Daabaco
Boggan | Print |
Geedi:
Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma
hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof
kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri
baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray.
Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan
aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad
rabin.
GUJI.... |
|
1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa
wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo
Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya.
Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo
waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu
wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee
Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.
|
Waad Salaaman tihiin saaxiibada Webka iyo
Netka Somaliyeed.
Summary.
Wasiirka kowaad ee Somalia jawaabihii uu ka
bixiyay aqoonsiga JSL iyo Qoomiyadaha Somaliyeed ee Itoobiya iyo Kenya dad
bay jinni waalan ku rideen oo qaylo af labadii kala qaaday weyna ku qaldan
yihiin sida ay Somali badani qabto.
Analysis.
Siyaasaddu ma aha wax weligeed meel taagan.
Waxa ay isku bedeshaa sida harka labadiisa gelin. Siyaasaddu cadow joogta ah
ma leh sida aanay saaxiib joogta ah u lahayn. Waxay se leedahay dan joogta
ah. Wasiirka 1aad ee Somalia Md. Prof. Cali Maxamed Geedi jawaabihiisu waxa
ay ahaayeen qaar cilmiga ku fadhiya oo xaqiiqada ka run sheegahaya. Marka ay
dunidu aqoonsato JSL haddii dawladda Muqdisho aanay aqoonsan JSL maxaa kale
ee ay samayn lahayd ? Waxa ay dadka qaar ka xumaadeen ee Madaxweynaha
Wasiirada Somalia lagu haysto waa intaas.
Dadku waxa aanay aqoon u lahayn waa u cadow.
Waxa sidaas ka dhigan qofka aan maanta la socon dabaysha siyaasadda caalamku
dhinaca ay u socoto ee aan la jaan qaadi karin. Qofka ay aqoontiisu hoosayso,
garashadiisu liidato ama aan siyaasadda u dhuun daloolin waxa lagu gartaa
caadifadda iyo hadalada dhowdhow ee sadxiga ah ee ka fog diploomaasiyadda
iyo weerar qaawan oo qof shakhsiyadiisa oo gaar ah lagu weeraro illaa laga
gaaro reerkiisa. Waxa kale oo lagu gartaa qofka aynu soo sheegnay
maskaxdiisa ayuun buu weligii dib u jiidaa ama u ceilyaa oo wax laga soo
gudbay oo aan diin ahayn ayuu weli ku dheggan yahay. Qaar baa waxa ay weli
taagan yihiin Ina Cabadalla Xassan ayaa Ingiriis la dagaalay. Bal maxaa uga
shan-iyo-toban ah siyaasadda maanta Ina Cabdalla Xassan. Bal se haba la
dagaalo Ingiriis, waxa ay tahay su'aashu maxuu ka dagaalamay ama uu kula
dagaalay ee uu Sayid Maxamed Cabdalla Xassan ka doonahayay Ingiriiska?
Diin ma wadin Ina Cabdalla Xassan oo dadku muslim isaga
uga aqoon badan diinta ayay ahaayeen oo masaajidku waa dhisnaa marka laga
reebo meelo ka mid ah dhulka hadda loo yaqan Puntland. Dawladnimo muu wadin
oo waa kii diiday markii uu ingiriisku ugu yeertay magaalada ODWEYNE in uu
dalka xukumo oo boqor ka noqdo Ingiriiskuna xeebaha u ilaaliyo intii muddo
ah. Isticmaar iyo adoonsi ma jirin oo dadka Somaliyeed laguma hayn dhibaato
ee iyaka ayaa la barayay nadaafadda, qaabka nolosha fiican iyo ilbaxnima -
sida dharka loo xidho ee qaawanaanta looga gudbo ama musqulaha loo aado iwm.
Dalka JSL (Ex.Somali Protectorate ) xubnaha Ingiriiska ah ee joogay
waqtigaas kama ay badnayn dhammaan illaa toban ( 10 ) sarkaal iyo
xaasaskooda oo dadka u adeegayay muqaabil la'aan sida waxbarshada,
nabadgelyada, caafimaadka iyo maamulka xafiisyada ( administration ).
Somalida ayaa kharash iyo lacag lagu bixinahayay in ay wax noqdaan. Sheekada
Ina Cabdalla Xassan waxa dadka qaarkiis ka dhigteen sinaariyo ay maalinba
meesha ay rabaan ula kacaan in ay ku maxaafsadaan oo xoolo ku raadiyaan ama
ay kuwa awoodda helay iskaga dhaadhiciyaan sidii ku dhacday Siyaad Barre iyo
Ingiriiska oo maanta lala maagan yahay in Taleex loogu yeero in uu xoolo
keeno magdhow ah. Qaar baa waxa ay soo qoraan in Ina Cabdalla Xassan
diidanaa qayb-qaybintii xududaha caalamiga ah ee 1884 heshiiska lagu gaaray
iwm oo aan waqtiba ka dhaxayn.
Ingiriis isaga ayaa loo baahnaa joogistiisa
sida maantaba loo hoos dhooban yahay guryihiisa LAAKIIN Ingiriis waxba ugama
baahnayn Somalida sida aanu maantaba waxba uga baahnayn. Sidaas darteed
dagaalkii uu qaaday Ina Cabdalla Xassan waxa uu ahaa mid aan cilmi ku
fadhiyin. Waxa uu ahaa dagaal aan lib iyo ladnaan midna Somali u soo hoynin
magac laga dhaxlayna ma jiro oo aan ahayn wadaadka ayaa dad gumaaday oo
annaga ayuu ahaan jiray. Dadka lagu cambaareeyo in ay ka hor yimadeen halgan
sax ah oo uu waday Ina Cabdalla xassan waxa ay ahayeen kuwii ugu horayn
taageeray ka hor intii aanay ogaanin qalloociisa iyo maskax-falluuqa uu
qabay sida kuwa hadda dilahaya ee laynhaya dadka ajnabiga ah ee u soo
gurmaday wax-tarka dadka maatida ah ee dagaalka sokeeyay burburiyay ee
cilmiga iyo caafimadka la daba socday. Wadaadku na waxba waa kii maqli wayay
in uu dadka dhibaatada ka joojiyo. Taasina waxa ay natiijadeedi noqotay
in la iska qabto oo ay ka jeestaan dadkii taageeray oo ay ugu horreeyeen
kuwii xaruntiisa joogay oo cid walbo leh oo inta ay qabteen ay si
gobonimo ku jirto isu dhaafiyeen iyaga oo ahaa kuwii hadana sii gelbiyay ee
si nabagelyadiisu ku jirto isu dhaafiyay iyaga oo kari karayay in ay
Ingiriis gacanta u geliyaan hadana ka xishooday in ay sidaas yeelaan Somali
jacayl darteed iyo in ay ahaayeen dad hiddo iyo dhaqan u leh saamaxaadda iyo
wanaag doonka dadnimada leh.
Waxa laga yaabaa in uu Ina Cabdalla Xassan
dadka qaarkiis baray sida salaadda loo tukado oo aanay hortii aqoon u lahayn
sida loo tukado. Haa ! kuwaasi waxa dhihi karnaan isaga ayaa sida loo tukado
na baray oo waxa uu ahaa Darwiish Saalixiya ah oo MakKa ka yimid dadka janno
geliye ahaa haddii aanu qofku xujoobin. Aniga oo aan ku sii dheeraanahayn
sheekada wadaadka waxa aan ku soo koobayaa in uu ahaa nin ay dadka qaarkiis
talo xun ku lugooyeen isaguna noqday kii markii danbe iyaka lugaha wada
gooyay. Dagaalkiisu waxa uu ahaa mid naxariis daran oo macangeg ah oo aan
dumarka iyo caruiurta u nixin. Kaas oo aan waxba ka duwanayn kii Siyaad
Barre ( True copy ) ee ay qaadi jireen oo kale kuwii ahaa qabqablayaashii
casriigii dhexe ee dunida ee xoolo doonka iyo madaxnimo doonka u weertay una
waashay. Balwad geedda ah na waa lagu sheegi jiray wadaadka sida ku cad qaar
ka mid ah gabayadiisa.
