Shir culumo u diin oo ka dhacay Birmingham
Hordhac
Baaq Nabad-doonkii 2aad oo ay soo saareen Culimada Soomaaliyeed ee Uk.
Sawirada Halkan ka daawo
Shir balaaran oo ay isugu yimaadeen Culimada iyo Wadaaddada Soomaaliyeed ee
ku dhaqan waddanka Ingiriiska Kaas oo ah kii 2aad ayaa ka dhacay magaalada
Birmingham 17 May, 2009
Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Anagoo ah Culimada iyo Wadaadada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka
Ingiriiska, kadib kulankii 2aad ee aan ku yeelanay magaalada Birmingham U.K
Kulankaas oo lagaga hadlay duruufta adag ee harinayso arinta soomaaliya guud
ahaan, gaar ahaana xaalada qalafsan ee dhextaal culimadii(wadaadadii)
soomaaliyeed kuwaas oo ay umada soomaaliyeed u hanwaynayd, asii ay cadaatay in
maanta dagaal hubaysani dhaxmaray , ayaa kulankaa waxaa ka soo baxay Baaq xabad
joojin iyo nabadayn ayadoo baaqaas lagu dhisay Qawaacida sharciga ah ee lagu
qiimeeyo maslaxada iyo mafsadada si loo yareeyo dhib guud loona badiyo dheef
guud oo wada haleesho umada soomaliyeed ee muslimka ah., waxa aanu ku
baaqaynaaAnnaga oo ku hadlayna magaca culimmada Soomaaliyeed ee wadanka
Ingiriiska :
1. Waxa aanu magaca culimanimada,islaamnimada iyo wada dhalashadaba ku
codsanaynaa in la joojiyo dagaallada taagan, wada hadalla isla hadda la bilaabo.
2. Waxa aanu si aad ah uga xunnahay, berina ka nahay dagaalada soconaya ee
magaca Islaamka lagu hurinayo.
3. Waxa aanu diin ahaan aragnaa in ay khalad tahay gaalaysiinta dawlad ku
baaqaysa ku dhaqanka shareecada Islaamka, ogolna wixii khilaaf ah in laga wada
hadlo.
4. Waxa aanu ka soo horjeednaa in ciddii dawladda ka hortimaadaba lagu tilmaamo
Khawaarij, Waana in arrintaas looga dambeeyo culimmada goobjoogga ah.
5. Waxa aanu si buuxda u taageersanahay go’aamadii kulanka labaad ee Hay’adda
Culimada Soomaaliyeed.
6. Waa in wixii khilaaf ama kala aragti ah loo celiyo kitaabka Alle iyo Sunnada
Nebiga (SCW).
7. In ka tallaabsiga iyo iska indho tirka culimmada shareecadu ay tahay arrin
khalad ku ah qof kasta oo muslim ah gaar ahaan ahlu-diinka.
8. Waxaan ka codsanaynaa culimmada Soomaaliyeed iyo culimmada Islaamkuba in ay
ka shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa dagaalka soconaya iyo in ay ka shaqeeyaan
nabadda.
Ilaah baa mahad leh.
Shirkan oo ergooyinkiisu ay ka kala yimaadeen magaalooyinka London, Birmingham,
Manchester, Leicester iyo Sheffield, :
1. Sh Cismaan Usuuli.
2. Sh C/baasid Sh Ibraahim
3. Sh C/risaaq M Takar.
4. Sh Xuseen Jaamac
5. Sh C/laahi Maxamed
6. Dr Sh Maxamuud C/raxmaan
7. Sh Maxamed Shaafici
8. Sh Maxamed C/kariim
9. Sh C/raxiim Yuusuf Axmed
10. Sh Ibraahim Cabdi Cali
11. Sh Maxamed Aadan Cismaan
12. Sh Cumar Xassan Yoolac
13. Sh C/laahi Jaamac Ismaaciil
14. Dr Sh C/naasir Diiriye Guuleed
a. Sh Muuse Faarax Cali
15. Sh Maxamed Cali Diirshe
16. Sh.Xaamid cabdullahi
17. Sh.Shucayb Xaaji Nuur
18. Sh Xassan Gabayre
19. Sh Siciid Saalax Jaamac
20. Cabdaleh Cismaan
21. Sh Mustafe Xassan C/laahi
22. Maxamed Muxumed Ducaale
23. Sh C/nuur Weerar
24. Sh Maxamuud Xaaji C/laahi
25. Sh C/rashiid Maxamed Cabdi
26. C/raxmaan Cali Geedi
27. C/qaadir Cawad Baaruud
28. Macalin C/qaadir…
29. Sh Cismaan Cali Faarax
30. Ismaaciil Xuseen
31. Sh C/naasir Maxamed Jaamac.
32. Sh.cabdirraxman Maxamud(Tajwiid)
33. Sh Maxamed Cali Caliyow
34. Sh Salaad Cawil Muuse.
35. C/kariim Cali
36. Maxamed Haaruun Biixi
37. C/rashiid M Axmed
38. Sh.Maxamuud C/raxmaan
39. C/qaadir Xuseen
40. C/xakiim Axmed Xassan.
41. Eng Xassan Maxamed Jaamac
42.Sh.cabdulcasiis Cabdulqaadir aadan
43. maaxamed Shiil
44.abdulnaasir geele Beereed
45.Xirsi Jaamac Gaani
46.Jaamac A Hassan
47.Xusayn Saleebaan Nuuraani
48.Xassan Maxamed Jaamac
49.Cabdullahi cabdi Sharay
50.Maxamed ismaaciil
51.Cabdalleh Cisman maxamed
52.Sh. Cabdiwali Muuse cali
53. Sh. Maxamud Saalax Axmed(Walalac)
54.cabullahi cabdulcasiis
55.Suldaan Cabinaasir Shirre
La xiriir: Mohamed Osman EMail: osman.osman22@googlemail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 23, 2009 |