Waxaa jira
dabeecado joogta ah oo asaas u ah habdhaqanka siyaasadeed ee
Itoobiya xilli kasta oo la joogo. Saameynta weyn ee ay taariikh
ahaan ku yeesheen nabadda G/Afrika awgeed, waxaan u kuur galeynaa
waxyaalihii u fiirsadayaashu ka yiraahdeen dabeecadahaas, oo ay ka
mid yihiin:
I) MUDNAAN ISA SIIN:
Sida daraasaduhu ku nuuxnuuxsadeen, Xabasha waxay caadaysatay
inay isku macnayso koox gaar ah oo leh mudnaan gaar ah. Mudnaantaas
oo ay ku saleyso waxa lagu tilmaamay "sheekadii dheereyd". Taasoo ah
sheegashada abtiris ama ilbaxnimo ku aroorta: Yahuudo-Nasraaniyad
iyo boqortooyadii Aksum. Sheekadu kama dhigeyn oo kaliya
xukumayaasha waddankaas kuwa ku abtirsada N/Sulaymaan oo qaraabeysta
N/Ciise, sidaa darteedna "xaq samaawi ah" u leh xukunka, waxayse
kaloo ka dhigtay dadka Xabasha mid huwan hayb muqaddas ah ( Baxter,
Hultin & Triulzi 1996: 83-9; Harbeson 1988: 24-5). Ilbaxnimadani,
siday sheegteen, waxay ka dhex ifaysay adduunyo mugdi ah, sidaa
darteed nuxurka xiriir kasta oo dhexmaray ayada iyo dariskeedu wuxuu
ahaa gacan sarrayn iyo risaalo gudbin, (TH: 89; Lipsky 1962: 13).
Sheegashadaas hadda waa la diiday waayo waxay ahayd "dood hal dhinac
ah, sheeka la dhisay, iyo wixii tagay oo cid kaliyihi matalayso".
Waxay kaloo ahayd "sheegasho qaawan,aan cuntamin, oo Maanawi (manechian)
ah", (Hultin & Triulzi TH: 91).
Markii gobannimada Soomaalidu soo dhawaatay 1956, Xayle Selaase
waxuu ku dooday: "dawlad Soomaaliyeed oo Itoobiya goonni ka ahi
dhaqaala ahaan ma istaagi karto" (Drysdale 1964: 83). Markii
maamulka Zenaawi la weydiiyay ballanqaadkiisii xorriyadda
qawmiyadaha, wuxuu sheegay inaan la fulin karin waayo isma maamuli
karaan. Ermias Xayle Selaase wuxuu dhawaan ka dhaadhacsiinayay urur
Maraykan ah oo qaabilsan istaraatiijiyadda caalamiga ah in Itoobiya
[Xabasha] wali gar u leedahay inay ilaaliso oo hogaamiso min Suudaan
ilaa Soomaaliya, Galbeedkuna ku taageero (Ali Osman fii HOL:
2/2001).
II) MULUBSI iyo KHURAAFO
Arrimo muhim ah oo asaas u ah taariikhda Xabasha laguma salayn
xaqiiqooyin sugan. Waxay ku yimaadeen khayaalka (wishfull being)
cidda markaas ku sugan awoodda diineed ama siyaasadeed ee Xabasha.
Khayaalkaasi inta badan wuxuu abbaaraa laba arrimood oo isburinaya:
asalka Xabasha iyo waxay Itoobiyada maantu u taagantahay.
B) Asalka Xabasha: Xabasha waxaa loogu yeeray Sulaymaani, Siyoon
iyo Saba, taasoo ah in loogu abtirinayo: N/Sulaymaan, buurta u dhow
Qudus iyo boqorad laga wado tii Saba. Sheekada oo uu Q14aad abuuray
baadari la oran jiray Yisxaaq, waxaa tiir dhexaad u ah wiil ay macsi
iskaga dhaleen labada qof ee kore, oo la yiraahdo Minilik. Hooyadii,
boqoraddii Saba, oo aabaheed ahaa cifriid, waxaa la oran jiray
Makeda. Minilik Sulaymaan waa booqan jiray. waxaana soo raacay
Israa'iiliyiin kale oo soo xaday Taabuutkii reer Israa'iil, kaasoo
maanta ku sugan Itoobiya. Sidaa darteed, Xabasha waa Israa'iili,
ayaga kaliya ayaana xaq u leh inay wax xukumaan, (Pankhurst 1998:
54-7; Harbeson 1988: 24-5; Gardner 1981: 105; Ali 1996: 12, 49).
Haddii xukumayaashii Q14aad arrintaas ku sheegteen qoraalkii
Kibra Negast (sharafta boqorrada), Xayle Selaase wax walwal ah kama
qabin inuu sii naaxnaaxiyo Q20aad. Dastuurkii la qoray 1955, 36 ka
mid ah 131 kiisii qodob, waxay amba qaadayeen muqaddasnimada
boqortooyada. Boqork iyo boqortooyadiisa waxaa lagu sheegay: 'libaaxii
dhulfurashada ee qabiilka Yahuuda, kii ilaah doortay' "Fadliga
dhiigga boqortooyadiisa awgeed iyo waliba barakeysnaanta uu dhaxlay
qofnimada boqorku waa muqaddas awooddiisu waa lagama doodaan' 'Sharafta
boqortooyadu hakad la'aan waxay ka soo jeeddaa boqortooyadii Minilik
I, wiilkii boqoradda Ityoobiya, boqoradda Saba, iyo boqor
Sulaymaankii Qudus", (Greenfield 1965: 41; Lipisky 1962: 172 ).
T) Itoobiyada maanta: Sheekadaa hore ee Sulaymaan ku abtirsigu
waxay ka hor imaanaysaa sheeka kale oo la barbaariyay Q20aad. Taasoo
ah in Ityoobiyada maantu u taagantahay Kuush ama Ityoobiyadii
Giriigga (labada magacba si gaar ah waxay ugu dhacayeen W. Suudaan,
guud ahaanse waxaa loogu yeeri jiray ilaa Soomaaliya. Dadyow badan
oo Bariga dhexe degenaa ayaa ayagana loogu yeeri jiray).
Sidaa darteed, sida sheekada cusubi qabto, Itoobiya waxay u
taagantahay ama mar xukumaysay dhul fidsan min Carabiya ilaa
Yugaandha, ama xattaa Madagaskar ( Greenfield 1965: 30-1 ). Dulucda
sheekadu waxay u dhacaysaa kooxdii Aksum ayaa mar xukumaysay cid
kasta oo lala xiriiriyay magacyadii Kuush iyo Ityoobiya. Sidaa
darteed waa inaan doodi ka iman in dadyowga Geeska Afrika, taariikh
ahaan la xukumayaal u ahaayeen Xabasha. Sababta ay u qaadatay magaca
'Ityoobiya' 1930dkiina (Jalata 1993: 6), waxay ahayd inay ugu gabato
sheegashada Geeska Afrika oo dhan.
Magoogashadii haybta iyo mulubsigii taariikhda, waxaa hadda
baddalay mardadabaan ku saabsan dhacdooyinka la isku hayo.
Dhinacyada ay is hayaan maamulka Itoobiya waxay ka midaysanyihiin
inay ku eedeeyaan inaanay waxba la ahayn Itoobiya inay abuurto war
aan jirin amay diido fal ay gacanta kula jirto.
III) MACIINSI SHISHEEYE
Miisaanka nabadeed ee G/Afrika waxaa waligiiba dhibaata ku ahaa
xiriirka ka dhexeeya Xabasha iyo quwadaha Yurub. Labada dhinac waxay
caadeysteen inay iska caawiyaan ujeedooyinka mid kastaa uu ka
leeyahay gobalka iyo hareerihiisa. Ruum iyo Xabasha Q1aad ilaa kii
4aad, waqti labada midkoodna uuna qaadan diinta nasaarada, waxay
iska kaashanayeen la dagaallanka dadka Beja, ee xeebta badda cas (Kobishckanov
1979: 38-41). Isla Roomaanka ayaa lahaa ra'yiga iyo qabanqaabada ay
Xabasha Q6aad ugu duushay Yaman (Ibn Hishaam mj. I: 32;
Mubaarakfowri 1976: 24). Boqorkii Rooma Konstantine 337 MD Wuxuu
kula dardaarmay muwaadiniinta dalkiisa: 'Muwaadiniinta Aksum waxay
mudanyihiin macaamil la mid ah kan la siiyo muwaadiniinta Rooma'
(Greenfield 1965: 23).
Taa ka bacdi waxaa timi aragtidii Yurub iyo Xabasha qarniyadii
dhexe ay ku raadinayeen inay isu kaashadaan si walaaltinnimo ah.
Yurub waxay ku jirtay dagaalladii 'saliibka'. Xabashana waxay dagaal
kula jirtay muslimiinta G/Afrika. Hindisuhu wuxuu ahaa: in Xabasha
laga taageero dagaalka G/Afrika; in muslimiinta laga gooyo marinnada
badda cas; iyo in wabiga Niil laga leexiyo Masar. Sahaminta iyo
hirgalinta xiriirkaas oo bilowday 1400 kii, waxaa hogaanka u qabtay
Boortaqiiska.Yisxaaq 1420aadkii wuxuu yurub la kaashanayay sidii loo
tirtiri lahaa muslimiinta G/Afrika. Marka 1445 suldaankii Awdal,
Axmad Sacduddiin lagu dilay goobtii Caynfaras, KB ee Shawa, aad ayaa
arrintaa looga xusay Yurub (Tamrat 1972: 263-2). Boortaqiisku1498,
ayaamihii Andalusiya dhacday, ayuu aakhirkii soo gaaray Afrikada
bari. Qarnigii ku xigay oo dhanna wuxuu duqeynayay xeebihii muslimka
ahaa ee gobalka. Julay 1517, maalmaha garaad Maxfuud lagu dilayo
goobtii Dalmiida, KB ee Shawa, Boortaqiisku wuxuu burburiyay Saylac
oo ahayd xarunta garaadka. Aakhirkii Boortaqiiska ayaa badbaadiyay
Xabasha 1543 markuu jabiyay imaam Axmad iyo ciidankiisii.
Xilligii bilowga isticmaarka, Xabasha malahayn dawlad iyo awood
dhexe. Waxayse reer Yurub isugu baaqeen in la soo nooleeyo Xabasha.
Ingiriiska iyo Faransiisku 1840dkii ayay bilaabeen inay hub iyo
mucaawino kale u diraan Sahle Selaase, duqii Amxaarada W. Shawa.
Profify Uspensky oo madax ka ahaa ergo-diineedka Qudus ee Raashiya
wuxuu 1850dkii si xamaasad leh ugu sheegay dalkiisa: in Xabashada
nasraaniga ahi noqon karto miftaaxooda Afrika (Patman 1990: 26-7).
Lord Valentia oo waqtiyadaas Ingiliishka wakiil uga ahaa gobalka
ayaa, ka dib markuu xusay xiriirradii ay la yeesheen Carabta, u
sheegay dawladdiisa 'Kuwaan Xabasha ayaa, bataatan, ka muhimsan'.
Henry Salt oo la shaqeynayay ayaa asaguna ku taliyay 'Ma jirto qayb
ka mid ah adduunka oo saameynta Yurub kaga faa'iido badnaan lahayd
lug ay ku yeelato Xabasha' (Rubenson 1976: 43).
Xabashida laftigoodu dhankooda ayay ka wadeen siyaasaddoodii
hiddaysi ee isa soo oohinta ahayd. Nagaash Tewodros, intaanay isku
xumaan ingiriiska oo aanu dhiman 1868, mid ka mid ah hadiyadihii iyo
farriimihii badnaa ee uu u diray boqorad Viktoriya wuxuu sii mariyay
waaligii ingiriiska ee Cadan, asagoo leh ' Waxaan ka rabaa boqoradda,
saaxiibtay, iyo adiga, walaalow, waa saaxiibtinnamadiinna --- Waxaan
ahay dameer indha la, sidaa darteed, waxaan jeclaan lahaa inaad
indhaha iigu furtaan xikmad' (Asfaw, Appleyard & Ullendorff 1979:
306).
Xabasha way heshay xikmaddaas iyo ka badanba. Yohannes-kii Tigray
oo arrintaa qiraya ayaa saaxiibadii , Ingiliish, u sheegay "waxaan
ku xoogaystay kanooniyada iyo banaadiiqda dawladiinna sharafta leh,
kuna fariistay kursiga" markaa ka bacdi ayaan nasaareeyay cawaankii
igu hareeraysnaa'. Marka Ingiriisku ku lahaa gacan siyaasadeed
qabsashadii Xabashida ee Harar 1887, Talyaannigu gacan ciidan ayuu
ku lahaa. Minilik waraaq isu hambalyeyn ah ayuu u diray wakiilka
Ingiliishka ee Cadan, asagoo u sheegay inuu ka adkaaday 'Guray
kale', amiirkii Harar Cabdullaah, (FitZGibbon 1982: 13, 22-3). Reer
Yurub 1890 waxay isku raaceen in Xabasha laga reebo xeerka hub ka
mamnuucidda reer Afrika. Leontev (ruush) oo ka mid ahaa dadkii
badnaa ee Xabasha tababarayay ayaa markii danbe matalay danaheeda
dibadda.
Sidaa darteed, warqaddii Minilik uu 1891 walaalaha Yurub kaga
codsanayay inay ka caawiyaan qabsashada min Kharduum ilaa Inyaaza,
ma ahyn midaan sabab lahayn. Ruushka iyo Faransiiska ayaa ka
caawinayay goobtii Cadwa ee uu la galay Talyaaniga 1896.
Hubkaas iyo mucaawinooyinkaas waxbarasho iyo farsamo ayaa Xabasha
u suurta galiyay inay qabsato ama loo ogolaado 1881-98 iyo 1944-54,
85% dhulka maanta ay ka taliso. Dhulalkii Soomaalida, Oromada,
Cafarta, dadyowga koofureed, kuwa galbeed iwm., waxaa ku dhacay
xasuuq , dhac, addoonsi, dagal wareejin, nasaareyn iwm. (Hassen
1990: 47-8, 52; Patman 1990: 27-30; FitzGibbon 1982: 27; Lewis
1980:50, 51,57 ). Dhimashadii Makonnen 1906 iyo Minilik oo ahaa qof
da' ah oo jirran, Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaannigu waxay ku
heshiiyeen inay Xabasha badbaadiyaan (Drysdale 1964: 40). Taas ayaa
keentay inay gacan ka geysteen casiliddii Lig Yaasuu, 1913-6, oo
dhaxal u yeeshay xukunka. Sababtoo ahayd diintiisa iyo xiriir uu la
yeeshay Soomaalida, iyo wakiilladii Turkiga iyo Jarmalka.
Arrintu si kastaba ha ahaatee reer Yurub way ogaayeen in
Xabashada ay bakhti afuufayaan aanay kaga duwanayn Afriiqiyiinta
kale waxaan ka ahayn dhaqanka 'dilka iyo dhaca'. Carl Rosebery wuxuu
Ingland xusuusiyay 1893 inaanay 'cadaalad sheegan karin markay
Soomaalida maxmiyaddeeda u diidayso hub yar oo ay iskaga difaacaan
weerarrada qawlaysatannimada ah ee Xabashida' (Drysdale 1964: 62).
Sir Alfred Pease oo booqday Soomaaliya 1897 wuxuu asaguna sawir ka
bixiyay iskaashiga dulmiga ku dhisan ee Xabasha iyo reer Yurub, gaar
ahaanna dalkiisa, iyo raadka uu ku yeeshay ummadaha Gobalka 'Haddaan
(Ingiliish) nahay waxaan ka hor istaagnay (Soomaalida) helitaanka
hub iyo rasaas, markaan ka xarrimnay dhammaan qaababka ay ku difaaci
karaan naftoodana waxaan badnay inay beylah u noqdaan weerarrada
xabashida kuwaasoo aan lahayn shaqo aan ka ahayn inay weeraraan
Gaallada iyo Soomaalida'. DR. Donaldson Smith oo asagu ahaa Maraykan
1894 booqday ilaa Sasabane, K. Dhagaxbuur, wuxuu ku tilmaamay
Xabashida 'waxshiyiin hub u helay afriiqiyiinta kale ee tabarta
daran ee aan haysan difaaca'. (FitzGibbon 1982: 24).
Waqti loo heysto reer Yurub inay dhabarka u jeediyeen Itoobiya,
dagaalkii ayada iyoTalyaanniga 1935, waxay mucaawino ka helaysay
Jarmalkii Naaziga ahaa (Westermann fii Marcus 1994, mj. I: 1036-48).
Aakhirkii Ingiriiska ayaa hogaamiyay soo celinta boqortooyadii
Xabasha 1941. Dhinaca kale, wax ka qoridda Afrika ee reer galbeedku,
Masar waxaa labo ku ah Itoobiya, ayadoo waxyaala badan oo laga qoray
aanay ka tarjumeyn xaqiiqooyinka taariikheed ee Geeska Afrika.
Dagaalkii 2aad ee adduunka ka bacdi, Maraykanka ayaa hogaanka u
qabtay uga hiillinta Itoobiya dadyowga kale ee G. Afrika.Taasi waxay
ahayd sababta, ashtakooyin ka bacdi, Soomaalidu (SYL) u weerareen
1948 shirkaddii saliid baarista Maraykanka ee Sinclair, si ay uga
ceyriyaan Soomaali Galbeed (Marcus 1983: 71-2). Dawladdii cusbayd ee
Soomaaliya reer galbeedku waxay u diideen inay wax hub ah ka
iibiyaan. Ha yeeshee mucaawinada Maraykanku Itoobiya siiyo oo ahayd
$66 malyan, 50% waxay ahayd mid ciidan. Caro iyo mudaaharaadyo ka
dhan ah Maraykanka ayaa 1961 ka taagnaa Soomaaliya, waayo hubkooda
ayaa lagu xasuuqay shacab Soomaali galbeed ah Des. 1960 ama Jan.
1961, marka Soomaaliya hubka laga hortaagnaa (Touval 1963: 173).
Taasi Soomaaliya waxay ku xirtay Ruushka Nof. 1963.
Dagaalkii 1977-8 reer galbeedku, ka bacdi markay hubiyeen
Soomaaliya inay ka soo go'day Ruushka , ayay hubkii ka xayireen.
Ruushka iyo bahdiisuna waxay itoobiya u qabteen shaqadii Ingiriisku
u qabtay 1941, Boortaqiiskuna u qabtay 1543. Arrinta la yaabka lihi
waxay ahayd Maraykanku inuu wali sii waday mucaawinadii ciidan oo uu
siinayay Itoobiya. Horay waxay u helaysay nis ka mid ah mucaawinada
noocaas ah oo Maraykanku siiyo Afrika oo dhan. Nof. 1977, oo Warso
ku soo shubmaysay, wuxuu siiyay $40 malyan oo hub ah, laba senator
ayaana booqday ( Selassie 1980: 137, 140). Israa'iilna waxay siisay
taageera ciidan oo isugu jirta qalab, khubaro iyo jawaasiis (Sauldie
1987: 168). Maamulayaasha Itoobiya waa dad u qaatay in aayaha
dalkoodu ku xiran yahay helitaanka hiil xaq darra ah iyo dhibaato
joogta ah oo ka taagnaata Geeska Afrika.