Nabadda iyo Midnimada Soomaaliya: Waa
Dariiqa Mustaqbalka Afrika
Dr. Muhammad Shamsaddin Megalommatis |
Waraysiga madaxweyne ku xigeenka ururka World Somali congress, Cabdullahi
Axmad, uu la yeeshay Dr. Muhammad Shamsaddin Megalommatis oo ingiriis ah wuxu ku soo baaxay boogogan
www.americanchronicle.com, www.buzzle.com, www.afroarticles.com
Si aan u
waadixino wacyiga dhabta ah iyo dhibaatooyinka qarada weyn ee aan muuqan ee ka
taagan Geeska Afrika. Waxaan garanay in aan fursad siino Soomaalida dhabta ah
ee rayigoodu wax soo kordhin karo, kuwaas oo ka bixin fikrad dhaxalgal ah
dhibaatada wadankooda. Saxaafadda adduunweynuhu si weyn ayey ugu dheceen in ay
qadiyadan ay dadweynaha adduunka u ban-dhigaan, iyago had iyo jeer ku mashquula
dhacdo aan ahayn xaqiiqo faahfaahsan (dhacdo sibibixasho ah).
Haddaba,
dhibaatooyinka ka taagan Geeska Afrika oo wajiyo badan ayaa nasiib daradu waxay
tahay in akhristayaasha reer Galbeedku waxba kala socon. Sababtaasi awgeed
ayaanu go’aansanay in aanu waraysi la yeelano madaxweyne ku-xigeenka ururka
World Somali Congress md. Cabdullahi Axmad.
Ujeedooyinka ururkaasi ka akhri halkan iyo waxyaabaha kale ee uu mustaqbalka
hiigsanayo. Waraysiga Cabdullaahi oo saddex qaybood ah qaybtii kowaad waa tan:
S 1 – Md
Cabdullaahi sharaxaad yar akhristayaasha ka sii naftaada iyo waxbarashadaada?
J 1- Waxaan ku
dhashay Jibuuti kuna dhamaystay dugisgaygii, waxaan ka qalinjabiyey dugsiga
tababarka macalimiinta ee Jibuuti, ka dibna waxaan noqday macalin dugsi. Waxaan
la shaqeeyey axsaabta mucaaradka ee jibuuti ilaa aan u hijrooday Kanada arimo
siyaasadeed awgeed.
S 2 – Wax yar faahfaahi waxbarashadaada iyo meheradaada?
J 2 – Waxaan
shahaadada hore ee xidhiidhka caalimiga ka qaatay jaamacad ku taal Quebec oo la
yidhaa Outaouais, haddana shahaadada labaad (masters degree) ayaan ku dhamayn
rabaa anigoo ku takhasusay xidhiidhka caalamiga qaybta horumarka Afrikada Bari,
isla mar ahaantaana waxan ku shaqeeya maareeye ahaan.
S 3 – 16 sanadood Soomaaliya way kala qaybsanayd iyadoo marmarna isku kacsanayd,
maxay tahay sababtu? Ma gacan gumeysi oo qarsoon ayaa ku jirta? Ilaa xadkee
ayaa laga yabaa in dhibaatada Soomaaliya kala qaybintii gumeystayaashu ku
leedahay?
J.: Xaaladda
maanta waa mid laga dhaxlay cadaaladaradii colonial Partition-ka iyo dagaalkii
Ummadda Soomaaliyeed ugu soo jirtey muddo 100 sano iyo in ka badan ah xoriyadda
iyo midnimo (Quest of National Unity).
S 4 – Haddaan ku soo dhowaano waqtigan, ku yara noqo 70kii ama 80kii, ma jireen
waxyaabo tilmaami kara dhibaatooyinka dhacay? Cidise ma
filaysey?
J 4 - Ha!. Watan
dhowr arrimood.
a) Ku-gargaarkii
Guumeystayaasha reer Yurub ay ku gargaareen (hub iyo taageera siyaasadeed...)
gacan-ku-dhigiddii gobolka Herer (1882)
c) Qaybihii
Dalka Soomaaliyeed ee Ingriiska, Talyaniga iyo Fransiisku ay u dhiibeen
Xabashida iyadoo aanay Soomaali ogeyn, ogolayn (1897-1954).
d) Taladii iyo
go'aanadii cilmi-baarista ku salaysna ee ay gaareen Guumeysta yaasha reer Yurub
(1950-1960) ee ahayd in laga celiyo Soomaali inay xorowdo, haddii Gobanimo
gaartana lkaga celiyo inay ka baxaan colonial Partition-ka, sidaas awgeedna loo
qaybiyo qabaa'il... (arag Omar Osmaan Rabeh: Republique
de Djibouti ou roue de secours d'...Ethiopie, Silex, Paris, 1985. L'Etat et le
Pansomalisme, Editions le Derwish, Paris, 1987, etc.)
d)Ku-salayntii
qabiil ee Xukunka Trusteeship-ku markuu dhammaaday (1958). Taladaasoo ay
diidanaayeen waddaniyiintii SYL oo uu ka mid ahaa Cabdirazaaq Xaji Xuseen, PMkii
hore ee Soomaaliya.
