SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Taariikh Xusid mudan: Prof. Ibbi (2007) vs Xukuumadda uu Ra'iisul wasaare xigeenka ka yahay Prof. Ibbi (2009)

(June 20, 2009) xukuumadda uu ra'iisul wasaare xigeenka ka yahay Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi) ayaa codsatay in ay Soomaaliya soo galaan ciidamada dalalka deriska la ah Soomaaliya, oo ay ku jirto Itoobiya oo hor dhul uga haysatay Soomaalida. Prof. Ibbi xilligii uu ka tirsanaa Isbahaysigii dib u xoraynta si Itoobiya looga xoreeyo Soomaaliya hadaladdiisii waxaa ka mid ahaa "Maanta ayaa loo baahan yahay in aan samayno takoorkii runta ahaa, waa la kala baxayaa maanta, qofka aad taqaanaan in uu u hiilinayo XABASHI ama QABIIL, guur ma galo oo GABADHIISA lama geyo, lama guursan karo, gabadha ka soo baxdana waa kuwa xuural-caynta la dhahayay'e taasna gacan ku siiya, gabdhahaa ka fiican wiilsha xunxunka ah'e, guur ma galaan oo wiilku guur ma galo, oo waa la takoorayaa Insha Allahu tacaalaa, tusbax go'ay Allah haka dhigo wax Alla iyo wixii taageera." Sidaas waxa uu yiri Nov 2007 mar uu la hadlayay Soomaalida Minneapolis.

Khudbadii 2007 uu ka jeediyey Minneapolis, daawo

Somalia - Prof. IBBI's Speech - Part 1

Somalia - Prof. IBBI's Speech -Part 2

Somalia - Prof. IBBI's Speech -Part 3

Somalia - Prof. IBBI's Speech -Part 4

Somalia - Prof. IBBI's Speech -Part 5 (hoos ka daawo)


Prof. Ibbi wixii uu ka aaminsanaa Itoobiya ka hor intii uusan wasiirka/Ra'iisul wasaare xigeen ka noqon DFKMG


  • June 2009: DFKMG oo Dalalka Deriska oo ay ku jirto Ethiopia ka Codsatay in ay 24 saac Gudahood Ciidamo ugu soo diraan Soomaaliya... Akhri/Dhagaysi...

Aan hadda markale jalleecno taariikhda, 2007.....

Sharci darrada ay Dawladda Itoobiya ku qabsatay Soomaaliya (Prof. Ibbi) - Nov 2007 (Minneapolis)

prof ibbi
 Prof. C/raxmaan Xaaji Aaden Ibbi

(Qoraalkani waxa uu qayb ka ahaa warbixin dheer oo SomaliTalk 2007 ka qortay booqasho Ibbi iyo xubno ka tirsanaa Isbahaysigii casmara ay ku yimaadeen Minneapolis.. Qoraalkaas oo dhan ka akhri halkan).

Kaddib waxaa madasha kulanka lagu soo dhoweeyey Prof. C/raxmaan Xaaji Aaden Ibbi oo ka tirsan Isbahaysiga Dib u xoraynta Soomaaliyeed qaybta xiriirarada dibada iyo dib u heshiisiinta oo ku xeel dheeraaday sidii ay Itoobiya ku soo gashay Soomaaliya, waxana uu yiri:

Masuuliyadda soo gelitaankii xabashida waxaa qaadaya ummadda Soomaaliyeed oo dhan.  17kii sano ee ugu dambeeyey xabbad kasta oo aan isku dileyney waxaan ka heli jirney xabashida.. Raggu waa dagaalami jirey, dumarkuna waa alalaasi jireen...

Waxana uu markaas xusay sidii Itoobiyaanka lagu soo geliyey Soomaaliya in ay ahayd hab sharci darro ah, waxayna u dhacday, ayuu yiri sidan:

Khudbadii ugu horeysey ee uu la yimid C/Laahi Yuusuf (markii la doortay) waxaa ku qornayd in loo baahan yahay 20,000 ciidamo ah in Soomaaliya la geeyo. Waxaa lala yaabay maadaama uusan ogeyn in la dooran doono sida uu qoraalka dheer u soo diyaarsaday oo ay ku qoran yihiin tiradaas ciidamada ah.. Waxaan ilowney 1978 - yaa Balanballe suray calanka Itoobiya, C/laahi Yuusuf, Soomaaliya wa ilowsiiyo dhowdahay, ayuu yiri Prof. Ibbi.


Xubanaha Baarlamaanka DFKMG oo kuraas isla dhacaya March 17, 2005

Waxana uu xusay sida baarlamaanku isugu dagaalay "Yaan la keenin ciidamao safka hore iyo hala keeno" oo muran weyn iyo feer ka dhex dhacay xubnaha baarlamaanka.

Arrintu waxay soo jiitantoba waxaan nimid Baydhabo, ayuu yiri. Markan nimid waxaa habeenkiiba Baydhabo soo galay 70 ciidan ah .. AMHARO KOYTEE.. ayaa reer Baydhabo ku waaberiisteen.

Prof. Ibbi waxa uu yiri: Haddii aan wax yar idiinka sheego qaabka ay yihiin xubanaha baarlamaanka DFKMG waa:

  • 90 waa dad hanuunsan, kuwaas oo ka badbaadey xulashadii Itoobiyaanka, (waa kuwo u fekera si xor ah)
  • 90 Addis Ababa ayey Itoobiyaanku kala yimaadeen - ku fikira fikirka Itoobiyaanka
  • 90 waxay raacaan hadba dhankii xoogga weynaada labadaas kooxood ee sare...

