SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Daabaco Boggan | Print

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA



2002: BORLANGE IYO SOMALITALK.COM
 

2007: Warbixin: Borlänge iyo Somalitalk.com II


Dagaalkii Diimaha

Qore:

Axmed-shiil Muxumed

ahmedshil@yahoo.com

Borlänge, Sweden 

Dec 4, 2007


Bismillaahi wassalaatu wassalaamu calaa rasuulilaahi 

Hordhac

Markii Maraykanka daaraha dhaadheer laga qarxiyey dad doorana ay uga dhinteen bishii sebtembar sanadkii 2001 da, oo ay caddaatay in mukhaabaraadkiisii kibirka badnaa ee awood iyo karti kufaani jirey laga lugmeersaday oo uu markaa kudhawaaqay inuu dagaal ba’an lagalayo urur uu markaa islaam kusheegay oo ay yidhaahdeen isagaa kadanbeeyey qaraxyadaas ayey dad badan oo muslimiina ah uqaateen in un ururkaas farta lugu fiiqay oo kaliya iyo afraaddii lugu helo inay xidhiidh laleeyihiin oo qudha ay arrintaa taaban doonto. Bal shan sano kadib maanta waxaa soo baxday inuu dagaalka kusocday dadka rummaysan caqiidada islaamka marka laga reebo inta muujisay colaad ay uqabaan ururkaa lasheegay, islamarkaana billaabay inay lashaqeeyaan oy u adeegaan Reer Galbeedka siiba Maraykanka iyo Ingiriiska ayagoo ku kaalmaynayo inay uhirgasho burburinta Islaamka iyo dadkiisa. 

Dadkaas waxaa kaga argagixiyey hadalladii kulkulaa ee uu Bush kudhawaaqay kadib markuu kasoo kabsaday argagixii iyo khalkhalkii kasoo gaadhay qaraxyadaa ayaga ah, asagoo kudhawaaqay erayo caan noqday; “Amma annagaad nala jirtaan ama ayaga ayaad lajirtaan”. Maraykanka iyo Ingiriiska waxay billaabeen hawlgallo ballaadhan ayagoo wato dalal aan yarayn oo caalamka kajiro balse la’aragti iyo lahadaf ah labada dal ee loo yaqaanno (Anglo-American) oo macnaheedu yahay Maraykan iyo Ingiriis, ayagoo markaa adeegsanayo saldhigna kadhiganayo aragtidooda u adeegto maslaxadooda ee iyadana loo bixiyey (Anglo-American democracy) oo loola jeedo dimuqraadiyaddii Maraykanka iyo Ingiriisku allifeen.  

Dimuqraadiyadda Maraykan iyo Ingiriis haddii loo kuurgalay oo la indho indheeyey wax badan ka duwanaan wayday aragtidii laga sheekeeyey ee uu aaminsanaa odaygii Soomaaliga ahaa ee bixiyey murtidii ahayd “Lajiifiyaana bannaan lajoojiyaana bannaan”  taasoo laga fahmay inuu odaygu ula jeedo xaq iyo baadil, gar iyo gardarro midna meel loogusoo hagaago malaha oo waxaa wax walba ka’akib ah cidda markaa laga hadlayo iyo xaaladda taagan. Muslimiin badan ayaa lalaayey, laxidhxidhay sidoo kalena xuquudoodii lugu tuntay dacallada aduunka. Dalal badan oo muslimiin ah ayaa lugu maqanyahay oo larabaa in xididdada loo siibo sabab la’aan. Waxaa jiro xabsiyo sira ah oo lugu silciyo luguna cadaabo muslimiinta lagasoo afduubtay dunida muslinka iyo caalamka intiisa kaleba sida Diego Garcia oo ah saldhig millatari oo ay Maraykanka iyo Ingiriisku leeyihiin. Diego Garcia waa meel ayna jirin cid wax ka’og ama tagi karta marka laga reebo ciidamada Ingiriiska iyo kuwa Maraykanka qofkii lagaystana uu kujiro 100% gacanta cidda gaysatay halkaa. Waa meel kolkii horeba loogu talogalay in lugu fushado danaha sirta ah ee ladoonayo, kadib markii dadkii daganaa ee udhashay xoog iyo xaqdarro looga tarxiilay halkaas 1973 dii. Waxaan jeclaystay marka anoon sii qodqodayn meelahaa kale ee dhibaatooyinka ba’an loogu gaystay ama loogu gaysto mulimiinta ayagoon galabsan innaba hayaraatee wax danbi inaan farta kufiiqo waxa kadhacay Geeska Afrika iyo sida dulmi ba’an loogu gaystay muslimiinta Soomaalida iyadoo lugu haysto maxaad uthiin muslimiin ama aad shacaa’irta diintiinna kor ugu qaadeen ood nooga xanaajiseen. 

