SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Zenawi: Haddaad Wanan Qalan Jirteen Ciidaha; Annagu Wiilashiinaan Qudha Ka Jareynaa 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Labo ciid Udhxiyo ee ugu dambeeyey Muqdisho kuma soo dhowaan in wanan laga qalo ee waxa qura ee dhegta dhiiga loo darayey waxay ahaayeen carruur iyagoo Qur’aan dhiganaya madfac ku dhacay ama hooyo iyadoo qado karineysa uu iskari Tigree ahi madfac kaare laga soo tuuray jikada ugu gashay ama odey cad oo masaajidka usii luudaya ay Xabashida iyo kuwa u adeega ay xabbad ku daldalooliyiin ama barbaar shaqo la’aan ah oo bannaanada dhooban oo boqollaal laga dilay. Wax kastoo dadka Soomaaliyeed ku weynaa sida masaaxifta Qur’aanka iyo masaajiddii waxaa najaaseeyey Tigreega. Inta gabdhood ee Tigreega ah oo inta imaam masjid tujinaya u galeen kaddibna soo gardaduubeen lama  tiring karo. 

Ilaahoow khaatumada hanaga xumeyn. Nimankii naga waaweynaa sida korneyl C/hi, Nuur Cadde, Cabdi Qeybdiid iyo Gacmo-dheere waa na khataleen. Waxaan soo xasuustaa xamaasad heysay carruur Soomaaliyeed! Xamaasaaddaas darteed ayaa maareeyayaasha ganacsiga ee carwadii Qaranku allifeen arrin lacag lagu sameyn karay. Ma garaneysaa khiddadaas waxay ahayd? Mar kale ka feker? Ma rumeysaneysaa waxaan soo wado? Waxay allifeen ciyaar u eg middaan Ingiriiska lagu dhaho “darts” waa mudacyo lagu shiishayo hadaf. Hadafkii waxay ka dhigeen labada korneyl ee Mingiste iyo Qadaafi. Waxaa lagaa gadayaa mudacyo waxaadna ku shiisheysaa sawirrada labada korneyl. Labada sawir mid kasta waxaa wadnaha korkiisa looga dhejiyey goome guduudan. Marka qofkii goomahaas mudaca ka taaga wuxuu helayaa lacag. Maareeyayaashu uguma telogelin in lacag laga helo ee keliya waxay ogaayeen nacaybka Soomaalidu u qabto Mingiste waxayna rabeen iney lacag ka sameeyaan. Waxaa laga yaabaa dadkii carwada madaxda ka ahaa ama ka shaqeynayey in qaarkood ay ku jiraan “xubnaha baarlamaanka” ee Tigreega hoos gabran. Haddaanba ogaan lahaa in Soomaalidu sidaan tahay sawirradaas dambi kama galeen! Hadda ciyaarta uu ra’iisul wasaare ku-sheegga, gacmo-dheere, Cabdi Qeydiid ama Maxamed-dheere ciyaarayaan waa ka duwantahay tii muducyada iyo sawirrada. Iyagu lacagta la siiyo waxay ku gataan madfac dabadeedna inta mooryaantooda u dhiibaan bey hadaf sawir ah kama dhigtaane waxay ku garaacaan hooyadii dhashay ama kuwii ehelka u xigay! Qofkii calaamadda sujuudda lagu arko waa in maskaxda laga soo daadsho. Mar kastooy odey Soomaaliyeed beerka kaga dhuftaanna waxaa la siiyaa abaalmarin. 

:::WARAYSIGII C/LAHI AXMED:
clahiWaraysigii Dr. Muhammad Shamsaddin ee madaxweyne ku xigeenka ururka World Somali congress:
Qaybta: 1aad | 2aad
:::MAQAALKII C/WAAXID:::
cwaxidBiyo Zenawi Baa Nala Cabsiiyey (We Were Baptized Zenawi) Akhri
:::MAQAALKII AXMED-SHIIL:::
shiilDagaalkii Diimaha: Geeskii Afrika oo cidhiidhi noqday - Wanaaggii oo soo iftiimay iyo xumihii oo is daldalid kudhow... Akhri...
:::QORMADII M.A. ROOBLE:::
myGoobaha Dadweynaha ee Magaalada Muqdisho oo ay Rabshadaha kusii kordhayaan... Akhri
:QALINJABIN DHAKHAATIIR:
sudan
Xaflad qalin jabin dhakhaatiir soomaliyeed ee Dalka Sudan
:::MAQAALKII M. BOOTAAN:::
BootaanShirka Annapolis iyo Shirarkii Soomaalida lagu dhex dhexaadin jiray waa isku mid !!! 
Akhri / Dhegeysi
:::GOGOLDHIGGA GANACSIGA::
nayrusQoraallo taxanne ah oo ku saabsan Ganacsiga: Qaybta: Qaybta: Maamulka & Maamulaha
::SHIRKA SOMALIDA HOLLAND::
holland
:::MAQAALKII MAKHTAL:::
makhtalQofka Aan Aragti Fog la hayni ma yeelan karon Go'aan Rasmi ah Akhri
XABSIYADA USA & SOMALIDA:
Halkan ka eeg Soomaalida lagu xiray jeelasha hal 'county' oo ka tirsan Minneapolis... Guji...
::SOOMAALIDA MINNESOTA::
USA
Anaga ayaa Ameerikaan ah, waxana diidanahay xasuuqa Itoobiya ku hayso Soomaalida
::ENGLISH: By: ABDULKADIR M::
abDiscovering the mind of Somali dictator through his own words.. Read here
:::QORMADII AMIIN YUUSUF:::
amiinNuur Cadde: Arrintaadu yay noqon Sheekadii Habar Dugaag.. Qormadii Amiin Yuusuf
::QORMADII ASAD CADAANI::
asadEmbagaati Oo Cagta Saartay Waddadii Carta Akhri.....
:::URURKA SHURO-net:::
shuro
Cabudhinta Saxaafada Madaxabanaan iyo Inqilaabkii SHURO-Net...  Akhr....
::MAQAALKII DALBOON::
dalboonXISBIGII RPP AFKII HOOGAY YIRI TOOBAY WAA KARAA!.. Akhri
:::GABAYGII "QARANSUGE":::
qaanUmmadyahay Dallagan. Dadaalkii abwaankoo, Doodwanaag la baxayoow Akhri...
:::QORMADII CABDI BOQOR:::
bqrSidee lagu Helaa Shahaadada Tacdiilka ama isbarbardguga ee Wadanka Pakistan?.. Akhri..
:::QORMADII C/RISAAQ M.:::
yuusuf
Hamigii dowladnimo waa lagu hungoobey... Akhri....
:::C.C. FAARAX 'BARWAAQO':::
Daalacasho buugga Abwaanka Cudurrada Dadka iyo Duunyada. Qprmadii Mustafa Xariir
:MPLS: GOLAHA CADDAALADDA:
gole
Urur Cusub oo La Dagaalama Hayb-sooca Oo Lagaga Dhawaaqay Minneapolis.. Akhri

MAQAALLO HORE...

 

Haddaan annagu ciidaha qali jirnay wanan waxaa Zenawi rabaa in “ciiddiisa” Kirismaska uu inta Tigreegu doofaar iyo khamri ka soo dharjiyo yiraahdo wiilashaas Soomaaliyeed oo kuwii u waalidka ahaa (dagaaloogayaasha) ay garwadeenka idiin yihiin xasuuqa. Dumarka xabbadda ka badbaadana kufsada. Mar kasta oo Tigreegu gabar asturan dakhuulaanba waxay u mahadceshaan Cabdi Qeybdiid iyo Gacmo-dheere. Waxa kaliya oon ku fasiri karo waa adoo walaashaa oo Tigree xoogayo iyada gacmaha sii qabta si aysan Tigreega u xagan! 

Marka laga reebo dad yar oo waddaniyiin ah maahee ma aragteen meelay mareen hal-abuurradii Soomaaliyeed? Xabashidii ay dacaayadeen jireen meeday? Mise sidii qabqablayaashu sheegi jireen bey xabiib nala noqtay? Waa sidii diintu u sheegtay oo mid mid dhif ah oo iimaan fiican leh maahee intooda kale waxay u noolyihiin iney madaxweyne wax u allifaan. Intooda badan reer tolkood bey wax la qeybsadaan. Qaarkood waa la safnaayeen markii jabhaduhu Xabashida u galeen iyagoo meelaha kaga faanaya “injir baa noo soo gashay halgankii aan reer tolkeen la soo halgannay”! laakiin hadda oo Soomaali oo dhan la halaagay makala jecla. Waxaad maqleysaa iyagoo xaflado ka hantaatacaya. Marka bal aynu fiirinno mar sida Soomaaliya loo qabsaday ay gaaladu u qabsatay Isbeyn (Andulus). Gabyaa Carbeed baa la yaabay dadkii oo wuxuu leeyahay: 
 

أحل الكفر بالإسلام ضيما **** يطول عليه للدين النحيب 
فحق ضائع وحمى مباح **** وسيف قاطع ودم صبيب 
وكم من مسلم أمسى سليبا **** ومسلمة لها حرم سليب 
وكم من مسجد جعلوه ديرا **** على محرابه نصب الصليب 
دم الخنزير فيه لهم خلوق **** وتحريق المصاحف فيه طيب 
أمور لو تـأملـهن طفل **** لطفل في عوارضه المشيب 
أتسبى المسلمات بكل ثغر **** وعيش المسلمين إذا يطيب 
فقل لذوي البصائر حيث كانوا **** أجيبوا الله ويحكمو أجيبوا

أما لله والإسلام حـق                   يدافع عنه شبان وشيب 
 
 

Gabyaagu wuxuu leeyahay: 

  • Gaalaa muslimiintii ku habsatay oo sandulleysay, diinta dadkeediina waxaa ka dhamaaday baroortii iyo oohintii.
  • Xaqii baa dayacan, wixii xurmada lahaa baa la banneystay, seeftii waa jabtay, dhiiggiinna waa durdurayaa.
  • Raggii iyo dumarkiiba waa la salbiyey sida hadda Xamar ka socota.
  • Tiro badanaa masaajid loo bedelay kaniisad oo meeshii imaamku istaagi jiray laga taagay mucatab ( Tigreegu waaba ku xaareen masaajiddii).
  • Dhiigga doofaarka ayaa caraf la ah halka ay gubidda masaaxifta ay ku raaxeysanayaan.
  • Waa arrin haddii dhallaanku u dhabbogalaan keeneysa yaab dartiis ay la cirreystaan.
  • Dumarkii muslimiinta ahaa meel kastaa lagu caayayaa halka nimankii ay badarka iska cunayaan.
  • Ku dheh kuwa caqliga u saaxiibka ah meel kastooy joogaanba “belaayo” idin ku dhacdaye maqla Ilaahay.
  • Miyaan Ilaah iyo diintiisu xaq lahayn oo la rabin in dhallinyarada iyo cirroolayaashuba  difaacaan? 

Maxay tahay muslimkaan nahay haddii ciiddii weyneyd aynaan ku tukan karin masaajiddii iska daa wax kalee? Gabyaagaas waxaad mooddaa inuu Xamar iyo Soomaaliya ka hadlayo. Soo ma arkeysid Tigree diideysa in meydkeennii aan duuganno? Yaa garanaya dulli intaas ka weyn? ALLAAHU AKHBAR. Niman baa halgankooda ku soo khatimaya iney Ilaahey hortagaan iyagoo Tigree waddankii soo geshay oo uu heysto! Diidayna in lagu tukado masaajidkii Isbaheysiga Islaamka?! Axadka khaatumo-xumadaas ku socda waxaa taageersan oo garabtaagan mid sheeganaya in maanta oo ciid ah uu soo tukaday! 

Dadka kale oo iska dhiga ineysan fadhi-ku-dirir ahayn ee isu qaba iney dacwad wadaan waxaan xasuusinayaa tuducyadii Imaankii weynaa ee C/hi Binu Mubaarak. Sheekh C/hi lama hadleyn madaxweyne ama wasiir ee wuxuu heystay sheekh weyn oo Xaramka imaam ka ahaa. Wuxuu ku yiri: 

يا عابد  الحرمين لوأبصرتنا           لعلمت أنك بالعبادة تلعب

من كان يخضب خده بدموعه           فنحورنا بدمائنا  تتخضب

Ninka Xarameynka ku cibaadeysanayoow haddaad na arki lahayd, waxaad ogaanlahayd inaad cibaadada ku ciyaareyso. 

Ninka dhabannadiisa ilmadu qoysayoow; annaga godka dhuunta baa dhiigu naga da’ayaa. 

Imaam C/hi wuu ogyahay qiimaha ay leedahay cibaadada lagu sameeyo Xarameynka kamana wado in sheekha kale ciyaarayo ee wuxuu leeyahay waqtigaan la joogo waxaa koow ah in la jihaado oo dhulka muslimiinta la difaaco. Marka nimanka iyagoo waddankii la heyso ku haya masaajid baan dhiseynaa iyo mowlacyo ogaada kuwa Tigreega hortaagan ee ay dar Ilaahay ka tahay inaan la arag wax loo dhigo. Haddii idinku aad dhoobo iyo dhagaxii masaajidka garabka kuu saaranyahay, oo mar mar dhagxaantaasi idin murxiso; iyaga waxaa garabka u saaran baaruudii ay Tigreega ku halaagi lahaayeen. Hadduusan madfacu madaxooda goyn oo aysan shahiidin, waxaa go’a addimadooda. Waxaa taas ka sii daran marka dacaayad loola tago dadkaas dar Ilaahay u halgamaya oo raba iney ku jihaadaan Tigreega waddanka ku soo duulay. 

Waxaan aaminsanahay in guushu soo dhowdahay oo la gaari doono. Sidii aan mudacyada ugu tuurijirnay sawirka Mingiste carwada dhexdeeda ayaan rajeynayaa hadduu Ilaah idmo in jiilasha dambe inta mudacyo soo qaataan ay ku tuurtuuridoonaan sawirrada gaalo-raacyada sheegta iney Soomaaliya madax u yihiin. Marka ninkii maalintaas gaara oo arka carruur sawirrada C/hi, Geeddi, Gacmo-dheere, Cabdi Qeydiid, Nuur-cadde, Moorgan iyo kan Riyaale isha iyo wadnaha kala baxaya ayaa dhimasho ku habboon tahay. 

Waxaa taas ka sii farxad badan, aakhirada aan u wada soconno ma aha meel Bush iyo Zenawi shaqo ku leeyihiin. Marka waa u hoog iyo u halaag qof la dagaalsan Axadka iska leh maalintaas – Allaah. Marka adduunka waa nala qabaan dhibka soo gaara maatada Soomaaliyeed oo waa iyaga har iyo habeyn hoyan la’; aakhirana waxaa dhabarka u saraan dunuubtaas ay ugu weyntahay iney la dagaaleen diintii Ilaahay iyo dadkeeda. Marka hadduu Ilaah idmo waxaa dhici karta in sida Zenawi u laayey maatadeena loo arko micista iyo carruurta oo inta ku yaacaan dagaaloogayaasha iyo dhabodhilifyadaas ay nolashu ku dubtaan.

C/Waaxid C/hi Khaliif

Biyo Zenawi Baa Nala Cabsiiyey (We Were Baptized Zenawi) Akhri

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 20, 2007
 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com