SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kulankii Baarlamaanka KMG ah Oo Uu Ka Qayb Qaatay Madaxweyne Shariif Oo dag dag u joogsaday Madaafiic Lagu Soo Garaacay Awgeed

Muqdisho: Barlamaanka FKMG Soomaaliya ayaa maanta kulan uu ka qayb galay madaxweynaha dowlada FKMG ah Shariif Sh. Axmed oo ay lahaayeen uu ku dhamaaday kala carar iyo kabtay maaragtay kadib markii xarunta maamulka gobolka banaadir oo kulan uga socday baarlamaanka iyo madaxweynaha oo ka qayb qaadnayey ay madaafiic kusoo garaaceen xoogaga islaamiyiinta ee dowlada kasoo horjeeda .

Fadhigan baarlamaanka KMG ah ee uu ka qayb qaadanayey madaxweyne Shariif ayaa waxaa kasoo qayb galay mudnayaasha baaramaanka oo ka koobnaa ilaa iyo 301-xubnood oo mudanayaasha kasoo jeeda kuwaasoo la sheegay inuu maanta Baarlamaanka fadhigiisa ay ugu muhiimsanayd kulan ay wada lahaayeen madaxweyne Shariif iyo Baarlamaanka KMG ah taasoo ugu dambayn ku dhamaatay natiijo la,aan .

Sidoo kale Madaxweyne Shariif ayaa ugu horayn inta aysan dhicin duqayntaasi waxuu halkaasi ka jeediyey khudbad ku saabsanayd dhowr qodob oo uu ugu horayn mahad celin uu jeediyey ciidamada dowlada FKMG ah isagoo tilmaamay inay had goor u taagan yihiin difaaca dalka waa siduu hadalka u dhigaye islamrkaana mahad taas lamid ah u diray ururka la magac baxay Ehlu sunnah waljameeca ee dariiqada suufiyada oo uu ku tilmaamay kuwo si weyn u garab taagan dowlada iyagoo kasoo horjeeda ururada Islaamiyiinta mayalka adag ee dagaalada kala soo horjeeda dowlada .

Khudbada kadibna madaxweyne Shariif markii ay gawaaridiisu ka dhaqaaqeen xarunta gobolka Banaadir ayaa waxaa halmar is qabsaday diryanka madaafiicda taasoo sahashay inay Baarlamaankii iyo masuuliyiintii kale ee halkaasi ku sugnaa ay si fudud u kala cararaan iyadoo aysan jirin wax horumar ah oo laga sameeyey kulankaasi .

Ma aha markii ugu horaysay oo sidan oo kale madaafiic lagu soo garaaco Goob ay kulan ku leeyihiin baarlamaanka KMG ahi iyadoo kulankan kulankii ka horeeyeyna sidaas oo kale duqayn madaafiiceed lagu soo garaacay baarlamaanka xili ay kulan ku lahaayeen xaruntii hore ee gaadiidka oo iminka kamid ah goobaha ay dowlada FKMG ahi kasoo qaxday .

Yaasiin Faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com
Muqdisho


 
Faafin : SomaliTalk.com | July 27, 2009

Mutamarkii Saddexaad oo ka Furmay Galabtay Magaalada Rochester ee Gobolka Minnesota

Dagaal sadex maalmood socday oo cwxo ay ku qabsadeen saldhigii weynaa ee Dhakaayo.

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version