Fahadow: Geeddi ma Zenaawi baa Eryi Kara Mise
Cabdillaahi Yuusuf?
Aragtidii Dadweynaha SOOL,
SANAAG, & BUUHOODLE ee Sannadkii 2001...
KA AKHRI HALKAN... GUJI....
XASUUQII WAGALA
:: Sannadkii 1984 waxaa magaalada Wajir lagu xasuuqay in ka badan 400 oo
nin oo Soomaali ah.. (Tiradaas waxaa taariikhyahanadu gaarsiiyaan in ay
ahayd 2000 oo qof oo la xasuuqay). Xasuuqyada kale ee Kenya u geystey
dadka ay gumeysato waxaa kamid ah Xasuuqyadii: Malkamari ee 1976,
Garissa ee 1980, Madogashe ee 1982, Bagala ee 1998..
EEG HALKAN
ARAGTIDII DADWEYUHU KA QOREEN ITOOBIYA 2001.... Guji... |
Waxaan u malaynayaa in aan maanta muran ka
taagnayn, in soomaali meel kastooy joogto ay u gacan gashay taliska ka
arrimiya Addis-ababa, ee uu garwadeenka ka yahay Meles Zenawi.Horaan u iri
gabaladaii soomaaliya badi gacanta ayuu ku soo dhigaye tolow Muqdisho
manoogu imaanayaa Ato- Meles Zenawi. Nasiib darro waxuu hadda Meles noo soo
fariistay kaabiga oo Jawhar isagaa ka taliya, Muqdishana wakiilo yaryar
aanse taaba qaadin ayaa u fadhiya, har iyo habeena ku qarwa in maruun noo
yimaado xukunka Ato Meles Zenawi.
Ayaamahan waxaa dad badan ka argagaxeen
hadalkii uu yiri Mr.Geedi ee ahaa: "Haddii la aqoonsado Somaliland waxba
kama qabno". Dad badan ayaa qaylo afka shubtay oo yiri waa in xukunka la
qaada Geeddi. Dadkaas waxaa ka mid ahaa Saaxiibka wayn ee Fahad Yaasiin oo
waliba codsi uu qortay Cabdillaahi Yuusuf; uu kaga dalbanayo inuu shaqada ka
tuuro Geeddi. waxaanse la yaabay Fahad oo xaaladda Soomaaliya war u haya iyo
waliba waxa lagu soo dhoodhoobay Embgathi goob joogna uu u ahaa wixii
meeshaas lagu unkay.iyadoo qoladii lagu aas-aasay Nasaret ee loo yiqiin SRRC,
loo bedelay magacii looguna wanqalay magac dawaladeed.
Walaal Fahad ma u malaynaysaa cabdillaahi iyo
Geedi inay ku yimaadeen rabitaanka ummadda soomaaliyeed, mise kula tahay in
ay yihiin niman xor ah oo ka madax banaan awaamiirta Melez zenawi. Sow
shalayto markii lawaraysanayy Cabdillahi Yussuf kii lahaa ma-ahayn: Melez
Zenwi iyo xukunka itoobiya Cadow ma-aha ee cadow waxaa aha soomaalida iyo
kuwa garka dheer. Sidoo kale, ma umalaynaysaa in Geedi uu iska yiri hadalkii
cuslaa ee qeexayay kala gogooynta soomaaliya. Waxaad ku seexataa in Geeddi
la yiri raac waddadaas hana ka hor imaan, Cabdilaahina la ogayahy waxaas iyo
wax kasii darran, iyagoo ay kala wayntahay magacaas baas ee loogu yeerayo ee
ah madexweyne iyo ra-iisalwasaare.
Madexweyne waxaa Cabdillaahi Yuusf ugu yeera
Itoobiya iyo saxaafadda soomaalida, laakiin haddaad eegto saxaafadda
caalamka waxay ugu yeeraan" Ethiopian backed Prisedent". Intaas ayaa kaaga
filan nuxurka dawladda aan sheegsheegayno, oo wali lama arag dawlad maqaar
saar uah dalk kale oo taabba gasha.
Hadalkii Geeddi uu yiri waxuu galaya
diiwaanada waawayn ee lagu xisaabtamo. Xagga adduunka garowshiiyo wayn ayuu
siinayaa kuwa ku haminayay in la qayb-qaybiyo dhulka soomoalida, waayo waxaa
la leeyahay kuwii ku dhegganaa ee looga gabanayay haddii ayna waxba ka qabin
maxaan innagu u hortaagan nahay. Maanta miisaska UN-ka iyo Au-da waxaa yaal
falanqayn wayn oo ku saabsan dabacsanaabta ay ku dhawaaqeen kooxda Jawhar.
Xagga soomaalida waxuu galayaa taariikh madow oo jiilalka dambe la odhan
doono kooxdii ugu horaysay ee ku dhawaaqda inkiraadda qoomiyadda
soomaaliyeed banaysana in xaq tahay in la gumaysto lana kala qoqobo intii
xorowday.
Haddii nin masuul sheeganaya uu afkiisa kasoo
baxo hadal aan u cuntamin dadwaynaha amase caalamka, hadal burinayana aayna
kasoo yeerin masuul kasareeya muddo 48 saac, hadalkaasi wuu hirgalaa waxaana
lagula xisaabtamaa maamulkaas oo dhan. waxaan u malaynayaa in laga joog
maalintii uu Geedi ku dhawaaqay dullaynta ummadda soomaaliyeed 6 maalmood,
wax ka hadlay oo buriyay warkiisana ma- hayno. Sidaas daraadeed wuxuu
noqonaya mid kuu yaal ee ku xisaabtan.
Dadku masinna ee waxaa xussid mudan qofkii u
horeeyay ee naqdiya hadalkaas, isla markaana qiyaamo qaran ku tilmaamay waa
garyaqaan Xasan Dhimbil oo xildhibaan ka ah Wixii lagu soo unkay Embgathi.
Dhimbil waa qofkii u horeeyay ee isku kalsoonaada kana hibaysan Itoobiya iyo
inta moodda inuu Meles wax ka dhigi kar, halka Cismaan Caato uu ka gaabsday
oo afka xirtay marlii la waydiiyayna ka baqay inuu wax ka yiraahdo.
Ingiriisi:
Toddobaadkii hore markii bamku kugula qarxay Muqdisho,
dowladdaadu dhowr af bay ku kala hadashay. Dadka loo maleynayo inay
ka dambeeyeen qaraxaas, Madaxweynuhu si kale ayuu uga hadlay, adigu
si kale ayaad uga hadashay, Wasiiru dowlahaaguna wuxuu sheegay inay
ka dambeeyaan Maxaakiimta. Miyaanay dowladdu hal af ku wada hadal?
Geedi:
Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma
hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof
kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri
baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray.
Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan
aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad
rabin.
GUJI.... |
Geeddi waraysigii uu bixiyay waxuu dadka baray
wuxuu yahay, wuxuu is jeclaysiiya aduunyo, waxuu ka leexday xaqa iyo
awaamiirta Eebbe. Markii loo bandhigay aayadaha quraanka waxuu ku xanaaqay
wariyihii isagoo dhibsanaya dalaaisha Eebbe kuna doodaya in meel kale
mowjadda loo leexiyo. Geeddi waxuu soo qufay siro duugan oo taxan dheresanna
min hubka kasoo degaya Bebera ilaa Addis-ababa, kuna soo afjarmaya Jawhar
gacmo hoosena la isdhaafsaday, kaasoo kartadiisa uu dhigayo Meles Zenawi.
Kaartadaasi waxaa laabta loogu qaboojinaya Hargaysa laguna leeyahay waxaan
idinka qaboojiyay mintidkii midnimada koofura,anna (Meles haddan ahay) anaa
iska leh Dekadda Berbera,waxna laima waydiin karo. Kooxda Jawhar kuwa idin
neceb ee idinka soo horjeeda ayaan idnka qaban xukunkana idinkaa haysan
koofur ee ku ekaada halkaas, dadka i neceb ee wadaniyiinta ahna soo laaya.
1987kii markii waddanka Kenya uu sida xun u
tarxiilayay soomaali badan oo degganayd wadankaas , hantidii dadkaasna la
dhacay ayaa Wasiirkii Ganacsiga waagaas oo ahaa Cabdi qaasin Salaad Xasan
waxuu yiri: Kenya soomaalida waxay ula dhaqmaysaa sida Yuhuuddu ula dhaqanto
Falastiin". Dawladdii Siyaad Barre oo aan waagaas doonayn inay isku soo
jeediso Kenya ayaa in ka yar 24 saac ku burisay hadalkiisii tirina: waa
hadal isaga u gaar aha mana matalo dalka soomaliya( Ogow booqasho dawlladeed
ayuu ku joogay markaas Nayrobi). Hadalkaas la burinayana waxuu ahaa mid
qoomiyadda soomaaliyeed u hiilinayay laakiin dawladdu si ay u xajiso
xiriirkii Kenya waxaa buriyay raisalwasaare ku xigeenkii ahaana wasiirka
arrimaha dibadda Cabdiraxmaan Jaamac Barre. Maanta Cabdillaahi Yuusuf oo
haddii uu ka dhiidhiyi lahaa hadalkii Geeddi geli lahaa diiwaanka taarikhda
mutaysanna lahaa in loo aqoonsado geesi dalkiisa iyo dadkiisa Jecel ayaa
asbuuc dhan ka aamusan oo bustaha Meles Senawi ku huwan Jawhar.
Saaxiibkay Fahadow Maanta Qabri dahare ayaa
waayamihii Tigregu ku xasuuqeen maatadii soomaaliyeed ee gacanta gumaysgii
tii u xumayd xilligan ku jira. Hore wax cambaareeya ayaan xitaa maqli jirnay
laakiin bedelkeedii Kuwa awaamiirtooda fuliya ayaa magaceenii ku fariistay,
ee sidaa uga qanac codsigaaga aan cidna kaa hoos qaadayn.
Cabdi Xasan
abdi172@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Nov 16, 2005
WARQAD FURAN: MADAXWEYNE MUXUU GEEDI KAA MUDAN-YAHAY:
Maqaalkii Isniinta ee Fahad Yaasiin
Guji...
|