SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

Maxamed Cali Nuur “Americo”. “Dalka Kenya waxa ku sugan Dowladaha iyo Safaaradaha daneeya arrimaha Somalia, midda kalle Kenya waxaa soo mara siina mara Madaxda dowladda marka arrimahaas oo dhan ayay safaaradda muhiim u tahay”.

Waraysiga waxaa qaaday Ibraahim Da’ud Abdalle, Somalitalk-Nairobi

Waxaa noo suura gashay in aan Waraysi la yeelano Maxamed Cali Nuur “Americo” oo ah Safiirka Somali ee dalka Kenya u fadhiya. Mudane Maxamed Cali ayay dowladda Somalia u magacaawday in uu noqdo safiirka Somalia ee dalka Kenya u fadhiya.

Mudane Mohamed Ali Nuur "Americo", safiiirka somalia ee dalka Kenya u fadhiya.

Kadib bur-burkii dalka ka dhacay sanadii 1991 wixi ka danbeeyay ma jirin Safaarad la aqoonsanyahay oo ay Somalidu ku laheed dalka Kenya. -Iyadoo waliba dhulkii hore ee Safaaraada Somali ee magaaladda Nairobi la iibsaday haatana safaaradda somalida ee Kenya ay dagantahay Guri ku yaala xaafadda Hurlingham iyadoo ijaarka gurigana ay bixiyaan Midowga Yurub.

Dowladii Abdulaahi Yusuf Axmed ee FKMG ah lagu soo dhisay dalka Kenya ayaa sanadkii 2005 dib u furtay safaradii Somalida ee dalka Kenya ku laheed. Kadib markii la furay safaaradda Somalia ee Kenya ku leedahay waxaa isla markaasba loo magacaabay Maxamed Cali Nuur “Americo” in uu safiir Somalia ooga noqdo dalka Kenya ilaa haatana ah safiirka Somalida ee dalka Kenya u jooga.

“Dalka Kenya waxa ku sugan Dowladaha iyo Safaaradaha daneeya arrimaha Somalia, midda kalle Kenya waxaa soo mara sii mara Madaxda dowladda marka arrimahaas oo dhan ayay safaaradda muhiim u tahay” ayuu yiri Maxamed Cali Americo.

Xiriirka Safaaradda iyo Somalida Kenya ku nool.

Inta badan Somalida ku dhaqan dalka Kenya waxa ay ku kala qeybsanyihiin qeybo kala duwan, tusaale ahaan dadka Somalia ka yimaada waxa loo yaqaana in ay yihiin Somalida saxda ah, balse Somalida dalka horay ugu noolan jirtay Kenya ama ku dhashay magaalooyinka ay ka mid yihiin Garrisa, Mandheere, Wajeer iyo meelo kalle oo Kenya ka tirsan waxaa loogu yeeraa “Somali Sujuu”, sidoo kalle waxa jira Somali fara badan oo ka yimid Qurbaha. Waxas oo dhan sideey safaaradda ula xariirtaa.?

Inta badan Somalida ka timaada dalka Somalia ayaa xariir wanagsan la leh safaaradda, balse way jiraan dad Somalia ah oo ku dhashay Kenya oo safaaradda xiriir wanagsan la leh.


Wariye Ibraaim Da'ud Abdalle oo ku sugan banaan hore ee dhismaha Safaaradda Somalia ee dalka Kenya.

Safaaradda waxay dadkan kula xariirta inta badan Warbaahinta, magaaladda Nairobi waxa ku yaal labo idaacad oo afka Somaliga ku hadla, labadan Idaacad waxa ay kala yihiin Idaacadda Frontier FM iyo Star FM oo labaduba ay Somalida dalka Kenya ay leeyihiin.

Dhan kalle sida uu inoo sheegay Maxamed Cali “Americo” safaaradda waxay dhawaan 23 Ton oo Cunooyin kalla duwan ah gaariisay Qaxootiga Somaliyeed ku dhaqan xadka dalka Kenya iyo Somalia ay wadaagaan, isagoo intaas ku daray in mar walba uu bulshada Somaliyeed uu ku waaniyo in ay wax u qabtaan dadka Somaliyeed ee Xerooyinka Qaxootiyadda ku dhaqan.

