SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo “Soo gelitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya Waxay Fursad siinayaan Al-Shabaab”

Odoyasha Dhaqanka Beelaha Hawiye Muqdisho oo ka soo hor jeestay Shirka Khariidada Nabadda Road Map oo maanta ka furmey Muqdisho isla Markaana ku Baaqey in la eryo Mahiga .

  • SomaliTalk.com | Nov 26, 2011

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa markii u horeeyay ka hadlay Ciidamada Itoobiya ee la sheegay inay Soomaaliya soo galayaan.kuna sugan yihiin Goboladda Hiiraan iyo Galgaduud.

Farmaajo ayaa ka war bixiyay Taariikhda Soomaaliya iyo Itoobiya isagoona sheegey in ay jirto Cadaawad muddo dheer soo jiitamaysey oo u dhaxaysey Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya farmaajo oo u waramayey Idaacadda VOA laanteeda Afka Soomaaliga ayaa soo qaatay markii ay dalka soo galeen Ciidamada Itoobiya Sanadkii 2006dii isagoona sheegey in arrintaasi ay shacbiyad wanaagsan iyo taagero badan ay u abuurtay Xarakada Shabaab.

Farmaajo ayaa sheegey in shakhsiyan uu isagu garowsan yahay in Xarakada Shabaab Dadkii ay dhibeen isla markaana ay u diideen Soomaaliya in ay degto sidaa darteed wuxuu fikriyan sheegey inuu isagu aaminsan yahay in Ciidamada Itoobiya aysan xiligan soo gelin Soomaaliya isagoona raaciyay haddii ay taa dhacdo in Shabaab oo iminka awoodoodii ay wiiqan tay waa siduu hadalka u yiriye ay dib u soo noolanayaan.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isagu ku taliyay in iminka ay haboon tahay in la taageero Ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya kuwaasoo uu sheegey in ay awood u leeyihiin in ay ka hor tagaan dalkana ka saaraan Xarakada Shabaab.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Farmaajo ayaa dib uga hadlay markii loo magacabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya isagoona sheegey in shaqadii ugu horeysey ee uu wax ka qabtana in ay ahayd in Ciidamadii uu mushaaraad siiyo isla markaana kooda dhinta la dayeelo xaaskiisa halka kuwa dhaawacmana daryeel gaar ah oo mushaarkooda oo la joogteeyo ay ka mid ahayd.

Farmaajo ayaa xusay in barnaamijkaas uu ku guulaystay Tayenta Ciidanka Soomaalida oo wax loo qabtana ay ka wanaagsanaan lahayd in Ciidamo Itoobiyaan ah dib loo soo geliyo Soomaaliya.

Isku soo duuboo Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed cabdullaahi farmaajo ayaan isagu taageersanayn in Ciidamada Itoobiya dalka la soo galiyo walow iminkaba ay ku sugan yihiin qaybo ka mid ah Gobolada dalka soona bilaabeen in ay soo galaan Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Odoyasha Dhaqanka Beelaha Hawiye Muqdisho oo ka soo hor jeestay Shirka Khariidada Nabadda Road Map oo maanta ka furmey Muqdisho isla Markaana ku Baaqey in la eryo Mahiga .

Odoyaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha hawiye ayaa maanta shir ku yeeshey magaalada Muqdisho kaasoo ay kaga hadlayeen shirka ay dabada ka riixeyso Q aramada Midoobay ee maanta Muqdisha ka furmay.

Shirkan oo si weyn loogu lafa guray ajandhaha ah Khariidada Nabadda ayaa ugu danabayntii waxaa halkaa ka hadlay af hayeenka Odoyasha Dhaqanka oo Saxafadda uga war bixiyay Shirkoodii maanta iyo waxa ay uga hadleen.

Nabaddoon Axmed Diiriye oo ah afhayeenka ayaa sheegey in gebi ahaanba ay ka soo hor jeedaan qorshaha qaramada midoobay ay ka waddo Soomaaliya ee ku aadan Khariidada Nabadda kaasoo sheegey in wax dan ah Umadda Soomaaliyeed aysan ugu jirin keliyana uu yahay mid Soomaalida u sii horseedaya waa siduu hadalka u dhigaye kala bur bur ama kala qoo qoob.

Af hayeenka Odoyasha dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa sheegey in Kulankooda maanta oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada ay ka kooban yihiin Beelaha ku abtirsada Hawiye ay isla garteen in Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mahiigga gebi ahaanba laga qaado xilka uu qaramada Midoobay Soomaaliya uga hayo.

Axmed Diiriye ayaa sheegey in Dr Mahiigga uusan ahayn nin ka shaqaynaya Maslaxada Umadda Soomaaliyeed balse uu yahay nin ka shaqaynaya kala qaybinta Umadda Soomaaliyeed waa siduu hadalka u yiri Nabadoonka.

Odayashan dhaqanka ee maanta kulanka ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegey in ay ka codsanayaan Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay in wakiilkiisa Soomaaliya xiligan xilkaas laga qaado maadaama bay yiraahdeen uusan ka shaqayneyn barnaamijka dib u heshiisiinta iyo nabadeynta Shacabka Soomaaliyeed.

Si kastaba ma aha markii u horeeyay oo cabsha sidan oo kale ah laga keeno wakiilka qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Dr Ogostiino Mahiigga.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 26, 2011

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 

Mashruuca Waddo-tareen oo isku xiriirinaysa Lamu iyo Addis Ababa

faarax macallin
Faarax Macallin: Ma dhici doonto in Mardambe Xamar looga taliyo Kulbiyow, ninka taas ku riyoonayana waxaa uu ku nool yahay qarni kale...



Qaadka Quba



October 31, 2011 Communique - Read here



Sheikh Shariif oo Sheegay in uu yahay kan ugu Wanaagsan ee hoggaamin kara Soomaaliya kaddib 2012



Heshiiskii Kampala Accord oo Ogolaanaya in Xukuumadda laga keeni karo Mooshin ka dhan ah haddii ay ku xad gudubto Axdiga FKMG



Kenya, Ethiopia iyo Faransiiska oo ku Muransan Cidda Loo Dhiibayo Xakunka Kismaayo haddii la Qabsado Kaddib

oil somalia
Duulaanka Kenya waa mid salka ku haya in ay Shidaal ka Baarato Xeebaha Soomaaliya..



Oct 27, 2011:
Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo ku celiyey Hadal ka soo horjeeda kii Madaxweynaha DFKM ku diidanaa Ciidamada Kenya



Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Markii ugu horeysey qiray, soona dhaweeyey in Ciidamo Kenya galeen Soomaaliya, Arrintaas oo khilaafsan hadalkii Sheikh Shariif ku diidanaa Ciidamada soo galay Soomaaliya



Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Kenya haysato warqad ay DFKMG ku ogolaatay in Ciidamada Kenya galaan Soomaaliya



Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo Maraakiibta Dagaalka Faransiiska oo duqeeyey magaalada Muday....



Sida loo arkey Soo Gelitaankii Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya



Kenya oo Shidaal ka Baaranaysa 3900 Sq Km ee Gudaha Dhulbadeedka aagga Raas Kambooni ee Jamhuriyadda Soomaaliya



Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni