June 1, 2007
- London: Mudaaharaad Lagu Qabanayo Halka Ay Ku
Shirayaan International Somalia Contact Group
- Kulankii 57 ee ururka Ciyaaraha Kubada Cagta (FiFa) oo Lagu Soo
Gebagabeeyay Zürich
- Daahir Riyaale oo 20 sano oo xarig ah
ugu bedeley Laba Nin oo ku xakunaa dil
- Xubno Ganacsato Ah Oo Ay Sirdoonka
Ciidamada Ethiopia Kala Bexeen Guryahooda .
- DFKMG: 100 Dumarka Somaaliyeed ah kama
qayb geli doonaan Shirka Talyaaniga
London: Mudaaharaad Lagu Qabanayo Halka Ay Ku
Shirayaan International Somalia Contact Group
Mudaaharaad Balaraan oo ayaa subaxa Talaadaha ah 05/06/07 10:30am ilaa 1:00pm
lagu qabanayaa ilinka hore ee wasaaradda arrimaha debeda Ingiriiska, halkaasoo
ay ku shirayaan Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya.Dadwaynaha
Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska ayaa loogu baaqayaa in ay si xoog
leh uga soo qaybgalaan mudaaharaadkaas oo ay wax kasta u soo daayaan si ay u
beeniyaan hadalkii Males Zenawi ee ahaa in inta badan Soomaalidu taageersantahay
Gumaysiga Itoobiya ee Soomaaliya.
Kooxda xiriirka Caalamiga ah ayaa ka koobaan wadamadda, Maraykanka, Ingiriiska,
Talyaaniga, Norway,
Sweden, Tanzania, Gudoonka Midowga Yurub, iyadoo si korjooge ah ay uga soo
qaybgalayaan Qaramada Midoobay, Jaamacada Carabta, IGAD iyo Midowga Afrika.
Codkaagu Saamayn ayuu leeyahay ee lasoo bax, u sheeg dunidda in aad Gumaysiga
Itoobiya diidantahay, codkaaga ugu gargaar walaalahaaga gumaysiga ka dhiidhiyey.
wixii faahfaahin ah kalasoo xariir A. Warsame on 07951414019 ama M. Suldan
07939952197. Email:
cabdirahman@hotmail.com
Cinwaanku waa: King Charles Street, London SW1A 2AH

Kulankii 57 ee ururka Ciyaaraha Kubada Cagta (FiFa) oo Lagu Soo
Gebagabeeyay Zürich
Waxaa Maanta 31 May Lagu soo gebagabeeyay Dalka Switzerland Xarunta
Ururka Fifa
Shirkii Sanadlaha Ahaa oo eey ku kulmaan xubnaha ururka fifa oo ka
koobna 208 Dalka
Waxaana Sanadkaan si buuxda uga midnoqday Dalka Montaneegaro ka
dib markii dadka dega dhulkii laysku oran jiray Yuguslaafiya eey
intiisa badan isbaheeysigii wadaga ee isu tagii dowladii Seerbiya
oo eey hoostagi jireen qowmiyadaha kala duwan eey noqatay dalkii ugu
danbeeyay ee ka baxa xeeyndabkii Seerbiya..


Shirkaa fifa oo eey ka soo qeebgaleeyn dhamaan 208 Dal ee xubnaha
Joogtada ka aha Marka laga reebo Dalka Kuweyt oon shirka soo xaderin
waxay doorteen Musharaxa keliya ee u sharaxnaa President Afarta
sano ee soo socoto Mr Joseph S. Blatter,ooy u tahay Malkadii
Sadexaad oo loo doorto Xilkaa,Waxaana ku xigeeno u aha wakiilada
Afarta Qaradood ee Aduunka.
TACSI TIIRAANYO LEH
Anigoo ah Aadan Khayr Jamac Sahal waxaan tacsi u diyaraa
reer xaaji abokor joofay iyo waxay dhaleen geeridi naxdinta lahayd
ee ku timi Ayeeyo Faaduma Cigaal Wacays oo habeenimadii xalay oo
tariikhdu ahayd 30/05/2007 ku geeriyootay magalada laascaanood.
waxaa kaloo tacsi taas la mida diyara
XUSEEN AADAN CALI KANEEC
C/LAAHI AADAN CALI KANEEC
YOONIS C/LAAHI C/RAXMAAN
DEEQ MAHAD XIRSI DHABIS
FARXAAN DAYR CABDI QAADH
MUSTAF C/QADIR AW MUUSE
XASAN CABDI JAMAC DHIBLE
AADAN CUMAR DHICIS
NAFISA CAWIL JAMAC
CAASHA MUUSE HAWD
FAADUMA MUUSE HAWD
XALIIMA MUUSE HAWD
DHAMAAN DADKANI OO JOOGA MAGALADA NAIROBI EE WADANKA KENYA WAXAY
ILLAAH UGA BARYAYAAN MARXUUMADA INUU JANADI FIRDOWSA UU KA WARAABIYO
EHELKII IYO QARAABADI AY KA GEERIYOTAYNA SAMIR IYO IIMAAN INUU ALLE
KA SIIYO
|
Dhinaca Soomaliya waxaa uga Wakiil ahaa wafdi Sadex xubnooda oo u
horkacayay Gudoomiyaha Xiligaan Said Mohamed Nuur (Muganbo)
K/Xigeenkiisa Ali Said iyo Xoghaya Ururka Abdiqani Said Carab. Iyo
Waliba wafdi sadex xubnooda oo ka socday Jabuuti.
Waxaana halkaa looga dooday Arimo dhinacyo badan Taabanaya oo ku
saaabsan xiriirka kubada cagta Fifa,Waxaana shirkaa kan xiga uu
noqondoona Magalada Sydney 2008 austaraaliya
Mustaf Bashir Gobdon
somalichradio@bluewin.ch
Xubno Ganacsato Ah Oo Ay Sirdoonka Ciidamada Ethiopia Kala Bexeen Guryahooda .
Wararka naga soo gaaraya suuqa ugu weyn waqooyiga magaalada muqdisho ee loo
yaqaano suuq bacaad ayaa la sheegayaa ganacsato ka shaqaysan jirtay suuqaasi ay
ciidamada ethiopia kala bexeen hoygooda oo lagu sheegay inay deganaayeen
deegaankaasi.
Ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah ayaa cadeeyey
in ganacsatadaasi oo magacyadooda la kala yiraahdo maxamed kediye ,iyo cumar ma
joojiye lagala baxay guryahooda islamrkaana lagu eedeeyey inay taageero dhaqaalo
siiyaan golaha maxaakiimta islaamka soomaaliyeed iyadoon la ogayn halka iyo
meesha ay ku sugan yihiin ilaa iyo haatan.
Sidoo kale ganacsatadan oo sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugan
deegaankaasi laga afduubtay ay sheegeen inay inay ciidamo Ethiopian ah ay kala
bexeen xalay fiidkii guryahooda oo sida ay sheegeen kamid ahaa xaafada suuq
bacaad ee waqooyiga caasimada muqdisho.
Mid kamida ganacsatadaasi ayaa kamid ahaa masuuliyiinta shirkadda faaruuq
Electric qaybteeda Suuq Bacaad .
Dhinaca kale tan iyo xiligii ay dowlada Ethiopia ka furatay safaarada cusub
islamrkaana calankeeda ka taagtay bartmaha caasimada ayaa la sheegayaa inay
kusoo qul-qulayaan sirdoonka xukuumada Ethiopia magaalada muqdisho si ay u
ugaarsadaan dadka lagu tuhmaayo shareecada iyo taageerida golaha maxaakiimta
islaamka soomaaliyeed.
Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili ay xubno ka kala tirsan sirdoonka maraykanka
iyo yuhuuda ay kasoo degeen garoonka macmalka ah ee jasiira loona gudbiyey
waqooyiga caasimada sida ay sheegayaan warar xog-ogaal ahi .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 1, 2007
Daahir Riyaale oo 20 sano oo xarig ah ugu bedeley Laba Nin oo ku xakunaa dil
Warsaxaafadeed ka soo baxay Somaliland ayaa sheegay in 20 sano oo xarig ah
loogu bedeley laba nin oo hore ay maxkamada Hargeysa ugu xukuntay dil kaddib
markii lagu soo eedeeyey dilkii dad ajnebi ah. Waxa kale oo warsaxaafadeedku
sheegay in xukunkii laga khafiifiyey 15 qof oo kale oo loo haystey waxa loogu
yeray "Argaggaxiso", saddex dadkaas ka mid ahna xabsiga laga siideynayo.
Warsaxaafadeedkuna waxa uu u qornaa sidan:
JAMHURIYADDA SOMALILAND
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland
31/05/07
Warsaxaafadeed
Maanta oo taariikhdu tahay 31/05/07, madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland,
Mudane dahir rayaale kaahin, isagoo cuskanaya Qodobka 90aad, faqradiisa 5aad ee
dastuurka jamhuuriyadda Somaliland iyo Qodobka 149aad ee xeerka ciqaabta guud,
markuu dhagaystay codsiyadii ay ku eheladii iyo qaraabadii dadkii geystay
falalkii argagixisada ahaa, markuu ka helay codsiyo ay ku eheladii iyo
dowladihii dadka Ajaanibka ee la laayay kuwaasi oo ay ku doonayaan in aan la
dilin dabiilayaashii gaystay falkii argagixisada ahaa, markuu dhageystay,
Tallooyinkii mas’uuliyiinta ay arintaani khuseyso, markuu tixgaliyay, codsiga ay
soo jeediyeen madax dhaqameedyo iyo wax garad kale oo dadweynaha reer Somaliland
ah.
Madaxweynuhu wuxuu garawsaday in Xukunkii Maxaabiista Laga dhigo sidan,
In la joojiyo labadii Xukunka dilka ahaa ku xukunnaa, looguna bedelo 20 sanno
oo xadhig ah.
1. Maxamed Cali Ciise iyo
2. Jaamac Cabdi Ismaaciil(kuutiye)
In shantii Xabsi Daa’imka ku Xukunnaa, loogu bedelo 15 sanno oo xadhig ah.
1. Axmed Cilmi Samatar
2. Cali Muuse Maxamuud
3. Daa’uud Saalax Iidle
4. Farxaan Cabdulle Maxamuud.
In Labadii min labaatanka sanno (20) ee xadhiga ahaa ku Xukunaa loogu bedelo
10 sanno oo xadhiga.
1. Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac (Indho-cadde)
2. Cabdiraxmaan Cismaan Yuusuf
In Saddexdii,min saddex iyo tobanka sanno (13) ee xadhiga ahaa ku xukunaana
loogu bedelo 6 sanno oo xadhig ah.
1. Maxamed Cabdi Xaamud (jacfar).
2. Yaasiin Khaalid Cismaan
3. Yaxye Cabdiraxmaan Cali
In laba ka mid ah, oo ku xukunaa ,laba iyo toban sanno (12) oo xadhiga ah
loogu bedelo 5 sanno oo xadhig ah.
1. Muuse Cali Yuusuf
2. Maxamed Sh.Ismaaciil Xassan
Saddexdii falkoodu ugu fududaa marka loo eego qaybtay ka qaateen dembigii
dhacay in la saamaxo iyaga.
1. Maxamed Ibraahim Axmed (laba Qumac)
2. Axmed Cali Xusseen (Axmed kayse)
3. Cabdillaahi Maxamed Axmed (Cabdillaahi Gaab)
Allaa Mahad Leh
Siciid Caddaani Mooge.
Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha
Warbaahinta iyo Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
Wararkii Shalay hoos ka akhri
Fadhigii golaha wasiirrada oo maanta cod buuxa
laysugu raacay inaanay dowladda federalka ka qeyb gelin shir ay qaban qaabisay
dowladda Talyaaniga
Shirkii golaha Wasiirrada ay maanta isugu yimaadeen ayay si weyn uga doodeen
arrin ku saabsaneyd dowladda Talyaaniga oo iyadu horay u shaacisay in 100
xubnood oo haween ah oo Soomaali ah ay u qabaneyso shir ka dhacaya dalka
Talyaaniga.
Sida ay sheegtay wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Dalka
Talyaaniga Patric Sentinelli in magaalada Roma ee dalka Talyaaniga uu ka dhacayo
shir dowladda Talyaaniga ay u qabaneyso 100 ruux oo haween ah oo Soomaali ah,
kaasoo ay sheegtay in ay ku casuumeyso.
Goluhu waxa uu si weyn uga dooday arrintaasi, waxaana dood dheer iyo falanqeyn
kaddib leys tusay in dowladda Talyaaniga oo xiriir dhow uu kala dhexeeyo
dowladda Soomaaliya ay dhinac martay hannaankii diblomaasiyadeed ee caalamiga
ah, isla markaana qabashada shirkaasi ay sheegtay dowladda Talyaaniga ay ku soo
beegtay shirka dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed, sidaas darteed Goluhu
wuxuu isku raacay inaanan haba yaraatee marnaba shirkaasi la soo marinin
dariiqii loo baahnaa iyo nidaamka dowladnimo, uuna yahay mid marin habaabin ah.
Sidaas darteed Goluhu wuxuu go’aamiyay inaanan sinaba shirkaasi looga qeyb geli
karin, sidaasna uu ku fashilmay mar haddii la dhinac maray nidaamkii dowliga
ahaa ee labada dal, balse dowladda Soomaaliyeed aanay ka hor jeedin in dowladda
Talyaaniga ay qabato shir.
Shirkii golaha wasiirrada oo uu shirgudoominayay ku simaha ra’iisul wasaaraha
ahna wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda Xasan Abshir Faarax oo lagu
ansixiyey sharcigii saxaafada iyo miisaaniyad bileedkii bishii jun ee dowlada
Shirkii golaha wasiirrada Dowladda federalka Soomaaliya oo uu shirguddoominayay
ku simaha ra’iisul wasaaraha Xasan Abshir Faarax ayaa looga hadlay qodobbo dhowr
ah, waxaana qodobadaasi ka mid ahaa: Miisaaniyad bileedka dowladda federalka,
iyadoo ay wasaaradda Maaliyadda soo hordhigtay kulankii maanta, waxaana golaha
hortooda ka akhriyay agaasimaha Guud ee wasaaraddaas Axmed Max’ed Max’ud iyo
agaasimaha Miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyadda Dr. Xasan Cabdulle Kulmiye.
Miisaaniyad bileedka ay soo diyaarisay wasaaradda Maaliyadda bisha Juun 2007da
ayaa aheyd Shan Milyan oo dollar una dhiganta 85 Bilyan oo shilin Soomaali ah,
waxaana dood dheer iyo falanqeyn kaddib goluhu uu ku ansixiyay cod aqlabiyad ah,
waxaana ammaan iyo bogaadin loo jeediyay wasaaradda Maaliyadda oo iyadu soo
diyaarisay shaxda Miisaaniyadda.
Dood dheer iyo falanqeyn kaddib Golaha wasiirradu wuxuu cod buuxa ku ansixiyay
miisaaniyad bileedka oo la soo hordhigay, wuxuuna isku raacay in kaalin mug leh
laga siiyo miisaaniyaddaas hay’adaha amniga iyo nabad gelyada.
Golaha wasiiradu waxay cod buuxa ku ansixiyeen sharcigii saxaafada lagu dhaqi
lahaa oo wasaaradda Warfaafinta iyo Xubno ka tirsan saxaafadda madaxa banaan ay
soo wada diyaariyeen, kaasoo golaha wasiirrada horay loogu gudbiyay, waxaana
maanta isku raacay cod buuxa.
Wasiirka Warfaafinta Madoobe Nuunow ayaa ka hor akhriyay golaha Wasiirrada
qodobada uu ka kooban yahay sharciga saxaafadda, sidoo kalena waxaa halkaasi
caddeymo ka bixiyay Avv. Zakariye Max’ed Sheekh oo ah garyaqaan, wuxuuna goluhu
isku raacay markii uu dhageystay qodobadaas in sidiisa loo qaato sharcigaas
muddo seddax bilood kaddibna la hordhigo fadhiga golaha baarlamaanka federalka
Soomaaliya.
Gabagabadii kulankaasi golaha wasiirrada ay isugu ymiaadeen waxay ku dhageysteen
warbixin ku saabsaneyd Guddiga dhaqaalaha ee dhowaan la magacaabay iyo heerka uu
marayo waxqabadkooda.
Ra’iisul wasaaraha dowladda Federalka Soomaaliya prof. Cali Max’ed Geeddi ayaa
soo gaaray magaalada Addisababa ee dalka Itoobiya
Ra’iisul wasaaraha dowladda Federalka Soomaaliya ayaa haatan ku sugan magaalo
madaxda dalka Itoobiya ee Addis-ababa, isagoo ka soo kicitimay magaalada Abuja
ee dalka Nigeria, halkaas oo uu kaga qeyb galay caleemo saarkii madaxweynaha
cusub ee dalka Nigeria.
Ra’iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya Prof. Cali Max’ed Geeddi waxa uu kulan
kula leeyahay magaalada Addisababa ee dalka Itoobiya ra’iisul wasaaraha dalkaas,
iyagoo ka wada hadlaya xiriirka ka dhexeeya labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya.
Sidoo kale ra’iisul wasaaruhu waxa uu kulan kula leeyahay halkaas guddoomiyaha
ururka Midowga Afrika Mr. Alpha Omar Konari, iyadoo labada masuul ka wada
hadlaya sidii loo dhameystiri lahaa ciidamadii Midowga Afrika loogu deeqay dalka
Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu gaaro magaalada
Nairobi halkaasna uu kulamo kula yeesho madaxda haya’daha caalamiga ah ee ku
sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Ra’iisul wasaare Cali Max’ed Geeddi marka uu dhameysto booqashooyinkaasi uu ku
kala bixinayo dalalka Itoobiya iyo Kenya waxaa uu tagi doonaa magaalada London
ee dalka Ingiriiska halkaasoo shir uga furmi doona Kooxda Xirirka Soomaaliya
(Somali Contact Group) kaasoo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623
May 31, 2007


|