Dhibaatooyinka Somalida soo wajaha.

Bur-burkii iyo kala yaacii ka bilwooday Somalia sanadkii 1991 ilaa iyo xilligan dalka Kenya waxa soo galaya Somali ka soo Qaxaya dhibaatoyinka dalka ka sii socda. Xadka Somalia iyo Kenya waxaa wali ku nool Qaxooti fara badan oo Somali ah iyadoo waliba xilligan oo ay dagaalo ka socdaan Koonfurta iyo Bartamaha Somali ay Qaxooti cusub ay soo gaareen Xerooyinka xadka Kenya iyo Somalia ku yaal.

Kenya waxaa ku nool wali Somali aad u fara badan waxaana soo waajaha dhibaatooyin wax ka qabashada arrimahaas ayaan wax ka waydiiyay safiirka.?


Ibraahim Da'ud Adablle oo dhinac taagan safiirka Somalia ee dalka Kenya Mudane Maxamed Cali Nuur

“Shacabka Somaliyeed waan u sheegnaa in dalka Kenya aysan soo galin sharci daro, dowladda Kenya waan kala hadalnay in xuduudka ay Somalia ay la wadaagto in ay furto, inkastoo Kenya wali aysan si toos ah xadka Somalia u furin, waxan oo dhan ma dhici laheen haddii dalka Somalia ay dowlad ka jiri laheed”. Ayuu yiri Maxamed Ali Americo.

Baasaboorka Somaliga iyo Dowladda Kenya.

Dowladdii uu Madaxwaynaha ka ahaa Mudane Abdulaahi Yusuf waxa ay soo bandhigtay/saartay Baasaboor cusub oo badali doonaa Baasaboorkii hore, xarumaha ay DFKMG ay u qorsheeysay in Baasaboorka Somaliga in laga bixin doono waxaa ka mid ah safaaradda Somalida ay ku leedahay dalka Kenya.

Sanadkii 2007 ayay dowladda Kenya ay aqoonsatay Safiirka Somalia u fadhiya dalka Kenya Mudane Maxamed Ali Nuur . safiirka ayaa sheegay in dowladda Kenya ay tahay dowladii ugu horeeysay ee aqoonsata safaaradda iyo Baasaboorka Somaliga iyadoo ay ugu danbeysay dowladda dalka Talyaaniga oo noqday dowladii ugu danbeysay ee aqoonsata Baasaboorka Somaliga ah, iyadoo safarkii ugu danbeeyay ee Ra’iisul wasaaraha DFKMG ah.

Inkastoo ay dowladda Kenya ay sheegtay in ay aqoonsatahay Baasaboorka Somaliga ah, wali waxaa muuqana in Kenya aysan 100% aqoonsan Baasaboorka Somaliga ah. Waaxda socdaalkaa ee Kenya Somalida waxay kala kulmaan dhibaatooyin fara badan.


safiirka somalia Maxamed Ali Nuur oo u waramaya Wariye Ibraahim Da'ud Abdalle.

Waaxda socdaalka ee dalka Kenya ayaa marar badan Xabsiga u taxaabay dad badan oo Somali ah, dadkan ay xabsiyada dhigeen waxaa ka mid ah Somali badan oo heesto Baasabooro dalalka UK, USA, Canada iyo dalal kalle. Iyadoo safiirka oo aan wax ka waydiiyay arrintaasn uu sheegay in safaaradda ay kalla hadashay waaxda socdaalka arrimhaas.

Dhawaan ayay aheed markii waaxda socdaalka ee Kenya ay Baasaboorka dalkeeda ay kala laabatay Shariif Hassan oo ah Wasiirka Maaliyadda ee dowladda Somalia.

Burcad badeeda iyo dowladda Kenya.

Wadamada Midowga Yurub ayaa dowladda Kenya heshiis kula galay in Burcad badeeda laga soo qabto xeebaha Badweynta India in lagu Maxkamadeeyo dalka Kenya. Ku dhawaad 100 dhalinyaro Somali ah laguna eedeeynayo in ay Burcad badeed yihiin ayaa xabsiyada dalka Kenya ku jira. Arrintan ayaa wax ka waydiiyay Safiirka wuxuuna ii sheegay in ay la socdan arrimahan isla markaana Safaaradda ay dad u dirtay meelaha lagu Maxkamadeeyanayo Burcad badeedka si aan ula socono xaalka au ku suganyihiin dhalinyaradda Somalida ah.

