SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Mutamarkii Magaalada Rochester oo Si Habsamiya ku soo gaba gaboobay

Mutamarkii saddexda maalmood ka socdey magaalada Rochester ee Gobolka Minnesota ayaa Axadii (July 26, 2009) si habsami ah kusoo gabagaboobay.


Culimadii ka hadlay muxaadarada Sawirada Halkan ka daawo

Culumada ka ha hadahay ayaa waxaa ka mid ahaa Imaamka Masjidka Abuubakar ahna Gudoomiyaha Golaha imaamyad Sh C/raxmaan Sh Cumar.

 
Sh C/raxmaan Sh Cumar

 Waxaa kaloo ka mid ahaa Sh C/risaaq Sancaani oo ka  Imaamka Masjid Rowda


Sh C/risaaq Sancaani


Sh C/qani Qardhaawi


Sh. C/qani Bashiir

 
Sh Kamal El Mekki | waxaa kaloo ka mid ahaa dad kii halkaas ka hadlay Amir Muxadth Akhi Loon
Amir Muxadath Akhi loon


Ninka soo galay Islaamka                         |  Sh Yusha Evans oo ah wadaad daaciya

Nin goobta ku Muslimay ayaa asna dad ka la hadlay nin kaa ayaa Shaqaalo ka ahaa Goobta Mutamarka
Laakiin markii uu ku arkay dad kala midab ah oo is jecel sida uu sheegay jelaaday Diinta Islaamka asaga oo ku Muslimay Goobta Mutamar ku ka Dhacay
Ma ahan arin ku Cusub Ducaada iyo Culuda waxaana dad badan nu dhigayaan in ay tahay mira dhalka Mutamaraadka iyo Shiararka ays oo Abaabulaan Culumada iyo Ducaadu ku waas oo iskaga yimid Waqooyiga America

 
Sh Saalah Mohamed                              |   Sh Ahmed Ali

Sh Saalah Mohamed waxuu ka mid yahay Howlwadeenadii Mutamarka isla markaan waxuu ka mid yahay Ducaad Waqooyiga America waxuuna sheegay in uu guul ku dhamaaday oo wax dhiba aysan ka dhicin Mutamarku inta uu socday

 Sh Ahmed Ali waxuu ka mid yahay Howl wadeenadii Mutamarka waxuuna sheegay faaidada ugu weyn ee Mutamarkaan in ay tahay in Qof Diinta islaamka Naxariisteeda Dareemo oo uu islaamo taasna waxay ka qaalisan tahay Sida nabigu yiri geela Gad gaduudan
Laakiin maantay u dhigma wax kasta oo qaaliya waxuuna u mahad celiyey dhammaan howlwadeenadii iyo ka soo qayb galayaashii gaar ahaan Dumarka oo Door weyn ka Cayaaray

 
Waxaa lagu soo gaba gabeeyey Duco iyo Natiijadii Tartan loo Qabtay Dhalin yarada

Ustaad Abdiwali Bashir Warsame (Ustaad Dalboon)
cdalboon@hotmail.com


Maalintii Labaad ee Mutamarkii Rochester Minnesota...

Sawirada oo ah SlideShow... Daawo

Sawirada Halkan ka daawo



Sabtidii oo ahayd July 25 waxay ahayd maalintii labaad ee Mutamarkii 3aad ee Rochester Minnesota. Waxaa ka soo qayb galay dad badan waxaana ka Hadlay Culumo fara badan ayadoo oo aan Live u siidaynay. Waxaana culimada ka mid ahaa Sh Kamal El Mekki iyo Yusha Evans iyo Sh C/risaaq Xaashi sidoo kale waxaa sadaqo in ay la baxaan soo jeediyey C/qani Qardhaawi iyo Sh Nuur Haadi iyo Sh C/qani Bashir.

       

Muxaadaro ku saabsan Xuquuqda Carruurtu ku leeyihiin Waalidka oo aad u qiimo badan ayaa waxaa soo jeediyey Sh. C/risaaq Xaashi..

Muxaadaradii Sh. C/risaaq Xaashi

  1. Qaybta 1aad: Dhegeyso  ama soo rogo..
  2. Qaybta 2aad: Dhegeyso  ama soo rogo..


Sh. C/risaaq Xaashi

Axadda (July 26, 2009) ayaa waxaa filayaa in ay kasoo qayb galayaan Mutamarka Sh C/raxman Sh Cumar imaamka Masjidka Abuubakar ah Gudoomiyaha Golaha Imaamyada Ciwaanka Muxaadaradu waa MARABTAA IN LAGU JECLAADO  iyo Imaamka Masjidu Rowda Sh C/risaaq Sancaani Ciwaanka Muxaadarada Waa AKHLAAQDA WANAAGSAN  iyo Sh C/qani Qardhaawi Ciwaanka Muxaadarada Waa  U SHAQAYNTA DIINTA iyo Sh C/laahi ibraahim Waxuu asna ka hadli doonaa GUURKA IYO WANAAGIISA. Waxaa muxaadarada xiri doona Sh Ahmed Haashi.

Muxadaarada oo Axada markale bilaabanaysa xilliga Xigsinka waxaad si toos ah (LIVE) uga daawan kartaan SomaliTalkShow.com. oo qayb ka ah SomaliTalk.com.

Ustaad Abdiwali Bashir Warsame (Dalboon) Minnesota Rochester
cdalboon@hotmail.com 


Mutamarkii Saddexaad oo ka Furmay Galabtay Magaalada Rochester ee Gobolka Minnesota

Galabnimadii Jamcaha ee July 24 ayaa waxaa furmay Mutamarkii saddexaad ee kana furmay Magaalagada Rochester oo ah Magalaada Saddexaad ee Gobalka Minnesota. Ducaadda mutamarkan soo yagleelay ayaa waxaa ka mid ahaa Sh Mohamed Mohamed iyo Sh Saalax Mohamed iyo Sh Ahmed Ali.

Waxaana ka qayb galaya Culuma qaar kood ka yimid Dalalka Africa iyo Yurub waxaana ka mid ah Sh C/qani Bashir iyo qaybo ka mida Imaam yada Masaajidka waqooyiga America. Xurunta lagu qabtay Mutamarka ayaa ahayd Mayo Hich School.

Sh C/qani Bashir ayaa Muxaadaradii ugu horaysay ka jeediyey Mutamarka taas oo ku baxaysay Luuqadda English ka Halkan ka Dhagayso Sh C/qani ayaa ku noolaa Mudo badan wadamada Yurub haddana ka yimid Qaarada Africa. Sh C/qani ayaa Sidoo kale Maantay Salaaddii jamce khudbad aad iyo aad u qiima badan ka jeediyey Masaajidka Rowda Khudbadaas ayuu oga hadlay Dad kii janada loogu bishaareeyey iyo qaabka lagu gali karo Janada Halkan ka Dhagayso Khudbadii Masjiddu Rowda

Howl wadeenada Mutamarka ayaa isku dayaya in ay maalinta biri oo ah Sabti iyo Axadda in ay si toosa Caalamka looga daawan doono.

Sidoo kale Sh C/qani ayaa Salaaddi Jamcaha u sheegay Dadweynaha in aysan waa meel fog khayrka oga harin asaga oo Tusaale u soo qaatay in uu Qaarado kale oga yimid khayrkaan islamar kaan suurta gal aysan ahayn in aad mar marsiyo ka dhigato waa meel fog

Culumada Qaybta Af Soomaliga Biri waxaa ka mida
Sh. C/raxman Sh. Cumar, Sh. C/risaaq Xaashi, Sh. C/laahi ibraahim, Sh. C/qani Qardhaawi,  Sh. Xasan Dahir Lohos iyo Sh. Maxamud Jeesaani

Culumada Qaybta Englisha ka waxaa ka mida
Sh. C/qani Bashiir Sh. Kamal Al-maki Sh. C/Rashid Ibrahimsh. Amir Muxadith Akha loon

Ustaad Dalboon Rochester Minnesota
cdalboon@hotmail.com
 
Faafin : SomaliTalk.com | July 24, 2009

Mutamarkii Saddexaad oo ka Furmay Galabtay Magaalada Rochester ee Gobolka Minnesota

Dagaal sadex maalmood socday oo cwxo ay ku qabsadeen saldhigii weynaa ee Dhakaayo.

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version