Siyaasadda Xabasha waxaa dhaqan u ah in ciddii aanay jeclayn ay u
raadiso arrin dacaayadeed oo lagu magacdilayo. Bartamihii Q13aad,
Amxaaradu markay ololaha ugu jireen inay xukunka ka qaadaan Agaw-ga
waxay ku eedeeyeen inaanay israa'iiliyiin ahayn. Ayagoo sheegtay
Kibra Nagast waxaa ku qornaa: 'Kuwa xukunka qabta oo aan
Israa'iiliga ahayn, sharciga ayay ku xadgudbeen' ( Tamrat 1972: 64
). Isla ujeedadaas ayay u shuhubeeyeen, si masabid ah, qaabkii uu ku
dhashay Imaam Axmad.
Islaamka oo aad loo nicibyahay waxaa loo sawiray 'khatar joogta
ah, boqortooyo shareed oo aan dhammaad lahayn, lana dhalan rogi
karin'. Gaalla ayagu waa dad aan dhaqan lahayn, waxshi ah oo Q16aad
Itoobiya kaga soo duulay meelaan la garanayn. Culaab ayay ku yihiin
Itoobiya. Ayaga iyo waxshiyiinta kale ayaana hortaagan horumarkeeda
(Baxter, Hultin & Triulzi: 83-8). Muslimiinta Xabashiyoobay (Jabarti),
inkastoo ay degmooyin fara badan ku lahaayeen W. Itoobiya min
bilowgii Islaamka, waxaa lagu nabay addoonnimo, xaqna uma lahayn
inay dhul yeeshaan (Trimingham 1965: 153).
Soomaalida waxaa lagu soo soocaa Islaamka, markaa waa quwad
sharlow ah oo Q16aad baabi'isay xadaaradda Itoobiya. Waqtiyadii
danbe laba qaab ayay Ityoobiya u martay macna tiridda Soomaalida:
1) Inkiridda iyo dhalan rogidda taariikhda Soomaalida: Ingiriiska
iyo Yurubta kale waxay 1873 ka garaysan waayeen Yohannes-kii Tigray
in Masar dhul ka qabsatay. Ka bacdina Yohannes oo khadiifkii Masar
ku tilmaamaya beenlow, meelaha uu sheegtay in laga qabsaday waxaa ka
mid ahaa Soomaali (Rubenson 1976 303 & 305), asagoo dabcan u jeeday
Harar iyo Saylac. Ilaa qaybo Soomaali ahi ay xoroobeen 1960,
Itoobiya waxay adduunka ka dhaadhacsiinaysay inaanu jirin qaran
Soomaaliyeed. Taddasse Tamrat oo loo xilsaaray qaybta Geeska Afrika
ee 'Cambridge History of Africa', wuxuu qaybtaas cinwaan uga dhigay
"Ethiopia and the Horn"!
2) Soomaalidu waa reer guuraa aan xuduud aqoon: Arrintaas oo ay
ka bowsatay Ingiriiska, Itoobiya waxay uga jeedday inay ku
shuhubayso xuduudda ama muwaadinnimada Soomaalida. Xabashi ayaa
asagoo ka hadlaya Soomaali Galbeed u sheegay Yurubi "fallaagadani ma
aha Xabashi, waxaanna ku farxi lahayn inaan ka takhallusno", (Farago
1935: 273). Mid ka mid ah taariikh qorayaasha Itoobiya ee maanta,
Soomaalida dalkiisu xukumo erayadaan kooban ayuu ka soo qaaday
'xoola dhaqato aan aqoonsanayn wax xuduud ah' (Zewde 1991: 20).
Xayle Selaase laftigiisu 1956 wuxuu sheegtay: 'Itoobiya ixsaan ayay
u samaysay Soomaalida, markay u ogolaatay inay xoolahooda daaqsadaan
dhulkeeda' . Ma garan karno xuduuda Ingiriiska iyo Xabashidu u
jeedeen, mar haddaan cidina ka filayn Soomaalida inay aqbalaan waxay
ka hadlayaan. Xabashidu way ogyihiin soomaalidu dhaqan ahaan inay ka
hab nololeed sarreeyaan. Horey ayaa kuwa lagu tilmaamay kuwa ugu
ilbaxsan madaxdoodu, u muujiyeen walaaca ay ka qabaan Soomaalida oo
ka hab nololeed sarreeya, marka la fiirinayo arrimaha isu dhigma,
(Drysdale 1964: 44). Laakiin ka hadlidda hab nololeedka Soomaalidu
wuxuu ahaa xeelad siyaasadeed.
Maamulka Itoobiya ee maanta, wuu ogsoonyahay falalka kaliya ee
argagaxisnimo ee ka dhaca G/Afrika in laga soo abaabulo Addis Ababa.
Ayagoo ku dhaca Soomaalida, Oromada iwm. Ka hadlidda waxyaalaha ay
ka mid yihiin: asalraaca, xagjiridda, argagixisada iwm., waa xeelad
ay canbaareyn ugu raadinayaan cid aanay doonayn soo bixitaankeeda.
Sidii Seerbiyiintu u sheegteen inay ka hortagayaan asal raac, markay
gumaadayeen Boosniyiinta, ayaa Itoobiya soo amaahatay
xeelad-dacaaayadeedka caalamiga ah ee khatarta asal raaca khayaaliga
ah.
Waa arrin u baahan in jawaab loo helo: marka Itoobiya ay xaq u
yeelatay inay Soomaalida u sheegto qaabka ay Ilaah u caabudayaan,
qaabka ay u dhisayaan dawladdooda iyo kuwa ay madax u dooranayaan!
V) MIKYAAFELLINNIMO (Michiavellism)
Habdhaqanka siyaasadeed ee Xabasha waxaa lagu tilmaamay si walba
u yaal. FitzGibbon wuxuu qaabkaas ku tilmaamay isa soo oohin, ama is
hoos dhigidda cidda markaas ay wax uga baahantahay. Marka laguu
baahanyahay waxaa tahay wax kasta; ha yeeshee markaan laguu baahnayn
ma mudnid wax naxariis ah. Haddii aanay waxba ku jabneyn in
asaasihii qaranku ku dhashay macsi, soona xaday Taabuutkii, mabda'
ahaan ma jiraan wax ka xaaraansan qaranka. Sharci ahaan, mandiq
ahaan iyo damiir ahaan ma jiraan wax xadidaya qaabka ujeedada lagu
gaarayo. Markii EPRDF-tu 1991 soo fidayeen, dadka Soomaali galbeed
waxay u sheegeen: Jabarti ayaan isla nahay. Si ay u qaldaan halganka
Oromada xabashi badan ayaa waayahaan bilaabay inay sheegtaan Oromo.
Waa arrin iska caadi ah markay joogaan dal muslim ah inay sheegtaan
diinta iyo magacyada Islaamka. Mesfin Wald Maryam oo ka mid ah
buuniyaasha jaamicadda Addis Ababa, 1948 wuxuu qoray " Soomaalidu
dhimasho ayay ka xigaan soo noqoshada isticmaarkii Talyaaniga,
taasoo ay ku muujiyeen goobtii 11 Jan. 1948". Ha yeeshee 1977,
asagoo kaashanaya Sven Rubenson, waxba kamuu qabin inuu isburiyo.
Marakan waxay qoreen: 'Soomaalida xornimada waa loogu deeqay, oo wax
cudur daar taariikheed ah uma laha xornimadooda --- Si arinnimo ah
ayay u aqbaleen xukunkii Talyaaniga 1950-60 kii. Muxuu yahay
halganka xornimo ee Soomaalidu waligood sameeyeen? Waa arrin shaki
leh hadduu jiro wadan kale oo Afrika ka mid ah oo xorriyaddiisa ku
helay sahalka ay Soomaaliya ku heshay oo kale. Halganka kaliya ee
dadka Soomaalidu yaqaannaa waa midka u dhexeeya qabaa'ilka kala
duwan. Dan kama lahayn oo aad ayay u rabeen inay shirkad u dhiibaan
naftooda iyo dalkooda' (A. Hussein fii Adam & Geshekter 1982: 610).
Halkan la yaabku ma aha inuuna Soomaalida dib u dhac fara badan
ka soo gaarin isu muuqashadooda aan macnaha ku fadhiyin. La yaabkuse
wuxuu yahay sida sahalka ah oo loo munaasabadeyn karo fakarka
Xabasha, iyo sida sahalka ah oo ay isu diidsiin karto taariikhda
Soomaalida oo leh halgan ka mid ah kuwa adduunka ugu dhiig
daadashada badan uguna dheer. Mesfin iyo saaxibkii kaliya waxay
ahaayeen wax soo saarka falsafad siyaasadeed oo si walba u taal ah.
Marka 4-tii dal ee waaweynaa 1949 ay go'aaminayeen in Soomaaliya dib
loogu cesho Talyaaniga, Xayle Selaase wuxuu ku eedeeyay 'inay ku
tumanayaan mabaadi'da aaya ka tashiga ummadaha, taasoo si cad
Soomaalidu u muujiyeen', (Sauldie 1987: 16).
Aaya ka tashiga ay ka hadlayeen oo macnihiisu ahaa in Soomaalida
oo dhammi hoos timaaddo xukunka Itoobiya, wuxuu ka mid ahaa olole
Itoobiya ku madal hufinaysay xorriyadda iyo midawga Soomaaliya.
Madan Sauldie oo dareensan dhaqankaasi wuxuu qoray 'Arrinta la
yaabka lihi waxay tahay su'aasha aaya ka tashiga Soomaalida, cidaan
boqor Xayle Selaase ahayni ma soo qaadin asagoo sida muuqata uga
jeeday in Soomaalidu ku biiraan Itoobiya. Waxaan ka la yaab yareyn,
bariga Itoobiya ee Soomaalidu degto magaalada Jigjiga markay SYL
ayagoo muujinaya xarakadoodii wadaniyadeed, diideen inay dejiyaan
calankooda booliiska Xayle Selaase xabbad ayay ku fureen ayagoo
dilay 25 qof, ka bacdina SYL waa la mamnuucay'. Sauldie wuu sii
waday tusaalayaashiisa asagoo xusay isku deygii Itoobiya ee 1950dkii
iyo 1970dkii inay hor istaagto xornimada Soomaaliya iyo Jabuuti (TH:
71).
Taas waxaa la mid ah, waxa loogu yeeray shirarkii dib u heshiinta
ee 1990dka lagu qabanayay Itoobiya, waxay ahaayeen xeelad lagu marin
habaabinayo fursadaha nabadda iyo dib u heshiinta Soomaalida.
Sheekada ah Soomaaliya gobollo ha isu dhisto waa waji kale oo
shirqoolka lagaga shaqaysiinayo. Haddii Meles iyo Sayuum arrintaa si
dadban u qirteen, Ermias ayaa u qirtay si qeexan. Wuxuu u sheegay
ururka aan soo xusnay in Soomaaliya loo qaybiyo gobollo yaryar oo
Itoobiya dusha ka maamusho.
VI) MILID iyo DUUFSI
Si dadyowga kale u aqbalaan qabsashadeeda, xoogga ka sokow,
Xabasha afar qaab ayay adeegsataa: Nasaareyn, guur, xayaysiinta
xabashinnimada iyo cambaareynta isirrada kale; iyo samaynta madax
daba dhilif ah oo aan sharci ahayn. Tan waxaa loo yaqaan "xeeladdeeda
hiddaysiga ah ee qeybi oo xukun". Waxaan soo xusnay sida Soomaalida/muslimiinta
dibu dhac weyni uga soo gaaray rag xukunka boobabaya oo Xabashidu
tasarruf ku yeelatay 1270aadkii, 1299, iyo 1332-62, ilaa
wadaniyiintu xukunka ku guuleysteen 1363. Tigray waqtigaas way ka
soo horjeeday taliskii cusbaa ee Amxaarada. Markaa waxay hoos timi
Amxaarada markay ayagu madax u sameeyeen.
Boqorradii Xabasha oo waqtiyadaas naaga badan guursan jiray waxay
ku dadaaleen inay guursadaan gabdhaha boqorradii ama ugaasyadii
muslimiinta, si ay u soo xera galiyaan. Arrin aad loo yaqaan waxay
tahay Zara Yacquub, 1434-68, oo si uu u xalaalaysto qabsashadii
Hadiya, guursaday gabar uu dhalay garaad moxammedkii Hadiya.
Arrintaa waxaa ka horyimi garaad Maxiiko oo gabadha walaalkeed ahaa.
Wuxuu isku dayay inuu Awdal taageero u raadsado. Waxaase dagaal ku
qabtay oo dilay taageerayaasha aabihi iyo adeerki garaad Baamo.
Ba'ada Maryam, 1468-78, asna wuxuu guursaday laba dumar ah oo muslim
ah oo mid uu dhalay garaadka Dawaro. Gabadhaas oo gaalooday waxay
noqotay boqoradda ugu taariikhda weyn xabasha, talooyinkii ay ku
biirisay awgood, waxayna dhashay Iskandar, 1478-94. Fasiladas,
1632-67, asna waxaa la sheegay ayeeyadii inay muslim ahayd.
Gobalka Wallo, Oramada waqooyi, Moxammed Cali 1890dkii wuxuu isku
dayay inuu diido isfidinta Xabasha. Ha yeeshee Minilik ayaa u
guuriyay gabadhiisii Zawidu, ee uu kaligeed carruur ka lahaa aadna u
jeclaa. Moxammed wuxuu aqbalay markaa inuu noqdo raas Makaa'iilka
gobalkaas. Gobana Daaju wuxuu ahaa hogaamiye kale oo Oromo ah, oo
waqtiyadaas khayaanay dadkiisa ka bacdi markii Minilik duufsaday.
Waxaan soo xusnay cawaaqibka madaw ee ay dhaxalsiiyeen Soomaali
galbeed koox odayaal wax ma garada ah oo Xayle Sellaase duufsaday
1940dkii. Xayle Selaase oo u sahan ah isku daygiisii madal hufinta
xornimada Soomaaliya ayaa 1956 booqday ilaa Qabri daharre. Wuxuuse
ku naxay in Soomaalida halkaasi wali quursanayaan Itoobiya iyo
dhaqankeeda, una baahan yihiin in looga tarjumo. Wuxuu soo jeediyay
in Amxaarada iyo Soomaalidu isguursadaan (Touval 1963: 144). Mar
kale wuxuu ku amray wakiilladiisa: u sheega xaasaskiinna shaqa
la'aanta ah inay baraan dumarka Soomaalida sida loo sameeyo cuntada
Itoobiya. Addis Ababa waxaa maanta ka furan machad lagu tababaro
dhallinyaro la doonayo inay kula noqdaan qawmiyadahooda afkaar
xabashi-raac ah.
Ka bacdi markay suurta gashay in Soomaaliya lagu burburiyo kooxo
damiir laawayaal soomaali ah oo ku dhacay gacanta Itoobiya, dadyowga
G/Afrika badankoodu waxay la heystayaal u noqdeen shirqoolkeeda.
Samaynta khaa'iniin sharci darra ku dhisani, xilliga jaah wareerka,
waa xeelad u helloon ujeedooyinka Itoobiya ee "qaybi oo xukun".