w w w . S o m a l i
T a l k . c o m
|
SOMALITALK
- MAQAAL
|
|
JUFADA
JAWHAR MARKUU JAHAWAREER SIYAASAD LA SOO GUDBOONAADO
MAXAY ETHOPIA UGU CARARAAN:
In
the hararghe province, a number of muslim community
learders, elders and religious teachers were tortured
and killed in early dec 1986...Witnesses told how the
men's tongue were cut out before they were shot in front
of their students.......
A secret policy document
(1981) noted it was ' necessary to employ new method and
tactics to destroy the muslin (index on Censorship Apr
1987: p .33)
AFRICA BETRAYED: by George
B. Ayittey
Arintaan kor ku qoran ma aha mid waqtigaas ku kooban ,
dadka kalinka shanaad ee muslimiinta ah ee dega Ethiopia
waa ogyahay qof kastoo Soomaliyeed dadkay yehiin ,
dadkaas oo sida xun loo kumaado kuma eka macalimiinta
diinta waa arin ay ka wada siman yihiin Soomalida ay
Gumaysato Ethopianka oo ilaa maanta aan xor ahayn , oo
si ula kaca ay Dawlada Ethopia ay rabto in ay uga cirib
tirto dadkaas Soomaliyeed , Ceelashooda ayay sun ugu
daadiyaan si dadka iyo Xoolahooda biyo la'aan u ledaan ,
dadkaan oo maalin kasta ka soo baxa Telefeshinada
aduunka ayaa silic ku nool , loona qaaday Heestii caanka
ahayd WE ARE THE WORLD , si mucaawino loogu aruuriyo ,
mar kasto aad aragto oo Telefeshoonada aduunka ka
hadlaayaan dadkaan dhiban ay ku hadlaan Af Soomaali , ma
xaqbaa in shaqsi Soomalino sheeganaaya uu yiraahdo
dadkaan lama gumaysto ama dhib ma haayo , shaqsiyaadkaas
oo sheeganaya in ay masuuliyiin soomaliyeed yihiin oo ay
rabaan in ay wax ka qabtaan dhibka haysto Soomalida kale
ee Ethopianku xukumo.
Cabdulaahi Yuusuf oo loo
soo doortay Madaxwayne ayaa mar arintaan la waydiiyay
yiri Anigu Ethopian ayaa ahay , wax dhul oo Soomaliya ka
maqan ma jiraan , siyaasadaasna waa siyaasad Gaboowday
oo waqtigeedii la soo dhaafay , maalmo dhowayd oo Prof
Geedi oo loo xilsaaray in uu yahay Raysal wasaaraha
Soomaliyeed mar la waydiiyay su'aashii la waydiiyay
Cabdulaahi yuusuf sanad iyo bar ka hor , ayaa isugana
waxuu ku jawaabay in ay jirin dhul ka maqan Soomaliya oo
ay Ethopia iyo Kenyo haysato , dadkaas Soomalida ahna ay
yihiin dad Soomaliyeed oo wadamaas u dhashay , ayna
dawlada uu xakuumadeeda xukumana ayna faragalinayn arimo
ku saabsan dadkaas wadamaadaas u dhashay ayna waxba ka
qabanayn, aqristoo waxaa laga yaabaa in aad is
waydiinayso maxaan u tarnaa Soomalida aan kor ugu
hadlaayo , anagiibaa dawlad lahaynoo oo dhib na
haystaaye , miyayna Fiicnayn in marka hore Dawlad
dhisano , kuwaan keenya lagu soo dhisay aan raacno si ay
nabada wadanka ugu soo rogaan , kabacdina markay shanta
sano la soo dooortay ay dhamaato aan dawlad shacbigu u
dhan yahay aan doorono , dawladaas oo raadin doonta xaqa
Soomalida la Gumaysto ka maqan , horta aqristoo waa
runtaa oo hadii soomalida ay hesho hogaan xaq ah oo wax
ka qabta dhibaataday ku jirto maanta waxaa laga yaabaa
in ay wax u qabtaan walaalohooda dhibaataysan , laakiin
su'aasha meesha taala ayaa ah kuwaan Jawhar saldhiga ka
dhigtay oo raba in ay Soomalida ka dhaadhiciyaan in ay
Ethopia raadinayso danaha umada Soomaliyeed intay ayna
xukumin , taaso mecneheedu uu la mid yahay siday
Soomalidu tiraahdo Ninkaad rabto in aad kabo ka tolodo ,
kabihiisaa la fiiriyaa , marka haday Ethopia ay si
waxuushnimo ula dhaqanto Soomaliday Gumaysto ( raali ha
iga noqdaan Cabdulaahi iyo Geedi oo arintaan maqli karin
) maxay aqristoo kula tahay hadii ay u soo gacan gasho
Soomalida kale , ma waxaan sugnaa in hees macaawino
layguna raadinaayo in noo loo qaado waqtigaan la joogo
.
Cinwaanka qoraalkaan
ayaa waxuu i soo xasuusiyay riwaayad ay ku wada jireen
Oday cabdule iyo Aw kuuko , aw kuuko ayaa waxuu ka helay
gabar ay daris yihiin , gabartaas oo soo marta jidka
guriga Awkuuko maalin kasta markay rabto in ay ka soo
adeegto suuqo , Awkuuko oo aan aqoonin am karti u lahayn
in uu gabadha la hadlo , asagoon aqoonin waxuu u sheegii
lahaa , ayaa waxuu dhibka haysta u sheegtay saaxiibkiis
Oday Cabdule , saaxiibkiis oday cabdule ayaa Awkuuko u
sheegay siduu uu ula hadli lahaa gabarta uu jeclaaday ,
maalintii ku xigtay ayuu Awkuuko gabadhii oo jidka
maraysa salaamay , salaantii markii laga qaaday , ayaa
waxuu bilaabay in uu la hadlo gabadhii asigoo
isticmaalaaya ereyadii uu u sheegay Oday Cabdulle ,
gabadhii oo dhagaysanaysa si xiiso leh isna leh ninkaan
ku jeclaaday bal iska hubso ayay su'aal waydiisay ,
su'aashii ayuu Ow kuuko si u u ugu jawaabo garan wayay
maadaama ayna kujirin waxuu Oday cabdule u sheegay ,
arintii markay meeshaas marayso ayuu intuu Awkuuko
indhaha mirig mirig ka siiyay ayaa intuu u jawaabi lahaa
gabartii ka orday asoo hadal dhihin , maalintii ku xigay
ayaa Oday cabdule waxuu waydiiyay Aw Kuukoin uu Gabartii
soo guri galiyay , Awkuukoo ayaa u sheegay Oday Cabdule
siday arintu ku dhamaatay , Oday cabdule oo is dhahaayay
fiilo kasta waa xir xirtay ayaa la yaabay waxuu Aw Kuuko
ugu guulasysan waayay guri gaynta gabartaas , Awkuuko oo
ay lilaahi ka tahay ayaa ugu jawaabay sababta
guuldaradiisa in uu Oday Cabdule u sheegin jawaabtii uu
ugu jawaabi lahaa su'aasha gabarta waydiisay , marka
sheekada ku dhacday Awkuuko ayaad u malaysaa in ay
haysato Xulufada isku baheestay Jawhar oo mar kastoo
siday wax u wadeen car qalad hor timaado in ay Ethopia
ay ku caraaraan si loogu soo sheego siday carqaladaas
uga hor tagi lahaayeen.
Jufadaan jawhar joogta oo
siyaasadoodi ka gadmi ladahay Soomaliya , marka laga
reebo Jawhar oo san dule ku haysto Maxamed dheere , kuwa
isku sheega in ay yihiin aqoonyahano oo xitaa aan qori
karin hal maqaal oo maquul ah oo aan ka hayn nabad ayaa
la rabnaa iyo kuwa xamar jooga waa argagixiso , nabadna
ma rabaan , waa gacan ku dhiigle , waa dawlad diid oo
ilaa iyo hada ka hadlin siday dawladu u gaari lahayd
meel aan jawhar ahayn oo maalin kasta ka hadla xafiis
Cusub oo la furay iyo shirka jawhar lagu qabtay iyo sida
loo godoomiyay kuwa xamar jooga ayaa taageerayashaan
ayna midnimo Soomaliyeed ku jirin iyo Jufada Jawhar oo
laga soo hago Ethopia ayaa markay garwaaqsadeen in ay
jawhar dhaafi karin ayaa si ay xukunka ugu sii
dhagnaadaan ayaa waxay bilaabeen in dastuurkii lagu soo
heshiiyay ay inkiraan oo dawladii lagu soo heshiiyay
mahee ay dawlad kale ay ku maleegaan Jawhar, ayna
yiraahdaan dawadu federaal maahin , oo siduu Prof Geedi
sheegay in shan sano kabacdi ay dad waynaha Soomaliyeed
ay dooron doonaan in lagu dhaqo hab Federaali ah ama han
jamhuuriyeed , mawliid maacaninia uu sheegay in labo
sano iyo bar kabacdi la waydiin doono dadwaynaha
soomaliyeed in ay dawlad Federal rabaan iyo in kale ,
marka dawlada magaceedu waa dawkada federaalka ku meel
gaar ah.
Dasruurkuna waxuu
cadaynaayaa in ay dawladu federaal tahay oo haday
xakuumada lagu soo dhisay Keenya iyo dastuurka lagu soo
heshiiyay uu sheegaayo hadii dawlada gobalda soomaliyeed
oo dhan ay ka hir galin waydo hab faderaali oo gobal
kasta uu leeyahy xubno baarlamaan oo xukumo oo dadka
gobalkaas ay soo doorteen sida dawlad federaal ay qabaan
ayaa waxaa jufada joogta Jawhar intay raaci laahayeen
qawniin iyo sharcigu siduu qabo, ayaa markay arkeen in
ayna dhaafi karin jawhar in ay dastuukii ay raaci
lahaayeen intay iloobaan ay ethopia ay orad isugu
xaabiyaan si loo soo faro waxay samayn lahaayeen ,
soomalida inta kalo aan rabin in ay ethopia ay u gacan
gasho soomailya ay ku tilmaamaan Argagixiso, AlQaa'iida,
dagaal oogo iyo dawlad diid.
WAAD MAHAD SAN TIHIIN.
A.N.GELLE
agelle@shaw.ca
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com
| Nov 14, 2005
|
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
©
www.SomaliTalk.com |
BAARID | SEARCH
|
|
|
Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray
Pune Hindiya Maxaa Sababa
Guji... |
Maqaalkaagu
Yaanu Noqon Mid Mashaakil Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji... |
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed
iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji |
MAXAAD
KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
|
Fariimo
Bulshadeed
oo Dahsoon
Guji...
|
Xaalada
Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
|
MAGACA
SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad |
"hadii
ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
|
"Miyaan
niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
|
"dadkaasi
la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
|
Kuwii
sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad |
"Shacbiga
Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
|
"7/12/2002
ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare
|
.
|
|