SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Biyo Zenawi Baa Nala Cabsiiyey (We Were Baptized Zenawi) 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Masiixiyiinta dhexdeeda waxaad ka maqleysaa kuwo loogu biyo shubay nabi Ciise (CS) ama hooyadii (RC) ama kaniisadaha ay kala heystaan sida katooligga oo kale. Laakiin inta la ogyahay  taariikhda Soomaailada ma jiro niman ka horreeyey dhabolifyada Tigreega oo nin u dhashay Itoobiya ku biyo shubtay! 

Soow diintu ma oran qoomkii Ilaahay halaagayo waxaa hormuud looga dhigaa kuwa inkaar qaba? Yaa garanaya cid Soomaaliya uga dhib badan Zenawi iyo dabodhilifyadiisa? Maxaa Mbagathi kaddib qof kasta oo madaxweyne ama wasiir koowaad ama madaxeyne barlamaan sheegtaa ugu ordaa Addis Ababa xitaa iyadoon mararka qaarkood la dhaarin xubnaha wasiirrada? Anigu waxaan aaminsanahay inay kasoo barakeystaan oo la soo cabsiiyo biyo Zenawi ku akhriyey wuxuu aaminsanyahay. Sheydaanka iyo gaaladu cid aan addeecin oo ka dambeyn waxba uma dhiibtaan. Waxaa la sheegaa in sheydaanku uusan qofka sixirka barin ilaa uu galo dambiyo xad dhaaf ah sida iyagoo Kitaabka Qur’aanka ah najaaseeya ama kaadi cabba ama saxaro cuna. Sidoo kale, Zenawi waxba uma dhiibto qof uusan inta biyo dhex gesho ku oran la dagaal diinta Islaamka iyo dadkeeda. