SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDDI


XUSUUSIN TAARIIKH::: MAQAALKII 2001


SOOMAALIYA: TAARIIKH
Qore: Cali-Nuuri
wamo93@aol.com

June 29, 2001

QAYBTA: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad
SOMAALIYA: AWFAAT iyo OGAADEENIYA KA BACDI

Soogaabinno:
MD = miilaadka dabadii; Q = qarni K = koofur; KB = koofur bari, iwm; b = bogga; bb = bogagga; TH =tixraacahore; tfr = tafaftiray

QAYBTA 1aad:

XIRIIRKA TAARIIKHEED EE SOOMAALIYA iyo XABASHA

:::HISTORY:::
THE OGADEN::: A MICROCOSM OF GLOBAL CONFLICT by: Ezekiel Rediker... READ (pdf)

Qarnigii 9aad ilaa kii 11aad MD, kooxo Xabashi ah ayaa ka soo dhaqaaqayay Tigray oo soo gaarayay degmooyinka bariga Agaw ee Lasta iyo Waj, iyo Angot oo ahayd bartamaha galbeed ee dhulka Cafarta. Isla Q11aad ilaa bilowga kii 12aad, kooxdaasi waxay soo gaartay dhulka wabiga Bashiilo oo ah WG ee Wallo1. Dhulkan oo markaa laga bilaabo noqday Beyt Amxaara, wuxuu qayb ka ahaa Agaw, wuxuuse ku dhawaa meelaha ay iskaga yimaadaan dhulalka Agaw, Soomaali iyo Cafar. Shantii qarni ee ku xigay, Beyt Amxaara waxay ahayd saldhigga laga soo maamulo mid ka mid ah dagaalladii ugu dheeraa adduunka oo dhex marayay Xabasha oo ay Amxaara hogaaminayso iyo Soomaali oo ay hogaaninayeen saldanadihii kala danbeeyay ee Shawa, Awfaat iyo Awdal.

Koox Agaw ah oo nasaarowday ayaa abbaaraha 1137 la wareegtay xukunka Xabashida ilaa Amxaaradu ka qaadday 1275kii. Markaasoo dagaalka dhabta ahi ka dhex bilowday Soomaali iyo Xabashi. Dagaalku wuxuu ku saabsanaa dal iyo diin, markaa haybta labada dhinac waxay kala ahayd muslim iyo nasaaro.

SH AWA-AWFAAT-AWDAL: Halgan iyo Dhiigbax:

Dagaalkii ugu horreeyay oo dhexmara Soomaali iyo Xabashi, inta la ogsoonyahay, wuxuu dhacay 1128 MD. Qabiilka Warjeex oo la filayo inuu waqooyi ugu xigay qabaa'ilka Soomaalida ahaa ee aagaas degenaa, ayaa Amxaaradu soo weerartay, Sida lagu xusay taarikhda saldanaddii Shawa. Warjeex oo degenaa aagga Manze ee W/Shawa, waxay jabiyeen duullaankii Amxaarada2. Sida qoraallo danbe caddeeyeen Warjeex waqooyiga waxaa ku weheliyay labada qabiil ee Gabal iyo Wargur/Wargaar, oo aan u haysanno in ayaguna soomaali ahaayeen.

Degmooyinkooda waxaa ka mid ahaa: Maracaddey, Garbacaddo, Caluula, Agabo, Seega, Guraale, Dubaar, Maxfuud, Cabdille, Cabdi rasuul iwm. Saldanadda Shawa oo ay hogaaminayeen reer makhzuum, waxaa la asaasay 896. Xarunteedu waxay ahayd Walaalaha/Walalah oo 50 mayl WB ka xigtay Addis Ababada maanta3.

Dagaal sokeeye ayaa 1234 ka dhex bilooday xukumayaashii saldanadda. Cumar Wali-asmac oo asagu Jabarti ahaa, ayaa 1277 soo fara galiyay khilaafkaas. Xaruntiisu waxay ahayd Awfaat, oo sida Ibn Saciid (1214-74) sheegay, ahayd magaalo horumarsan, kuna aaddanayd aagga maanta ay dhacaan magaalooyinka Hawaash iyo Haadaamo (Nazareth). Cumar oo ahaa nin awood badan wuxuu xukunka qabtay qarniga bilowgiisa. Isla waqtigaas ayaa Ibn Saciid aagaas ku meeleeyay dadka Karla oo loo qaatay Xarla Koombe4.

jabarti wuxuu ahaa magaca waqtigaas loogu yeeri jiray jilibka Wali-asmac iyo Daaroodka, oo sheekooyinka la xiriira asalkooduna isku mid yihiin; marmarka qaarkoodna mandiqadda laftigeeda ayaa loogu yeeri jiray, sida rag Al-Maqriizi ka mid yaha qoreen5. Mar danbe muslimiinta Xabashiyoobay, oo ayagu ka kooban kooxo aan isku asal ahayn, ayaa magacaas u qaatay ka ahaan hayb islaami ah6.

Fara galintaas ka bacdi Dul-Marax oo xukunka Shawa hayay, qabayna ina Cumar Waali asmac, ayaa la sheegay inuu xiriir la yeeshay boqorka Xabasha. Waxaa markaa lagu eedeeyay khayaana waddan. Mar danbe ayaa lagu qabtay goob dagaal, waana la dilay. Aakhirkii Cumar iyo wiilkiisa Cali waxay 1285 ka takhalluseen oo laayeen amiirradii reer Makhzuum ee xukunka isku haystay. Dhammaadkii qarniga waxaa muuqata Xabashidu inay ku soo fidday aagga wabiga Walaqa oo ahaa xadka WG ee soomaalidii waqtigaas. Sheekh abuu Cabdalla Moxammed oo hogaaminayay beelaha bariga Niilka buluuga ah, WG ee Shawa, ayaa 1299 isku dayay inuu hogaamiyo jihaad lagaga hortago fiditaanka Amxaara. Ha yeeshee sida uu sheegay Mufaddal, waxaa qorshahaas kala daadiyay rag ka mid ah ciidanka sheekha oo xiriir la yeeshay boqorka Amxaara7.

Xilligii suldaan Xaqqud-Diin, oo ahaa durriyaddii Cumar, 1320 aadkii, Awfaat iyo Amxaara waxaa ka dhex qarxay dagaallo culus. Xilligii suldaan Sabrud-Diin oo walaalkii ahaa,1332, waxaa dhacay dagaalkii ugu weynaa. Sabrud-Diin wuxuu doonayay dagaal kama danbeys ah inuu ku qaado nasaarada (Xabashi). Dagaalkaas oo socday 8 bilood aakhirkii waxaa lagu jabiyay muslimiinta ( Soomaali). Nasaarada oo uu hogaaminayay Camda Siyoon, waxay qabsadeen W/Shawa. C/Siyoon, Jamaalud-Diin ayuu ka caawiyay la wareegidda jagadii walaalki, si uu ula heshiiyo. J/Diin markii hore taa waa aqbalay. Laakiin aakhirkii waa ku gacma sayray ujeedada C/Siyoon. Nasrud-Diin oo walaalkood ahaa ayuu haddana caleema saartay. Laakiin dadku waxay aaminsanaayeen madaxtinnimada Cali Sabrud-Diin8.

Alcumari 1340aadkii wuxuu tiriyay saldanadaha la dagaallamayay Xabashida: Awfaat oo ay degmooyikeeda ka mid ahaayeen Saylac iyo Awfaat, ayaa ugu weyneyd; Dawaro ayaa KG ka xigtay; Baali ayaa Koofur ka sii xigtay; Daara, Sharkha iyo Arabiini waxay ahaayeen saldanado yaryar oo ah G/ Dawaro ama K /Shawa; Hadiya oo ahayd G/Baali ayaa galbeed ugu xigtay. Saldanadahaani inkastoo ay qaybsanaayeen, haddana Awfaat/Awdal ayaa lahaa hogaaminta guud9. (Qoraallada taariikhiga ahi waxay tusayaan in Soomaaliyadii waqtigaas - Barbariya - islaamku ku faafay 750-1200 kii)10.

Dadka iyo degmooyinka faraha badan oo dagaalkaas ka qaybgalay ee maanta la yaqaan waxaa ka mid ahaa: Xarla, Geri, Weyteen, Awdal, Saylac, Harar, Adari, Nogob, Dawaro iwm. Waxaa kaloo ka mid ahaa kuwa badan oo aan maanta la aqoon, laakiin ay caddahay inay soomaali ahaayeen, sida: Moora, Gabal, Warjeex, Wargur, Hagar, Hargaya, Gaatur, Shawa, Gadaya-geri/guray, iwm11. Sida ay muujinayaan 10naan caddaymood oo ah qoraalladii xilligaas, qabiilooyinkani waxay ahaayeen Soomaali (facyaashii Tiirri-Dir-Jabarti), inkastoo wax u qorayaasha Geeska Afrika ay arrintaas, kas ama kamma u agmareen.

Soddonkii sano ee ku xigay muslimiintu waxay ku jireen xaalad murugo leh oo kala qaybsanaan ah, sida uu ka cabbiray Al-Cumari, oo ay Qaahira ugu warrameen culamo reer Saylac ahi. Xabashidu waxay ku guulaysatay inay xiriir la samaysato rag doonayay inay xukunka boobaan. Waxayna qabsadeen Shawa, G/Baali iyo Hadiya. Amiirradu waxay u qaybsameen qaar la macaamilaya Xabashida iyo qaar doonaya in dagaal lagaga soo dhacsado dhulka ay qabsatay. Qof kasta oo doonaya inuu xukunka boobo wuxuu u tagi jiray boqorka Amxaarada. Taasi dagaal sokeeye ayay Awfaat u horseedday bilowgii 1360aadkii. Xilligan waddaniyiinta waxaa hogaanka u qabtay Xaqqud-Diin iyo Sacduddiin. Labadaa wiil waxaa lagu colaadin jiray aabahood Axmed Cali Sabruddiin oo xiriir dhow la lahaa boqorka Xabashida. Xaqquddiin II ayaa xukunka kala wareegay awoowgii Cali iyo adeerkii Malasfax 1363 kii. Xaruntiisa wuxuu u raray Wagal oo u muuqata B/Awfaat. Awfaat oo noqotay soohdin, dib uma samaya qaadin. Intaanu ku shahiidin goob dagaal 1373, Xaqquddiin, oo ahaa geesi laga heybeysto, wuxuu Xabasha ku qaaday in ka badan 20 duullaan.

Soddonkii sano ee ku xigay xukunka waxaa hayay Sacduddiin. Wuxuuna xabashida ku qaaday dagaaallo aan kala joogsi lahayn oo laga dareensanaa Yurub iyo dunida islaamka. Abaanduulayaashiisa waxaa ka mid ahaa Asad, Moxamed12 iyo imaam Cali Saciid oo ka mid ahaa awoowayaashii Gadabuursi13. Aakhirkii nasaaradu si weyn ayay isu soo abaabuleen. Si weynna waxay 1403 u jabiyeen muslimiinta. Sacduddiin waxay dileen asagoo qoslaya oo ashahaadanaya. Maqriizi wuxuu xusay qof ama kuwo khaa'in ahi inay xabashida tuseen suldaanka.

Afar ka mid ah wiilashiisa, Sabruddiin II, Mansuur, Jamaaluddiin II, iyo Axmed-Badlay, ayaa xukunka iska baddalay. Kulligood dagaallo aan horay loo arag ayay ku qaadeen nasaarada. Mararka qaarkood waxay gaarayeen Beyt Amxaara. Nagaash Yisxaaq, wuxuu marma soo rogaal celinayay weerarro arxan darra ah. Sannadahaas ayay ahaayeen marka uu sheeay inuu jabiyay Soomaali14. Taasi waxay u muuqataa 1425, markaasoo uu suldaan Mansuur iyo walaalkii Moxammed ku qabsaday goob dagaal. Yisxaaq laftigiisa 5 sano ka bacdi ayaa la dilay. Wuxuu ugu danbeeyay 3 nagaash oo lagu dilay goob dagaal xilligii reer S/Diin. J/diin, oo ahaa nin cadaaladda ku dheer, maxaabiistii uu xabasha ka qabtayna ay buuxiyeen dalalka islaamka, ilma adeertii ayaa ka maseyray oo dilay 1432. Badlay oo baddalay, asagoo olole ugu jira inuu burburiyo Xabasha, ayaa 1445 lagu dilay goobtii Cayn faras ee G/Dawaro15.

Xilligii Khayruddiin Badlay, 1445-72; Shamsuddiin, 1472-88, iyo Moxammed Abuu Bakar,1488-1518, dagaalku waa sii socday, inkastoo loo heysto inay ka qaboobaayeen raggii ayaga ka horeeyay. Laakiin 1471 hogaaminta ciidammada waxaa la wareegay abaanduulayaal madax bannaan oo isbaddal doon ah. Waxaa ugu magac dheeraa garaad Maxfuud (1491-1517), oo 26 sano Xabasha ku qaadayay dagaallo aan hora loo arag. Xilligiisii labo nagaash ayaa lagu dilay goob dagaal. Garaadkana waxaa lagu dilay July 1517 goobtii Dalmiida ee G/Dawaro16.

ISBADDAL IYO HOGAAMIN CUSUB:

Geeridii Maxfuud waxaa ka dhashay dagaal sokeeye. Suldaan Moxammed oo lagu eedeeyay inuu ka soo cararay goobtii lagu dilay abaanduulihiisa, 1 sano ka bacdi ayaa la dilay. Labadii sano ee ku xigay 5 nin ayaa iska takhallusay. Intaan la dilin 1525, garaad Abuun oo ka tirsanaa isbaddal doonka ayaa dadka cadaalad ku xukumayay. Shacabka badankiisu wuxuu taageersanaa xukunkii taqliidiga ahaa ee reer Wali Asmac, oo hadda gaabis noqday. Axmed Ibraahim Al-ghaazi oo 19 jir ah ayaa la wareegay hogaaminta Isbaddal doonka. Abuu Bakar Moxammed oo dib loogu dhiibay xukunkii qoyskooda ayuu la galay dagaal sokeeye kana takhallusay 1526 kii.

Inkastoo marar badan muslimiintu ku guulaysanayeen halgankooda, haddana ciidan joogta ah ma dhigi jirin meelaha ay xoreeyaan. Taasi waxay wiiqday dhammaystirka guushooda. Ciidan joogta ah ayay nasaaradu dhigi jireen, inkastoo aanay magaalooyin samayn jirin. Xaruntoodu waxay ahayd saldhig wareegaysta oo loo raro hadba halka dagaal ka socdo. Muslimiinta waxaa lagu soo weerarayay xarumo joogta ah oo reer magaal ama beeralay ah. Ciidanka xoola dhaqatada ka imaanayayna, goobta ka bacdi way kala tagi jireen. Arrimahaan ayaa hortaagnaa in Soomaalidu si joogta ah u jabiyaan nasaarada ama soo dhacsadaan dhulkoodii lumay.

Axmed oo 1526 kiiba bilaabay ka hortagga xabashidu, wuxuu rabay inuu baddalo qaabkaas. Hal is difaac iyo shan duullaan oo guul leh ka bacdi, 1529 ciidamada imaamku waxay dhabarka ka jabiyeen quwaddi Xabasha, goobtii Shimbira kore ee gobalka Fatagaar, K/Addis Ababada maanta. Ciidammada imaamka oo ahaa 13000 oo nin, waxaa laga dilay 5000 oo nin. Kuwa nasaaradu 10 jeer ayay ka badnaayeen. Goobtan taariikhiga ah waxaa ka qayb galay: Xarla, Geri, Harti, Jiraan (afarta ilma koombe), Yabarre, Marreexaan, Habarmagade, Bursuub, Mazarre [Madigaan?]; Xarla waxaa hogaaminayay garaadkooda Moxammed, inta kalana waxaa hogaaminayay Cusmaan Mataan Khaalid oo ahaa garaadka Geri. Waxaa kaloo ka mid ahaa: Malasay oo ay hogaaminayeen: Absame Nuur, garaad Kaamil, garaad Shamcuun iyo Cabdullaahi Suuxe; Shawa iyo Hargaya oo ay hogaaminayeen: garaad Daawuud, Sheekh Samaale, iyo garaad Cali Fangale; iyo Gadaya-Geri/Guray oo ay hogaaminayeen: Cusmaan Sheekh iyo Axmed Shihaabuddiin. Sannadkii ku xigay dagaalka waxaa ku soo biiray: Gurgure, Bartire, Hawiye iyo Gaatur.

Ujeedada imaamku waxay ahayd soo celinta goballadii la qabsaday ee Shawa, Awfaat, Dawaro, Baali Hadiya iyo Fatagaar, iyo guud ahaan burburinta Xabasha. 7 duullaan iyo 3 olole oo waaweyn ka bacdi, 1535 ayuu dhammaystiray ujeedadaas. Xadka dawladdisu wuxuu gaaray muslimiinta Beja ee xeebta Eritreeya. Dagaal bilowday 1541, ayaa madafiicda Boortaqiisku ku jabisay ciidankii imaamka Feb. 1543 goobtii Woyna Dega ee harada Taana, asagana lagu dilay.

Sida la isku dayay inaan u fahamno Harar ma ahayn xadka Soomaaliya ee waxay ahayd xuddunta Soomaaliyadii waqtigaa. Matalan Harti, Marreexaan, iyo Hawiye oo ay ugu suurta galsantahay inay ka soo gurmadeen gobollo kale, arrintoodu sidaa ma ahayn. Carab-faqiih wuxuu caddaynayaa inay degenaayeen agagaarka Harar, halkaasoo ay wali degenyihiin. Qabiilooyinka kalana waxay degenaayeen isla aagaas iyo ka sii galbeed17.

Isla ayaamaha aabayaashii Xarla iyo Wali-asmac Jabarti ay galbeedka u hogaaminayeen jilibbada Daaroodka si ay ugu biiraan Soomaalidii halkaa horay u degenayd, ayaa qoysaska bariguna xiriir la yeesheen kuwa galbeedka. Matalan arrimo dhawr ah ayaa muujinaya in Udba lacag oo ku beegnayd Q10aad ama kii 11aad, dadkeedu ahaayeen kuwii degenaa gobalka Harar-Hawaash.

Ma muuqato in Cafartu qayb ka ahaayeen saldanadihii Awfaat/Awdal iyo halgankoodii. Alvares waxuu caddeeyay in Awdal, oo xadkeedu fidsanaa min Raascasayr ilaa Fatagaar, iyo Dankali ay laba dawladood kala ahaayeen18. Cafarta oo ay horyaal u ahaayeen Dooba iyo Cawsa, waxay Xabashida kula jireen halgan ka madax bannaan kan Soomaalida, inkastoo ay dhici karto in kooxo Cafar ahi mararka qaarkood ku soo biirayeen Soomaalida. Dadka kaliya ee ay caddahay inay qayb ka ahaayeen halganka Soomaalida, waxay ahaayeen kooxaha Hawaashiga ah ee Adari, iyo dabcan Argobba, kuwaasoo waligood Soomaali ku tirsanaa. G/Shawa, G/Fatagaar iyo Hadiya badankeeda, waxaa degenaa Kuushiyiinta galbeed oo waqtigaas loo yiqiin Daamuut. G-ka iyo KG ee Fatagaar, waxaa ayaguna degenaa kooxaha Hawaashiga ah ee Guraage iyo Gafaat. Qayb weyn oo ka mid ah dadyowgan ayaa islaamay, oo xiriirka Soomaalidu saameeyay.

IMAAMKA KA BACDI:

Geeridii imaamka ka bacdi jaah wareer ayaa ku dhacay muslimiinta. Xabasha oo soo rogaal celisay iyo Oromo koofurta ka timi ayaa weerarro culus ku hayay. Amiir Nuur Mujaahid ayaa 1551 la doortay. Soomaalidu dagaal ay gaareen W/Shawa 1559, waxay si weyn u jabiyeen Xabashida ayadoo halkaa lagu dilay Galawdewos. Asagoo raba mar kale inuu burburiyo Xabasha, ayuu amiir Nuur ka war helay Harar inay khatar ugu jirto inay u dhacdo Oromada. Oromadu soohdin kale ayay ku noqdeen muslimiinta. Markaa amiirka, oo ay caawinayeen Aw Abaadir iyo Aw Cali, ayaa Oromada deyr kaga meeriyay Harar, intaanu 1567 u dhiman cudur ummadda baabi'iyay.

Markaa wixii ka danbeeyay Awdal waxay gashay xaalad murugo leh. Khilaaf iyo dagaal sokeeye ayaa soo food saaray. Ilaa 15 hogaamiye ayaa 1567-1590 xukunka isku baddalay. Xabashida ayay wali iska sii difaacayeen. Oramada ayaa dagaallo xun ku haysay, kuwaasoo Harar baabi'iyay 1570aadkii. Sidaasoo ay tahay Soomaalidu 1577 waxay dib u qabsadaan ilaa Hadiya iyo W/Shawa. Ha yeeshee amiir moxamedkii waqtigaas, abaanduulayaashiisii iyo 3 wiil oo ilma amiir Nuur ah ayaa Hadiya lagu jabiyay oo lagu laayay. Oramadu 1583 waxay dileen amiirkii waqtigaas Moxammed Ibraahim Ghaazi. Isla 1570aadkii ayaa Cafartu soo weerartay W/Awdal iyo khadadka ganacsiga. Awoodda xeebta waqooyi waxaa la wareegay maamulkii Turkiga19. Boortaqiiskuna wuxuu duqeyn joogta ah ku hayay qarniga oo dhan xeebaha Soomaaliya iyo kuwa muslimiinta ee la xiriira, marka laga reebo Xamar oo uu ka cabsaday.

Dagaalkii muddada 3 qarni ah ka dhex socday Soomaalida iyo Xabashidu wuxuu ahaa mid ka mid ah kuwii ugu dheeraa uguna dhig daadashada badnaa ee adduunka. Ugu yaraan 6 ka mid ah nagaashyadii Xabashida iyo 7 ka mid ah suldaammadii Soomalida ee xukunka qabtay 1360-1570 ayaa goob dagaal lagu dilay. Inkastoo Harar sii ahayd xurun dhaqan, haddana saldanaddii Awdal-Al-Umaraa'a ka dib ilaa 8 qarni, waxay noqotay mid baaba'day.

Waxay u muuqataa saldanidihii Ajuuraan iyo Majeerteeniya inay ka soo fufeen danbaskii Awdal. Ajuuraan oo saldanad xoog badan ku lahaa berriga Banaadir Q15aad-17aad, waxaa la inoo sheegay inay asal ahaan ka yimaadeen Hawd galbeed20. Alvares iyo Galawdewos, Q16aad waxay inoo sheegeen in gobalka Raascasayr uu ka jiray maamul maxalli ah oo ku xiran Awdal21. Ilaa Q13aad Xamar waxay ahayd dawlad abaabulan. Xabashidu suldaan Badlay waxay ku eedeeyeen inuu taageero ka helay Xamar.

Oromada oo duullaankoodu ahaa mid dabiici ah oo ka madax bannaan aydolojiyad iyo siyaasad, waxay kala dhexgaleen Soomaalidii iyo Xabashidii is dilayay, waxayna qabsadeen gobolladii Soomaaliyeed oo Xabashidu horay u jilcisay. Aakhirkii Q18aad, waxay bilaabeen inay islaamaan. Ka hor 1537kii Oromadu waxay ahaayeen qabiil kooban oo dhalasha ahaan aan ka fogayn Soomaalida, kuna nabnaa G/Baali. Laakin 1550-1800 waxay qabsadeen: min Maliindi ilaa koofurta Tigray, K-W; iyo min Harar ilaa Banii Shanguul, B-G. Dadyowgii Soomaalida, Cafarta, Kuushiyiinta galbeed iwm, ee degenaa dhulalka ay qabsadeen, way oromeeyeen; in Oromadu mar degenayd bariga Geeska Afrika, waxay ahayd been fakatay, oo hadda la saxay22.

Jabkii soohdinta koofureed:

Fahamka jabka Q16aad ma dhammaystirna, haddaynaan xusin waxyaalihii ka dhacay koofurta fog (gobalka Omo-Taana) ee Soomaaliyadii waqtigaas. Bartamihii Q16aad ayaa Oromadu bilawday weerarkoodii gobalka Omo-Taana-Ganaane. Weerarkoodii Koofurta waxay muddadaas jab iyo kala firir u geysteen Soomaalidii iyo Baantuuga oo ayagu ilaa 800 kii tartiib ula soo degayay Soomaalida xeebta waqooyiga Mombaasa. Dhowr magaalo oo Buurgaabo iyo Geedi ka mid ahaayeen ayaa baaba'ay. Jabka ku dhacay gabolka koofureed, waxaa astaan looga dhigaa: Madanle iyo Maracato iwm oo aan lahayn meelay ku danbeeyeen; Segeju oo u qaxay dhinaca Tanga W/Tanzaaniya; Katwa oo ah ilaa 8 qabiil oo ku biiray Baajuunta; Bayso oo ku go'doomay aagga Hadiya; Gabra oo oromowday; Garre iyo Rendille oo ay ku dhacday kala firir weyn; kooxo Soomaali-Sawaaxili ah oo u soo qaxay Baraawe; Kooxo Soomaali iyo Baantuu ah oo u soo qaxay Shabeellada hoose. Cilmi baaristu waxay caddaysay dhammaan koxahani inay ahaayeen Soomaali (facyaashii Madanle-Digil/Mirifle) boqollaal ama kumanyaal sano degenaa gobolka Omo-Taana, kuwaasoo uu saameeyay weerarkii Oromada iyo fiditaankii Baantuuga.

Baantuuga oo dhawr qarni ka hor ka soo dhaqaaqay gobolka wabiyada Kongo-Nayjar, 200-400 kii MD ayay soo gaareen bariga Afrika. Muddadii 800-1000 kiina aagga Mombaasa23 . Isla 500 ilaa 1500 MD, ayaa Niiliyiinta iyo Niilo-Xaamiyiinta oo ka kala yimi K/Suudaan iyo G/Geeska Afrika, siday u kala horreeyaan, ku faafeen WG ee Kenya.

Qarnigii 16aad wuxuu ku astaysanyahay jabkii kowaad ee Soomaalida, kaasoo ay waayeen saddex-dalool, 1/3, ka mid ah dhulkoodii qadiimka ahaa. (Labada gobol ee muhimka u ah taariikhdii hore ee Soomaalida oo kala ah: Raascasayr-Shawa-Shabeelle iyo Omo-Taana-Ganaane, waxaa isku xirayay gobolka dhexe oo aan ugu yeeri karno Hadiya-Hawiye, kaasoo ah khadka isku xira bar-bilowga wabi Shabeelle iyo xeebta k/bari).

JABKII 2aad:

Inkastoo 1600aadkii Xabashidu ay u jeesatay aagagga Gondor iyo Goojaam ayna xasuuqday Agaw iyo Falaasha, haddana ilaa 1850 aadkii dawladnimadii Xabashidu way luntay. Waqtigaan ayaa reer Yurub bilaabeen inay soo nooleeyaan oo bakhti afuufaan Xabashida. 1870 Xabasha waxay ka koobnayd Tigray iyo dhul aan ka badnayn 100 km oo isku wareeg ah oo ahaa W/Shawa iyo G/Wallo. Qaybtan oo uu xukumayay Minilik iyo Tigray waxay midoobeen 1889. Markii ugu horreysay oo Xabashidu dib u qabsato dhul Soomaaliyeed waxay ahayd bilowgii 1880aadkii, markaasoo Minilik ku soo fiday aagga Haadaamo, bartamaha Hawaash. Ha yeeshee dagaalka dhabta ahi wuxuu bilowday Des. 1886 - Jan. 1887 markaasoo ay qabsatay Harar24. Siinta hubka faraha badan ee ay ku gaysatay xasuuqa iyo dhaca ka sokow, 1886-1954 Xabasha waxay reer Yurub la saxiixatay ugu yaraan 10 heshiis oo u ogolaanayay inay qabsato dhul Soomaaliyeed ( 1886, 1889, 1897, 1934, 1942, 1944, 1948, iyo 1954; kuwaani kuma jiraan heshiisyada reer Yurub laftigooduu ay u kala saxiixdeen inay qaybiyaan Soomaaliya). Itoobiya 1950aadkii waxay qaadday olole weyn oo ay kaga hortagaysay xorriyaddii Soomaaliya iyo midnimadii labada qaybood. Markay taas reer galbeedka taageera uga weyday, waxay si ku meel gaar ah isugu xumaadeen saaxiibadeedii Ingiriis iyo Maraykan. Dadaalka ugu weyn ee 1960aadkii lagu hor istaagayay in gobolkii Taana (NFD) uu ku biiro Soomaaliya wuxuu ka yimi Itoobiya.

Itoobiya waxay ahayd dalka kaliya ee is hortaagay xornimada Jabuuti, u codayntii arrintaas ee Golaha guud ee Ummadaha midoobay 1976. Ilaa qaybo Soomaali ahi ay ka xoroobeen 1960, Itoobiya waxay adduunka ka dhaadhacsiinaysay inaanu jirin qaran Soomaaliyeed. Dhinaca ka hortagga dareenka waddaniyadda, Itoobiya waxay ka qayb qaadatay dagaalkii gumaystayaashu la galeen daraawiishta; Xasuuq ayay ku samaysay 1944, 1948 iyo 1952, dadka aagga Jigjiga-Harar, badanaa Geri, sababtoo ah inay taageera u muujiyeen SYL amay diideen soo noqoshaddii Xabashida. Ceelcad, Doollo iyo Hawd galbeed ayaa taasoo kale ka dhacday 1960aadkii25.

40kii sano ee u dhexeeyay Jan. 1887 oo la qabsaday Harar iyo Jan. 1927 oo la jabiyay saldanaddi Bari, waxay ku aaddanyihiin jabkii labaad ee Soomaaliya. Ma aha oo kaliya inay ku guuldarraysteen halgankii ay galeen muddadaas, waxay kaloo waayeen daloolkii 2aad ee dalkooda kaasoo u gacan galay Xabashida. Halgankaas waxaa ugu weynaa lix dagaal oo kala ahaa: Dagaalkii Daraawiishta 1899-1920 kii. Wuxuu ka mid ahaa isticmaar diidyadii ugu khasaaraha weynaa ee adduunka; halaag iyo baaba'a aan hor iyo dib toonna loo arag, ayuu u geystay Nugaal iyo hareeraheeda inkastoo uu saameeyay Soomaali badankeeda. Dagaalkii Jubba-Wajeer 1890aadkii iyo 1915kii, wuxuu ahaa gadood waana ugu khasaara yaraa. Dagaalkii Sh/hoose: waa goobtii Lafoole 1896 iyo dagaalkii Biyamaal 1906-8, daraawiishta ayuu xiriir la lahaa. Dagaalkii Sh. Xasan Barsame, Sh/dhexe Feb.- Abr. 1924 kii. Dagaalkii saldanadda Hobyo 1925 kii. DagaalKii Majeerteeniya 1925-27. Talyaanniga oo Bari fallaago u haystay, Ilaa 1901 dii dhawr jeer ayuu ka duqeeyay dhinaca badda. Ha yeeshee labadii sano oo ugu danbeeyay, dagaal ciidammada badda iyo kuwa lugtuba ka qayb qaateen wuxuu ahaa kii ugu khasaara badnaa kan daraawiishta ka sokow.

Isla markaa hay'adihii siyaasadda ee Soomaalida ee waqtigaasi ma moogeyn khatarta fiditaanka Xabasha iyo dhicitaanka Harar. Ingiriisku 1890 wuxuu ku qiyaasay Majeerteeniya ilaa 750 oo qori inay u dirtay beelo reer galbeed ah oo laga magacaabay Geri, si ay u xoreeyaan Harar. Isla ayaamahaas ayaa maamulkii Ingiriiska ee Berbera sheegay inuu ku gacan sayray wafdi ka yimi Majeerteeniya oo doonayay inuu ka dhaadhacsiiyo ciidan ay ka dajiyaan Saylac, ka bacdina ku weeraraan Harar26. Horayna Xirsi Cali oo 1886 amiir Cabdullaahigii Harar ergo ahaan ugu diray Ingiriiska si uu ugala hadlo weerarka Xabashida, wuxuu ka socday Majeerteeniya, kaasoo markii hore turjumaan carabi u ahaa Ingiriiska27. Boqor Cusmaan iyo Keenadiid oo col ahaa 1890aadkii waxay heshiis ku ahaayeen inay Talyaaniga ka dhaadhacsiiyaan inuu u hubeeyo 50000 oo nin oo laga qoro Bari iyo Bogox, si ay ugu duulaan Harar. Markii taas lagu diiday, boqor Cusmaan wuxuu u jeestay inuu taageero Sayyid Moxammed, oo uu hub u dirayay 1900-1903. Keenadiid laftigiisu hub ayuu u dirayay sayyidka, intuuna ka qabsan Galkacyo 1902.

Ma garan karno sababta boqorku xiriirka ugu gooyay sayyidka 1904 tii, waxaanse ogsoonnahay Agoosto, xagaagii 1903 dii, sayyidku intuu jidka ku sii jiray inuu fuliyay xasuuqii Ilig-daldale, kaasoo ugu danbeeyay dhawr arrimood oo naxdin leh oo daraawiishtu ku tallaabsatay28.

SABABAHA GUULDARRADA:

Guul darrooyinkaas taariikhiga ah Soomaalida waxaa dhaxal siiyay arrimaha ay ka mid yihiin: hogaamin xumo: wax badan dadku ma arag hogaamiye danta ummadda ka hormariya tiisa, oo lagu midoobo; dadka oo taariikhda dalkooda kaga sugan jahliga ugu weyn; dadka badankiisa oo wacyigooda siyaasiga ahi hooseeyo; dadka badankiisa oo aan dhaqan u lahayn inay taageeraan awood dhexe, oo ka gudbi la' dareen qabali ah ama dan shakhsi ah; ayadoo lagu kufriyay nicmooyin khaas ah oo ay ka mid yihiin: caqiido samaawi ah iyo midnimo kaamil ah; marka duruuf adagi jirto oo dadka qaarki u wareegaan dhanka cadawga.

Marka Biyamaal iyo saaxiibadood ay hor taagnaayeen Talyaanniga, rag kale ayaa kala shaqaynayay qabsashadii Banaadir; Rag ka socda beelaha WG ayaa Ingiriiska u suurta galiyay inuu jabiyo Daraawiish; Rag ka socda koofurta Ximan (Galgaduud) ayaa Talyaanniga u suurta galiyay inuu jabiyo ciidankii Cumar Samatar iyo Xirsi Guushaa; Inkastoo reer waqooyiga-Mudug ay qayb ka ahaayeen dagaalladii kululaa ee lagu difaacayay Eyl, haddana aakhirkii dagaalka way ka baxeen, rag ka tirsan ayaana ku biiray ciidanka reer- Mudugga koofureed oo horayba Talyaannigu ugu adeegsanayay jabinta Majeerteeniya29. Koox odayaal ah oo wax ma garad ah, ayaa 1940aadkii Itoobiya u kaashatay in Ingiriisku ku wareejiyo Soomaali galbeed, ayagoo dhabar jabiyay ololihii SYL iyo shacabku ugu jireen inaan taasi dhicin30.

Inkastoo Soomaalidu ka mid yihiin dadyowga dhiigga ugu badan u daadshay qarannimadooda, haddana ilaa haatan kuma naalloon wax guul ah. Waxay ku guuldarraysteen inay iska saxaan gol daloolooyinka la haray. Dhibaato khaariji ahi waxay tahay, Itoobiya oo mar walba u darban inay ka faa'iidaysato gol daloolooyinkaas.

GABAGABO:

Qabiilooyinka maanta degen Burco, Gaalkacyo, Baladweyn, Qoryoolay iwm, 450 sano ka hor, waxaa laga yaabaa inaanay halkaa degenayn. Laakiin is baddalkaasi ma aha mid la dareemi karo, ummad ahaan, waayo kuwa ayaga la mid ah ayay baddaleen, kuwaasoo laftigoodu aan ka fogayn halkaas. Dhulka u dhexeeya Harar iyo Hadiya, 450 sano ka hor waxaa degenaa dad sida kuwa Raascasayr ka tala qaadanayay suldaanka Saylac; laqabka madaxdoodu ahaa "garaad"; dhulkooda magacyadiisa ay ka mid ahaayeen: Wargaal, Buur,Baabsare, Baahila, calamaale, Kob, Dalbaad, Dayr, Racbooda, Gunbura iwm; kuwaasoo 1200kii, Sh. Nuur Xuseenkii Marka ku soo dhaweeyay Baali; kuwaasoo Amxaaradu ka baratay 1332 in qaybta sare ee biyaha Shabeelle magacoodu yahay Wabi, Oromaduna ka baratay 1537 kii, walina magacaasi yahay kan kaliya ee loo yaqaan halkaas.

Dad ka qarannimo duwan dadkii noocaas ahaa ayaa maanta degen dhulkaas, kuwa ayagii la hayb ahina raja weyn kama qabaan inay sheegtaan dhulkaas. Taasi waa natiijada lagu yaqaan marka ummadi kala fahmi weydo farqiga u dhexeeya khilaafka gudaheeda iyo khatarta cadawgeeda. Soomaaliya waxay ku jirtaa jabkeedii 3aad, daloolkii 3aad ee dalkeeda ka badbaadayna maanta cidla ayuu yaal; Xabasha waxaa la gudboon xaqiijinta riyadii ay kunka sano rimmanayd, inay maruun kulaasho badweynta Hindiya iyo badda Cas. Meles iyo kooxdiisu waxay jeclaan lahaayeen inay dhamaystiraan shaqadii Camda-siyoon iyo Minilik. Soomaali inay ka soo doogto arrimahaas aan udaynno garashada dadkeeda iyo garnaqa taariikhda.

Akhri Qaybta 2aad ee Qoraalkan



TAQAARIIR:
1) Huntingford 1965: 16. 2) Tamrat fii CHA: iii, 107. 3) Huntigford 1965: 15; Cerulli 1967: 112-3. 4) Tamrat 1972: 125-8. 5) Al-Maqriizi [1440]: 236. 6) Trimingham 1965: 150-3. 7) Tamrat 1972: 130-1. 8 & 11) Huntigford 1965: 55-109. 9) Al-Cumari [1345]: 35-45. 10) Cerulli 1967: 25-6, 37; Huntigford 1989: 76-7; Al-Mascuudi [935]: I, 340; Allen 1993: 22-32, 130; Cabdulmajiid Caabidiin: 250-2; Freeman-Grenville 1975: 9-13; Baukamper fii Adam & Geshekter 1992: 157. 12 & 14) Al-maqriizi: 233-44. 13) Tamrat fii CHA: iii, 153. 15) Cerulli 1967: 11. 16) Trimingham 1965: 81-4. 17) Carab-faqiih, Futuux [1535]. 18) [Alvares 1520]: 452-3. 19) Pankhurst 1997: 373-6; Tamrat fii CHA: iii, 539-41. 20) Cassanelli 1982: 84-95. 21) [Alvares 1520]: 453; Cerulli 1967: 113. 22) Tamrat fii CHA: iii, 135; Jalata 1993: 16-21. 23) Allen 1993: 25-33, 45-6, 111, 104-8; Allen fii Adam & Geshekter: 6-21; Ali, M. N. 1985: 11-43; Nicholls 1971: 61; Freeman-Grenville 1975: 110; Chittic fii CHA: iii, 199; Adamson 1967: 210. 24) FitzGibbon 1982: 12. 25) Drysdale 1964: 61-2, 83, 100-2; Touval 1963: 141; Sauldie 1987: 71. 26) Adam & Geshekter 1992: 180-1; 27) FitzGibbon 1982: 22. 28) Skeik-Abdi 1993: 97-130; Hess, 1966. 29) Hess 1966. 30) Marcus 1983: 72

Maqaalkani asal ahaan waxa uu SomaliTalk.com ku soo baxay June 29, 2001 | Updated: Nov 19, 2005


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD