SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR



Barnaamijkii Radio Xoriyo
24 July 2009.

Howlgaladii lagu diirsaday ee lixdii bilood ee hore ee sanadkan oo shacabka guduhu ugu magac dareen NASIYE iyo howlgadan cusub oo loogu magac daray XIIN FINIIN

Dagaal sadex maalmood socday oo cwxo ay ku qabsadeen saldhigii weynaa ee Dhakaayo.

Gudoomiyaha guddi hoosaadka arimaha dibada ee aqalka Maraykanka u qaabilsan qaarada Africa Donald Payne oo si cad ugu sheegay Itoobiya in hadii ay doonayso inay xidhiidh la yeelato maamulka Brack Obama inay wadahadal la gasho ONLF.

Dagaladii oo sii xoogaystay iyo baabuur gumaysi oo cabsi darteed isu jiidhay.

Khilaafkii Masar iyo Itoobiya ee biyaha wabiga Nile oo meel xun maraya.

Jaaliyada Ogadenya ee gobolka Ontario ee Canada oo shir aan caadi ahayn isugu timid


======================

Dagaladii oo sii xoogaystay iyo baabuur gumaysi oo cabsi darteed isu jiidhay.



Wararka naga soo gaadhaya wariyayaasha Radio Xoriyo ee jiida hore iyo xarunta dhexe ee jwxo ayaa tibaaxaya in ciidamada gumeysatada Itoobiya khasaarooyin waaweyn oo naf iyo qalaba leh uu ka soo gaadhay wareerada is daba jooga ah ee CWXO ku qaado saldhigyada iyo xeryaha oo hada noqotay meelaha kaliya ee ay ku gabadaan ciidamada gumaysigu


08-07-09 ciidamada qalabka sida ee xoreynta Ogadenya ayaa weerar mir ah ku ekeeyey ciidan gumaysi oo ku sugnaa meesha la yidhaahdo Geedi-Aar oo katirsan gobolka Jarar ,waxayna weerarkaas mirta ah kaga dileen 10 halka 13 kalana ay kaga dhaawaceen.


10-07-09 Degaanka Sarmaanleey oo ka tirsan gobolka Nogob dagaal ka dhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 7 askari waxaana lagaga dhaawacay 11 kale.

Ciidamada qalabka sida ee xoreynta Ogadenya ayaa howlgal ka fuliyey gudaha magaalada Baabili ee gobolka Jigjiga,holgalkaas oo ayku bartilmaameedsanayeen xerada ciidanka gumaysiga ee magaaladaasi ayay kaga dileen 3 askari waxayna kaga dhaawaceen 7 kale,howlgalkaas oo ufulay sidii loogu talagalay ayay wararka ka imanaya Baabili sheegayaan in khasaaraha soo gaadhay ciidanka gumaysiga uu intaas kasii batay markuu waagu baryaya.

11-07-09 Tuulada Daratoole ee gobolka Doollo dagaal kulul oo ka dhacay ayaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 15 askari waxaana lagaga dhaawacay 18 kale.


Ciidamada geesiyiinta ah ee xoreynta ogadenya ayaa 12/14 -07-09 weerar mir ah iyo dagaal fool ka fool ah ku ekeeyey ciidamada gumaysiga itoobiya ee ku sugan Degmada Dannood ee gobolka Doollo waxayna halkaas kaga dileen 20 askari halka ay 6 kalana kaga dhaawaceen.

Labo baabuur oo midna yahay Uuraal ay saaraayeen ciidan gumaysi midna ahaa baabuur yar oo siday saraakiil wayaane ah ayaa isku jiidhay deegaanka Dhadhiin oo ka tirsan gooblka Qoraxay 15-07-09

Labadaas baabuur ayaa qayb ka ahaa kolonyo baabuur oo ay wateen ciidamada gumaysiga itoobiya,Wariyaha RX ee jiida hore ayaa sababta dhalisay shilkan noogu xaqiijiyey inay cabsi aad u weyn ka qabeen cwxo oo ay babauurtu xowli dheer iyo si indho,alaan ah ku socdeen ,waxaana halkaas ku burburay Labadaas gaadhi oo aysan waxba ka bixin, waxaana lagu soo waramayaa inay shilkaas ku dhinteen ugu yaraan 20 askari iyo 3 sarkaal oo saaraa baabuurka yar.

16-07-09 Ciidamada qalabka sida ee xoreynta Ogadenya ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidanka gumaysiga itoobiya ee tuulada Yucub ee gobolka Doollo waxayna weerarkaas mirta ah kaga dileen 20 halka 16 kalana ay kaga dhaawaceen.


18-07-09 Dudumo-Cadka oo katirsan degmada Baabili ee gobolka Jigjiga weerar mir ah oo ay fuliyeen ciidamada dhiigoodii iyo dheecaankoodaba u huray xoreynta ogadenya ayay kaga dileen ciidamada qowlaysatada gumaysiga itoobiya 14 askari 6 kalana kaga dhaawaceen.




Ciidamada gumaysiga Itoobiya oo waxyeelooyin baahsan iyo kufsi u gaystay dad rayid ah.

Dhanka waxyeelaynta shacabka rayidka ah ee ay ciidamada gumaysiga itoobiya u awood sheegtaan marka lagu soo jabiyo goobaha ay iskaga hor yimaadaan ciidamada geesiyiinta ah ee xoreynta ogadenya ayaa lagu soo waramayaa inay baryahan dambe aad usii badatay.

06/15-07-09 Jeexdin oo ka tirsan gobolka Qoraxay waxay ciidamada gumaysiga itoobiya ku dileen alle ha naxariistee:

1- Bakaax Cusman Cali
2- Qorane Sulub Sahal

Halka ay degmada Qabridaharre dhexdeedana ciidamada gumaysigu jidh-dil ba,an ugu gaysteen 15-07-09 Kiin Sahal Nuuradiin

06-07-09 Degmada Dannood waxay ciidamada cadowgu jidh-dileen kadibna xabsiga u taxaabeen :

1-Cabdi Farax Guhaad
2-Maxamuud Daahir


12-07-09 Degmada Garbo oo ka tirsan gobolka Noqob waxay ciidamada gumaysigu xabsi iyo jidh-dil isugu dareen: Khaliif Maxamud Dheere

Degmada Fiiq ee Gobolka Nogob, Waxay ku xidheen ciidamada wayaanuhu

1-Maxamed Khaliif
2- Sakariye Cabdullahi Xasan

Isla 14-07-09 Degmada Qabri-Bayax ee gobolka Jigjiga, waxay ciidamada cadowga itoobiya xabsiga u taxaabeen:

1- Axmed Maxamud Macalim aden
2- Cabdi Cabdullahi Aadan

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ee ka howl gala magaalada Wardheer ayaa dad badan oo shacab ah ku xidhay magaaladaas 18-07-09 ,dadkaas oo aan loo sheegin sababta lagu soo xidhay ama loo haystaba wax eedayn ahna aan loo jeedinin ayay magacyadooda naga soo gaadheen:


1- Cabdi Kaahin
2- Maxamud Cabdi Xayi
3- Saxane Aadan Baruud
4- Maxamed Weli Ahmed
5- Hire Muxumud Cabdi
6- Deeq Muxumed Cabdi Awfarax

19-07-09 Tuulada Bakka oo ka tirsan gobolka Jarar, waxay ciidamada cabudhiska loo keenay ogadenya ku xidheen:
1- Maxamed Barre Axmed cabdi
2- Ina Maxamed Cabdi Kamas
3-Xasan Aadan Ciise (Xasan Dheere)

Khilaafkii Masar iyo Itoobiya ee biyaha wabiga Nile oo meel xun maraya.

Dowladaha Masar iyo Itoobiya ayaa Waxaa ka dhex dhashay khilaaf aad u xoog badan oo dhanka biyaha webiga Niil ah,khilaafkan oo mudooyinkanba soo jiitamayay ayay warbaahinta caalamku cadaysay inuu marayo meeshii ugu xumayd oo ay adag tahay in xal laga gaadho taas oo keeni karta iskudhaca labadaas dowladood.

Khilaafkan ayaa yimid kadib Shirkii ka dhacay Wadanka Italy ee Wadamada ku Hormaray Warshadaha G-8 Bishan Bilowgeeda, Khilaafkan ayaa Salka ku haya Biyaha Niilka, Nile Water oo Wadanka Masar siiyay Awood Dheeri ah Sannadkii 1926.

Wadamada Ku bahoobay Wabiga Nile oo ah 11 Dal ayaa waxaa dar dar badan galiyay Wadanka Itoobiya oo in muddo ahba ka dhaadhacinayay in Sharcigaas awoodo dheeriga ah siinaya Masar Dib loo eego oo wax laga Badalo,hasa yeeshee dowlada Masar ayaa diidmo qayaxan la hortaagnayd isku daygaas si cadna u qeexday in hadii wax laga badalo sharcigaas uu keeni karo xasilooni darro ka aloosanta gobolka,awood milatarina ay u isticmaali doonto cid kasta oo isku daydaya arintaas
Dalka Masar ayaa Noloshiisa oogu wayn waxay ku Tiirsan tahay Biyaha webiga Nile wuxuuna u yahay lafdhabar Nolosha qof kastoo oo ah Masri.

Xidhiidhka labadaas wadan oo wanaagsanaa ayuu soo baryahan dambe soo kala dhex galay madmadoow iyo kala shaki badan oo la xidhiidha biya webiga Nile.


Jaaliyada Ogadenya ee gobolka Ontario ee Canada oo shir aan caadi ahayn isugu timid

Jaaliyada Ogadenya ee gobolka Ontario ee wadanka Canada ayaa isugu timid kulan aan caadi ahayn oo ay kasoo qayb galeen xubnaha jaliyada Ontario, waxaana kulankaas khudbad kajeediyay kusimaha wakiilka kanada iyo masuliyiin kale kuwaaso qeexay ujeddada kulankan iyo hawlaha horyaala xiligan oo xubnaha ku adkeeyey in ay gutaan waajibaadkooda shaqo.

kulan oo ahaa mid aan cadi ahayn oo ujeedadiisu ahayd siidi loogu adeegi lahaa halganka umadda ogadeenya oo galay xili aan waxba lalahadhi karin xag dhaqaale,xag abaabul;iyo xag mamul intaba ayaa lagu soo gabagabeeyey guul iyo isafgarad buuxa.

Howlgaladii lagu diirsaday ee lixdii bilood ee hore ee sanadkan oo shacabka guduhu ugu magac dareen NASIYE iyo howlgadan cusub oo loogu magac daray XIIN FINIIN


Howlgaladii milatari ee ay qorshaysay jwxo sidii loogu tala galayna ay u filyeen ciidanka qalabka sida ee xoreynta ogadenya lixdii bilood ee u horaysya ee sanadkan oo kahsaare baahsan loogu gaystay ciidamada gumaysiga itoobiya iyo maleeshiyaadka dabaqoodhiga ah ee ay gabaadka ka dhigtaan ayay shacabka geesiga ah ee ku dhaqan gudaha ogadenya ugu magic dareen NASIYE, Shacabka oo ah kuwa ay inta badan dhibaatooyinku ka soo gaadhaan ciidamad cadowga itoobiya ayay howgaladaasi ka hakiyeen waxyeelooyin badan kadib markii ciidamada gumaysigu ay ka quusteen inay kor uga baxaan dhufaysyada iyo magaalooyinka waaweyn oo noqotay meelaha kaliya ee ay hada ku hadheen marar badana loogu daatay gudaha magaalooyinka waaweyn.

Howlgaladaas ay ku nasteen shacabka ogadenya ee gudaha ayaa sii karaar qaatay laga soo bilaabo 1dii July ee sanadkan waxayna ciidanka qalabsida ee xoreynta ogadenya wacad kumareen inay ciidamada gumaysiga itoobiya ka sifeynayaan ciida ogadenya ,gulufkan iyo weeraradan cusub ee ay wadaan ciidamada xoreynta ogadenya oo aad uga kulul kuwii hore ayay ciidamadu ugu magic dareen XIIN-FINIIN.

Dagaal sadex maalmood socday oo cwxo ay ku qabsadeen saldhigii weynaa ee Dhakaayo.

Dhanka kale ciidamada xoreynta ogadenya ayaa cagta mariyey saldhiga milatari ee Dhakaayo oo kamid ahaa saldhigyada ugu waaweyn ee ciidamada gumaysiga itoobiya qaybaha galbeedka

Saldhigaas oo ku yaalaTuulada Babaase oo ka tirsan degmada Galaalshe ee gobolka Jigjiga ayay ciidamada qalabsida ee xoreynta ogadenya .

weerar laxaad leh oo qorshaysan ku ekeeyeen 20-07-09 dagaalkaas aya socday sadex maalmood oo isku xigta waxayna ciidamada xoreynta ogadenya ka gooyeen saldhigaas gurmadyadii uga iman lahaa dhanka jigjiga iyo Herarba ugu dambayntiina waxaa usuura gashay ciianka xoreynta ogadenya inay ka awood roonaadaan ciidamadii gumaysiga sidaana kula wareegaan saldhigaas milatari ee tuulada Babaase iyo qalab ahaa ee yaalay faahfaahinta dagaalkaas iyo wuxuu khasaare gaystayna waxaan idiinku soo gudbin doonaa wararkayaga dambe ee soo socda.



Radio Xoriyo

24 July 2009

Cabdinuur Sh. Maxamed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 16 MB iyo 19 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga


 

Faafin : SomaliTalk.com | July 25, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version