Daabaco
Boggan | Print |
Geedi:
Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma
hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof
kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri
baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray.
Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan
aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad
rabin.
GUJI.... |
|
1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa
wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo
Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya.
Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo
waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu
wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee
Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.
|
Waan
baahanahay Baqtiga looma Cuno
Sawirkan sidaas uu yahay waxaa soo tebiyey
qoraga maqaalkan... |
Dalka soomaaliya oo ah dalkeenii hooyo ayaa waxaa
wax laga naxo ah xaalada maanta uu ku sugan yahay, sida muuqatana uma jeedno
rajo wanaagsan oo aan ka sugeeyno dowlada eey madaxda ka yihiin C/hi Yuusuf iyo
Cali Max’ed Geedi, oo iyagu si cad ugu adeega dowlada Itoobiya, waa arin murugo
leh in hogaamiyayaashii 15;ka sano ka qeeyb qaadanaayay burburka dalka oo eey
ka midka yihiin Muuse Suudi, Qanyare Cismaan Caato, Barre Hiiraale, Indhacade &
kuwakale, oo dhawanahaan ku qaraabanaayay shaar cusub oo ah in eey dalka ka
difaacaayaan Itoobiya oo dowlada C/hi Yuusuf dooneeyso ineey Soomaaliya gacanta
u galiso eey arintaas fashilinto, waa kuwo cadeeystey in eey danahooda qaaska ah
fiirsanayeen.
Waxaa jirta siyaasad qadiim ah oo ay ku
shaqaynayso Dowlada Tigreega ee Addis Ababa, waxa eey taariiqda ugu dhigaan
caruurtooda in soomaalidu yihiin Itoobiyaan ka go’ay dalka Itoobiya, oo ay
qasab tahay in dib loo soo celiyo, waxa ay taliska tigreegu aduunka u sheegaan
in soomaalidu tahay dad waagii dabaysha xoriyadu socotay oo reer galbeedku
Africa kaguurayeen si qalad ah ku heshay xoriyada, oo ay yihiin dad aan u
qalmin in ay madax banaani helaan, mana ahan dad is maamuli kara. Waxaan kaloo
xasuusin mudan in hada kahor wasiir itooobiyaan ah (C/majiid) British
Broadcasting Corporation weydiisay danaha ay ka leeyihiin soomaliya, oo uu
yiri “ Soomaaliya danta aan kaleenahay waa iska muuqataa oo Badwayntii Hindiya
ayaa ka shishaysa waa wax iska cad oo qof kastaa fahmikaro”
Hadaba si loo hirgeliyo siyaasadahaas qadiimkaa ee
cadawga umada Soomaaliyeed waxay Itoobiya heshay fursad qaali ah kala
daadsanaanta soomaalida owgeed, lagamana yaabo in eey waligeed wanaageena ka
taliso arimahaan soo socdo darteed, markohore Soomaalidu waa dad muslimiin ah
oo diin ahaan cadaw ayeey nagu tahay, sida lugu muujiyey tirikoobkii ugu
danbeeyey shacabka itoobiya 70% waa muslimiin meesha diintu uga soo maaxatayna
waxaa la sheegay ineey tahay Soomaaliya, sidaas daraadeed taliska tigreegu
arintaas ma aqbali karo, midakale Itoobiya dhul ayey naga haysataa waxayna og
tahay in hadii soomaalidu noqoto qaran dhisan aysan sii haysan doonin.
Isku soo duuboo aqristoow hakudeeqo hadalkii
madax waynihii hore ee Kenya oo ahaa” anaga iyo Itoobiya madoonayno in
Soomaaliya nabad noqoto”.
Si fudud waxaad ku fahmikartaan in 18.11.05 Cali
Max,ed geedi uu cadeeyey in dawladii Carte itoobiya fashilisay, mana jiro nin
soomaali ah oo itoobiya saaxiib latahay ama Jeceshahay, ee danteeda ayey ku
fushaneeysaa, midkii danteeda diidana dhankasta wey kala dagaalamaysaa, hadaba
aqristoow iyadoo xaalku sidaas yahay ayaad ogtihiin in Jawhar Itoobiya lugula
saxiixday wax lugu sheegay heshiis iskaashi, bal is waydii iskaashiga na dhex
mari karaa muxuu yahay xiligaan ??. Ayadoo weliba lasheegay in waxyaabaha lugu
heshiiyey ay kujiraan iskaashi ciidan.
Dhamaan dadka soomaaliyeed ee ay ku jirto cabsida
eebe waxaan dhihi lahaa waan baahanahay baqtiga looma cuno. oo yaan la raacin
Dowlada ku sheega cusub ee itoobiya dabada ku heeyso iyo hogaamiye kooxeedyada
dhiig cabayaasha ah.
Wariye:- Mustafa Indhoos
talaado@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com Nov 19, 2005
|