Warbaahinta Kenya iyo arrimaha Somalia.

Warbaahinta dalka Kenya sida NTV, KTN oo ah labada TV ee ugu caansan iyo labada Wargees ee lagu kalla magacaabo Daily Nation iyo Stander ayaa inta badan waayadan ka hadlayay arrimaha Somalia, tusaale ahaan Wargeeska Daily Nation ayaa qoraal uu soo daaabacay dhawaan wuxuu ku sheegay in ay jiraan Ganacsato badan oo Somali ah oo xiriir laleh ururka Al-Qa’ida iyo kooxaha ka dagaalama Somalia, sidoo kalle wargeeska ayaa marar badan wax ka qoray arrimaha bur-cad badeeda isagoo sheegay in Somalida ay dhib ku hayaan dalka Kenya gaar ahaan in ay Maciishadda iyo nolasha caadiga ah ay Qaali ka dhigeen lacagaha waalan ee Somalida heestaan.

Arrimahaas oo aan wax ka waydiiyay safiirka ayaa ii sheegay in ay kala cabasho dowladda u gudbiyeen jawaabna ay ka sugayaan, isagoo safiirka intaas raaciyay in somalida ku dhaqan Kenya aysan wax xiriir ah la laheen bur-cad badeeda ka jirta Somalia hoostana ka xariirqay in ay somalida Burcad badeed oo aan jirin ay ganacsato ay ahaan jireen.

Kenya iyo Dhulbadeedka Somalia

waxaa bogga Qarammada Midoobay 10kii Maarso 2009 lagu daabacay qoraal ay Kenya u dirtay UN-ta qaybta u qaabilsan Xadaynta Badaha. Qoraalkaas oo ay la socdaan cabbiro iyo khariidado muujinaya in Kenya ay xadkeeda ku darsatay dhul-badeed ballaaran oo ah badda Soomaalida. Wareegto ka soo baxday Dawladda Kenya, 22kii July 2005, laguna baahiyey faafinta rasmiga ah ee dawladda (Kenya Gazette, No. 55), waxaa ku qoran cabbirro iyo khariidad si cad u muujinaya in Kenya ay si bareer ah u cabbiratay dhul-badeedka Soomaalida.

Wareegtada oo 9kii June 2005 uu saxiixay Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki, qodobkeeda 1aad, farqadda (b) waxaa ku qoran in xadka dalkiisu dhanka badda kala wadaago Soomaaliya ay xadayso Koonfurta Jasiiradda Lama-Shaaqa oo dhacda Loolka 1°39'34"S. Loolkaas oo u soconaya Jihada Bari, sida ka muuqata khariidadda hoose oo qayb ka ah wareegtada Kenya. Waxaana jira qoraal ay xukuumadda Kenya u dirtay Qarammada Midoobay 25kii April 2006 kaas oo xusatay wareegtadaas. <Xigasho somalitalk.>.

Haddaba arrimahan ayaan wax ka waydiinay safiirka Somalia ee dalka Kenya u fadhiya isagoo yiri sidan “Anigu garyaqaan maahi, Heshiiska is afgaradka ee Somalia iyo Kenya ay wada galeen kama fahmin in Badda somalia ay Kenya ku xadgudubtay”.

Aqristayaal/dhageestayaal intaas ayuu ku dhanyahay waraysigii aan la yeelanay safiirka Somalia ee dalka Kenya u fadhiya Maxamed Ali Nuur “Americo”.

Hadduu alle idmo la soco todbaadka danbe waxaa marti inoo ah Sheikh C/raxiim Ciise Cadow oo ah Afhayeenka Midowga Maxaakimta ee Somalia.

Waxaa waraysigan idiin soo diyaariyay.

Ibraahim Da’ud Abdalle
Somalitalk-Nairobi
sayfudiin@hotmail.co.uk
ibraahim@journalist.com

qoraalkan waxaa iga caawiyay Saciid C/kariim Sheikh Cumar.
Dhanka Sawirka qaadista Abuukar Baseey.


http://www.somalitalk.com/gentleman/

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 19, 2009

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS