SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

GOGOLDHIGGA GANACSIGA 
(DURUUS TAXANE AH)

QAYBTII 2AAD EE “MAAMULKA IYO MAAMULAHA” 

      TAYADA MAAMULAHA

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad...


Suldaan Nayruus X. Aadan
Maamuluhu waa hoggaamiye kolka la eego tilmaanta gaar aheeneed ee uu ku leeyahay shaqaalaha, awooddiisa iyo khibraddiisaba. Maamuluhu guulo la taaban karo kama keeni karo shaqdiisa haddii uusan lahayn tayooyinka soo-socda: 

Waa in uu aqoon u leeyahay ganacsiga 

Maamuluhu waa in uu aqoon u leeyahay; shaqadiisa, waaxda uu maamulo, shirkadda, suuqa, warshadda, tartanka suuqa ka jira iyo xitaa ummuuraha dibedda. Arrimahaan waa kuwa awoodda u siiya in uu gaaro go’aan wax ku ool ah.   

Waa in uu yahay daacad 

Maamuluhu waa in uu yahay shaqsi daacad ah, sharaf leh, ilaaliya maalka shirkadda, si fiican ula dhaqma shaqaalaha, macmiisha iyo dawladdaba. Marka uu yahay maamuluhu daacad dadka oo dhan way aaminaan, taasina waxay u fududaynaysaa shaqadiisa. 

Waa in uu yahay mid isku kalsoon 

Xaaladaha ad-adag iyo mashaakillada cul-culus kolka ay soo wajahaan, waa in uusan niyad jabin, walaacin, naftiisa xukumi waayin oo uusan khal-khalin. Isku-kalsoonaantu waxay ku abuurtaa dhiiri- galin. Taasina waxay muhimmad weyn u tahay maamulaha. 

Waa in uu fayowyahay 

Caafimaadka wanaagsani wuxuu shaqsiga ka dhigaa qof tabar leh, shaqo adag qaban kara, fir-fircoon oo hawl-kar ah. Maamulaha fayow wuxuu awooddiisa iyo dareenkiisa oo dhan saari karaa ujeedooyinka ururkiisa.

Waa in uu yahay mid nidaamsan 

Maamuluhu waa in uu xirtaa dhar nadiif ah oo bilicsan, waana in uu yahay mid miisaaman, edeb iyo akhlaaq leh oo Diblomaasi ah.

Waa in uu yahay Af-tahan kaftan-yaqaana 

Maamuluhu ma liibaano haddii uusan dareenkiisa si waafi ah u muujin karin. Waa in uu aad ugu fiican yahay hadalka iyo qoraalkaba, oo si fiican oo la fahmi karo u kala dhig-dhigi karaa una bayaamin karaa. Waa in uu yaqaannaa kaftan-sheekeedka dadku jecel yihiin kana qoslinkaraa dadka mar kasta oo u baahdo. Taasi waxay ka dhigaysaa qof caan ah oo ay jecel yihiin dadka uu hor-fiiqa u yahay. 

CASHARKA IYO SETIMAANKA DAMBE

Waxaad Setimaanka dambe la socon doontaan Haddii Alle Qadaro qayb kale oo ka mid ah Cutubkaan oo Shaarraxaya; Hawlaha Maamuluhu uu qabto.

Qoraha: S. Nayruus

Goobta: Karachi, Pakistan

E-mail-ka: snayruus@hotmail.com iyo nayruus@gmail.com  
Mobile-ka:  +92-345-8118910.  
 

ILAHA XOG-URURINTA 

  • A practical Introduction to Business    By: Koontz and Fulmer
  • Accounting- The basis for business decisions  By: Meigs, Williams, Haka & Buttner.
  • Strategic Management – Concepts and Cases  By: Fred R. David.
  • Business Research Methods     By: Emory.
  • An Integrated Approach to Business Studies    By: Bruce R. Jewell
  • Business Accounting     By:  Frank Wood & Alan Sangster.
  • Business Law       By: Ronald A. Anderson.
  • Financial Management of the Small Firms   By: Walker W. Pitty.
  • Principles of Commerce and New Management  By: M. A. Khalid.
  • The Business – Problems and Solutions    By: Skatler.
  • Qaamuuska Af-Somaliga     By: Keenadiid

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com