AQOONSIGA SOMALILAND
:: SIDAY U ARKAAN SHACABKA SOOMAALIYA AQOONSIGA SOMALILAND
Monday, 14 November 2005
Jama Abdilahi Suleiman
xuudon62@hotmail.com
Aragtidii Dadweynaha SOOL,
SANAAG, & BUUHOODLE ee Sannadkii 2001...
KA AKHRI HALKAN... GUJI....
XASUUQII WAGALA
:: Sannadkii 1984 waxaa magaalada Wajir lagu xasuuqay in ka badan 400 oo
nin oo Soomaali ah.. (Tiradaas waxaa taariikhyahanadu gaarsiiyaan in ay
ahayd 2000 oo qof oo la xasuuqay). Xasuuqyada kale ee Kenya u geystey
dadka ay gumeysato waxaa kamid ah Xasuuqyadii: Malkamari ee 1976,
Garissa ee 1980, Madogashe ee 1982, Bagala ee 1998..
EEG HALKAN
ARAGTIDII DADWEYUHU KA QOREEN ITOOBIYA 2001.... Guji... |
Wixii Ka Danbeeyey Doorashadii Golaha Baarlamaanka Ee Dalka Ka Dhacday
September 29, 2005 Waxaa Soo Kordhayey Rajada Laga Qabo Ictiraaf Caalamiya
Oo Somaliland Hesho Iyadoo Si Weyn Loo Soo Dhaweeyey Natiijadii Doorashadu
Ku Dhamaatay Iyo Sidii Nabad Gelyada Ahayd Ee Ay U Dhacday Waxaana Cadaatay
In Shacabka Somaliland Haraad U Qabaan Hanaanka Dimoqradiyada Waxaa Iyana
Wax Lagu Farxo Ahayd Warbixintii Ay Bixiyeen Goobjoogayaashii Caalamiga Ahaa
Kuwaas Oo Hoosta Ka Xariiqay In Doorashu U Dhacday Si Cadaalada Kuna Dhacday
Jawi Nabad Gelyo Hadaba Iyadoo Aad Moodo In Imika Loo Soo Baratamayo In Dal
Waliba Noqdo Ka Ugu Horeeya Ee Ictiraafa Somaliland Xidhiidh Badan Oo
Caalamiyi Iyo Mid Heer Gobol Ahina Jiro Ayaa Waxaa Lays Weydiinayaa Sidee
Ayey Shacabka Reer Somaliya U Arkaan Somaliland Oo La Aqoonsado Run Ahaantii
Shacabka Somaliyeed Waa Shacab Ku Jiray Duruuf Laga Yaxyaxo Shaniyo Tabonkii
Sanadood Ee Ugu Danbeeyey Waxaana Galaaftay Oo Khayrkood Ka Reebay Dagaalo .
Sakeeyo Iyadoo Aanay Ka Jirin Wax Amar Ah Iyo Wax Kala Danbayna Midna
Waxaana Shacabkii Kala Jiiday Oo Ay Xerooyin Ugu Xeraysan Yihiin
Hogaamiyayaal Kooxeedyo Iyo Maleeshiyooyin Ka Amar Qaata Waxaana Ay Noqotay
Meel Qorigu Taliyo hamaan Shirarkii Loo Qabtay Waa Lagu Hungoobay Ma Muuqato
Rajo Wax Lagaga Qabanayo Dhibka Jira Waxaana Xaaladoodu Ku Jirtaa Shalay
Ayey Maanta Dhaaantay Ma Soo Marin Maalin Ay Maanta Ka Liidato Iyadoo Wax
Ka Sii Dhaca Mooyiye Aan Waxba U Soo Kordhayn Hadaba Markii Shacabka Reer
Koonfureedku Garwaaqsadeen Halka Ay Is Dhigeen Arkeena Sida Somaliland Wax U
Qabsatay Waxay Go’aan Ku Gaadheen In Ay Lagama Maarmaan Tahay In La Soo
Dhaweeyo Shacabka Somaliland Iyo In Lagu Taageero Ictiraaf .
Caalamiya Oo Ay Helaan Waxaaana Jiray Dhaqdhaqaaqyo Iyo Shirar Doceedyo
Heer Gobola Oo Dhamaan Gobolada Koonfureed Kaga Arinsanayeen Arinta
Ictiraafka Somaaliland Warbixinta Gobolada Oo Aan Idiin Soo Gudbin Doono
Waxaa Kaaga Muuqanaysa In Ay Bedeleen Figradii Hore Ay U Aaminsanaayeen Ee
Ahayd Midnida Somaliya Waa Muqadas Taas Oo Bedelkeedii Ay Noqotay Kol
Hadaynu Mudo Ka Badan 15 Sano Wax Qabsan Waynay Weynaan Kala Bakhaylin Kuwa
Wax Qabsaday Ee Dalkoodii Dhistay Ee Dawladoodii Dhamaystirtay Waana In Aynu
Ku Hambalyeynaa Horumarka Ay Gaadheen Iyo Sida Ay Wax U Qabsadeen Iyagoo Aan
Cidna Gacan Ka Helin Talaabada Somaliland Qaadayna Waa Mid Ku Dayasho Mudan.
Hadaba Beesha Caalamku Waxay Weydiisay Su,Aal Isku Mida Dhamaan Gobolada
Somalia Taas Oo Ahayd Maxaad Ka Qabtaa Ictiraaf Caalamiya Oo Somaliland
Hesho Ugu Horeyn Gobolka Gedo Oo Ka Jawaabayaa Ayaa Wuxuu Hadalkiisii Ku
Bilaabay Horta Waxaan Salaamayaa Shacabka Somaliland Waxaana Aanu Ku
Hambalyeynaynaa Siday Wax U Qabsadeen Waa Dad Walaalahayo Ah Wax Badan Ayey
Koonfur Ka Tirsanayeen Waana La Soconaa Siyaad Barre Oo Cadaadis Badan Iyo
Dulmi Badan
U Gaystay Shacabka Somaliland Wuxuu Ka Soo Jeeday Gobolkan Laakiin
Walaalahayo Waa Og Yihiin In Aanan La Qabin Kuna Raacsanayn Wixii Uu
Sameeyey Horena aanu Ugu Sheegnay Hadana Waa U Sheegaynaa Waxba Kama Qabno
Hadii La Ictiraafo Gobolka J Hoose Waxba Kama Qabno Hadii Somaliland La
Ictiraafo Inkastoo Aanu Jeclayn In Ay Somaliya Mid Ahaato Oo Ciyaarihii
Gobolada Laysugu Yimaado Oo Ciyaarihii Xamaasada Badnaa Ee Aanu La Yeelan
Jiray Gobolada Togdheer Iyo W/Galbeed Aanu Wada Ciyaaro Hadana Kol Hadaanu
Waxba Qabsan Weynay Waxba Kama Qabno In La Ictiraafo Gobolada Bay Iyo Bakool
Aad Ayaanu U Soo haweynayey Ictiraafka Somaliland.
Intii Somaliya Burburtay Dhib Badan Ayaa Naloo Gaystay Wax Badan Oo Aanan
Hore U Ogayn Ayaanu Ogaanay Hada Walaalayo Taladooda Iyaga Ayaa U Xora
Gobolka Sh Hoose Xaasidnimadu Ma Fiicnee Raga Reer Koonfureed Ha Aqoonsadaan
Walaalahooda Koonfureed Aniguna Gobol Ahaan Waxba Kama Qabno Ictiraafka
Somaliland Gobolka Banaadir Waan Jeclaa In Hargeisa Ahaato Caasimada Labaad
Ee Somaliya Waa Dad Aanu Wadaagno Duruufo Badan Waa Kuwii Keenay Calankii
Lixdankii Laakiin Xaaladu Maanta Tii Maaha Waxaase Suurta Gal Ah In Aan
Anagu Mustaqbalka Xaga Hargeysa Tagno Wallow Aanay Hada Muuqan Waxaad
Jeceshay Walaalkaa La Jeclow Ayaa La Yidhiye Waxba Kama Qabno Ictiraafka
Somaliland .
Guul Iyo Gobanimo Ayaanu U Rajaynaynaa Gobolka Sh, Dhexe Anaga Warkayagu Ma
Cada Markaa Waa Inoo Waqti Kale Mar Labaad Ayaa La Weydiiyey Waxa Ay Ka
Qabaan Ictiraafka Somaliland Waxayna Ku Jawaabeen Aar Hooy Hada Habeena Kuma
Jiro Maalina Kuma Jiree Markay Ama Habeen Noqoto Ama Maalin Noqoto Ayaanu Ka
Jawaabi Doonee Ee Iminka Sidaa Nagu Dhaafiya.
Gobolka Hiiraan Cid Waliba Waxay Xaq U Leedahay In Ay Aayaheeda Ka Tashato
Markaa Somaliland Haday Aayaheedii Ka Tashatay Waa Ku Taageeraynaa Gobolka
Galguduud Waxaanu Ku Qanacsanahay Wixii Umada Somaliyeed Isku Raacdo Hadaanu
Nahay Shacabka Gobolka Galguduud Anagu Waxba Kama Qabno In La Ictiraafo
Somaliland Laakiin Noqon Mayno Gobolkii Ugu Horeeya Ee Taageera Ictiraafka
Somaliland Gobolka Mudug Waxaanu Anagu Qabnaa Kol Hadii Aynu Waxba Qabsan
Weynay In La Tix Geliyo Kuwa Wax Qabsaday Laguna Taageero Oo Lagu ambalyeeyo
Wixii Ay Qabsadeen Midawgii Somaliya Maanta Ma Muuqdo Markaa Mark Midaw La
Gaadho Calalaheeda Inta Ka Horeysa Waxba Kama Qabno Ictiraafka Somaliland
Gobolka Nugaal Waxaanu Xuduud La Leenahay Somaliland Waa Dad Colaad Iyo
Nabad Labadaba Waxna Kugu Yeeli Kara Waxna Kugu Tari Kara Hadii Duruufaha
Taagan Xal Loo Helo Waxba Kama Qabno In La Ictiraafo Gobolka Bari Waanu Soo
Dhaweynaynaa Talaabooyinka Is Daba Jooga Ah Ee Shacabka Somaliland Ku
Talaabsadeen Waana Qaar Kudayasho Mudan Waxayna Istaahilaan In Lagu
Ictiraafo Anaguna Waxba Kama Qabno.
Sidaas Aynu Soo Aragnay Ayaa Shacabkii Soomaaliyeed Isugu Raacay In Ay
Taageersan Yihiin Ictiraafka Somaliland Markaa Waxaan Ku Soo Khatimayaa
Inkastoo Loo Baaqoo Loo Sheegoo Barwaaqo Dad Bay Meeli Bugtaa Waxaa Ka
Dhigan Kuwa Yidhi Sidee Geedi U Yidhaahdaa Somaliland Aqoonsigeeda Waxba
Kama Qabo axaana Aan Leeyahay Kuwaas Gudoon Dhacayna Waa Nacas NinkiiGaar U
Faashadaye Waxaa Idinla Gudboon Inaa Dadkiina Dhinac Ka Raacdaan Oo Wixii
Aad Hore U Samayseen Aydaan Wax Kale Ku Darin Ayaamaha Aad Dooonaysaan Waa
Qaar La Soo Dhaafay Dibna Loo Arkimaayo Markaa La Qabsado Oo Salaad Walba
Xiligeeda Tukada.
Jama Abdilahi Suleiman
xuudon62@hotmail.com Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Nov 15, 2005
|