S 5 – Soomaali
badan oo “Somaliland” ah ayaa sheegta in dhibaato ka soo gaartay xukunkii M. S.
Bare; waxay qabaan in la laayey, xukunka dalkana aan laga qaybgelin, arintaasi
ma la qabtaa?
J 5.: Waa arrin
qotadheer oon runta laga wada sheegayn sababna u ahaayeen qaladda ka soo jeeda
a)siyaasaddii
guumeysiga ee ahayd qaybin qabiil, iska horkeen ummadda Soomaaliyeed.
b)Qaladdadii
Xukunkii MSB (Maxamad Siyaad Barre).
c)
Ka-faa'iideysigii uu ka faa'iideystey Cadawgii Xabashidu.
Waana wax u
baahan badhis iyo waqti si xaqiiqada loo ogaado...
S 6 – Maadaama dad badani xumaan ka sheegtaan M S Bare, adiga ra’yigaagu muxuu
yahay madaxweynihii ugu danbeeyey ee Soomaali wadajirta? Maxayse ahayd xumaan
mise wanaag tuuridiisu?
J 6 – Wax la
dhahaaba, waqtigu wuxuu muujiyey in MSB uu ka fiicnaa Kuwii ridey ee ka
dambeeyey; kuwaasoo baday Soomaali dil, silic iyo dulli aanay weligeed horey u
arag... Wax xal ahna haba yaraadee keeni waayey balse dalkii oo dhan,
indhala'aan iyo aqlila'aan cadowga gacanta u geliyey, ummaddi lagu xasuqay,
Dowladnimadii halis u tahay inay ku lunto dadkuna ku dabargo'o...
Somali Galbeed way ka soo Go’i’ doonta Kakabka
“Itoobiya”
S 7 – Ma
dhamaystirnayn xornimadii Soomaaliyeed (1960) iyadoo Soomaali Galbeed ay haysto
Abisiiniya, muhiimad intee le’eg ayey dowladii Soomaaliyeed siiyay xoreynta
Soomaali Galbeed (1960 – 1977)?
J 7 - Arrintaasi waa ta keentay in nabad xaq ihi ay ka dhici weydo Geeska
Afrika. Halkagankii xorriyaddoonka iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeedna waa
sababta keentay in Dowladdii Soomaaliyeed ugu dambeyn ku burburto markii iyo ku
guuleysetay (1977) ay reer Bari Sofetiga iyo reer Galbeed isugu tegeen ee
annagoo Xabashi jebinay Guushii si "artificial" iyo dulun ah la nooga
gundhiyey...
S 8 – Awood aan
la qiyaasi Karin ayey Soomaalidu 1977 isugu geysay xorayntii Soomaali Galbeed,
inkastoo ciidamadii Soomaaliyeed ku dhowaadeen Finfinne magaalo madaxdii hore ee
Oromada ee Amxaarku ugu wanqalay Adis Ababe, haddana Soomaalidu dagaalkii kuma
guulaysan ka dib markii Soofetigu u hiiliyey Abisiiniya, Maraykankuna caawimaad
diiday Soomaalida, dhibaato intee le’eg ayay arintaasi Soomaalida ku abuurtay?
J 8 – Waan ka
adkaanay Abisiiniaya laakiin, guushii aan dhibka badan u soo marnay ayaa cadow
naga xoog weyne si gardaro ah nooga qaaday, ka dib Xabashi la siiyey. Waa
runtaa waan ku dhowaanay Finfinne weligayana waan jebin jiray, runta iyo xaquna
wuu soo bixi, iyagana dib ayaanu ugu celin doonaa buurihii ah ka yimaadeen.
Arinta dhib badan ayey Soomaalida ku reebtay waase laga bixi insha Allaah.
Qaybtii labaad: waraysiga madaxweyne ku xigeenka ururka World
Somali congress:
Sina u ogolaanmayno burburka qorshaysan ee Soomaaliya. ..
Magaalkii hore ee Nabadda iyo Midnimada Somaaliya (kor ka akhri)…
Waxaan hore idiinku sheegnay u jeedooyinka iyo ahdaafta ururka, haddana waatan
qaybtii labaad ee waragsiga uu qaaday Dr. Moxamad Shamsuddin Megalamatis.
S 9 – May 1991 “Somaliland” waxay ku dhawaaqday xornimo;
madaxda sare ee “Somaliland” muxuu yahay xidhiidhka ay la lahaayeen Amxaarkii
Dhagarqabiihi Shuuciga ahaa ee Misgistu? Haddase muxuu yahay cilaaqaadka
madaxdaasi la leeyihiin dowladda beenta ah ee keligi taliye Melis?
J 9 – Siyaasad xumadii laga dhaxlay Guumeysiga iyo qaladdadii
faraha badnaa ee Soomaali dhexdeeda ahayd (Dowladnimo horteed iyo dabadeed)
cadhadii, fahamdarradii taariikheed ee geeska ayaa qabaa'ilka Soomaaliyeed u
geeyey, gacantana u geliyey cadowga Xabashida oo markaas dib ugu isticmaalay
Dalkoodii-Hooyo iyo burburinta Dowladdii Soomaaliyeed. Taasoo ilaa maanta
qabaa'ilkii "hostage" u yihiin... Ujeeddada Xabashida, oo Qarbigu ku
taageerayaana ay tahay in Xabashidu qabsato Soomaaliya iyo duulimaadka iyo
occupation-ka loo sheegayo sabababo la og yahay inay been yihiin (US-Ethiopia
alliance). Laakiin ugu dambeyn Itoobiya waa tii arrinkaas iyadu ku burburta...
S 10 – Intee in le’eg ayuu keligii-taliska “Somaliland” ka metali karaa
rabitaanka go’i’da ama rabitaanka Soomaalida inteeda badan ee ku hoos nool?
J 10 - Waa afduub ee Dadweynaha Soomaaliyeed ee Woqooyi ma
ogola kala-go'a Soomaaliyeed. Maalinba maalinta ka dambeysana way arka yaan in
loogu yaboohay indhasarcaad aanay waxba ka jirin oo lagu sirayo, danaystayaal
iyo dhuuniqaatayaalna ay ku gabraaranayaan iyagoon dan ka lahay dad, sharaf iyo
mustaqbal midna... Madax-ku-sheegu waxay maqaarsaar u yihiin Melis.
S 11 – Ma jiran “Somaliland” dhexdeeda dad lagu cadaadiyo jinsiyaddooda,
lahjaddooda, diintooda ama qoladooda?
J 11 – Maya, Soomaalidu waa 100% muslimiin, Shafici waxayna
ku hadlaan hal luqo oo lahjado badan leh.
S 12 – Fikrad noocee ah ayaad ka qabtaa axsaabta, xisbiga kulmiye iyo xisbiga
nabada iyo midnimada ee Waqooyiga Soomaaliy?
J 12 - Way fiican yihiin. Xalkana gacanbay ka gaysan karaan.
Hase yeeshe Meles iyo Rayaale ma ogola waxanay rabaan inay burburiyaan iyagoo ka
cabsiqaba doorashooyinka soo socda in Dadweynaha Somaliland ay aqlibiyad weyni
iyaga raacaan. Waxa Rayaale iyo Xabashidu ku tashadeen, go'aanna ku gaareen in
lagaga takhaluso. Sidaas awgeed waxa loo baahan yahay inay digtoonaadaan,
Dadweynaha wargeliyaan oo ay kiciyaan, waxaanay istaahilaan taageero Somaliland
gudaheeda, Dadweynaha Soomaaliyeed iyo International Community intaba.
S 13 – Maxay tahay ubucda dhibaatada Soomaaliyeed?
J 13 – Hadda waxay diiraddu saaran tahay qabsashada xulafada
ciidamada Maraykan iyo Abisiiniya ee wadanka Soomaaliya.(US-Ethiopian
occupation): Dhibaatadu way tahay kala qaybinta ummadda, abuurida dagaal
sokeeyee, gaajo ku dilidda dad badan oon waxba galabsan, xasuuqa macna la’aanta
ah, kufsiga joogtada ah, danbi nooc walba leh oo aan xad lahayn arimahaasi ayaa
hadda ugu weyn.
S 14 – Dadweynaha adduunka oo dhan waxaa laga dhaadhiciyey in Soomaalidu tahay
wadan aan jirin (Failed state), adiga Soomaali ahaan arintaasi sax ma kula
tahay? Soomaaliduse ma iyaga keliyaa u sabab ah in Soomaaliya 16 sano degi weydo
mise shisheeyana waa ku lug leeyahay?
J 14 - Maha oo qudha propagandahaasi inuu been yahay. Balse:
b) Waxa loo duurgalay sidii qaabkii dowladnimo ee
Soomaaliyeed loo dumin laha.
t) sidii looga celin lahaa in Soomaali ay soo ceshato oo ay
la soo noqoto dibna ugu dhisato habkii dowladnimo ee lagu sugi laha "law and
order" isafgarasha , midnimo iyo dib-u-heshiinna ay ka dhalan lahaayeen.
j) Qalaalse ula kac ah oo gumeysi dambeeyo si Soomaali looga
ilaasho in ay nolol caadi ah ku noolaato, loona kala ilaaliyo si aan Soomaali
isu fahmin, in laga mashquuliyo in ay ka tashato aayeeda sii ay u hirgeliyaan
dib-u-heshiinsiin dhab ah.
x) Waxa la aloosay propagando lagu fidinayo waxaan jirin
("argagixiso" "Al-qaai'da", nabadgelyo darro Geeska Afrika oo Soomaali ugu wacan
tahay iwm) oo lagu xalaalaysanayo soo faragelin, qas iyo qabsashada Dalka
Soomaaliyeed.
kh) In shirar-beenaad "dib-u-heshisiin" ah la iska dhigo in
Soomaali loo qabanayo isla markaana laga shaqeeyo (Qarbi, US, Ethiopia iyo
Keniya) sidii loo fashilin, u dhicisoobi lahaayeen, markaasna dusha loo saaro
Soomaalida!...
d) Qorshayaal la soo dhisay oo been ah looguna talo galay
fashil, dicaayado been, oo la rabo in lagu abuuro rajo-beel iyo in aan dib
laysugu imaan Karin.
r) Tarjumo been ah oo laga sameeyo xaqiiqada iyadoo la
buun-buuniyo in Soomaali heshiin weyday, iyadoo aan markii hore loogu talo gelin
in ay heshiiso, ka dib godobta iyada dusha loo saaro.
s) In shirkii qudhaha ee dhabta ahaa ee xaqa ahaa ee Soomaali
ay ku heshiisey iyadoon la soo faragelin, dowladna ku dhisatey, la aqoonsan
waayey, oo laga horyimid (EU, US, UN, Ethiopia, Keniya...) sidaasna waxba uga
suurtageli waayeen ( Shirkii Jabuuti ee 2000)
S 15 – Dad badan oo adduunka ah waxay aamisan yihiin in Soomaaliya noqotay wadan
muslimiin xagjir ah, sidee ku qiimayn lahayd arintaani?
J 15 – Saxaafadaha reer Galbeed ayaa waxaasi faafiya si ay
ugu qariyaan qorshayaashooda. Soomaalidu 100% waa muslim, waxay jecel yihiin in
ay u noolaadaan sidii awoowayaashood u noolaayeen. Weligood laguma aqoon
xagjirnimo, dad cawaan ah ayaa dhinac walba ka xigay, haddii aan taasi been
ahayna maanta gobolka kuma noolaadeen dad aan muslimiin ahayn.
S 16 – Xaqiiqa ahaan, way jiraan xoogaa Soomaali ah oo islaamino u taagan,
laakin maanta way yar yihiin oo way kala firdhadeen gacan weyna kuma laha
xoreynta Soamaaliya. Marka xagee jiraan? Ma ku yar yihiin xagjiradu Koofurta
Soomaaliya? Mise waxaa laga helaa “Puntland” iyo “Soomaaliland”?
J 17 - Soomaalidu waa dad muslimiin ah.
Dulunkana way u adkeysan waayeen. Qarbigu waddaniyiinta
Soomaaliyeed oo dhan, waranle iyo wadaad, wuxu ku sheegay "extemists" ama
"argagixiso" si loo abuurto sabab lagu weeraro, Ummadda Soomaaliyeedna lagu
duudsiiyo. Nasiibdarradu waxa weeye in taas la marsiiyey ra'yilcaamkii adduunka
(powerful western media) oo beentaas maalin walba u fidiya si joogta, run ka
dhiga "version"-ka Xabashida, isla markaasna marooriya amase dabool culus saaray
aragtida Ummadda Soomaaliyeed iyo inta u hadasha. Waxase nasiibdarra ah in
Soomaalidu arrintaas been-abuurka ah aanay siinin, weligeed, qimaha ay leedahay
iyo dhibaatada culus ee ay noo geysatey. Hase yeeshe Ummadda Soomaaliyeed waxay
aaminsan tahay in mu'aamaraduhu fashili doonaan, runtu soo bixi doonto, lana
arki doono, run ahaan, Ummadda Soomaaliyeed ee dambi iyo ceeb oo dhan dusha loo
saaray, ay gibilka iska rogi doonto, waxay tahay la ogaan doono.
S 17 – Ma jiraan Soomaali siyaasadood u janjeedho xaga reer Galbeedka?
J 17 Haa waa jireen, laakiin waa sii yaraanayaan. Cadaawadda
Qarbiga awgeed...
S 18 – Awood intee le’eg ayey leeyihiin waxgaradka Soomaaliyeed? Tiradooda iyo
qaybta ay ku leeyihiin go’aanada siyaasadeed? Ma sheegi kartaa xarumaha ay ku
badan yihiin?
J 18 - Waxaa loo baahanyahay in la darso si aan jawaab qeexan
uga bixiyo. Waxgaradka Soomaaliyeed wuxuu ku badan yahay magaalooyinkan:
London, Igiriiska, Menneapolis, Maraykanka, iyo Toronto, Kanada.
S 19 – Ilaa xad intee le’eg ayaad ku qanacsan tahay
siyaasadda arimaha dibada Maraykanka ee ku wajahan Soomaaliya?
J 19 - Sida ay imminka tahay, siyaasadda Maraykanku qiima iyo
qadarin midna ma leh. Siyaasada maaha, waa "bricolage" indhala'...Si aan macquul
ahayn ayuu ugu dhacay, sidee ugu faraxsanaan kartaa markaad aragtid wadan weyn
oo sida Maraykanka oo siyasadisa dibadu ay la mid tahay dhaqanka dibad-joogta u
dhaqmaya. “wildcats”
S 20 – Ilaa xad intee le’eg ayaad ku qanacsan tahay wadamadaan yurubta
Ingiriiska iyo Talyaaniga ah siyaasadood ku aadan Soomaaliya?
J 20 – Yurubtu guud ahaan waxaad moodaa in siyaasadoodu ka
qaangaarsan tahay tan Maraykanka, Laakiin wadamadaad magacowday waa sug oo arag
ama maahmaahdii Faransiiska ee ahay aamusku waa ogolaansho, inkastoo ay xadiisna
tahay.
S 21 – Ilaa intee ayaad ku raali tahay siyaasadda wadamada Afrikaanka ah iyo
danahoda ee ku aadan Soomaaliya sida Koonfur Afrika, Sudan, Masar, Marooko,
Nayjiiriya, iyo gaar ahaan Eriteriya?
J 21 - Ilaa imminka, AU waxa maamulanayaey Abisiiniya,
waxaanay isgarabtaagtay IGAD oo ah qalab iyo gaashaan ay ku gabraarato
Abisiiniya, siyasaddeedii soo jireenka ahaydna ay ku fushato (qabsashada
Soomaaliya, oo hiil iyo hooba ay uga heshay Dowlada Qarbiga). Hase yeeshee
Dowladaha Afrika waxay bilaabeen inay arkaan ujeeddada dahsoon ee Abisiiniya ay
Soomaaliya ka leedahay iyo inay u adeegayso dana ajnabi oo Afrika ku liddi ah.
Sidaas awgeedna waxay bilaabeen inay ka fogaadaan muuqifyadeeda iyo
siyasaddeeda... Xaqiiqa ahaan waxaan aad ugu mahadcelinaynaa dowladda Eriteriya
oo na dhinac istaagtay waqti arintu aaney sahlanayn, waana xusuusan doonaa.
S 22 – Ilaa xadkee ayaad ku qanacsan tahay wadamada afcarabiga ku hadla
siyaasadooda ku wajahan Soomaaliya?
J.: Aadbay Soomaali uga xumaatay taageera la'aanta
Carbeed...Waxaan rabaa in aan xusuusiyo siyaasad-yahanada Carbeed in aan
Soomaaliya ayna ka aamusu lahayn hadii qaddiyad carbeed khatar ku jirto.
La soco qaybta saddexaad ee waraysiga Cabdullaahi
Haddaad rabtid
waraysga oo Ingiriis ah riix
http://www.somalicongress.org/article1306.html
Tarjumadii
Bashir Salah
bashiris@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 10, 2007
|