SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Taariikh Nololeedkii Marxuum Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo ahaa Wasiirkii Amniga Qaranka Soomaaliyeed

1942, ayuu ku dhashay Degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

1947, wyxyy waxvarasguuduu Barashada Diinta Islaamka ku qaatay isla degmadaasi B/weyne

1949, wuxuu tacliintii Dugsiga Hoose ee Talyaaniga ku soo qaatay Degmada B/weyne

1960-68-kii, wuxu ku biiray ciidanka Booliska Soomaaliyeed, wuxuuna ka soo kala shaqeeyey, Degmooyinka:
Waajid iyo Xudur, xilligaasoo uu ka mid ahaa ciidamada Daraawiishta, wuxuuna ka qeyb galay dagaalkii 1964-tii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo helay Derejeda Sarkaal Xigeen, isla markaana wuxuu sii watay tacliintiisii illaa Dugsiga Sare.

1969-kii, wuxuu ku wareegay ciidankii Xogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna tababaro maamulka lacagta ah ku soo qaatay dalka Talyaaniga.

1970-75-kii, wuxuu ka baxay maamulka lacagta qeybta 26-naad oo uu ku gaaray Derejada Xiddigle.

1976-80-kii, wuxu ahaa madaxa maamulka lacagta Qeybta 26-naad oo uu ku gaaray Derejada DHAMME.

1980-81-kii, wuxuu ka soo sahqeeyey Hay’adda nabadgalyada GAashaandhiga (HANGASH).

1981-84-kii, wuxuu ahaa Guddoomiyaha degmada Qandala ee Gobolka Bari.

1984-86-kii, wuxuu noqday Guddoomiyaha Degmada B/weyne ee Gobolka Hiiraan.

1986-88-kii, waxaa loo magacaabay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe, wuxuuna qaatay Derejeda Gaashaanle sare.

1988-89-kii, wuxuu noqday guddoomiyaha gobolka Jubbadda dhexe.

1989-91-kii, wuxu ahaa Guddoomiyaha gobolka Bari ee Bosaaso.


1991-kii, markii ay burburtay dowladdii jirtay wuxu isku howlay nabadeynta beelaha Soomaaliyeed, wuxuuna ahaa guddoomiyihii shirweynihii beelaha Hawiye ee ka dhacay Hotelka Guuleed, isla sanadkaa wuxuu noqday shir guddoonkii.

Shirweynihii Dib-u-heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed ee lagu qabtay Dalka Jabuuti, kaasoo lagu soo dhisay dowlad Qaran oo uu madaxweyne ka ahaa mudane Cali Mahdi Maxamed.

1991-2009, wuxuu xildhibaano ka soo kala noqday dowladdii TNG oo uu ka soo ahaa Wasiirka lacagta, TFG iyo tan Midnimada Qaran oo uu ahaa Asiirkii Amniga Qaranka ee dhexa u xirtay sidii uu dalka ugu soo celin lahaa xasilooni iyo kala dambeyn.

Marxuumku wuxuu ifka kaga tagay xaas iyo 42 caruur ah oo isugu j ira wax uu dhalay iyo waxay sii dhaleen, waxaana ILLAAH uga baryeynaa in u naxariistiisa janno ka waraabiyo, ummadda Soomaaliyeed iyo qoysaskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan alle ka siiyo.

INNAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

LIISKA MAS’UULIYIINTII KU EERIYOOTAY MASIIBADII SHALAY KA DHACDAY DEGAMDA BELEDWEYNE

1. xildhibaan Cumar Xaashi Aadan Wasiirkii Amniga Qaranka
2. Ambassador C/kariin Faarax Laqanyo
3. G/le sare Maxamed CAbdi Yarow (Shanle)
4. G/le sare Maxamed Barre Fiidow
5. G/le SAre Cumar Xasan Dhudi (Taliyaha Ciidanka ASlubta G/Hiiraan)
6. Col. Yuusuf Xuseen (Timacadde)
7. Nabadoon Faarax Cabdulle Fiidow
8. Nabadoon Xasan Biriqow
9. Nabadoon Xasan Cilmi Hurre (Dirir)
10. Nabadoon Axmed Carrabey
11. Nabnadoon Cilmi Shire
12. Abwaan Maxamed CAbdi Cibaar
13. Abwaan CAbdi-dhuux Guure CAli
14. GAnacsade Buulle Xaashi Aadan (Wasiirka Walaalkiis)
15. Eng. Cabdifitax Cali Xaydar

Iyo 23 ruux oo isugu jira Saraakiil iyo illaaladii Wasiirka

garaadcadde salaad <garaadcadde@gmail.com>

Faafin : SomaliTalk.com | June 20, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya

:SOMALIA: STOLEN FOOD AID:
deeq
Video: Deeqda/cuntada la xado Qaxootiga Soomaaliya. Daawo



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version