SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Faysal Cali Waraabe: Norway Waxay Nagala hadashay in ay Doonayso in Baarlamaanka Soomaaliya uusan ka hor imaan haddii Dawladdu Saxiixdo Badda...

  • Norway waxay nagala hadashay qorshaheeda ay ku doonayso in ay ka dhaadhiciso Baarlamaanka Soomaaliya in aysan ka hor imaan haddii Dawladda Somaaliya ay saxiixdo badda.. waxana uu bixiyey Xog Dheeraad ah...

Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland, ayaa waraysi uu la yeeshay Telefishanka Somalichannel waxa uusheegay in bishii Janaayo (2013) ay Norway kawada hadleen Xuduudda badda Soomaaliya.

Waxaana uu shaaca ka qaaday xog dheeraad ah oo la xidhiidhta qorshaha ay doonayso Norway, ayna kala hadashay bishii Janaayo 2013, waxaana Faysal yiri "in xuduudda badda la gaarsiiyo 200(km), in ay doonayaan si aan Baarlamaanka Soomaalidu uga hor imaan arrintaas, in baarlamaanka Soomaalida la casumayo, waana tii dhacday oo la casumay guddoomiyaha baarlaamanka, in laga dhaadhiciyo in mashruucaasi soo socdo, iyo in haddii dawladdu saxiixdo aan baarlamaanku ka hor imaan..." Weriyaha ayaana Faysal markaas weydiinya: Sow badda Soomaaliya hore uma ahayn 200 mayl badeed oo TERRITORIAL WATERS ah.... Jawaabtiisa hoos ka dhagayso..

Sida ay la socdaan Soomaalida wax akhrida, qodobadii ka soo baxay shirkii lagu qabtay London 7-dii May 2013 (Somalia Conference 2013: Communiqué), waxaa lagu soo dhax daray arrinta badda Soomaaliya oo la yiri "Waxaan taageereynaa Dawladda Federaalka Soomaaliya isku daygeeda in ay askunto badda Soomaaliyeed ee beesha caalamku aqoonsan tahay." Ayadoo la ogyaahy in badda Soomaaliya cabirnayd, adduunkuna aqoonaa. (Waxaana jiri doona shir 11-12 September 2013 lka dhici doona Dubai oo looga hadli doono badda Soomaaliya).

Hadalkaasi ka soo baxay shirka London waxa uu daba socdey maadaama madaxweynaha DFS uu 1-dii May 2013 isagoo Video kula hadlayey Kooxda Contact Group uu markii ugu horeysey taariikhda Soomaaliya noqday madaxweynahii ku andacooday in badda Soomaaliya kusoo kooban tahay 12 mayl - Halka Soomaaliya ay 40-kii sano ee la soo dhaafay ka lahayd xeer badeed oo dhigaya 200 mayl badeed oo ah Territorial Waters.

Faysal Cali Waraabe oo sheegay in Norway kala hadashay "Xadaynta" badda Soomaaliya, Daawo Somalichannel..

Faafin: SomaliTalk.com |  May 15, 2013

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: