Jaaliyada soomaalida gobolka eastern cape ee K/Afrika oo lagu
casuumey furitaanka baarlamaanka gobolkaasi, una gudbisey cabashooyin.
Eastern Cape, oo ah gobol aad u weyn oo ka tirsan K/afrika, oo ey ku
dhaqanyihiin soomalida ugu baddan ee dalkani joogta, dhibaatooyinka ugu
baddana eey ku gaaran soomaalida, ayaa jaaliyada gobolkaasi markii ugu
horeysey lagu marti qaadey furitaanka baarlamaan goboleedka eastern cape.
Waftiga jaaliyada oo balaarnaa kana koobnaa 6 xubnood, ayaa waxaa hor
boodayay Gudoomiyaha oo lagu magacaabo Qaasim Boosh ayaa kadib kulankii
baarlamaanka kulamoo goonogooni ah la qaatay gudiyada xildhibaanada, iyo
gudoomiyaha gobolkaasi, oo markii dambe waftiga loo kaxeeyey gurigiisa oo
mudo 3 saacadood ah oo eey lahaayeen wadahadalo daba dheeraaday oo saabsan
xaalada soomaalida iyo sida wax looga qaban karro.
Gubarnatooraha (gudoomiyaha), aya balan qaaday in xukumadiisa heerka
goboleed eey geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli doonto wax ka qabashada
dhibaatada soomaalida heysata, sidoo kalane sheegey in kulamada jaaliyada
iyo maamulkieeda eey noqon doonaan kuwo joogto ah. Waxa eey haweeneydani
gudoomiyaha ah ka deyrisey xaalada soomaalida gobolkaasi ku heysata oo eey
sheegtey in aan indhaha laga qabsan doonin, sida dilka, dhaca gubida iyo
boobka wadarta ah.
Waftiga jaaliyada ayaa kala ahaa .
1-qaasim bosh cali gudoomiyaha jaaliyadda
2-c/raxmaan c/Raxmaan Raabi gudoomiye kuxigeenka jaaliyadda
3-c/raxmaan nuur jilley xoghaya ahna madaxa arimaha bulshadda
4-asad daa'uud diini xubin
5-c/nuur adan c/raxmaan madaxii hore ee arimaha bulshadda
6-yuusuf macalin cabdi xubin
Tani waa astaan fiican oo markii ugu horeysay mujineysa, sida wanaagsan
ee madaxda dalkani eey qadarin iyo dareen bini’aadanimo ugu muujineyso
soomaalida, oo dad badan oo soomaali ah eey ku eedeynjireen in joogitaanka
soomaalida iyo dhibaatadooda la inkirey. Kulankani ayaa kusoo aaday iyadoo
maalinimadii jimcaha eey gudi sare oo ka tirsan jaaliyadani eey la kulmeen
wakiilka UN-ka u fadhiya wadamada K/Afrika dhaca oo eey kala hadleen xalinta
dhibaatooyinka soomaalida, wakiilka oo lagu magacabaao ayaa ergadii
soomaalida ee uu la kulmay u sheegey in eey dowlada dalkani ka dhaadhiciyeen
in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto dhibaatada soomaalida heysata.
Arrintani oo iyaduna aheyd talaabo hormar leh oo muujineysa in dhanka haboon
eey wax u socdaan .
C/naasir saxansoxo.Somalitalk, Johansburg, email:, saxansoxo1@hotmail.com,
southafrica@somalitalk.com, tell: +27767059384.
UN-ka iyo jaaliyada soomaalida oo kulan yeeshay
Kulankan oo uu heerkiisu sareeyey, loogana wada hadlayay sidii gacan
wada jir ah eey jaaliyada iyo UN-ka, oo kaashana dowlada K/afrika, oga
geeysan lahaayeen dhibaatada soomaalida ku heysata dalkani, ayaa waxaa
jaaliyada SASA oga qeyb galay wafti 3 xubnood ka kooban, halka UN-ka uu
shirka fadhiyey wakiilka u qaabilsan wadamada Afrikada Koonfureed oo
lagu magacaabo Mbilinyi Abel, iyo wakiil kuxigeenka Arrimaha degdega ah,
Sanda Kimbibi.
Waftiga ka socday jaaliyada soomaalida ee SASA (Somali association of
south Africa), ayaa waxaa hor boodayay Axmed Dowlo oo ah agaasimaha guud
ee jaaliyada. Iyo Maxamed Xakiim. iyo xubno kale, kulanka oo heerkiisu
uu aad u sareeyey marka laga eego darajada madaxda ka qeyb gashay , ayaa
waxaa looga hadlay sidii jaaliyada iyo Un-ka eey isaga kaashan lahaayeen
wax ka qabashada dhibaatooyinka dadka soomaalida dalkani ku heysta.
SASA ayaa soo bandhigtey si qibrad iyo cilmi baarid ku dheehantahay,
dhamaan macluumaadka quseeya soomaalida dalkani, iyadoo la adeegsanayay
qalabka casriga ah ee darbiga shaashada ka muujiya ee (projector-ka loo
yaqaan). Bandhigaasi ayay SASA ku shaacisey qoraalo iyo muuqaalo ka
turjumaya si faahfaahsan heerka dhibaatada soomaalida dalkani ku nool,
waxyaalaha eey u baahanyihiin, hormarka eey sameeyeen, duruufaha
nololeed ee heysta dadka qaarkood iyo sida ugu haboon ee soomaalida lagu
caawin karo, oo eey sheegeen in kaliya eey u baahantahay si wada jir ah
in wax looga qabto . Arrimaha ugu muhiimsan ee Bandhiga SASA lagu soo
qaaday waxaa ka mid ahaa arrimaha dilka, dhaca, boobka , takoorka iyo
mixnadaha soomaalida ka heysta xagga sharciyada oo dad badani eey aad
ugu dhibanyihiin .
Axmed Dowlo oo kulanka ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqey in dacayaad
xagga dowlada ah eey ugu wacantahay dilka soomaalida loo geysto, iyo
heerka dambiyada, eeysana ka marneyn jinsi naceyb, wallow taasi eey qeyb
ka qaadanayso nooca deegaanada eey soomaalidu ka ganacsato oo tuulooyin
ah. Waxa uu intaasi ku daray in SASA eey wax badani ka qabatay xal u
helida dhibaatada soomaalida heysata, oo uu sheegey in had iyo jeer eey
kala hadlaan dowlada iyo hey’adaha eey quseeyso. Waxa uu halkaasi kusoo
bandhigey tirade soomaalida dalka joogta, inta qaxootinimo loo
aqoonsaday, inta warqadaha loo garaaca heysata ee aan wali qaxootinimo
loo aqoonsan, tirade ardeyda jaamacadaha dhigata iyo malaha tirade ugu
muhiimsan ee ah tirada soomaalida dalkani lagu diley inta la diiwaan
galiyey.
Dhinaca wakiilka UN-ka mudane Mbilinyi Abel, ayaa sheegey Un-ka had iyo
jeer eey diyaar u tahay wax ka qabashada dhibaatooyinka dadka qaxootiga
ah ku heeysta wadamada eeysan u dhalan, waxa uu sheegey in eey dowlada
ku cadaadinayaan in meel adag eey iska taagto dambiilayaasha falalka
dilka geysta ee misane aanan sharciga la horkeenin, waxaa uu sheegey in
UN-ka oo kaashanaya SASA iyo dowlada dalkani eey wax ka qaban doonaan
dhibaatada soomaalida heysta, gaar ahaan dilka iyo dhaca, dhanka
shariciyada ayuu wakiilka waftiga u xaqiijiyey in soomaalida wax weyn
looga qaban doono, gaar ahaan in si dhaqso ah loo siiyo sharciyadooda
marka eey codsiyada geystaan, paasaboorada lagu safro ee UN-ka, sharciga
degenaanshaha rasmiga ah (Permanent Residence), iyo in qof soomaali ah
oo mar loo aqoonsaday in uu qaxooti yahay, aanan darajadaasi laga
xabuubin Karin sida eey horey SASA ugu doodey dad badana eey ka cawdaan,
sidoo kale waxa uu qirey in bangiyada eey dadka qaxootiga hadda wixii ka
dambeeya eey account-yo u furi doonaan,si eey kacagahooda ugu
keydsadaan. Sida bangiga ABSA iyo FNB oo arrintaasi UN-ka eey ka
shaqaysay. Waxa uu intaasi raaciyey in SASA looga baahanyahay in si
baaxad leh eey ola shaqaysaa UN-ka, maadaamaa SASA eey tahay jaaliyada
kaliya ee shaqaynaysay inka badan 10 sanno , qibrad iyo faham dheeraadna
u leh arrimaha bulshada ku saabsan.
Gabagabadii kulanka oo albaabada uu u xirnaa, kana dhacay xarunta dalka
ee Pretoria (hadda Tshwane ). Saacadana qaatay ayaa lagu soo gunaanaday
jawi fiican oo degan, kulan dambe oo aan la cayimina loo balamay . si
loo sii jaan qaado wax qabadka iyo hergalinta waxyaalihii laga wada
hadlay.
Kulankii manta oo ka mid ah kulanada ugu heerka sareeya ee madaxda
jaaliyada eey la yeeshaan madaxda UN-ka iyo Dowlda dalkani, ayaa kusoo
beegmay xilli soomaalida dalkani ku nool eey soo wajahayaan dhibaatooyin
fara badan , oo eey UN-ka oo magaceeda eey ku joogaan eey ka filayaan
xal dhibaatooyinkooda loo helo.
C/nasir Axmed SH. Bashiir (saxansoxo). Johansburg, South Africa.
saxansoxo1@hotmail.com Faafin: SomaliTalk.com | Feb
17, 2008
Tixraac: Qormooyinkii laga qoray iyo google search
|