Awowgay Ducaale Hadal-Wanaaje oo ka mid ahaa
raggii qaawiyay Ina Cabdalla Xassan tala xumada isaga iyo qaar ka tirsan
reer abtigii ay wadeen ayaa ku tilmaamay su'aalo uu sayidku weydiiyay
dhinaca qabyaaladda oo ka yaabisay Ducaale waxa Sayidka ku soo celiyay
qabyaalad Somali uu lahaa waxbaan idiin qabanhayaa oo u
sheeganhayay hogaamiye wax xoraynhaya ayaa ku tilmaamay su'aalaha Ina
Cabdalla Xassan uu wediiyay qaar aan xayawaanka na la weydiin waxa uu na
weydiiyay Sayidku!!
Waxa loo soo qaatay tixraacan aragtidan kooban
ee wadaadka ku saabsan in aay iska dhaafaan dadka qaarkiis maskaxda oo dib
loo celiyo marmarsiinyo doon - arki jiray doon marka laga hadlayo waxa
maanta jooga iyo mustaqbalka ummadda JSL iyo Somalia ama Somali guud
ahaan oo waqti badan laga lumiyay hore na loo soo hoojiyay. Waxa ay dantu ku
jirtaa oo la door-bidahayaa hor-u-socod iyo in dunida lala jaan qaado oo wax
lala qabsado si loo gaadho nolol deggan oo aan cillad iyo caqabado lahayn.
Waxa fiican in la ixtiraamo oo la aqoonsado dhammaan xuduudda caalimaga ah
ee la isla ogolaaday 1884 iyo dawladihii ka dhashay, Jinsiyadda, dhalashada,
Qaranimada, xeerarka caalamiga ah iyo qawaaniinta dawliga ah. Qabiil keli
ahi dhowr qaran ayuu ku kala noolaan karaa oo dunida oo dhan ka jirta.
Fikrad saxan ma aha tolkay ayuun baan la dal iyo dawlad ahaanayaa. Meeshaasu
talo ayay uga baahan tahay qayb ka mid ah dad ka tirsan JSL ee deggan meelo
ka mid ah gobolka Sool iyo magaalada Laascaanood. Weli waxa la
isweydiinahayaa waxa ay Boorama garatay ee ay Laascaanood wada garan
la'dahay !!
Maxay tahay macnaheedu marka kuwii
shalay gaystay xasuuqa iyo dabargoynta dadka muslimka ah ee rayidka ah la
difaaco ee madaxa la saarto dhagar qabayaal cuqdad jirta awgeed isla
markaasna la cambaareeyo xukunka caddaaladda ah ee lagu fuliyay kuwa dunida
fasaadka geliyay ee dadka gargaarka waday dilay iyaka oo gurigooda jooga.
Kuwa wax dilaya oo aan lahayn ujeedo cad oo sharci ah oo ay sidaas u
yeelahayaan.
Si kastaba ha ahaatee marka loo soo noqdo
jawaabta Md. Geedi, wasiirka kowaad ee Somalia waxa uu ka hadlay waa wax
jira oo run ah oo waaqici ah. Marka sidaas loo eegona waxa uu ku
sifoobay Md. Geedi in uu yahay aqoon yahan siyaasi cusub oo casri ah
iyo geesi edeb leh oo runta ku dhawaaqay oo aan halkan la soo taagnayn indho
caddayn, inkiraad iyo muran jaahilnimo. Waxa ay dadka qaar la doonahayeen in
uu Md. Geedi yidhaahdo Somaliweyn ayaa maanta jirta oo aan gacanta idiinku
hayaa oo uu halkaas waqtigu kaga dhaco sidii Jaalle Cabdo-Qaasim. Waxa
nasiib darro ah kuwii Somaliweyn halkaas dhigay oo maanta ku canaananaya Md.
Geedi in uu Somaliweyn samada ka soo dejiyo aan dariiq loo hayaa jirin
maanta sida ay tahay oo uu sii wado beentii iyo fandhaalkii lagu dhex
walaaqi jiray ummadda ee u diidi jiray in ay wax qabsato oo ay kala degto oo
uu qof waliba meesha uu Ilaahay dhigay wax ku noqdo horta, markaasna wixii
is qaadan karayay ay waxa ay rabaan isula yimaadaan. Midnimada macnaheedu
waa in ay dhinacyo shuraakowbaan ee ma aha in uu dhinac isa siiyo dhinaca
kale iyo wixiisa oo uu jeebka ku rito. Midnimadu waa in ay tahay mid si
dhab ah dhinacba dhinaca kale ku qadariyo oo ay raali iskaga wada yihiin dan
ku jirta awgeed. Dunida oo dhan ayaaba iska midaysan ( eeg kulanka ITU iwm
). Sida ay tahay midnimadu waxa ay imaan kartaa marka aanay
jirin is-dhexyaac, is-ku-dul noolaansho xoog-xoog, khiyaano,. cabbudhin, ha
i arkin aan kaa dul laliyo, aniga ayuun baa jira iyo edeb darro inteeda leeg
oo lagu habsaamay in ku dhow nus qarni. Waxyaalaha aanay Somalidu dhiqi
karin ee aanay ku wada shaqayn karin waxa ka mid ah shuraakada oo intii isku
qoyska ahayd aysan weli waxba isku darsan karin ama aan qaadhaan la aruuriyo
qof lagu aaminaa jirin oo uu yar yahay.
Culimada taqaan dhaqanka Waraabaha (
Habar-dugaag ) waxa ay dhahaan waraabe dhinacii loo eryaaba waa u toos !
Wixii uu afka la helaana waa u xalaal ! Ninkii shalay talo-xumadiisu jebisay Ina
Cabdalla Xassan, Jebisay Siyaad Barre ee jebisay Somaliweyn dhab ah ( And
not Daarood-weyne ) ayaa waxa uu doonayaa in uu maantana ku jebiyo
talo-xumantii oo kale dawladda Md. Geedi ( Somalia ) oo lafaheeda u
dhitinaysa khiyaano, mu'aamarado iyo ladqabo lagula dhex jiro awgeed. Haddii
loo dhabbo galay mushkiladda Somalida haysata ninkii garanayow waxa ay
noqotay maska laba madax leh. Somalida mar dhow iyo mar dheer toona waxba u
hagaagi maayaan haddii aanay iska garan sida looga takhaluso maska labada
madax leh ee doogga cagaarka isku dhex qarinhaya ( Somali weyn ) ee diidan
in ay Somalia iyo Somaliland horta is-aqoonsadaan oo ay wanaag iyo
walaalnimo ku wada jaar noqdaan kuwa kale na ay ku raadiyaan dariiqad
macquul ah oo ay kuwa la xuraynhayo ay ka dhab tahay in ay xoroobaan oo
aanay noqon foosto gun la' oo goor walbo la dhaaminhayo. Kuwaas oo aan
khasaarayn tacabka ay walaalahood goor walbo la garab taagan yihiin oo aanay
Jan. Siyaad Barre, Col. Cirro, Col. C/Yuussuf iyo hal-iyo-Nirig aanay iska
hor keenin sidii shalay dhacday ee la soo maray. Shacabku haddii uu is wada
raaco waa dhab in wixii uu doonayhayo uu heli doono isaga oo aan cid kale
iskuba hallayn.
Jawaabtii Md. Geedi ee ku saabsanayd
siyaasadda dawladiisa ee ku wajahan J.Jibuuti, JSL, Somalida Galbeed iyo NFD
ninkii ay jinni ku ridayow saalo iyo saan dhurwaah ( waraabe ) doono oo isku
shid sidaas baa Jinniga lagu bixiyaa xaafadda Gubta ee Ciise Cabdi Xamar ka
raadso daawadaas!!!
Wasiirka kowaad dawladda Somalia Md. Prof.
Cali Maxamed Geedi waa geesi aqoon leh oo wax garad ah, nadiif ah, isku
kalsoon, qabiil wanaagsan ka dhashay oo dhalad iyo nasab ah. Waxa gef ah in
la xagxagto oo lagu mudmudo afkii dhererka badnaa ee dhuunta dheeraa ee la ogyahay
itaalkiisa iyo inta uu gaari karo ee haw-hawda dadka ku dhego barjayn jiray.
J. Somalia waa in ay aqoonsato J. Somaliland
sida ugu dhaqsaha badan dunida kale horteed oo aan libta looga dheerayn
sidii ay u aqoonsatay J. Jabuuti taas oo ugu horaynta dan u ah Muqdisho iyo
Hargaysa iyo inta ku dhex nool. Dadka Somalia qaarkood waxa lagu been
abuuray in Somaliland shalay ogolayd midnimada ee waxa ay maanta ku diiday tahay
dadka qaarkood oo aan la rabin madaxnimadooda iyo khuraafaad la mid ah. Taas
oo aan sal iyo baar lahayn. JSL waxa ay xaq u leedahay in ay qaranimadeeda
gaar u lahaato oo ay goonideeda isu taagto iyada oo qaran ah la mid ah
Somalia iyo Jabuut oo aan la daalin..... Waxa ay rabtaa JSL in ay kala
baxaan runta iyo beenta lagu soo jiray ilaa iyo 1960kii oo xalaal lagu kala
baxo. Somalida waxa u fiican in ay iyaku xisaabtamaan inta aan cid kale
xisaabin. Waxa fiican in laga tago qalaqa ama werwerka oo nolosha la bilaabo
marba inta la hayo ee kula itaalka ah. 14 Dawladood ayaa Somalida soo maray
intii ay gobonimda haysteen oo marba mid si dhaqso ah ku dumaysay ( A. Cadde,
Cabdirashiid, Cabdirazaaq, Cigaal, Ina Siyaad-Cirib-weyn, Cali Mahdi,
Caydiid, Cabdiraxmaan-Tuur, Cigaal, Cabdo-Qaasim, Cabdullaahi , Cadde Muuse,
Rayaale, Cabdullaahi Yussuf oo xarafka caynka magacoodu ka wada kaco mid
mooyee). Haddii si cilmiyaysan looga jawaabo sababta ay dawladnimada
Somalidu la sal dhigi weyday waxa kuu soo baxaysa sees xumaanta midnimada
loo dhigay iyo khiyaano goor walba ku dhex jirto. Waxa ay ka dhigan tahay
guri seesku qallooco oo mar walba dabaqyo la kor saarayo kii hore dumay. Waa
dabiici in uu gurigaasu dumo wayo seeska ayaa qallooc u dhigan si aldan. Waxa
la garan la'yahay in seeska guriga sida uu u yaal dib loogu noqdo. JSL iyo
Md. Prof. Geedi ayaa la oran karaa in ay sidaas garteen.
waxa ay shacbi weynaha Somaliyeed ( 5ta )
taageersan yihiin siyaasadda xakiimka ah ee uu adeegsaday Md. Geedi iyo xidhiidhka
fiican, walaalaynta Somaliyeed iyo sida uu maanta ku jiro wanaagga ummadda
Somaliyeed guud ahaan ee looga bixi karo tiiha iyo nolol xumada. Qof waliba
waa ogyahay in Somalinimadu tahay wax la wada leeyahay LAAKIIN ay xaq tahay
in lagu qadariyo mid walba meesha uu leeyahay oo loo daayo talada sida uu
dalkiisa ku maamulanhayo oo la iska dhaafo inkiraadda iyo indho caddaynta
jinniga qabta.
Wa Allaahu Al-Muwafaq.
Ducaale Hadal-Wanaaje II
ducalewanaje2@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com Nov 18, 2005
|