Geeskii Afrika oo cidhiidhi noqday

Dawladda ay gadhwadeenka kayihiin Tigreega ee Itoobiya xoogga ku haysato maanta iyadoo kafaa’iidaysanayso fursaddaa dahabka ah ee usoo baxday oo horena intay usheegatay inay qaadatay diinta loo yaqaanno dimoqraadiyadii Ingiriiska iyo Maraykanka oo lagaba aqblay ayey kudartay inay tidhaahdo waxaan kahortagayaa nimankii Maraykan nabarrada kudhuftay oo isku urursaday xeebaha Soomaaliya. Xaqiiqdiina waxay kawadday argagixisaa Soomaaliya kajirto, waa inay Soomaaliya kasoo socoto dawlad islaami ah taasoo ah wax uu Maraykan sheegay inuu mamnuucay cidii laga maqlana uu ugu dhaartay ciqaab ba’an. Waxaa marka asna meeshaa kusoo biiray dhurwaa yar oo suu raqda masaakiinta u rifanayey markii danbe lasaaxiibay libaax oo ismooday inuu malaayin qof oo Soomaali muslimiin ah ama caqliga kaxadi karo ama xoog ku muquunin karo. 

Inkastoo Geeska Afrika kufadhiyo dhul aad u baaxad wayn haddana cidhiidhi ayuu ahaa 500 sano ee lasoo dhaafay oo waxaa kuwada noolaan waayey Soomaali oo haysato caqiidada islaamka bal aan cidna dulmi larabin iyo Xabashi iyo wixii ay iskudhaqan yihiin oo haysto diin ay kusheegaan masiixi laakiin aan wax badan kabadalyn diimaha shirkiga oo doonayo dulmi, dhul ballaadhsi iyo xasuuq joogta ah inay ugaystaan dadka markaa tabar yaraado ee dhulkaa kunool. Dagaalladii waa waynaa ee 500 sano ee ugu danbaysay dhaxmaray labada qolo wuxuu had iyo goor kusalaysnaa dulmi ay Xabashidu kusocotay iyo Soomaalida oo diidanayd dulmigaas rabtayna inay iska dhiciso oy isdifaacdo.  

Haddayna gardarrada iyo qarawga Xabashida ahayn Geeska Afrika wuu deeqi lahaa dadka kunool nabad iyo caano ayaana lugu noolaan lahaa. Xabashi marka ayadoo kafaa’iidaysanayso fursaddan usoo baxday, kaalmo siyaasadeed, mid millatari, mid dhaqaale iyo mid niyadna kaheshay Maraykan iyo Ingiriis sidoo kalena kidhaysatay calooshood ushaqaystayaal Soomaali ah ayey cantuugtay ciiddii islaamka ee Geeska Afrika intii udhinnayd waxayna hadda maraysaa iskuday ay isku dayayso inay liqdo. 

Bohol haddimo haqodin haddaad qoddidna hadheerayn..... 

Maraykan wax badan kama ogayn markii Soomaaliya lugu dirayey ee uu af labadii dhawaaqayey odayga kursiga madaxwaynenimo maskaxda kagalay ee uu kolba meeshii uu is dhaho mucaarad kaa ahbaa kujiraba lahaa waxaa joogto argagixiso. Wuxuu Maraykan billaabay inuu kudaro liiskiisii cunaqabataynta culumo iyo dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oon waligood Maraykan wax udhimmin toodanaba kabadin la’aa oon adduun kale aan war uhayn. Sidoo kale wuxuu ninka ugu wayn Maraykan afkiisa kayidhi inay shirkadda Al bahrakat oo uu ula jeeday Albarakaat u adeegto argagixisada. Ilaahay wuxuu xukumay inay afkooda kuqirteen inayna jirin wax caddayn ah oo muujinayo inay dadkaa, ururradaa iyo shirkadahaa Soomaliyeed waligood wax dhib ah ugaysteen Maraykan. Meeshii laga rabay inuu kucibro qaato khaladkaa foosha xun ee dulmiga iyo midabtakoorka kusalaysan ayuu hadda u ilduufay kaligii taliyihii ugu dhiigyo cabsanaa qaaradda Afrika kuna fasaxay inuu dhulkii islaamka nijaaseeyo suu rabana kayeelo.

Kaligii taliyaha Xabashidana markay asaga iyo mukhaabaraadkiisa ukuurgalayeen Soomaaliya iyo Soomaalida maba ayna soo dhigan meesha inay jiraan dad Soomaali ah oo diin, caqli iyo dhiig leh oo kadhiidhini foolxumada iyo ihaanada ay muslimiinta iyo Islaamka lammaaganaayeen. Markay indho indhaynayeen Soomaalida waxay diiradda ka’arkayeen  dagaal oogayaashii, oday dhaqameedyo kusheeg lagadan karo oo iib iyo xaraash ah iyo sidoo kale mooryaan unool mijin qaada. Innaba hayaraatee ismayna dhihin armaad bohoshaan aad qodaysaan aad laftiinna kudhacdaan.  

Way jirtaa inay ogaayeen inay xoogaa soomaali ah oo wadaado ah jiraan sida Shabaabka iyo Maxkamadihii midoobay bal ayaga iyo Maraykan waxaa lasawirtay in haddii laburburiyo dhowrka kun ee askari ee ay hadda soo ururiyeen xoogaaga madaxda u ahna lalaayo inay halkaa kudami sheekada dhulkana ay fasahaadin oo Xabashina hawlaheedii foosha xummaa ee lugu yaqaannay loo dayni, Maraykanna uu shirkadihiisa kufasaxi dhulkaa udgoon ooy kunaaxi macdantana kala bixi kadibna summayn. Meeshaba lamasoo dhigan inay dhulka leedahay ummad dhaqan iyo diin leh soona jirtay in kabadan kun sano waligoodna aan laloodin cid kalena aan isu dhiibin oo xitaa haddii in kabadan 100 sano lagummaystay wax raad ah looga tagi waayey. Waxaan filayaa marka hadday rabto 50 sanoba haqaadatee in la’arki Xabashi oo afarta addin iyo foolasha laga jajabiyey oo figaysan diintoodii xumayd ee ay rabeen inay fidiyaanna lakala firdhiiyey. 

Wanaaggii oo soo iftiimay iyo xumihii oo is daldalid kudhow

Adduunyada waxaa la’arki jirey markii Soomaali shir la’isugu keeno ayagoo marna isla qoslo oo heestii caanka ahayd ee “Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsada ee” isla qaado marna kuraas madaxa iskala dhaco oon innaba hayaraatee ayna kamuuqan garasho bini’aadamnimo iyo dareen naxariiseed dhibka dadkooda haysto sidoo kalena aanba fahmi karin hadafka meesha ay u yimmaadeen. Sidoo kalena hay’adaha caalamka ay kadhammeeyaan lacagta siday hoteello qaali ah ujiifaan cuntana ucunayaan. Hay’adaha caalamka waxay sawirteen inay adag tahay inay Soomaali heshiiso oon la’isuba keeni karin, waxaana kahoos baxday inayna dadka meesha isugu yimid ahayn dad qiimo kuleh bulshada dhaxdeeda ee ay yihiin dad wada danbiilayaala oo mudan in inta maxkamad lasaaro dil ama xabsi daa’in lugu xukumo, maxaa yeelay intooda badan ama dhiiggii dadkoodii bay soo daadiyeen ama qayb bay ka’ahaayen dhiig daadintaa.  

Wakhtiga dheer ee ay kuqaadato soo gabogabaynta shirarkoodana waxaa sabab u ahayd oo qudha jaho wareer sidoodaba iskahaysatay iyo ayagoo rabay inay jiifaan hotteelladaa qaaliga ah een lacagta ugu fadhin. Ururradii dadkaa bartay markay ukuurgaleen shirkii Asamara ee Isabahysiga Soomaalida gobta ah dhidibada loogu aasay, waxay aad ula yaabeen farqiga udhaxeeyey qolyihii ay kumashquulsanaayeen 15 sano iyo qolyahan cusub. Inakstooy qireen inay si nidaama ushireen hawlihii ay doonayeenna si wacan udhammaysteen ayna kamuuqatay bislaan iyo mabaadi’ rasmi ah haddana waxay yidhaahdeen wax way uhirgali lahaayeen haddayna kahor iman Maraykan iyo Xabashi. Waase loo joogaa wixii karummoobo hadalkaa la’iska yidhi een loo meeldayin.  

Qiyaastii xusuustayda labaatankii sane ee lasoo dhaafay waa markii iigu horraysay een maqlo shir looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya oo ay hoggaaminayaan dad wanaag iyo aqoon lugu yaqaannay oonan dadkoodana soo gummaadin gaalada duullaanka ah ee dulmiga kusocotana aan usoo shaqayn. Waxaa halkaa isugu yimid Culmo, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo dhallinyaro kuwaasoo aad udanaynayo mustaqbalka diintooda, dadkooda iyo dalkooda.  

Inkastoo aasaasidda urur cusub iyo kamidho dhalinta ahdaaftiisa ayna ahayn arrin sahlan oo ay ubaahantahay dadaal, dulqaad iyo wakhti dheer ayaa haddana waxaa jiro caalamado muujinayo inuu ururkan guulaysan wakhti aan dheerayn ilaahay idankii maxaa yeelay; 1- Uruku wuxuu kutaagan yahay xaq oo wuxuu kasoo horjeeda qabsashada gaalo dal iyo dad muslina qabsatay rabtana inay muquuniso oy dhaqan rogto. 2- Waxaa hagayo dad hufan oo nadiifa, lehna aqoon ay kufahmaan qadiyadda hortaallo 3- Wuxuu ururku kudhaxhaystaa taageero balaadhan muslimiinta Soomaaliyeed meel kasta ooy joogaan. 4- Wuxuu ladagaallamayaa dawlad iyadaba aan sal adag lahayn gummaysina kuhayso bulshooyin fara badan, dawladdaas oo saldhiggeedu yahay xoog, gummaad iyo muquunin. 

Gabogabadii

Qofka banii’aadamka ah markuu akhriyo buugaagta kahadlayo taariikhaha lasoo dhaafay waxaa dhacda inuu dhinac lasafto dhinacna u’arko xaqdarro ay waajib ahayd in laga hortago. Waxaa hadda marka kascoto dalkeennii hooyo dagaal ba’an oo taariikhda gali buugaag badanna laga qori. Waxaa mustaqbalka looga sheekayn dadyawga dagaal kadhacay Soomaaliya ama Geeska Afrika oo ay kuhardameen Gaalo iyo calooshood ushaqaystayaal hal dhinac ah iyo muslimiin dhiig leh diidayna inay dalkooda, dadkooda iyo diintooda gaal madoow kusii daayaan.  

Ninkii rabo marka in faraciisa ay kufaanaan oy dhahaan walle awawgayo halyey mujahid ah buu ahaa wuxuuna kamid ahaa mujaahidiintii gaalada madmadoow een saxarada iyo kaadida iskadhaqin een ilakaha xitaa iska rumayin ee markay ku’agmaraan aad musqul gacmo iyo lugo leh moodi dadkii jilibka udhigay ee ama kushahiiday ama dabada kagalay, waa inuu kusoo biiro safka mujaahidiinta. Ninkiise ladhinac noqdo gaalada masaajiddii burburisay haddana nijaasaysay ee macallimiintii iyo ardadii dugsiyada quraanka xasuuqa joogtada ah kuhayso dhadhamin ay islaanimo kadhadhamiyeen shaki kuma jiro inuu islaanimada kabaxay haddana saasooy tahay markii buugaagta taariikhda lugu xuso falkaa foosha xun ee uu kukacay faraciisa way kaxishoon inay sheegtaan oy ku’abtirsadaan maxaa yeelay wax faa’iido ah ama qiimo ah oo uu leyahay ayaan jirin, waa kuwa ilaahay quraankiisa kuyidhi qalbigooda ayaa madow oo waxba kala garan maayaan. 

Xaqii iyo baadilkii ayaa maanta ishorfadhiyo oo xabadda isku lisayo ama diinta sharafta leh islaamka ayaa calankeedu Geeska Afrika kababan ama calankii huurada iyo urka ayaa xeebaha Soomaaliyeed saldhig kadhigan. Aday kujirtaa marka halka aad kadooran inaad kagasho buugaagta taariikhda wallee dagaalkii labada diinood sanad ayuu hadda jirsaday. 

Waari mayside war wanaagsan hakaa hadho! 

Axmed-shiil Muxumed
Borlänge, Sweden
ahmedshil@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 4, 2007

Warbixin: Borlänge iyo Somalitalk.com II

Goteborg-posten iyo Soomaalida Iswiidhan cultural clash ama iskudhac laba dhaqan oo kala duwan Akhri

Geeddi galbayee guumayskee galgalan doono?: Waxaa aad la’isu waydiinayaa waa kuma... Akhri

Raad ba’ay iyo reer ba’ay:: Dawladnimadii oo sayn lagasoo rifi waayey,... Akhri...

O.N.L.F Ururkii Gobonimada Doonayey - Qaybtii Labaad... Akhri

Oday Dhaqameedyadii gummaystaha: Odayada madasha soo xaadiray, Yay nabadda  gacanta ugu jirtaa?

Afar boqol iyo afartan malyuun oo doollar: maqaal kusoo baxay jariidada göteborgs-posten.... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com