Daabaco
Boggan | Print |
Geedi:
Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma
hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof
kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri
baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray.
Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan
aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad
rabin.
GUJI.... |
|
1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa
wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo
Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya.
Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo
waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu
wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee
Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.
|
FAHAD YAASIIN TALO IGA HOO
Jama Abdilahi Suleiman
cigaal215@hotmail.com
Tan Iyo Intii Ay Idaacada British Broadcasting
Corporation Laanteeda Afsomaligu La Yeelatay Waraysiga
Furan Oo Shacabku Si Tooosa Uga Weydiinayeen Idaacada Su’aalo Kala Duwan
Raiisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi Taariikhdu Markay
Ahayd Bishan November 11, 2005 Waxaa Waraysigaasi Ladh Iyo Dacar Uu Ku
Kiciyey Kuwa Cadawga U Ah Somaliland Kuwaas Oo Ah Haad Geed Waayey Laakiin
Isu Haysta In Ay Dadka Ka Horeeyaan Kana Aragti Dheer Yihiin Kuwa Noocaas Ah
Waxaa Ka Mida Nin La Yidhaahdo Fahad Yaasiin Oo Shebekada Somalitalk Wax Ku
Qora Run Ahaantii Anigu Ninkan Aqoon Uma Lihi Laakiin Waxaan Sidaa U
Leeyahay Waxaan Akhristay In Badan Maqaalada Uu Qoro Kuwaas Oo Aad Moodo
Gole Ka Fuul Aan Daraasad Dhab Ah Lagu Sameyn Isagoo Aad Moodo Inuu Keligiis
Sax Ka Yahay Dadka Soomaaliyeed Ayuu Wuxuu Qoray Maqaal Uu Leeyahay Ilaah
Baan Kugu Dhaariyee Cabdilaahi Yuuusufow Ra’iisal Wasaare Geedi Xilka Ka
Qaad Xataa Ninkan Suxufiga Sheeganayaa Ma Oga In Distuurka Uu Leeyahay Geedi
Ayaa Jebiyey Aan Madaxweynuhu Lahayn Awood Uu Ra’iisal Wasaaraha Xilka Kaga
Qaado Sababta Xilka Qaadistana Wuxuu Ku Sababeeyey Ra’iisal Wasaaraha Oo
Sheegay In Aanu Waxba Ka Qabin Hadii La Aqoonsado Somaliland.
Kala Maan Ahaa
Kaaga Sii Darane Mudo Iminka Laga Joogo Labo Sanadood Wuxuu Qoray Maqaal
Kale Oo Uu Leeyahay Somaliland Waa Beerkii Qadada Lagu Sugayey Wuxuuna
Hadana Dhinaca Kale Ka Qiray In Dadkani Yahay Dad Wax Qabsaday Wuxuu Yidhi
Somaliland Waa Meesha Ugu Nabad Gelyo Fiican Geeska Africa Cidina Kama
Cabsato In La Dilo Iyo In La Dhaco Midna Waxaana Ka Jira Maamuul Shacabku
Taageersan Yahay Oo Uu Madaxweyne Ka Yahay Daahir Riyaale Kaahin Oo Sife
Sharci Ah Lagu Soo Doortay Wuxuu Warbixintiisa Ku Sii Daray Dhamaan Shacabka
Somaliland Waa Taageersan Yahay Dawlada Halkaas Ka Jirta Oo Xataa Hadii
Warqada Yeedhista Maxkabada Qofka Loogu Geeyo Suuqa Ama Gurigiisa Wuxuu Soo
Raacayaa Kii Soo Dacweeyey Isagoo Sharciga U Hogaansan Dhinaca Kalena Wuxuu
Leeyahay Siyaasiyiinta Ayaa Wata Mabda Gooni Isu Taaga Ee Shacabku Lama Qabo
Waana Diidan Yahay Oo Waa Ka Soo Hor Jeedaa Markaas Ninka Sidaa Hadaladiisu
Isaga Hor Imanayaan Maxaa Lagu Tilmaami Karaa Waa Yaabe Hadii Shacabku
Diidan Yahay Gooni Isu Taaga Maxay Hadana Ugu Hogaansan Yihiin Xukunka
Siyaasiyiinta Iyo Maamulka Siyaasiyiintu Hagayso Isaga Ayaa Inooga Jawaabi
Doona.
Hadaan U Soo Noqdo Maqaalkan Danbe Ee Uu Ku Tuugsanayo In Cali Geedi
Xilka Laga Qaado Horta Hadaan Ku Weydiiyo Fahad Yaasiinoow Su’aal Maxay Kala
Yihiin Somaliland Iyo Somaliya Waxaan Hubaa In Aadan Ka Jawaabi Karin
Laakiin Kaaga Jawaabi Maayo Aniguye Ee Waxaan Kuu Soo Qaadanayaa Jawaab Uu
Hore U Bixiyey Hal Abuurka Weyn Ee Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi) Meeshu
Waa Dirir Dhabe Taariikhdu Waa 1991 Bishu Waa December Waxaa Waraystay
Odayga Wargeysii Codka Hargeisa Oo Waagaas Hargeisa Ka Soo Bixi Jiray
Weriyihii Wuxuu Weydiiyey Su’aal Ah Hadraawi Waxaa Had Iyo Jeer Lagu Murmaa
Hadraawi Wuxuu Aaminsan Yahay Midnimada Somaliya Iyo Maahee Wuxuu Aaminsan
Yahay Gooni Isu Taaga Somaliland Markaa Adiga Mowqifkaaga Noo Sheeg Waa
Su’aal Da Weynoo Madaxa Daalinaysee Adigoo Degan U Fiirso Dhego U Yeelo Sida
Abwaanku Uga Jawaabay Wuxuu Yidhi Waa Su’aal Xiiso Leh Hadaan Kaaga
Jawaabana Somaliland Iyo Somaliya Labadu Waa Xuruuf Laysu Geeyey Laakiin
Waxay Micno Samaynayaan Oo Qiime Yeelanayaan Mark Wax Laga Dhigo Wuxuu
Weriyihii Sii Raaciyey Maxaad Ula Jeedaa Mark Wax Laga Dhigo Adiguse
Hadraawi Ahaan Xagaad Taageersan Tahay Duq Gaboobay Iyo Wiil Yar Baa Loo
Dedaa Hadale Hadraawi Oo Kale Maaha Nin Weriye Hadal Ku Xadi Karo Wuxuu Ku
Jawaabay Anigu Waxaan Taageersanahay Cidii Wax Qabsata Ee Wax Noqota Ee
Khayrkeed Higsata Laakiin Magac Waxba Ii Tarimaayo.
Hadaad Qirtay Fahadow In
Somaliland Wax Qabsatay Oo Aad Tidhi Waxay Ugu Horeeyaan Geeska Afrika Yaa
Wax Noqday Ma Soomaaliya Mise Somaliland Dadka Indheer Garadka Iyo Kuwa
Aqoon Yahanka Ahina Waa Isku Aragti Meel Ay Joogaanba Markaa Cali Maxamed
Geedi Wuxuu Qiray In Ay Mudan Tahay In Lagu Taageero Kuwa Wax Qabsaday Sida
Somaliland Oo Kale Dhankaan Ka Hadlay Qamaan Waakaas Dhaafay Hadalkiiye
Adiguna Waxaad Dhayeysaa Milil Guudkii Waxaana Aad La Joogtaa Xuruuf Laysu
Geeyey Oo Aan Laga Hooseyn Markaasad Weliba Isu Haysataa Inaad Tahay Ka Ugu
Cilmiga Iyo Caqliga Badan Xigmad Ayaa Tidhaahda Maaha Sida Aad Isu Taqaano
Ee Waa Sida Laguu Yaqaano Barashadaanana Maqaaladaada Bilaa Iidaanka Ah Ayaa
Nagaga Filan Waxaan Ku Soo Gaabinayaa Fahadoow Aniga Magaca Somaliland Wax
Buu Ii Gooyey Adigaana Ka Markhaati Furay Laakiin Adiga Macaga Soomaaliya
Horta Wax Ha Kuu Gooyo Waxaa La Yidhi Ninkii Tiisa Daryeelaa Tu Kale Ku Dara
Intaadan Somaliland Soo Gaadhin Wax Kaleba Ha Sii Joogaane Waar Adigu Wax
Noqo Lagaagama Baahna In Aad La Joogto Erayo Laysu Geeyey Ee Waxaa Lagaaga
Baahan Yahay Ficil Dhaba Oo Aad Ku Soo Celiso Amarkii Iyo Kala Danbeyntii
Isla Markaana Ku Higsato Khayrkaa, Waxaana Aan Ku Leeyahay Maanta Wax
Sheegmo Iyo Talo Waxaa Kaaaga Baahan Degalkaaga Intaad Sidaa Tahayna Hadal
Kuuma Banaana.
Jama Abdilahi Suleiman
cigaal215@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com Nov 19, 2005
WARQAD FURAN: MADAXWEYNE MUXUU GEEDI KAA MUDAN-YAHAY: Fahad Yaasiin.... Guji...
|