Maxkamadda Hague ayaa Waqti Go'an u Qabatay Bilowga Dhagaysiga Dacwadda
Badda ee Soomaaliya iyo Kenya (Waqtigaas oo ah 13 July 2015 iyo 27 May 2016)
- Warbixin iyo Faallo SomaliTalk.com | October 18, 2014
Maxkamadda Qarammada Midoobay ee Hague ayaa 17kii October 2014 waxa ay
faafisay in ay xilli qararan u qabatay bilowga dhagaysiga dacwadda la
xiriirta "Xadaynta Badweynta Hindiya ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya,"
waa sida ku cad warsaxaafadeedka maxkamadda.
Warsaxaafadeedka
ayaa sheegay in "Madaxweynaha Maxkamadda Hague (ICJ) uu 16kii October 2014
go'aamiyey in waqti sugan loo qabtay bilowga soo gudbinta diiwaan gelinta arrinta la
xiriirta Xadaynta Badda ee Badweynta Hindiya ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo
Kenya." Waqtigaas maxkamaddu qoondaysay ayaa ah 13 July 2015 iyo 27 May
2016 in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya ay
maxkamadda u gudbistaan/ka-diiwaan gashadaan wixii ay ku dacwoonayaan
(Memorial) iyo dacwadda dalka kale gudbiyey wixii ay ka qabaan ama kala hor
tagayaan (Counter-Memorial). Warku waxa uu intaas raaciyey "In
madaxweynaha Maxkamaddu uu qaraarkan go'aamiyey isagoo tixgelin siiyey
aragtiyada qaybaha (Somalia iyo Kenya), isla markaasna hab-raaca xiga ay
maxkamaddu leedahay go'aan ka gaaristooda." (Hoos ka eeg warsaxaafadeedkii
Maxkamadda.) Waxaa soo ifbaxaya xeeladdii ay Kenya la doonaysey Soomaaliya,
waayo markaad eegtid cinwaanka qoraalka Maxkamadda Hague waa "Xadaynta Badda
ee Badweynta Hindiya ee u dhaxaysa Soomaaliya-Kenya," taas oo laga dheehan
karo in aysan markii hore cabbirnayn. Waxaana taasi ka hor imanaysaa xeerkii
badda Soomaaliyeed ee u cabirnaa laga soo bilaabo 1972. Dhanka kale,
hadalka maxkamadda Adduunka ayaa ku soo beegantay xilli ay wafti ballaaran
oo uu ka mid yahay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Kenya ay ku sugnaayeen Hague,
sida ay qortay Jariidadda Daily Nation ee ka soo baxda Nairobi
Cadadkeedii 14 October 2014, qoraal ay cinwaan uga dhigtay (Talks
due on Somalia border suit.) Qoraalkaas Jariidadda ayaa sheegay in
Kenya ay tageen Hague kaddib markii lagu guul daraystay wada hadalkii
madaxweyne Kenyatta iyo dhigiisa Xasan ay ku yeesheen New York dhawr
toddobaad ka hor. Warka ayaa sheegay in wafti khubaro-qareenno ah oo uu
hoggaaminayo Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya Githu Muigai ay la kulmeen
madaxweynaha maxkamadda Hague, Mr Peter Tomka, si ay ugala hadlaan hordhaca
dacwadda ay gudbisey Soomaaliya. Qoraal kale oo ay 16 October 2014
faafisay Jariidadda kale ee reer Kenya ee Standard oo cinwaankiisu ahaa "in isku-day
Goboleed loo baahan yahay si loo xalliyo muranka xuduudaha (Regional
efforts needed to solve boundary disputes), ayaa waxaa qoraalkaas ka mid ahaa "Bariga
Afrika waxaa maasheeyey muran xuduudeed. Marka laga soo tago muran badeedka
Kenya iyo Soomaaliya, waxaa kale oo jira muran kala dhex taagan Uganda oo la
xiriira Jasiiradda Migingo. (Akhri
Uganda waxay Kenya
ka difaacanaysaa 240 mitir oo Jasiirad ah, halka DFKMG ay Kenya ka ogolaatay
in muran la geliyo dhul-badeed Soomaaliyeed..) Waxa kale oo jariidaddu
xustay muran xuduud dhuleed u dhaxeeya Ethiopia-Soomaaliya,
Ethiopia-Eritrea, Jabuuti-Eritrea. Laakiin ma xusin xuduud dhuleedka
Soomaaliya-Kenya (ama NFD). Sidoo kale ma xusin Xornima Doonka Gobolka
Xeebta Mombasa Republican Council oo u halgamaya in ay xeebta Mombasa ka
xoroobaan Kenya marka uu dhammaado heshiis 1895 dhexmaray Boqortooyadii
Ingriiska iyo Boqorkii Zanzibar. Waxaana aad u cajaa'ib badan in markii ay
