SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Naadiga K/Koleyga Dekedda Muqdisho oo ka adkaaday kooxda K/Kolayga Madaxtooyada Jabuuti

Sawirada Halkan ka daawo....

Shalay ciyaar xiiso leh oo ka dhacday Garoonka K/Koleyga Jabuuti, ayaa waxaa daawashadeeda ka soo qeyb galay madax ka tirsan xiriirada labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti.



Sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay daawadayaal fara badan, waxayna mudadii ciyaarta loogu talagalay ay ku dhammaatay 52 = 53 oo guusha ay ku raacday kooxda K/Koleyga Dekedda Muqdisho, hase yeeshee labada kooxood ayaa iyagu soo bandhigay ciyaaro aad u xiiso badan.

Dhinaca kale madaxdii iyagu ka qeyb galay daawashada ciyaarta ayaa ciyaartan waxay ku tilmaameen inay tahay mid taariikhi ah, isla markaasina muujineysa walaaltinimada labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

C/qani Jenyo oo isagu ka mid ahaa xiriiriyayaasha kooxda Naadiga K/Koleyga Dekedda Muadisho ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay guusha ay la soo hoyatay kooxda, isagoona tilmaamay ciyaartoyda inay la soo baxeen dardar iyo adkeysi, isagoo ka dambeeyay imaanshaha kooxda K/Koleyga Dekedda Muqdisho uuna yahay nin dhallinyaro ah oo jecel mar kastaba inay horay u maraan bahda Isboortiska Muqdisho.

Xoghaya naadiga K/Koleyga Cabdullaahi Macallin Abuukar ayaa mar uu ka hadlayay aragtidiisa ku aadan guusha kooxdiisa ay la soo hoyatay, waxa uu sheegay in guusha ay tahay mid u soo hoyatay labada dal, balse tallaabadaasi ay muujiyeen K/Koleyga Dekedda Muadisho ay tahay mid ka tarjumeysa dadaalka macallimiinta kooxda.

Waa markii ugu horeysay oo kooxda K/Koleyga Dekedda Muqdisho ay guul ka soo hoyso ciyaar saaxibtinimo oo ay la yeelatay dhigeeda madaxtooyada Jabuuti, waxaana sidoo kale Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga Md. Ibraahim Xuseen Cali (Roombe) uu sheegay inay ciyaartani tahay mid taariikhi u ah labada kooxood, isla markaasina ka tarjumeysa walaaltinimada labada dal.

Mahamud Ahmed Hassan <xuurshe114@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | May 23, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: