SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MINNESOTA

Banaanbax Balaaran oo looga soo horjeedo Ciidamada Itoobiya  ee Xasuuqa iyo Barakicinta  ka wada dalka Somalia oo kadhacay Magaladda Rochester ee gobolka Minnesota.
 
Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magalada Rochester ee Gobolka Minnesota ayaa maantay wuxuu ka dhacay bartamaha magaalada. Banaanbaxayaasha ayaa waxay kaga soo horjeedeen dhiig cabayaasha (Qab qablayaasha) iyo Ethiopianka ay kaashanayaan ee dalka ku soo duulay kuna haysta sida sharcidarada ah.
 
Marwo Xaliimo Mohamed Xasan iyo Marwo Fadumo Cabdisalaan oo goobtaasi ka hadlay ayaa Canbaareeyay Ciidamada Itoobiya falalka waxuushnimada ah ee ay kula kacayaan Ummada Soomaaliyeed, Islamarkaana ku tilmaamay Kooxda Mbagathi kuwa Dabadhilif u ah Itoobiya, lana soo taagi doono mustaqbalka sharciga.
 
Marwo Xaliimo Mohamed ayaa Tacsi u dirtay Ummada Soomaaliyeed ee dadkoodii lagu laayay xaqdarada,ayadoo ka codsatay Ummada Islaamka ah inay u gargaaraan walaalahooda geedaha hoostooda Jiifa. Xaliimo ayaa sidoo kale ku guubaabisay Dadka Soomaaliyeed inay iska difaacaan Cadowga Gaalada Itoobiya oo doonaysa Dalkeena iyo Diinteena.
 
Banaanbaxayaasha ayaa muujinayey sida ay uga xun yihiin xasuuqa (massacre), kufsiga (rape), qafaalashada (kidnapping), jirdilka (torture), barakicinta (displacement), faraxumaynta, cagajuglaynta, baqdin galinta, argagixinta iyo muwaadiniinta ay ku jiraan oday dhaqameedyadu, ee xabsiyada qarsoodiga ah ku naf baxaya loona diiday Hay’adaha xaquuqda Bini’aadamku in ay soo arkaan.
 
Banaanbaxayaasha ayaa codsigooda u gudbiyey Dowladda Maraykanka, iyo Jumciyadda Qaramada Midoobay, si Ciidanka Gumaystaha dalka looga saaro, isla markaana gargaar bini’aadamnimo loola gaari lahaa shacabka ku dhibaataysan geedaha hoostooda, loona samayn lahaa dib u heshiisiin Qaran oo dhab ah.



Soomaalida Minnesota: Anaga ayaa Ameerikaan ah, waxana diidanay xasuuqa Itoobiya ku hayso Soomaalida

 
Xusseen Sheikh Nur
C/aziz  Xogolof
Rochester Minnesota

genevaBannaanbax looga soo horjeeday xasuuqa iyo Barakicinta ay Ciidamada Gumeystaha Itoobiya kula kacayaan Ummada Soomaaliyeed oo ka dhacay Magaalada Geneve UN-ka hortiisa. Akhri/Daawo

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 27, 2007

Soomaaliya sidii Lagu Xoreyn Lahaa
Somalia

Warbixin dhamaystiran oo ku saabsan kulankii Sabtidii lagu qabtay Minneapolis ee looga hadlay sidii Soomaaliya looga xorayn lahaa Itoobiya, warsaxaafadeedkii Ururka Midowga Qurmab Joogga, qoraal loo dirayo senatorada/congress-ka USA, hadalladii C/risaaq Xaaji Xuseen, Sakariye Xaaji, Prof. Mahadallah, prof. Ibbi, Drs. Fawsiya... Akhri... Nov 26

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com