SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet Daabaco Boggan | Print

Qoraallada Batroolka Soomaaliya: Wararka, faallada iyo maqaallada laga qoray batroolka Soomaalida. Ka akhri: www.SomaliTalk.com/oil/


Nuur Cadde " Ciidamada Itoobiya Dalka lagama Saarayo ilaa waxbadala la helo,Mucaaradkana arintaasi lagama yeelayo"


Wararkii: Feb 19, 2008

  • Muqdisho: Faahfaahin dheeraad ah oo ku aadan dagaalkii xalay.
  • Muqdisho: Askarta Ethiopian-ka oo saaka kusoo faafay suuqa Bakaaraha.
  • Xaad oo tuugo nimo ku eedeeyay ciidamada DF iyo Ethiopian-ka.
  • Madaxweynaha DFKMG Yuusuf iyo Nuur Cadde oo ka wada hadlay arinta suuqa Bakaaraha.
  • Ciidama DFKMG oo bililiqo baahsan iyo dil ka geystay suuqa bakaaraha ee magalada muqdisho
  • Dayax Madoobaad hadii EEBE idmo dhici doonta 20 ama 21 bishan
  • Warbixin: Dhismaha Dekedaa Laasqoray....
  • ispitaalka dayniile oo deeq daawo ka helay somali iyo ajnabi dagan dalka jarmalka
  • Adeegyo casri ah oo ay soo bandhigtay shirkada golis..
  • Kulan looga hadlay sicirbararka, amniga, sare u kaca qiimaha maciishada iyo sarrifka lacagaha oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.
     

Muqdisho: Faahfaahin dheeraad ah oo ku aadan dagaalkii xalay.

Dagaal xoogan ayaa Isniintii maqribadii ka bilowday qeybo kamid ah wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho.

Dagaalkaan ayaa dhex maray ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalia iyo Dagaalyanahada hubeysan ee sida aadka ugu soo horjeeda Siyaasada DF iyo joogitanka ciidamada Ethiopian-ka ee gudaha Somalia.

Dagaalka ayaa lugtiisii hore ka bilowday Isgooyska Howl-wadaag, kaaso ku fiday ilaa iyo Isgooyska Geed Jaceyl ee degmada Wardhiigleey.

Dagaalka waxaa qasaaro xoogan kasoo gaaray ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalia, ee ku sugnaa wadada Wadnaha kuwaasi ilaa iyo iminka meydadkooda ay waddooyinka xaafadaha iyo laamigaba daadsan yihiin.

Xasan C/raxmaan Cali "Xasan Kashka" oo kamid ah Saxafiyiinta Muqdisho ka howl gasha ayaa xaqiijiyay qasaaraha rasmiga ee soo gaaray ciidamada Dowlada KMG ah.

Xasan Kashka waxuu sheegay inuu indhihiisa ku arkay laba gaari oo Teknika ah oo laga gubay ciidamada Dowlada KMG ah, iyadoo mid kamid ahaa gawaaridaasi uu saarnaa qoriga lidka diyaaradaha ee Suuga loo yaqaan.

Saxafi waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada DF laga qabsaday saddex gaari oo laba kamid ah hub waa weyn saarnaa iyo ciidamadii watay oo maxaabiis ahaan loo heysto.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu indhiisa ku arkay meydadka in ka badan 17-Askari oo ciidamada DF ka tirsan, kuwaaso yaalay agagaarka Hotel Daamey ee xaafada Geed Jaceyl.

"Askarta DF waxa ay rasaasta ka ridayeen guriga aan ku jiray albaabkiisa, markii uu rasaas AK-47 rido, waxaa loogu soo jawaabayay rasaasta qoriga Sabanka loo yaqaan, taasoo niyad jab ku abuurtay ciidamada DF".

Waxa uu sidoo kale sheegay inay jiraan qasaaro soo gaaray shacabka ku dhaqan goobaha dagaalka uu ka socday, waloow aan la xaqiijin karin ilaa iminka qasaaraha rasmiga ah maadaama ay xaalada wali kacsan tahay.

Wariyaha waxuu sheegay inay jiraan Madaafiic ku soo dhaceysay qeybaha dagaalka uu ka socday iyo xaafado ka madax banaan, gaar ahaan suuqa Bakaaraha oo xalay noqday goobta galiya ee madaafiicda lagu garaacayay.

Dagaalka oo xalay si xoogan ugu socday wadada Wadnaha iyo xaafadaha dhexdooda ayaa la xaqiijiyay inay dagaalyahanada Dowlada kasoo horjeeda ay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia u jirsadeen in ka yar 120 Talaabo.

Dagaalka ayaa yara qaboobay kadib markii ay soo galeen ciidamo Ethiopian ah oo xarun ku leh Isbitaalka Digfeer, kuwaaso markii ay dagaalka soo galeen loogu kala baxay.

Xaalada ayaa iminka aad u cakiran iyadoo aysan jirin wax ganacsi oo ka socda Suuqa Bakaaraha oo daris la ahan goobihii xalay dirirta ay ka dhacday.

Ciidamada Ethiopian-ka ayaa saaka lagu arkayaa dhamaan goobihii ay xalay dirirta ka dhacday, iyagoo toogasho ku dilaya cidii ay arkaan oo halkaasi maraya sida la xaqiijiyay.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalkii xalay ayaa lagu sheegay inuu ahaa kii ugu xoogaa ee muddooyinkaan ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho.

Muqdisho: Askarta Ethiopian-ka oo saaka kusoo faafay suuqa Bakaaraha.

Xaalada suuqa Bakaaraha ayaa maanta aad u cakiran kadib markii shalay galab ilaa xalay saqdii dhexe dagaal faraha loogu gubtay uu ka socday waddooyinka laga soo galo suuqaasi.

Dagaalkaan oo dhex maray ciidamada Dowlada KMG ah iyo Dagaalyahanada kasoo horjeeda ayaa geystay qasaaro xoogan oo aan lasoo koobi karin.

Ciidamo Ethiopian ah oo fariisin ku leh Isbitaalk Digfeer ayaa dagaalka gaba gabadiisii kusoo biiray, kuwaaso markii ay yimaadeen loogu kala baxay.

Ciidamada Ethiopian-ka ayaa saaka kusoo faafay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha, igaoo sheegaya inay baaritaano halkaasi ka sameynayaan.

Waxaa xiran dhamaaan goobihii Ganacsiga ee suuqaasi ku yaalay gaar ahaan xarumaha Xawaaladaha iyo shirkadaha Isgaarsiinta.

Ciidamada Ethiopian-ka ayaa si teel teel ah u galaya daaraha dhaadheer ee suuqaasi ku yaala, kuwaaso ay ku sheegeen inay hub ka baarayaan.

Saraakiisha Ciidamada ee Dowlada KMG ah ayaa mar kasta oo uu dagaal ka dhaco agagaarka suuqa Bakaaraha sheega in dagaalyahanada la dagaalamaya ay kasoo baxaan gudaha suuqaasi hubkana uu u yaalo.

Dhawaan ayay aheyd markii ciidamada AMISOM oo weerar hoobiyaal ah lagu qaaday sheegeen in hoobiyaashaasi laga soo tuuray gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha.

Xaalada suuqa Bakaaraha ayaa maanta aad u cakiran, iyadoo aysan jirin Ganacsato suuqaasi ku sugan, waxaana suuqa loo baneeyay ciidamada Ethiopian-ka iyo Waardiyaasha suuqaasi oo kaliya.

Si kastaba arintu ha ahaatee, galintaan ciidamada Ethiopian-ka ee gudaha suuqa Bakaaraha ayaa kadib markii xalay uu dagaal xoogan ka dhacay waddooyinka soo gala suuqaasi.

Xaad oo tuugo nimo ku eedeeyay ciidamada DF iyo Ethiopian-ka.

Guddoomiyaha Odoyaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa saaka ka hadlay dagaaladii ka dhacay xalay nawaaxiga suuqa Bakaaraha iyo howl-galka ciidamada Ethiopian-ka ay saaka ka wadaan suuqaasi.

Nabadoon Xaad oo saaka u waramayay Saxaafada Muqdisho qaarkood ayaa sheegay in dagaalkii xalay ka dhacay nawaaxiga suuqa Bakaaraha uu ahaa mid qasaaro xoogan loogu geystay ciidamada DF oo isagu u yaqaan Dabadhilif.

Nabadoon Xaad waxa uu sidoo kale sheegay in dagaalkaasi uu ka dambeeyay kadib markii maalmihii ugu dambeeyay ciidamada Dowlada ay dhac iyo dil ka wadeen agagaarka suuqa Bakaaraha.

Dhinaca kale, Nabadoonka ayaa ka hadlay howl-galka saaka ciidamada DF iyo kuwa Ethiopian-ka ay ka wadaan gudaha iyo daafaha suuqa Bakaaraha.

Xaad waxaa uu sheegay in Suuqa Bakaaraha uu yahay Meel Hubka iyo Ciidmada ka caagan, isla markaana ah Halbowlaha ay ku tiirsan tahay Nolosha Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay cambaareynayaan Ciidamada soo galay.

"Ciidamada soo galay Suuqa Bakaaraha waa Itoobiyaan iyo kuwo laga keenay W/Bari, waxayna isu baheysteen in ay dhacaan hantida Shacabka Soomaaliyeed"ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo intaas ku sii daray in muddo dheer laga shaqeynayay sidii ay Ciidamadaas u geli lahaayeen Suuqa Bakaaraha.

"Hawlgalka, waxaa la dhihi karaa waa mid dhaqaale-la-dirir ah, oo la doonayo in dadka Reer Muqdishu lagu xaalufiyo, si ay Qaxooti u noqdaan" ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad

"Waa tuugo raga labiska ciidamada Dowlada iyo kuwa Ethiopian-ka wata, waxeyna rabaan inay dhacaaan hantida shacabka ee suuqa Bakaaraha taala" ayuu yiri Xaad.

Nabadoonka ayaa sheegay inay iyagu mar hore ka digeen in ciidamada DF iyo kuwa Ethiopian-ka ay soo galaan suuqa Bakaaraha, isagoo ku goodiyay inay qasaaro lixaad leh kala kulmi doonaan hadii ay howl-galadaan sii wadaan.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Guddoomiye Xaad ayaa kusoo beegmaya kadib markii saaka ciidamada Ethiopian-ka ee Muqdisho jooga kusoo faafeen gudaha suuqa Bakaaraha kuwaaso howl-galo ay ammaanka ku sugayaan sida ay yiraahdeen ka wada suuqaasi.

Madaxweynaha DFKMG Yuusuf iyo Nuur Cadde oo ka wada hadlay arinta suuqa Bakaaraha.

Madaxweynaha Dowlada KMG ah Cabdilaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul-wasaarihiisa Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde" ayaa ka wada hadlay arrinta ka taagan suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Labada mas'uul oo kulankoodii xalay dhacay, xili ay dagaalo culus ka socdeen agagaarka suuqa Bakaaraha, ayay ka wada hadleen qaabkii loo dhameyn lahaa xiisadaha ka holcaya agagaarka suuqa Bakaaraha iyo gudahiisa.

Kulankaan oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia oo ay xalay labada mas'uul ku wada hoydeen, ayaa la xaqiijiyay inay isku af garteen in ciidamada Dowlada KMG ah laga bixiyo suuqaasi.

Ra'iisul-wasaaraha DFKMG Nuur Cadde oo ah mas'uul inta badan lagu ammaan dhexdhexaadnimo iyo nabad jaceyl ayaa Madaxweyne Yuusuf ka dhaadhiciyay in laga saaro ciidamada DF waddooyinka soo gala suuqa iyo gudahiisa.

Sarkaal ka tirsan ciidamada DF oo kulankaasi ka qeyb galay diidayna in magaciisa la daabaco ayaa Saxaafada u sheegay in maanta iyo bari la bilaabi doono sidii ciidamada halkaasi loogu saari lahaa.

Wali lama sheegin cida lagu badalayo goobaha ay ciidamada Dowlada KMG ah baneeyaan, waloo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in lagu badali doono ciidamo Ethiopian ah oo iminkaba ku sugan waddooyinka suuqa Bakaaraha soo gala.

Si kastaba ha ahaatee, kulankaan ayaa yimid kadib markii dagaalo qasaaro kasoo gaaray ciidamada DF uu xalay ka dhacay waddooyinka soo gala suuqa weyn eee Bakaaraha.

Abdifitahaam Ahmed
Email: abdifitahaam@hotmail.com



Ciidama DFKMG oo bililiqo baahsan iyo dil ka geystay suuqa bakaaraha ee magalada muqdisho

ciidamada dowlada fadaraalka KMG somaliyeed oo maanta bililiqo iyo dil ka geystay suuqa bakaaraha ee magaalada muqdisho ka dib markii ay saaka (Talaada Feb 19, 2008) aroortii hore gudaha u soo galeen waxaana galbinayey taangiyada ciidamada dowlada Ethiopia oo ku garabsiinayey in ay hantaan gacan ku heynta suuqa weyn ee bakaaraha kuna soo celiyaan xasiloonidii iyo kala danbeyntii ka dibna ayu dowladu canshuur ka qaadato suuquna uu noqdo goob xasiloon ta bedelkeediina ay daneysteen ciidamadii la rabey in ay amaanka sugaan iyago oo baarasho kula dhaqaaqay goobihii ay ka careen kooxhii ka soo horjeday dowlada oo la dagaalamyey in ay baartaan .dhacaan .dilaan cidii ka hortimaado waxayna dadka shacabka ah ku slaamayaa waxa dtahay alqacida ee gacmaha kor u taag ka dibna baaranaya cid kasta oo ay isleeyihiin wax buu heystaa .

Ragan ku labisan dareeska ciidanka dowlada oo noocwalbo leh ayaan kala reebeyn wixii ay ka helaan jeebkaaga ama goobta ay kugula kulmaan sida guri ama goob shaqo nimankaan sida ciidanka dowlada iyo hubkii ayaa waxaay qaadanayaan lacagaha yaryar ee jeebka ku jira iyo mobilada .waxayna jabsanayeen dukaamada shacabku leeyihiin iyaga o sidoo kale qaadanayey alaabada lagu iibiyo miisadaha dukaamada hortooda yaala sida saabuunta qubeyska.shaanbada .saliida madax cadarka .barafuunka.iyo waxyaabaha la siku qurxyo kuwaas oo adan malaysan karin markii lagaaga sheekeeyo hubka ay ku raran yihiin iyo waxa ay qadanayaanba .

Marxuum lagu magacaabi jiray xasan gacal oo dukaan ku lahaa suuqa barakaha ayey toogasho ku dileen saaka ragaan dareeska ciidanka ku labisan ee saaka suuqa soo galay ka dib markii uu ka dhaga adayga dhac loo geysanayey dukaankiisa oo ku yaala agagarka kawaanka weyn ee suuqa bakaaraha .

sidoo kale koox la mid ah kooxahaan ayaa waxay dhac ka geysteen suuqa bakaaraha qeybta cabdalle shideeye iyaga oo jabsaday dukaano halkaa ku yaala qaatayna wixii ay qaadi kareen waxaana la arkayey mararka qaar in ay wax amar ah kala qaadaneyn oo ay isku dhexyaacsan yihiin iyada oo laga dareemayo qof kasta wixii gacantiisa soo gala in uu isagu leeyahay taasoo ay kala boobayaan kuguna so kala cararayaan markii ay kugu arkaan mobile ama ay ogaadaan in aad wax nuxur leh heysato .

Goobihii maanta dhaca loo geystay waxaa ka mid ahaa agaarka sarif yaraha dolarka halka loo yaqaan bulaalayaasha waxaana la jabiyey dukaano ay lahaayeen ganacsadeyasha kala daa.uud . hurdaaye nin magaciisa lagu soo gaabiye macsar dhamaan goobahaas ayaan hala hadal intii ay baaranayeen waxayna uga tageen sikood markii ay qaateen wixii ay qaadan kareen .

Mayara goobaha maanta la farataystay waxaana ka mid ahaa xafiiska mid ka mid ah shabakadaha wararka ee Muqdisho waxayna ka qaateen wariyayaashii halkaa ku sugnaa iyo dad kale oo shacab ahaa 5 Mobile iyo 3 camiro oo ay kala lahaayeen ismaaciil cali cabdi ( taxta ) .Maxamed Shiikh Nuur iyo Muuse Maxamuud Jiisow waxaana loogu hanjabay in ay alqaacida yihiin intii la baaranayey ka dibna loo sheegay in wax danbi ah lagu waayey sidaana lagu qaatay hantidii xafiiska qalabkii wararka .

intaa ka dib gaari noociisu yahay 110 oo xamuul ka soo qaaday dhinaca dekada ayaa waxaa dhacday in rag ku labisan dareska ciidanku ay kala dageen sadx kartoon oo alaabo ah ka dibna ay ku gubeen janto siigaro ay sigarka ku shidan jireen ka dib markii ay ka tageen ayaa waxaa u soo gurmaday dad yar o suuqley ah kuwaas oo ku guuleystay in ay baqtiiyaan dabkii ku shidnaa gaariga xamuulka siday .

waxaa la yaab noqotay oo intaa ka sii daran sida uu inoo sheegay nin magaciisa qariyey oo yiri waxaan lahadlay intii uu socday dhacu mid ka mid ah mas.uuliyiinta dowlada fadaraalka KMG somaliyeed oo aan ku iri ciidankii dowladu waxay dhacayaan shacabkii in loogu soo jawaabay " tuugyahow ha aflagaadaynin ciidanka qaranka "

hadaba shacabka dulman ma qabataa in daraska iyo hubka dowlada lagu dhaco madaxdiina ay tiraahdo yaan loo gafin ciidanka qaranka.

MUUSE MAXAMUUD JISOW
somali39@hotmail.com



Dayax Madoobaad hadii EEBE idmo dhici doonta 20 ama 21 bishan

Wax kasta oo dhaca waxay ku dhacaan Qadarta EEBE waxaana lagu wadaa hadii EEBE Idmo in 20 ama 21 bishaan Febwury uu dhaco dayax madoobaad saamayn doona gabi ahaaba dayaxa, wadamada kala ah koonfurta Maraykanka,iyo Waqooyiga Maraykanka dhinaca Bari,iyo wadamo ku yaala galbeedka Qaarada Yurub iyo gabi ahaana qaaradan Afrika.

Waxaa adkaanayso in dayaxa la arko ilaa la isticaamo Mitiriscopka ,sida ay sheegayan culumada cilmiga Sayniska ku dheereeya.

Sida uu Rasuulka nafarayo waxaa loo soo baxaa marka la arko dayax madoobad iyo qurax madoobaad salaadaha kala ah Salaatul Khusuuf oo ah tan la tukado marka dayaxmo madoobaado, iyadoo marka ay quraxdu madoobato la tukado salaatul Kusuuf.

Dayaxa iyo Quraxadu midna uma madoobato geeri qof ama dhalasho Qof sidaa waxaa uu ka mid ahaa weerihii Rasuulka SWC.

Isha Warkaa
http://www.alarabonline.org

SomaliTalk Nairobi
M C Boootaan



Warbixin: Dhismaha Dekedaa Laasqoray....

Bosaaso:- Bulshawaynta ku dhaqan Gobolka Sanaag ayaa waxay sheegeen inay ka gon"tahay taageerada ay u hayaan inay ka qayb qaataan Dhismaha Dekeda Laasqoray ee dhawaan bilaami doona, dhamaan Shacabka Gobolka Sanaag ayaa markaad u duur gasho waxay kuu sheegayaan sida ay ugu farax san yihiin in la dhaqaajiyo Dhismaha Dekeda Laasqoray.

Dadku waxay sheegayaan inay in badan ku taahayeen dhismaha Dekeda Laasqoray balse ay haatan qarka u soo istaagtay in la dhiso, dhamaan dadku waxay hadal hayaan goormaa la bilaabayaa dhismaha Dekeda Laasqoray.

Shabkada LaasqorayNet- aya u kuur gashay dhamana Bulshada ku dhaqan Deegaanka Sanaag waxay soo u rooriyeen Afkaar badan taasi oo ku aadan sida ay dadku u soo dhawaynayaan dhismaha Dekeda Laasqoray, dhamaan Bulshadaasi ayaanu la kulanay ayaa dhamaantood noo sheegay siday uga qayb qaadanayaan dhismaha Dekeda Laasqoray iyaga oo sheegay inay lagama maar maantahay in Dhexda loo xidho dhismaha Dekeda Laasqoray.

C/laahi Shire Foore waxa uu ka mid yahay Reer Guuraaga degan agagaarka Tuulada wardheer ee Gobolka Sanaag waxa uu cabirayaa Fekerkiisa ku aadan dhismaha Dekeda Laasqoray" Waa taariikh lama ilaawana in maanta Deked laga hir galiyo Magaalada Laasqoray waxaan aniga Bixiyay Adhi intii igaga soo hagaatay oo ah kii lagu kabayay Dhismaha Dekeda Laasqoray waan ka qayb qaadan cudud iyo Xoolabaha Dhismaha Dekeda Laasqoray"Saasi waxa yiri C/laahi Shire Foore oo ka mid ah reer Guuraaga Gobolka Sanaag.

Inta badan dadka aanu la kulanay waxay sheegayaan inay diyaar u yihiin inay naf iyo maaba galiyaan dhismaha Dekeda Laasqoray,dadkaasi waxay aad ugu mahad celinayaan Hay"adda Horn-lief ee iyadu mashruuca Dhisida Dekeda Laasqoray soo dhirin dhirisay.

Dadka magaalooyinka jooga ayaa laftigoodu ayaanu ka soo qaadnay Afkaartooda ku aadan dhismaha Dekeda Laasqoray, waxaanu qoobka galinay magaalooyin badan oo ka mid ah Gobolka Sanaag anaga oo ku horaysan Degmada Xingalool dhamaan dadkii aanu halkaasi kula kulanay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay kaalin xoogle ka qaataan dhismaha Dekeda Laasqoray oo dhawaan bilaami doona.

Waxa jira Nabadoono ka tirsan Gobolka Sanaag kuwaasi oo mudo dheer logta kula jiray Xoolo urin ku aadan Dhismaha Dekeda Laasqoray, waxa ka mid ah Nabadoon Maxamuud Xasan Maxamed oo noo sheegay inay mudo wadeen xoolo ururin iyo dhiiri galinta Bulshada si dadka looga dhaadhiciyo mihiimada ay leedahay in la hir galiyo Dekeda Laasqoray.

Nabadoon Maxamuud Xasan Maxamed waxa uu sheegay in baraarujiyeen Bulshada Gobolka Sanaag magaalo iyo Miyiba kuwaasi oo hadafkoodu ahaa in dadka laga dhaadhiciyo sidii ay kaalin Libaaxle uga qaadan lahaayeen Dhismaha Dekeda Laasqoray.

Waxa jira Shirar badan oo is daba joog ah kuwaasi oo lagu qabtay Dalka dibadiisa dhamaan Shirarkaasi ayaa ujeedkoodu waxa uu ahaa in Jaliyadaha dibada ay kaalintooda kaga aadan dhismaha Dekeda Laasqoray soo booxshaan,iyada oo sida ay wararku naga soo gaadhayaan ay shirarkaasi guul ku dhamaadeen.

Hadaan Dib u yara eego magaalada loo qorsheeyay in Dekeda laga dhiso ee Laasqoray ayaa dhankeeda waxa ka socda Abaalo xoogan oo ay wadaan dadka deegaanku taasi oo xusul doob loogu jiro soo dhawaynta Shaqaalaha Dhisaya Dekeda Laasqoray.

Magaalada Laasqoray ayaa waxa haatan ay la ciir ciiraysaa dad wayne aad u fara badan kuwaasi oo u han qaltaagaya dhaqaajinta Dhismaha Dekeda Laasqoray, dadka ayaa is waydaarsanaya Oraahda ah Dekeda waan ka qayb qaadanaynaa.

Xaalku si kastaba ha ahaadee Dhamaan Bulshada ay waxa aad ka dareemaysaa wajiyadooda farxad iyo rayn rayn taasi oo ku aadan dhismaha Dekeda Laasqoray oo ay sheegayaan inay tahay mid si aad ah loogu baahi qabay.

Jaamac Ayaanle Feyte
Feyte37@hotmail.com
Somalitalk.com/ Bosaaso



ispitaalka dayniile oo deeq daawo ka helay somali iyo ajnabi dagan dalka jarmalka

caasha cusman ugaas (caasha shaacuur ) "waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqeynaa daawada ay u so direen oo qaayaha badan waxaana ispitaalka ku jiray dad daawadoodii la waayey oo maanta alga helay sanduuqyadaan taasine waa guul u soo hoyatay jaaliyadaha dibadaha ee kaalmeeya walaalahooda u baahan "
deeqdaan waxaan noo soo diray Xaliimo Guutaale iyo gabadha saaxiibteed ah oo jarmal ah lana yirahod ursul backes kuwaas oo u soo wakiishay daawadaan gaarsiinteeda dalka somaliya maxamed fariid muxumed faarax isne ku soo wareejiyey caasha cusman ugaas ( caasha shaauur ) oo iyadu suurta gelisay in ay ku wareejiso ispitaalka dayniile waxaanamunaasibadii wareejinta daawadaas ka soo qeyb galay qar ka tirsan dhaqaatiirta ka howl gasha ispitaalkaas oo ay ka mid ahaayeen Dr Cabdi Ibraahin ( Dr jiiya ) Dr Xasan Guutaale Siyaad ( guutaale ) Dr Cusman Barow iyo xubno kale .

deeqaan daawo oo gaarayso ilaa iyo afar kartoon ayaa maanta la soo gaarsiiyey ispitaalka dagmada dayniile ee magaalda muqdisho qaarka mid ah dhaqaatiirta ka howgasho ispitaalka ayaa sheegay in ay ku soo aaday waqti si aad ah loogu baahnaa qaarkoodna daawadaan magalada laga waayey .

Dr Cusman Barow ayaa sheegay in ay dawadaan aad ugu baahan yihiin wuxuuna sheegay in ispitaalka uu bukaan badan jifo isla markaana lagu soo qaxay isaga o intaa ku daray in ispitaalka ay jiifaan dad qaba cuduro ay ka mid yihiin sida shubanka .malaariyada burunkiitada . iyo cuduro kale oo la waayey daawadooda maantana laga helay dawada ay na soo garsiiyeen jaliayda ku dhaqan dalka jarmalka

waxa kale oo la sheegay in ay tahay daawo ka tayo badan kuwii horay ay u heli jireen iyaga oo intaa ku daray in dhinaca haweenka iyo caruurta suuqane laguma arkin sida ay sheegeen dhaqtarada qaarkood ayey tiri maano xusen axmed oo ka mid ah kalkaaliyayaasha caafimadka ee ka howl gala ispitalka dagmada dayniile ee magalada muqdisho daawadaan oo ay soo direen qaar ka mid ah jaliyada somaliyeed iyo gabar saxiibteed ah oo jarmal ah .

waxaa doowooyinkaan maanta la keenay ka mid ahaa daawada dhiig karka ,dawada sokorta .daawada neefta . iyo kuwa jirka la mariyo ee xaga xasaasiyada waxaana ay ahaayeen ilaa 500 00 nooc daawo kala duwan ah
waxaa ka gudoomay dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyasha ka howl gala ispitaalka dayniile waxayna sheegeen in dawadaanu tahay mid looga baahnaa ispitaalka dayniile

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
0025215576666
002521653623


Kulan looga hadlay sicirbararka, amniga, sare u kaca qiimaha maciishada iyo sarrifka lacagaha oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Feb 17: Kulankan oo looga hadlayey xaaladda ammaanka gobolka Mudug ayaa lagu qabtay guriga gobolka ee magaalada Gaalkacyo waxaana ka soo qayb galay xubno ka tirsan xukuumadda Puntland oo uu ka mid yahay wasiirkada maaliyadda Puntland Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) Guddoomiyaha gobolka Mudug C/rashiid Cali Xaashi (Dhuubane) Gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee degmada Gaalkacyo Axmed Cali Salaad, taliyayaasha ciidamadda ammaanka ee gobolka Mudug issimo iyo waxgarad kaleeto aad u taro badan.

Mas'uuliyiintii shirkaasi goobjoogga ka aheyd ayaa siweyn is kula soo qaaday nabadgalyada gobolka Mudug oo mudooyinkii danbe la tilmaamayey in ay sii xumaanaysay, waxayna isla meel dhigeen sida ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo ammaanka xumada gobolka ka jirta iyagoo iclaamiyey in maalinta berrito ah la iskugu yimaado shir weyne bulshada qaybaheeda kale duwani ay ka qayb galayaan kaasi oo ka dhici doona Hotel Taar ee magaalada Gaalkacyo.

Shirka ay Feb 17 yeesheen xubnaha ka socday xukuumadda Puntland iyo maamulka gobolku ayaa ka danbeeyey kadib markii maalintii shalay ahayd magaalada Gaalkacyo ay ka dhacday rabsho dhalisay dhaawaca 3 ruux oo labo ka mid ahi ay haween ahaayeen, taasi oo ka dhacday xarunta D/hoose ee degmada kadib markii ciidan gadooday ay xirteen albaabka laga soo galo xarunta D/hoose inkastoo markii danbe ay suuto gashay in laga tiiriyo waxyaabihii ay tabanayeen isla markaana ay goobtaasi baneeyaan.

Ma'ahan markii ugu horaysay oo kulamo looga hadlayo ammaanka gobolka Mudug lagu qabto meelo ka mid ah magaalada Gaalkacyo hase ahaatee inta badan go'aamada ka soo baxa kulamadaasi ma noqdaan kuwo meel mara oo loogaga gudbo marxaladihii taagnaa.

bashiir cumar cali
bashiir137@hotmail.com



Adeegyo casri ah oo ay soo bandhigtay shirkada golis..

Feb 17, 2008: Xaflad heersare ah oo ay qabatay shirkada Isgaarsiinta ee Golis taasoo shirkadu aay ugu magacdartay “Himilada Shirkada Golis ee 2008” xafladan ayaa waxaa kasoo qaybgalay madaxda sare ee dowlada oo ugu horeeyo Afhayeenka barlamanka Puntland, Aqoonyahanada, ganacsatada, ururada bulshada iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee macaamiisha shirkada Golis.

Xafladaan oo aay joogeen masuuliyiinta sarsare ee shirkada Golis.ayaa waxaa lagu qabtey hoolka shirarka ee PDRC Waxaana ugu horeyn lagu furey wacdi diini ah oo uu soo jeediyey Sh.Xasan C/laahi Cilmi “Birimo”,kadib waxaa ereyo iskugu jira soo dhawayn iyo sharaxaad muhiimada iyo ujeedada xaflada kasoo jeediyey Maamulaha Shirkada Golis ee Garowe Maxamuud Ismaaciil Aw-Cusmaan oo ka dhawaajiyey in muhiimada xafladu ay tahay in shirkadu aay la wadaagto macaamiisha adeegyada aay soo kordhisey iyo isbedelka weyn ee ku dhacay tayada Mobile-ka shirkada kadib markii dhawaan shirkadu aay isbalaarin baaxad leh ku samaysay baaxada GSM-ka shirkada kaasoo la gaarsiiyey Nus malyuun customer inuu qaadi karo.

Maxamuud Ismaaciil oo isagu xaflada xiriirinayay waxuu kusoo dhaweeyay khudbada Madaxa suuqgeynta iyo ganacsiga ee Golis Cumar Ciise Maxamed “Faaruuq”oo isagu xafladas ku soo bandhigey adeegyada cusub ee shirkadu ee sanadka cusub aay soo kordhisey kuwaas kala ah :
E-adeeg Service: oo ah adeeg mobile-ka loo isticmaalayo keyd lacageed iyadoo qofku uu xarumaha ganacsi eek u biira adeegaan aay macaamiisha wax uga gadanyaan iyagoo u diraya message xambaarsan inta lacag ah ee uu isticmaalay, adeegaan E-adeeg waa mid farsamo ahaan tayo sareeya oo aad looga taxadaray.

Dual SIM Card: Waa adeeg cusub oo u sahlaya macmiilku inuu laba number uu hal Card ku wada qaato,isagoo hadba midkuu doono galaya isagoo halkiisa card ugu jiro.

Roaming Service: Adeegaan waxuu ka dhigayaa Card-ka Golis macmiilka sita inuu uga shaqeeyo Somalia oo dhan lowyo-cado ilaa raaskanbooni taas oo Golis ka dhigaysa shirkad daboosha wadanka oo dhan.

Xog-maal service: Adeega Xog-maal oo bilo kahor shirkadu daahfurtay ayuu sheegay cumar faaruuq in aay features-kiisa wax kusoo kordhiyeen, xog-maal ayaa ah adeeg mobile-ka Golis ka dhigayo mid loo isticmaalo adeegyo kala duwan sida aqoonta, wararka, cimilada, fariimaha emails ah iwm.

Waxaa isaguna halkaas hadal kasoo jeediyey Madaxa xiriirka bulshada ee Golis Faarax Xaaji Mire oo si weyn ugu dheeraadey kaalinta muga leh ee shirkadu kaga jirto horumarinta bulshada degaamada aay ka shaqeyso, isagoo sharxay taageerada maaliyadeed ee shirkadu ku biiriso adeega bulshada sida caafimaadka,waxbarashada,wadooyinka,nabadgalyada,nabad-raadinta iyo waxii la mid ah dhamaan degaamada kala duwan ee shirkadu ka howlgasho,waxuuna Faarax X. Mire sheegay in sanadkii tegay shirkadu ku bixisay arimahaas lacag ka badan sadex bilyan oo shilin soomaali ah.

Waxuuna balan qaadey inay sii wadi doonto inay kaalin muuqata ka qaadato horumarka bulshada xubinta kaga aadan.

Maareeyaha Guud ee shirkada Golis Aadan sheekhdoon Cali oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in shirkadu balan qaadayso adeeg hufan iyo tayo la isku halayn karo,isagoo halkaas kaga dhawaaqay halku dhiga shirkada ee sanadkaani inuu yahay “ Golis adeega aan libiqsan” waxuuna tilmaamay waqti kooban inay shirkadu soo afmeeri doonto gaarista dhulka xeebaha fog oo hada fulintiisu si xawli ah ay ku socoto,isagoo tibaaxay in adeega shirkadu uu mar dhow ka hadli doono xeebaha fog sida baargaal,caluula,isku shuban,qandala,garacad ,bayla iyo meelo kale oo farabadan.

Maareeyaha guud ee shirkada Golis waxuu kale oo halkas kaga dhawaqay in shirkadu faaiidada aay hesho aay bulshada wax kaga celinayso,isagoo si gaar ah u tilmaamay in caruurta dhamaysata dugsiyada sare islamarkana kasoo jeeda qoysaska saboolka ah ee aan awooda dhaqaale u saamixi Karin inay sii wataan waxbarashadooda Shirkadu aay gacan kaga gaysan doonto “Shcolership Fund”,taasoo noqon doonta mid leh shuruudo muteysasho islamarkaana xadidan.

Waxaa xaflada gabayo ka tarjumaya adeega isgaarsiineed ee shirkadu u hayso bulshada iyo dowrka baaxada leh ee aay uga jirto horumarka dalka halkaas kasoo jeediyey Abwaan C/qaadir Shube iyo Abwaab Cawd gale.

Waxaa sidoo kale iyaguna halkaas hadalo iskugu jira dowrka iyo adeega shirkada kasoo jeediyey Gudoomiyaha degmada Garowe,Suldaan maxed Garaase ayaa kalmado duco iyo waano ah halkaas ka yiri isagoo shirkada ugu baaqay inii labajibaarto dadaalkeeda iyo adeegyadeeda.

Xaga aqoon yahanka waxa halkaas khudbad kasoo jeediyey Prof.Maxed Siciid Samatar oo si weyn ugu dheeraadey dowrka horumarineed ee Shirkada Golis aay umada u hayso, isagoo si gaar ugu amaanay Shirkada maamul wanaag iyo firfircoonida aay mar walba shaqada u hayso, waxuuna proffesorku xusey in dunida sadaxaad aay
Muhiim u yihiin shirkadaha noocaan oo kale ahi kuwaas oo uu tilmaamay inay labo arimood aay gacan weyn ka gaysan karaan kuwaas oo uu proffessorku ku sheegay “Know How” iyo “Research and Development” .

Maymuum Nuur oo ku hadlaysay magaca haweenka ayaa iyaduna bogaadisey doorka horumarineed iyo adeega shirkada Golis, iyadoo shirkada ugu baaqdey inay gacan ka gaysato howlo bulsheed oo aay wadaan Women Advocay Group.

Waxaa halkaas shirkadu abaalmarino bakhti-yaanasiib ah ku gudoonsiisey 10 mobile iyo 20 Dual SIM card ah dadkii ku guuleystay,taas oo laga xushey sanduuq muraayad cad oo lagu uruuriyey waraaqo lagu qorey numberska kasoo qaybgalayaashii xaflada.

Waxaana hadiyadahaas gudoonsiiyey wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta C/raxmaan Maxamuud Bangax oo hadal kooban oo uu halkaas ka jeediyey ka waramay doorka isgaarsiintu kaga jirto horumarka bulshada iyo dowlada inay soo dhawayneyso horumarka aay shirkada Golis dalka kusoo kordhisey,isagoo ugu baaqay inay sii laba jibaaraan waxqabadka aay ku biiriyaan.

Waxaa xusid mudan in shirkadu dhamaan kasoo qaybgalayaashii xaflada halkaas ugu qaybisey hadiyado kala duwan.

Gabagabadii waxaa xaflada soo xirey gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi.


bashiir cumar cali/bosaaso
bashiir137@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 19, 2008

Faahfaahinta dagaaladii Isniintii ka dhacay qeybo kamid ah Muqdisho
.Nuur Cadde oo dib ugu soo laabtay Muqdisho....
.Maxkamadaha ka tirsanaa oo xoog kula wareegay gaadiid..
.Afhayeenka Booliska oo baaq u jeediyay dagaalyahanada
.Qarax khasaaro geystay oo xalay ka dhacay Beledweyn.
.Ganacsato xalay lagu dilay xaafada Towfiiq ee Muqdisho.
.Muqdisho: Ganacsatada Bakaaraha oo baaq u jeediyay Cadde
Wararka oo dhan ka akhri halkan Feb 18

 

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com