SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dagaaladii Muqdisho ka dhacay oo Geystay Khasaare Naf iyo Maal leh

Ilaa iyo 40 qof oo badan koodu yihiin dad shacab ah ayaa ku geriyooday dagaal qaraar oo Jimcadii labadii galinba ka soconayey gudaha magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya dagaalkaan ayaa u dhaxeeyo ciidamda dowlada KMG somaliya iyo xoogaga Islaamiga ah ee dagaalka hubeysan kala soo horjeeda.

Dadka rayidka ah ee dagaalka uu galaaftay ayaa waxaa ku jira 12 qof oo Bas ay saarnaayeen Madfac kula dhacay agagaarka Baar ubax ee Magaalada Muqdisho iyo wariye C/risaaq Warsame Maxamed (Gaadaco) oo ka tirsan Idacaadda Shabeele oo xabadwiifto ah madax kaga dhacaday isaga oo marayay dagmada wardhiigley gobolka banadir.

Isbitaalada Madiina, Dayniile, iyo Keysan ayaa la geeyay dhaawacyo boqol ruux gaaraya.waxaana wax yeelo ka soo garatay dagaalka xafadahooda ku dhemaray DFKMG iyo kooxaha Islaamiga ah.

Dagaalkii Jimcadii ayaa xoogiisu ka dhacay deegaano ay ka mid yihiin Saldhiga Degmada Hodon, Howl wadaag, Geedjaceyl, Xararyaale ,Suuq bacaad, iyo Yaaqshiid waxaa weerar xoogan soo qaaday aroortii hore ee Jimacadii Ciidamada Dowladda FKMG Soomaaliya oo maalmahaan diyaar garow ugu jiray sidii ay dib ula soo noqon lahaayeen goobhii lagala wareegay .

Dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan ayaa Jimcadii oo dhan Magaaladu marti u aheyd waxaana la arkayay dad caruur iyo haween u badan oo kala cararaya si ay dagaalka uga baxsadaan kuwaas oo guryahoodii isaga barakacay .

Wasiirka Gashaan Dhigga ee Dowladda FKMG Maxamed Cabdi Gaandi oo shir Jaraa’id Jimcadii Muqdisho ku qabtay ayaa saxaafada u sheegay in ay Dowladdu weerarka qaaday si loo badbaadiya buu yiri shacabka Soomaaliyeed wuxuuna intaa ku daray in dowladu fursad kale aysan heysan xiligaan .

Dhanka Xoogaga ka soo horjeeda oo horay usheegay in aanay Dowladda FKMG wax wada hadal ah la geleyn isla markaana aysanba aqoosaneyn wax dowlad ah .

Muuse Cabdi Caraale oo ah Afhayeenka Ururka Xisbul Islaam ayaa sheegay in ay dib isaga caabiyeen ciidamada Dowladda FKMG oo uu sheegay in ay soo weerareen.

Sidoo kale afhayeenka cusub ee xarakada alshabaab Sh Cali Maxamuud Raage ayaa isna ka hadlay dagaalkii Jimcadii muqdisho ka dhacay wuxuuna sheegay in ay ciidamada DFKMG soo weerareen suuqa bakaaraha ayna dooanyeen in ay dhacaan hantida shacabka iyaguna ay ka celiyeen waa sida hadalka uu u dhigaye .

Dhinacyada dagaalayamay waxa kala gaaray qasaare balaaran waxaana wadooyinka qaarkood yaal meydadka qaar ka mid ah ciidamada dowlada oo ku labisan dareskii ciidanka laba ka mid ah wuxuu mayadkood lagu arkayey deegaanka geed jacayl oo ka mid aheyd goobihii ay cidanka dowladu Jimcadii waabarigii soo buuxiyeen ee iska horimaadku ka dhacay.

Sidoo kale suuqa ariga ayaa waxaa yaal laba meyd oo ka tirsanaa ciidanka dowlada FKMG waxaana jira qaar la aqoonsaday oo ay reerahoodii qaateen halka kuwa aan dareska ciidanka wadan isla markiiba la aasturayey.

Asbuuc ka hor dagaalka muqdisho ka dhacay ayaa geystay geerida 15 ruux halka dhawacuna uu garayey boqolaal oo intooda badan ahaa dad rayid ah dagaalkaas ayaa u dhaxeeyey isla dhinacyada hadda dirirtu ka dhaxayso.

Goobaha ay dagaaladu ka dhacayeen ayaa ahaa kuwo lagu dagaalamo muddo ka badan 19 sano waxaana dagaal kasta halkaa difaac ka galayey ciidamo taabacsan qolo heblaayo kii ku dhinta ama ku dhaawacmana cidiisa oo kaliye ayaa tabeysay intaas oo dagaal ma jirto cid ku faani karto halkaa anaa xoreeyey oo waqtigaas dagaal ka galay.

Isku soo wada duuboo dagaalka ayaa ka bilowday wadada wadnaha Jimcadii aroortii wuxuu u hoyday isgoyska sarta dabka isriix riixid badan oo dad badani ku nafwaayeen waxaana jira barakaca iyo dhimashada ka sokow bur bur hantiyadeed aan magdhow laheyn oo soo gaaray guryo, gadiid iyo hanti kale oo gaar loo leeyahay.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666, 00252-50-907666


Shiekh Xasan Daahir oo la sheegay in lacag Gareeysa ($25,000) ku bixiyay safarkii uu Mogadishu ku tagay iyo Shiekh Umal oo eedeemo loo soo jeediyay.. Akhri May 23

Baaq Nabad-doonkii 2aad oo ay soo saareen Culimada Soomaaliyeed ee Uk. - May 23

Naadiga K/Koleyga Dekedda Muqdisho oo ka adkaaday kooxda K/Kolayga Madaxtooyada Jabuuti - May 23

Kenya oo Baasaboorkeedii kala Noqotay Wasiirka Maaliyadda DFKMG, Shariif Xasan Sheikh Aaden

IGAD oo Qarammada Midoobay ugu Baaqday in Soomaaliya laga Go'doomiyo Cirka iyo Badda
cumar
Cumar C/rashiid oo Waraysi siiyey Reuters: oo ka hadlay kooxaha ka soo horjeeda ayaa yiri: "Waxa keliya oo iyaga lagula xaaltami karo oo ay fahmayaan waa dagaalka, waxaana u diyaarsanahay in aan cirib tiro iyaga".. Akhri... May 21

Faafin: SomaliTalk.com | May 23, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.