa ummadda Soomaaliyeed sidii ay gacan uga geysan lahaayeen.
Binti jaylaani waxay ka soo jeeda qoys sabool
ah oo waxba aan heysan, waxaana hadda lagu xanaaneeyaa cisbitaalka Banaadir ee
Muqdisho, waxaana gabadhaas laga keenay degaanka Wanla-weyn kaddib markii ay ku
weynaatey Burada oo hadda ku taal ilaa laba sano, waxayna muslimiinya
Soomaaliyeed ka sugeysaa gargaar degdeg ah maadaama loo helay meel lagu daweeyo
in ay ka bixiyaan kharashka lagu geynayo Kenya iyo xanaanaynteeda inta ay
sugeyso safarka Australia.
Sawirada Binti Jeylaani ka
eeg halkan::: Faafin: SomaliTalk.com | May 31, 2007
Binti Jeylaani
waxay u baahan tahay Gargaar deg deg ah.
Qofkii ay
naxariisi ku dambeyso ha u gargaaro gabadhaani
-
Binti oo ay
buro aad u weyn ka soo baxday afka sida aad ku arki doontid sawirada
hoose, waxay ka soo jeeda qoys sabool ah oo waxba aan heysan, waxaana
hadda lagu xanaaneeyaa cisbitaalka Banaadir ee Muqdisho, waxaana
gabadhaas laga keenay degaanka Wanla-weyn, waxayna muslimiinya
Soomaaliyeed ka sugeysaa gargaar degdeg ah... Akhri warbixinta
hoose.....
Sawirada oo weyn halkan ka eeg....
Fadlan la
xiriir:
Amiin Yuusuf Khasaaro
Amiinkhasaaro@hotmail.com
Tel 002521-5532494 | Muqdisho
Mar aan booqdey
Isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir ayaan waxaan halkaasi ku soo
arkey gabar aad u dhibtoon oo lagu magacaabo Binti Jeylaani Maxamed oo
dadeedu tahay 16 sano waxay gabadhaani buro weyn uga soo baxey afka gaar
ahaan inta u dhaxeysa carabka iyo dhebxanaga waana buro qofkii arkaa uu aad
uga naxayo indhihiisana ay ilmo ku soo istaageyso.

Binti Jeylaani
Markii aan la
sheekeestey gabadhaasi waxay ii sheegtey in cudurkaani ay isku aragtey mudo
labo sano ka hor isla markaana maalin maalinta ka dambeysa ay soo koreysay.
Gabadhaani oo
xeran Xijaab amaba insha- Shareer ayaa in muda ah Xijaabkaasi ku qarineysay
cudurkaani halista ah mar aan weydiiyey in ay wax cuni karto iyo in kale
waxay Binti ku jawaabtey “Haa cuntada si fiican ayaan u cuni karaa iyo
weliba cabitaanada.

Binti Jeylaani iyo walaasheed
Binti Jeylaani oo
laga keenay Deegaanka Wanla-weyn ayaa waxaa isbitaalka haatan ku xanaaneeya
Maamulka Isbitaalka Banaadir. Sidoo kale gabadhaasi hadalkeeda waa mid
fasiix ah oo wareysiyada aan ka qaadayey si wanaagsan ayay uga jawaabeysay,
laakiin buradaasi halis ayey ku tahay caafimaadkeeda.
Dhakhaatiirta ka
howlgasha isbitaalka Banaadir Gaar ahaan Dr C/risaaq wuxuu inoo sheegey in
gabadhaani aan dalka waxba loogaga qaban Karin asagoo sheegay in hadii la
heli lahaa qalabka gabadhaasi wax loogu qaban lahaa uu wax ka qaban lahaa
balse taasi maanta ma heyno.

Binti Jeylaani burada afka ka soo baxday
Binti oo ka soo
jeeda qoys sabool ah waxba aan heysan ayaa waxa ay ka codsaneysaa bulshada
Soomaliyeed oo ku nool dalka iyo dibadaba inay gacan ka geystaan sidii
gabadhaasi looga qali lahaa Buradaasi.

Haddaba cidii
dooneysa inay gabadhaasi gacansiiso amaba u gargaareyso waxay kala soo
xiriiri kartaa.


|