Jariidadda Standard ka hadlaysay muranka xuduud-dhuleedka ka jira Bariga
Afrika ay tiri sidan: (Waxaa arrintaasi maskaxda kusoo dedejinaysaa
xaqiiqada ah in xuduudaha hadda cabiran ay gumaystayaashii ka tageen ayagoo
aan xeerinayn xuduudahii dhaqan iyo beeleed) - "This brings to mind the
fact that the current demarcations were done by colonialists without regard
to ethnic or cultural boundaries." Arrintaasi miyeysan markhaanti u
ahayn Soomaalida NFD ee gumaystayaashii hoos geeyeen Kenya. Malaha guul ay
Soomaaliya ka gaadho dacwadeeda Kenya waxay ka dhawdahay in dacwadda ay
Soomaaliya ku darto "Kenya iskuma haysan jirin bad ee waxaa nagaga maqan
dhulka NFD." Marka la dhuuxo qoraalada Jariidadaha Kenya ay maalmahan ka
qoraan badda Soomaaliya waxaa cad in ay wadaan hawl gelin shacabkooda oo ka
dhan ah badda Soomaaliya, iyagoo hadallo xeeladaysan ka soo xiganaya
madaxdooda Kenya. Dhanka kale waxaa cad in dacwaddaas aysan wax dan ah
haba yaraatee ugu jirin shacabka Soomaaliyeed, laguna degdegey ayadoo aan
laga fiirsan, ay Dawladda Federaalka Soomaaliya muran gelisey badeeda, iyo
in qaar kamid ah madaxda sare ee Soomaaliya ay dadaal ugu jiraan suulinta
xeerkii badda Soomaaliya ee Law no. 37, ayadoo aan la ogeyn go'aanka
baarlamaanka Soomaaliya ka qaadan doono arrintan.
Isha:
http://www.icj-cij.org/docket/files/161/18380.pdf
Standard: October 16, 2014
- The Eastern Africa region is full of border disputes. Besides the
Kenya-Somalia coastline dispute, there is an outstanding border
dispute with Uganda at Migingo Island. In 1998, Ethiopia and Eritrea
went to war over their border. In 2008, there arose a dispute between
Eritrea and Djibouti. (Laakiin jariidadda Kenya waxa ay si bareer ah
iska indhatireysaa qadiyadda Dhulka Soomaalida kaga maqan Kenya ee NFD)
- In 1978, during the reign of President Siad Barre, Somalia and
Ethiopia went to war over their common border. Mid this year, the
republic of Somalia filed a case against Kenya at the International
Court of Justice, claiming the latter had encroached on its territorial
waters.
- This brings to mind the fact that the current demarcations were
done by colonialists without regard to ethnic or cultural boundaries..
- -- (Regional
efforts needed to solve boundary disputes)
Daily Nation: October 14, 2014
- On Tuesday, the Nation established that the government is now
planning to challenge the ICJ jurisdiction in handling the matter.
“Kenya will be challenging the jurisdiction of the ICJ to entertain
the claim by Somalia because the procedures of the law of the sea
have not been exhausted,” said a top official conversant with the
matter.
- -- (Talks
due on Somalia border suit.)
...
2013: Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga
qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water”
ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya
ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo
aan ka tanaasulin sharciga qaran.
Akhri Halkan...
Faafin: SomaliTalk.com | October 18, 2014
Xornima Doonka Gobolka Xeebta Mombasa Republican Council
oo sii xoogaysanaya...
Dhanka kale waxaa sii xoogeysanaya xornimad doonka xeebta
Mombasa oo lagu magacaabo Mombasa Republican Council (MRC),
kuwaas oo doonaya in ay ka madax bannanaadaan Kenya. MRC waxaa
la asaasay sannadkii 1999 waxayna doonayaan in ay Kenya ka
xoroobaan marka uu dhammaado heshiis 1895 dhexmaray
Boqortooyadii Ingriiska iyo Boqorkii Zanzibar, kaas oo dhigayey
in Xeebaha Mombasa uu sii maamulo Ingriisku, marka heshiiskaasi
dhammaadona ay ahaadaan kuwo gaarkooda xor u ah. (Daawo
video dhanka hoose ee boggan..riix) |