Kenya iyo Itoobiya oo Shirkii London kaddib Nairobi ku kala saxiixday
heshiis ku saabsan waddo-tareen oo isku xiraysa Lamu iyo Addis Ababa
Maalin kaddibna waxay dhagax dhigeen dekedda magaalada Lamu ee xeebta
badweynta Hindiya
- Warbixin iyo Faallada SomaliTalk.com | Maarso 2, 2012
Kulan ay Maarso 1, 2012 magaalada Nairobi ku yeesheen madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki iyo
ra'iisul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi ayaa waxaa labadaas dal ku kala
saxiixdeen heshiis ku saabsan waddo tareen oo isku xiriirineysa magaalada Lamu
iyo Addis Ababa. Heshiiskaas oo ay goobjoog ka ahaayeen Kibaki iyo Zenawi waxaa
labada dhinac u saxiixay wasiirada gaadiidka Kenya Amos Kimunya iyo kan Itoobiya
Deriba Kuma Hey. Waxaana saxiixa heshiiskani kusoo beegmay maalmo kaddib markii shir magaalada
London shir loogu qabtay Soomaalida oo ay ka qayb galeen Zenawi iyo Kibaki. Kenya iyo Itoobiya waxay duullaan ku qaadeen ciidda Soomaaliya oo ilaa hadda ay
ciidamadoodu ka geysanayaan tacadiyo ka dhan ah bini'aadaminada, ayagoo labadaas
dal ay hore gumaystayaashii reer Yurub gacanta u geliyeen dhulal aad u baaxad
weyn oo Soomaaliyeed oo ay ilaa hadda guemsysi jajuub ku haystaan.
Zenawi iyo Kibaki oo ku faraxsan saxiixii wadada tareenka ee isku xiraysa Lamu
iyo Addis (March 1, 2012)
Kibaki iyo Zenawi oo Dhagax Dhigay Deked laga dhisayo Lamu
Maalin kaddib heshiiska Zenawi iyo Kibaki, waxaa la dhagax dhigay deked laga
samaynayo magaalada Lamu. Waxaana Maarso 2, 2012 dekedaas dhagax dhigay
Madaxweynaah Kenya Kibaki, ra'iisul wasaaraha Itoobiya Minister Meles Zenawi
iyo madaxweynaha dawladda dhawaanta la dhisay ee Koonfurta Suudaan Salva Kiir
Mayardit.
Dhagaxdhigii Dekedda Lamu | Sawirka Nation
Dekedu waxay qayb ka tahay mashruuca loogu magac daray LAPSSET (Lamu Port –South
Sudan –Ethiopia Transport Project) oo la doonayo in ay dekeddaas adeegsadaan
Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan.
Video: NTV Kenya Halkan ka daawo
Kenya waxay ciidamadeeda ka tallaabisay xad beenaadka NFD bishii October 16,
2011, kuwaas oo ilaa hadda ku jira gudaha Soomaaliya, arrin in badan lagu
macneeyey aagga xirmada ama durkinta Soomaalida iyo dhul ballaarsi. Sidaas oo
kale ayaa mar labaad Itoobiya waxay xoog kusoo gashay Soomaaliya, ayadoo
ciidankeeda ka soo gudbisey xad beenaadka Soomaali galbeed December 31, 2011 oo
ay weli ku jiraan magaalooyin Soomaaliyeed.
Weriye Kenyan ah oo farta ku fiiqaya dhagax yaal "xad
beenaadka"
si uu u caddeyo in ciidankoodu halkaas ka gudbey xilli madaxda Soomaaliyeed
arrintaas ankirayen
In badan oo odorosa, una kuur gala siyaasadda geeska Afrika ayaa hore uga hadlay
sababaha duullaanka Kenya iyo Itoobiya ay ugu qaadeen Soomaaliya in ay tahay in
shacabka Soomaaliyeed lagu sandulleeyo rabitaanka labadaas dal ee gumaystaha
qarnigan, si ay markaas u adeegsadaan khayraadka dhulka Soomaaliyeed. Laakiin su'aasha ay tahay in dhab la isu weydiiyo
waa: yaa leh eedda
dhibaatada hadda ka taagan Soomaaliya?
***
Yaa masuul ka ah dhibaatada ka tagaan Soomaaliya?
Soomaaliya waxaa dagaal ahli ah ka qarxay 21 sano ka hor, kaddib markii uu
dhacay xukun dalka ka jirey 21 sano, xukunkaas ugu yeer diktatoori, shuuci, culimo laaye,
kacaan. Soomaalidu kama faa'iidaysan dhicitaankii xukunkii kelitaliska, balse
waxay ku bedeleen dagaal ahli ah oo maatadii lagu xasuuqay.
Waxaa taas garab socday in dalalkii cadowga soo jireenka u ahaa Soomaaliya ay
arkeen in halkaas fursad uga soo baxday. Si ay dantooda u gaaraan waxay
hubeeyeen qab-qablayaan dagaal oo u hamuumay dhiigga shacabka Soomaaliyeed oo
xilligaas abaaro iyo colaadda sokeeyey wiiqeen. Erayada in loo fiirsado mudan
waa "Qab-qabalayaal Soomaaliyeed".
Waxaa markaas Soomaalida loo qabtay shirar ay ka soo xushaan madax aragti
gaaban oo iska indha saabaxaya xaqiiqada juqraafiyeed iyo mid dhaqan-dhaqaale ee
ka jirta geeska Afrika. Madax magac ahaan ka ah Soomaali, balse aan haba
yaraatee ku shaqaynayn aragti Soomaaliyeed, oo loo yeeriyo siyaasadda cusub ee
laga damacsan yahay juqraafiga cirifka bari ee qaaradda.
Dhibaatada ay madaxda maqaar-saarka ah kuwoodii ugu horeeyey geysteen waxaa
ka mid ah in ay dalka u horseedeen in lagu duugo sunta halista ah iyo haraadiga
qashinka nukliyeerka, oo cawaaqib xun kureebaya degaanka Soomaaliyeed, naf iyo
maalba, iyo dad, duunyo iyo degaanba.
Waxa lagu xejiyey kuwo dalka kusoo hoggaamiya ciidamadii ay Soomaalidu iska
caabinayeen qarniyaal. Ciidamo hore gumaysi ugu haytey dhul Soomaaliyeed. Waxay
"madaxdaas Soomaaliyeed" isku dayeen in qaar kamid ah dhul-badeedka Soomaaliya
la dhaxal wareejiyo. Iyo kuwo dhaca hantida qaranka, ama lacagahii lagu soo
siiyey mucaawinada dadka tabaalaysan jeebka ku shubta, dalkiina ka dhigay mid
iib ah.
Waxaa dalka loo kala qoqobay gobollo loogu talagalay in ay ayagu isku
mashquulaan, colaad cusubna loo abuuro shacab Soomaaliyeed oo walaalo u ah meel
kasta oo laga eego, laguna jajuubo xadad cusub oo gobolaysi iyo qabaliya ku
salaysan. Waxaa caburintii ugu weyneyd la saaray saxaafadda, taas oo la isugu
daray dil, xarig, hanjabaad, caga-juglayn.
Waxaa soo baxay kuwo sheegta "aqoonyahay Soomaaliyeed", oo samaystay ururro
iyo golayaal badan oo marka loo dhaba galo aan wax nuxur ah kuwada hadlayn, ugu
yeer qurba-joog, fadhi-kudirir, qaad-cunayaal, iwm. Waxaa taas garab socda
maadax cusub oo waxa keliya oo ay jecel yihiin ay tahay in la ammaano, balse aan
loo tilmaami karin waxay ku khaldan yihiin, kuwaas oo hami gaaban, aana meel
durugsan wax ka eegin. Waxayna kuwaasi soo dhaweytaan oo keliya dadka loogu
yeero YES MEN (ama aan madaxdooda runta u sheegi karin).
Waxaa khilaaf dhexdooda ah ka dhammaan waayey xukuumadihii soo maray
Soomaaliya 21 kii sano, waxaana is bedeley TNG-DKMG, TFG-DFKMG, Technocrat Gov,
Cash Kleptocracy (oo meel marsaday hantidii qaranka iyo mucaawinadii loogu
deeqay dadka tabaalaysan).
Waxaa soo baxay xarakooyin iyo kooxo ku doodaya magac Soomaaliyeed oo sii
farcamaya maalin kasta, ugu yeer Aala Shiikh, Al-Shariifeyt, Al-Shabaab, Suufiyah Ahlu-Sunna,
Al-Ictisaam, Al-Islaax, iwm. Kuwaas oo xilligan waxa keliya oo ay ku mashquulsan
yihiin ay tahay sidii mid kasta ay tan kale u burburin lahayd.
Waxaa la isku mashquuliyey Soomaalida dhexdeeda, ayadoo shacabkii tabaalaysan
yahay, qaxootina ku abaadeen. Ma jiraan cid ka hadlaysa xadgudubyada ciidamada
shisheeye ku hayaan dhulka Soomaaliyeed. Koox kasta ay fiirsaneyso sidii ay uga
takhalusi lahayd kooxda kale. Urur kasta ka soo hor jeedo urur kale. Madaxdii ay
isugu biyo shubteen inay ka qayb galaal shirar aysan lahayn ajanadayaashooda.
Ayadoo aysan jirin qaab ama hab caqligu talinayo.
Halkaas ayaa markaas dalkii oo dhan uu ku noqday baylah, oo aysan jirin cid
ka hadasha xad gudubyada ciidamada soo duuley ay ka geysanayaan Beledweyne,
baydhabo, iyo guud ahaan Koonfurta Soomaaliya.
Waxaa sidaas ku dhammaaday 21 sano. Ma jiro cid arrimahaas isku xiriirsan
21-ka sano ee colaadda masuuliyadeeda loo maxkamadeeyey.
Halkaas waxaa kaaga soo baxaya in Zenawi iyo Kibaki ay ayagu gudanayaan
hawshii ay u qaadeen shacabkooda (Kenyan iyo Itoobiyaan), in la sandulleeyo
madaxda Soomaaliyeed si ay markaas shacabka Soomaaliyeed u badaan saxariirka
hadda haysta, dawlad la'aanta iyo dhibaatada 21 sano jirsatey.
Markaas su'aashu waxay tahay, yaa leh eedda dhibaatada ka taagan Soomaaliya.
Jawaabta waxaan u dhaafnay akhristaha.
***
Waa Maxay Xalku?
Qoom Allah ma bedelo haddii aysan gacmohooda Isku bedelin.
Xalku wuxuu ku jiraa kitaabka quraanka. Ugu horayn in mujtamaca Soomaaliyeed
ay gebi ahaanba u laabtaan Allah, kana baryaan toobad keen caama ah. Joojiyaana
xad gudubyada. Guud ahaana ummadda Soomaaliyeed is cafiyaan.
Waxaa markaas la heli karaa, Allah idankiis, in shacabkan masiirkiisa ay hooggaamiyaan madax
daacad ah, caadil ah, fikir dheer, ummaddana u horseeda barwaaqo, soo celiya
magacii Soomaaliyeed. Ummadda Soomaaliyeed mideeya, soona celiya walaaltinimadii
ka dhaxaysey shacabka Soomaaliyeed oo dhan. Madax yoolkoodu yahay horumarinta
shacabka. Madax danta shacabka ka dhiga tan koowaad, shacabkoodana u naxariista,
adduunkana si caqli ah ula xisaabtama.
Suuradda Ar-Racad, Aayadeeda 11, qayb ka mid ah ayaa macneheedu yahay: "Allah
ma dooriyo wax dad ku suganyahay intay ka doorinayaan waxa naftooda ku sugan"
{Qur'aan 13:11}.
Indeed, Allah will not change the condition of a people until
they change what is in themselves. {13:11}
Faafin: SomaliTalk.com | March 2, 2012
|