SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Nuur Xasan Ciise ” Ummadda Soomaaliyeed waxay Idiin ka Fileysey in Cabirka Badda laga Kordhiyo 200nm ee idiin kama Fileyn wax yareeyn la yiraahdo”

Cid Soomaali ah oo Diidan ma jirto in Badda Soomaaliya ay Tahay 200nm, waana mid Sharci ah hase yeeshee waxaan Sanadahaan Dambe marka laga soo bilaabo Sannadkii 2009 waxaa soo baxay dad Soomaali ah oo Dano Shisheeye u adeegaya in Badda Soomaaliya laga dhigo 12nm kuwaas oo qaarkood Madax Sheeganaya iyadoo taasi ay jirto ayaa waxaana nala soo xiriirey Aqoonyahan Nuur Xasan Ciise oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo si aad ah uga Caroodey in Xiligaan la soo hadal qaado Badda Soomaaliya.

Mudane Nuur waxaa uu sheegey in dadka Wata Qorshaha ay ku doonayaan in Badda Soomaaliya lagu soo koobo 12nm yihiin kuwa u adeegaya Danno Shisheeye oo salka ku ahaya in lala baxo wixii Khayraad ah ee ku jira Badda Soomaaliya marka waxaa leeyahay dadka ku Howlan Qorshahaasi in ay Maskaxdood ka saaraan in Badda Soomaaliya la farageliyo wuxuu intaas ku darey “Ummadda Soomaliyeed waxay idiin ka Fileysey in Cabirka Badda laga Kordhiyo 200nm ee idiin kama Fileyn wax yareyn la Yiraahdo”

“waxaan Fileyney in Dadka Madaxda u noqdey Shacabka Soomaaliyeed in ay Dadaal u geli doonaan in la Balaariyo oo Cabirka Badda Hadda ay tahay ee 200nm laga sii kardhiyo ee kama fileyn in ay ku andacoodaan in Badda Soomaliya ay tahay 12nml waana wax ummada Soomaaliyeed aysan marnaba aqabali Doonin in Badda Soomaaliya lagu soo Koobo 12nm”

Mudane Nuur Xasan Ciise waxaa u soo jeediyey Baarlamaanka Dowladda Federaalka in ay si Taxadar ama Feejignaan ku jirto u Daafacaan Badda Soomaaliya oo aad raacdaan talaabooyinkii uu qaadey Baarlamaankii hore ee uu ku diidey in Badda Soomaaliya Fergelin lagu sameeyo, Shacabka Soomaaliyeed waxaad u qabtaan waa la arki doonaa sidaa darteed waxaa la idiin kaga fadhiyaa waa sidaa u Difaaci la haydeen Badda Soomaaliya iyo Khayraadka ku jira .

Mar uu ka hadlyey Mudane Nuur Burcad Badeedka waxaa uu sheegey in Faa'iido iyo Khasaaro ay keeneen marka aan leeyahay Faaiido waxaa Xaqiiqo ah in Burcad Badeedka ay Badda Soomaaliya ka fogeeyeen Maraakiibtii ka Kaluumeysan jirtey Xeebaha Soomaaliya iyo kuwii Sunta ku Shubi jirey isagoo sheegey in ay Fursad heleen Kaluumeysatadii Soomaaliyeed kuwaas oo Dhibaatooyin kala kulmi jirey Maraakiibtaas Shisheeye , marka la fiiriyo Khasaaraha ay keenaa waa iyagoo soo qabta Maraakiib Ganacsi oo Badda iska Maraya.

. W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com |  May 8, 2013

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: