SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet Daabaco Boggan | Print

Qoraallada Batroolka Soomaaliya: Wararka, faallada iyo maqaallada laga qoray batroolka Soomaalida. Ka akhri: www.SomaliTalk.com/oil/


Nuur Cadde "Ciidamada Itoobiya Dalka lagama Saarayo ilaa waxbadala la helo,Mucaaradkana arintaasi lagama yeelayo"

  • Ra'iisul-wasaaraha DFKMG Nuur Cadde oo ka hadlay arrimo salka ku haya dib u heshiisiinta Somalia....

Ra'iisul Wasaaraha DFKMG Somalia, Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde" oo shalay Wareysi dheer siiyey TV universal ayaa waxaa uu ka hadlay arimo badan oo salka ku haya dib u hishiisiinta Somalia iyo Nabad xumida ka jirta Qeybo ka mid ah Dalka,Waxaana Ra'iisul Wasaaraha uu sheegay inay Dowladiisa (FKMG) u diyaarisay Wadooyin lagu wajahayo dib u hishiisiin waarta oo Dalka ka dhacda.

Mar uu Ra'iisul Wasaaraha DFKMG hadlay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladiisa iyo Wada hadalka uu la gelayo waxaa uusheegay inuusan jirin wax shuruud ah ku xireeyn Wada hadalka ay la gelayaan Dhamaan Mucaaradka Dowladiisa ku kacsan ee kala jooga Dalka dibadiisa iyo gudihiisa,isagoo arintaasi ka sii hadlaya Waxaa uu sheegay in Dadka u fahmaan Mucaaradka inaysan aheyn kuwa Dalka bur bur kusii heynaya,laakiin ay noqon karaan kuwa qeyb ka qaata dib u soo celintii Amaankii Dalka Somalia.

nur adde somalia
Nuur Cadde iyo Cabdiweli Garyare

Nuur Cadde mar uu ka hadlayey Hadalkii dhawaan kasoo yeeray Madaxda Sare ee Isbaheysiga uu guddoomiyaha ka yahay Sheekh Shariif ee ahaa inaysan Dalka inta ay Ciidamo itoobiya ah ay joogaan wax wada hadal ah la galeen Xukuumada Nuur Cadde waxaa uu sheegay inaysan taasi noqon karin shuruud ay la soo shirtagaan Mucaaradka Dowladiisa,isagoo sabab uga dhigay in Ciidanka Itoobiya wada xaajood aan laga bilaabine marka hore laga shaqeeyo sidee la isku arki lahaa isla markaana Somali u hishiin laheyd.,waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:-

"Mucaaradka waxay ila tahay inaysan Dow u laheyn inay yiraahdaan Ciidanka Itoobiya dalka marka uu ka baxo ayaan wada hadal fureynaa,Sababtoo ah Ciidanka Itoobiya waxaa uu dalka ku joogaa ogolaansho Dowlada ku meel gaar ka ah isla markaana haddii aan 24 saac u qabano inay dalka uga baxaan way ka baxayaan,Laakiin waxaa taasi ka horeysa Maxaa haddii ay baxaan lagu badalayaa Ciidankaasi,iyaddoo arintaasi loo baahan yahay inay kawada hadlaan Xukuumada iyo Mucaaradkeeda meelkasta oo ay joogaan,Marka haddiba ay arintu sidaasi tahay aniga uma arko wado caqabad looga dhigi karo Wada hadal ina dhexmara inaga iyo Mucaaradka Ciidanka itoobiyaa Dalka jooga" ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo ka jawaabayey Su'aal uu Ciidanka itoobiya ka weydiiyey Wariye Abdiweli Garyare oo Universal ka tirsan.

Intii uu socday Wareysigaasi oo dhinacyo badan taabanaya ayuu Ra'iisul Wasaaraha DFKMG Nuur Cadde waxaa uu uga hadlay Dagaalka joogtada uga dhaca Muqdisho iyo cida Mas'uuliyadeeda qaadeysa,waxaana uu sheegay inay Dagaalkaasi iyo dhimashada ka dhacda Muqdisho ay dusha u ridan doonaan hadba qolada bilowda Dagaalka,waxaana uu carabka ku dhuftay in Xukuumadiisa aysan bulshada dhexdeeda xabadi ka ridan,taasi badalkeedana ay Bulshada dagaalka ka dhex wadaan qolyaha Mucaaradka sidaasi darteedna ay iyaga qaadi doonaan wixii dhimasho iyo dhaawac ah ee Muqdisho ka dhaca.

Nuur Cadde somalia
Nuur Cadde

DHinaca kale Nuur Cadde oo wax laga weydiiyey khilaafka soo laba lixaadsaday ee ka jira Gobolka Sool oo ay ku hardamayeen mudooyinkan Maamulada Somali Land iyo Puntland mowqifka Xukuumadiisa ayaa waxaa uu sheegay inay halkasi ku dirirsan yihiin Shacab somaliyeed oo u baahan in dhexdooda laga sameeyo dib u hishiisiin taasi oo qeyb ka ah qorshaha Xukuumadiisa ku dejisay in lagu hishiisiiyo Somalida kuwada nool gudaha Dalka Somalia.

Nuur Cadde ayaa ka fogeeyey Xukuumadiisa inuu Dagaal kala dhexeeyo Maamulka Somali Land sida uu dhawaan sheegay Madaxweynaha DFKMG Somalia Mudane,C/laahi Yusuf Ahmed oo sheegay in Dagaalka Sool uu yahay mid lagu soo qaaday Dowlada Federaalka Somalia iyo Puntland,Laakiin Ra'iisul Wasaaraha DFKMG Nuur Cadde ayaa taasi badalkeeda waxaa uu sheegay inuu Dagaalkaasi yahay mid u dhexeeya Maamulada mudo halkaasi ku loolamayey gacan ku heynteeda,Xukuumadiisana ay diyaar u tahay inay ka dhex sameyso wada hadalo lagu qaboojinayo xiisada colaadeed oo iminkaba socda sida uu ku sheegay Wareysiga.

Ra'iisul Wasaaraha DFKMG Nuur Cadde ayaa waxaa uu markii ugu horeysay ka hadlay Arinta Magaallada Sadexaad ee Somalia ugu weyn ee Kismaayo taasi oo aheyd mudo meel ay ku loolamayeen gacan ku heynteeda dadka wada dega halkaasi,Waxaana uu sheegay inay Kismaayo tahay meel degan oo aan sida Muqdisho oo kale aheyn,Laakiin ay jiraan khilaaf hoosaad u dhexeeya Dadka halkasi wada dega kuwaasi oo u baahan in loo sameeyo dib u hishiisin,Waxaana dhinaca kale uu meesha ka saarey hadalkii ka soo yeerayey qaarka mid ah Madaxda Dowlada ee sheegayey in Kismaayo aysan ku jirin Gacanta Dowlada oo ay ka taliyaan Ciidamo Beeleedyo.

col. nuur cadde

:::G/Sare C/LAHI YUSUF:::
yusuf
Waraysi dheer oo Universal la yeeshay C/laahi... Daawo...

Ugu danbeyntii Wariye Abdiweli Garyare oo Universal u qaadayey Wareysigaasi ayaa waxaa uu Nuur Cadde weydiiyey Su'aal aheyd in Waxa uu sheeganayo ee dabacsanan ah ay yihiin Afka Baarkiisa iyo inay ka tahay dhab oo uu Mucaaradka Dowladiisa ugu tagayo Meelkasta oo ay joogaan,Taasi oo Nuur Cade ku noqotay Su'aal laba af leh ayaa waxaa uu uga jawaabay inuu diyaar u yahay ka dhabeynta Go'aamada Xukuumadiisa,iyaddoo uu sheegay in haddii ay socon waayaan waxa uu ku dhawaaqay inuu bulshada ka sugayo inay u sheegaan isaga iyo xukuumadiisa inay meesha isaga taqaan,inkastoo aan la ogeyn inuu u hogaansami doono haddiiba ay taasi dhacdo.

Hadala Ra'iisul Wasaaraha DFKMG Nuur Cadde ka soo yeeray ayaa u muuqda inay yihiin kuwa dhamaanba ka duwan hadalada ay ku hadlaan Madaxda Kale ee Dowlada ku meel gaarka ah ee Somalia oo ugu horeeyo Madaxweynaha DFKMG C/Laahi Yusuf Ahmed,waxaana xeeldheerayaasha indha indheeya arimaha Xukuumadan cusub ku tilmaameen oraahda Nuur Cadde mid wax weyn ka badali doonta Siyaasada jahwareerka ku dhisneyd ee mudaba u dhexeysa Xukuumada Somalia iyo Kooxaha ka soo horjeeda ee Casmara Fadhiya.

Waraysigii halkan ka daawo:

 

Lixle Muxuyadiin Nuur
Mobile:- +254-722620296
Email:- lixlle@hotmail.com 
Nairobi,Kenya

Abdifitahaam Ahmed
Email: abdifitahaam@hotmail.com

caddeNuur Cadde oo markii ugu horaysay sheegay inuusan lahadlayn argagixisada Ciraaq iyo Afqaanistaan Kasoo dagaalantay...

.Itoobiyaan iyo ciidamada DFKMG oo qarax loogu qaystay Muqdisho...

.Agaasime guud oo Muqdisho lagu dilay .. Wararka oo dhan ka akhri halkan..

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 18, 2008

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com