Haddaba, Waxaa markii la yimid Baydhabo la bilaabay in moshin la keeno Baarlamaanka ay ku saxiixan yihiin ilaa 27aad (waa fikirka 90kii laga keenay Addis Ababa).. Waxaa ujeedadu ahayd in ciidamo shisheeye la keeno Soomaaliya oo ay ku jiraan safka hore... Durbadiiba 20 kale oo xildhibaan ayaa baarlamaanka keenay mooshin ah in cod bixintu ahaato qarsoodi...

Sidaas ayaa 14kii Juune 2006, waxaa 125 xildhibaan u codeeyeen in ciidamo shisheey la keeno Soomaaliya, ciidamadaas oo la kala soocin.

Halkaas waxaa uu ku muujiyey Prof. Ibbi in "Intii aan tashaneyney xabashiduna waa tashaneysey." Waxana uu yiri C/laahi Yusuuf waxaan ku iri "xitaa biya-tooni kuuma noqonayo."..

Prof. Ibbi waxa uu dadkii shirweynaha ka soo qayb galay shaashadda ka tusiyey warqaddii uu qoray guddoomihii Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aaden. Waxana uu Ibbi yiri: Warqadasas markii loo geeyey madaxweynaha ayaa madaxweyanaha iyo ra'iisulwasaarhuhu waxay ka bedeleen sidii ay ahayd waxayna sameeyey mid macmal ah (foojeri) taas oo ay u geeyeen UN-ta markii ay safarka ku tageen Maraykanka.

Warqaddii saxda ahayd ee uu saxiixay guddoomiyihii baarlamaanku waa tan, ayuu yiri prof. Ibbi.

Warqadda  oo weyn halkan ka eeg...

Prof. Ibbi waxa uu sheegay in UN-ka loo geeyey warqad kale oo la macmalay, balse warqaddii saxda ahayd waa tan sare..

Wixii dhacay waa dheceen... waa ciqaab, ayuu yiri Ibbi... haddaan dib ugu noqono Allah, dhibka waa ka bixi doonaa, insha Allah..

Prof. C/raxmaan Ibbi oo taageeraya hadalkii Sakariye ee ahaa in dhaqaalaha lagala dagaalamo Itoobiya, waxa uu yiri: Itoobiya waxaa ka furan sagaal xawaaladood, ha tagaan Jabuuti.. aan jabuuti dhisno.. Safaarad kasta ayaa Jabuuti kutaal oo dadka Fiisayaasha diraya ay ugu hagaajin karaan ehel kooda ee Jabuuti hala tago meeshii laga tegi lahaa Addis Ababa.

  • Qof dadkii madasha joogey ayaa yiri: Xajka ayaa lagu adaa Diyaaradaha Ethiopian Airline ee ka waran. Waxa uu ku jawaabey; XAJKIISU HA BAAQDO QOFKII RAACA ETHIOPIAN AIRLINES..

Prof. Ibbi waxa kale oo uu xusay in Dumarka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo dhisay dalka wax weyna ka geystey bulshada. Taas oo uu ku amaanay dumarka Soomaaliyeed.

Dhanka kele waxa uu xusay in arrinta Soomaaliya ay hadda meel xun mareyso waxana uu xusay qiso dadkii shirka joogey kaga yaabisay, kana xanaajisey, markalena ku abuurtay caloolyow, qisadaas oo ahayd:

Nin Xaaskiisii yiri u tag Xabashi!

Qisadan ayaa ka dhacday meel ka mid ah Soomaaliya, ayuu yiri. Nin saarkaal Xabashi ah ayaa magaalada ku arkay qof asturan, markaas ayuu inta uu ninki haweentaas qabey u yimid waxa uu ku yiri: War ninyohow waxaa la sheegayey AIDS iyo wax la mid ah, qoftaada ayaa asturan ee aan la seexdo.. Ninkii inta uu xaaskisii u tegey ayuu weydiistey sidii la soo amray.. Gabadhii inta ay il iyo labadeed baal ninki goysey ayey ku tir dayuusyohow iga tag. Xaaskaagiina ma ahi laga bilaabo hadda. Arrintii waxay gaartey wax loogu yeero in loo fariisiyo oday dhaqameedyo.. taas oo dulaysi kale ah..

Gabadhii oo dhawr carruur ah haysata waa soo carartay, waxayna hadda joogtaa Nairobi.. Waxaan ku niri ayuu yiri carruurta ninkaas magaciisa ka bedel dulliga ah si aysanba weligood ugu abtuirsan... maanta ayey taagan tahay nasab dhimankii rasmiga ahaa in la hayo...

Ninkii taageera Xabashi waa in la takooro, waa in aan la guursan gabdhohooda, guntii rasmiga ahayd weeye, tusbax go'ay Allah ha dhigo wixii xabashi gacan siiya, ayuu ku yiri. Dadka masaajida Muqdisho dhexdooda ayaa lagu qowracaa.. Maanta waa maalintii la kala baxayey.

Faafin : SomaliTalk.com | Nov 25, 2007

Hadalkii Sheikh Shariif ka jeediyey Qaahira isagoo xilligaas sheegay in Itoobiya ay xasuuq ka gaysatay Muqdisho, Hadalkaas oo jaamacadda Qaahira ay ku siisay billad... waa xilligii uu ahaa guddoomiyaha isbahaysigii dib u xoraynta Soomaaliya...

Hadalkii C/risaaq Xaaji Xuseen ka yiri duulaankii Itoobiya

Sheikh Shariif Fikirkiisii ku aadana Itoobiya iyo Qabqablayaashii dagaalka ka hor intii uusan Noqon Madaxweynaha DFKMG.

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya

:SOMALIA: STOLEN FOOD AID:
deeq
Video: Deeqda/cuntada la xado Qaxootiga Soomaaliya. Daawo



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version