SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya oo Is-afgaradkii Badda ee Kenya ku tilmaamay Khalad Qaanuuni ah, Balse aan ka hadlin khaladaad la mid ah ee ku jira Dacwadda ay DFS u gudbisey QM..

"Annagu waxay ahayd dhinacayaga in aan qorno dhulkaas anagaa iska leh mana loo aqoonsan karo Disputed area (dhul lagu muransan yahay)"

  • Faalladii SomaliTalk.com | September 29, 2014

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo ay waraysi la yeelatay idaacadda Codka Maraykanka, ayaa mar wax laga weydiiyey khaladaadka ku jirey is-afgaradkii MoU ee dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya waxa uu sheegay in ay khalad ahayd in Soomaaliya wax ka ogolaato qoraal ay ku xusan tahay muran badeed la geliyey badda Soomaaliya.

Xeer ilaaliyahay oo muujinayey in MoU ay ku jireen khaladaad qaanuuni ah ayaa yiri: Haddii la yiraahdo biyaha badda ayaa is dhexgala (overlap) ma ahayn Soomaaliya in ay wax ka saxiixdo heshiis ay ku qoran tahay muran badeed, waayo Kenya ayaa sidaas raadinaysay. Waxana uu hadalka ku adkeeyey "Annagu waxay ahayd dhinacayaga in aan qorno dhulkaas anagaa iska leh mana loo aqoonsan karo Disputed area (dhul lagu muransan yahay)".

Arrinta uu xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya ku tilmaamay in ay ahayd khalad cad oo ku jirey is-afgaradkii MoU waxaa mid la mid ah (oo koobigeedii oo kale) ay ku qoran tahay dacwadda badda ee ay Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) uu xeer ilaaliyaha u yahay u gudbisey Maxkamadda Qaramada Midoobey (QM) ee Hague.

- Qoraalka dacwadda ah ee DFS waxaa lagu qeexay in uu jiro MURAN (the dispute) badeed. Taas oo ah wixii Kenya ku taamaysey in ay muran geliso badda Soomaaliya, ee ay soo bilaabatay 2009 xilligii DFKG ahayd. Waxaase nasiib darro ah in qoraalka DFS aan lagu qorin "dhulkaas anagaa iska leh mana loo aqoonsan karo Disputed area." Taasi sow ma aha khalad qaanuuni ah oo Kenya ka faa'iidyasan karto haddii Soomaaliya qirtay in dhulkaas la isku haysto. Miyeysan taasi la mid ahayd arrinta uu khaladka ku tilmaamay xeer ilaaliyahu.

- Waxaa ka sii daran in dacwadda DFS lagu qoray in ay jirto dhul-badeed is-dhex galaya (ovelap) oo ay leeyihiin Soomaaliya iyo Kenya. Taasi miyeysan ahayn khalad kale oo qaanuuni ah oo Kenya ka faa'iidaysan karto.

Waxaa isweydiin mudan: Xeer ilaaliyahay guud ee Soomaaliya miyuusan akhrin dacwadda ay gudbisey dawladda uu xeer ilaaliyahay u yahay, marka uu ka hadlayo khaladaadka ku jirey is-afgarad ay baarlamaankii hore ka dhigeen waxba kama jiraan, halka khaladaad la mid ah ay ku jiraan dacwadda DFS ka gudbisey Kenya.

Xusul duubka burburinta Law no. 37

Dhanka kale, marka la dhuuxo shirankii jaraa'id iyo waraysiyadii uu maalmahan bixiyey Xeer Ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya, waxaa ka soo baxaya sida ay DFS xoogga u saarayso in la suuliyo sharciga badda Soomaaliya ee Law no. 37.

Taas waxaa muujinaya marka Xeer ilaaliyahu ka hadlayo taariikhda xeerarka badda Soomaaliya, ma xusayo go'aankii golaha wasiirada DFS ee June 6, 2013 ee ahaa:  Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran (oo ah Law no. 37).

Xeer Ilaaliyaha Qaranku maxaa la gudboon haddii...

Sida kor ku xusan, Xeer ilaaliyaha Soomaaliya waxa uu sheegay in ay khalad qaanuuni ahayd in Soomaaliya ay saxiixdo MoU ay ku qoran tahay in dhul-badeedka Soomaaliya muran la geliyey, taasna ay baarlamaankiii hore ka dhigeen waxba kama jiraan. Haddaba mar haddii dacwadda ay DFS u gudbisey maxkamadda Adduunka ay ku caddahay in dhul-badeedka Soomaaliya muran ku jiro, maxaa markaas la gudboon Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya.

Ficilka iyo go'aanka uu arrintaas ka qaato iyo jawaabta uu siiyo shacabka Soomaaliyeed la arki doonee! Waana taariikh qormeysa.

Maxkamadda Hague oo soo bandhigtay Dacwaddii Xuduudda Badda ee ay u gudbisey Dawladda Federaalka Soomaaliya

- Halkan ka daalaco dacwadda DFS: http://www.icj-cij.org/docket/files/161/18362.pdf

- Warsaxaafadeedka Maxkamadda Hague: http://www.icj-cij.org/docket/files/161/18360.pdf - Somalia institutes proceedings against Kenya with regard to “a dispute concerning maritime delimitation in the Indian Ocean”

- Qoraalka AP: http://hosted.ap.org/dynamic/stories/E/ EU_WORLD_COURT_SOMALIA_KENYA? SITE=AP&SECTION=HOME&TEMPLATE=DEFAULT&CTIME=2014-08-28-13-56-18

- from Abdirahman Beileh to UN: http://www.un.org/depts/los/ clcs_new/submissions_files/ ken35_09/som_re_ken_2014_02_04.pdf

- Waraysiga wasiiradda: https://www.youtube.com/watch?v=ZU9kGOcI9d4#t=1698

- Madaxweyne Xasan ma waxa uu Garab siinayaa Mr Simon Njuguna si Badda Soomaaliya Qayb loogu Gooyo Kenya, horraanta 2015

- SOMALIA: http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/STATEFILES/SOM.htm

- KENYA: http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/STATEFILES/KEN.htm

- Law No. 37: http://www.un.org/depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_1972_Law.pdf

-- KTN TV: Video Somalia sues Kenya at the international court of justice over border https://www.youtube.com/watch?v=iGC8JusrtMk

-- Daily Nation: Somalia sues Kenya at top UN court over maritime border http://www.nation.co.ke/news/Somalia-sues-Kenya-at-top- UN-court-over-maritime-border/-/1056/2434020/-/4jpvppz/-/index.html

-- Norway iyo Kenya oo Gelaya Heshiis ku saabsan Maaraynta Khayraadka Batroolka ( Kenya and Norway to enter into deal on resource management)

- Waxaa dacwadda DFS ay iska indha saabtay go'aabkii August 1, 2009 kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada Baarlamaanku ay si aqlabiyad ah ku diideen heshiiskaas is-faham. 334 xildhibaan ayaa cod xoog leh ku sheegay in heshiiskaasi yahay Waxba kama jiraan (NULL & VOID). http://somalitalk.com/2009/may/13/badda117.html

- Madaxweyne Mooge: Muxuu kala Socdaa muranka xadeynta badda ee loo gudbiyay Maxkamadda Sare ee Qaramada Midoobay ee Hague? http://somalitalk.com/badda/difaacid03.html 

Faafin: SomaliTalk.com |  September 29, 2014

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: