Ra'iisul Wasaare Shirdoon: Baarlamaanka ha la Weydiiyo in Dastuurka Qaranka
lagu daro Xeerka Badda Soomaaliyeed ee Law No. 37
Faafin: SomaliTalk.com | June 12, 2013
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax
Shirdoon oo uu waraysi layeeshay Telefishanka SomaliChannel ayaa xoojiyey
go'aankii Golahiisa Wasiiradu ay June 6, 2013 kasoo saareen arrimaha Badda
Soomaaliya. Sheegayna in xukuumaddiisu u taagan tahay danta dadka Soomaaliyeed.
Markii laweydiiyey su'aal la xiriirtay in ay qorshaynayaan ama ku tala jiraan
in xeerka Badda Soomaaliya (Law no. 37 ee soo baxay 1972) - ee golaha wasiiradu ayideen
- in xeerkaas lagu daro Dastuurka Qaranka Soomaaliya,waxaa ra'iisul wasaaraha DFS uu kaga
jawaabay "Dastuurka wax ku daristiisa iyo wax ka dhimistiisa xukuumaddu malaha,
wixii talo ah oo nagala gudboon waa ka geysanaynaa, laakiin taas Baarlamaanka in
aad weydiisid ayaa ku haboon".
Markii wax laga weydiiyey in arrinta badda ee xukuumaddu ay hadda ka
hadashay inuu dabasocdey saxiixii dhaxmaray labada wasiir ee Arrimaha dibadda
Somaliya iyo Kenya, waxaa ra'iisul wasaaraha DFS ku jawaabay "Waxaan rajaynayaa
in aad la socotid in wasiirkayaga arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga war
cad ay soo saartay oo ay leedahay arrintaas qayb kama ahayn, mana aanan
saxiixin."
Su'aashii markii si kale loo weydiiye oo la yiri "Ma waxaad leedahay
waa wax la
been abuuray (saxiixa)", waxaa ra'iisul wasaare Shirdoon ku jawaabey
"Warkii wasiiradda in aad dhagaysatey ayaan filayaa oo arrintaas ku aadanaa."
Jariidadda Standard ee kasoo baxda Nairobi caddadkeedii June 9, 2013 ayaa
shaacisay saxiixa dhaxmaray labada wasiir oo qodobadii ay ku heshiiyeen ay qayb
ka ahaayeen MOU iyo maritime demarcation (Xadaynta badda). Ra'iisul wasaaraha
Soomaaliyana waraysiga waxa uu bixiyey June 11, 2013. HOOS KA DAAWO: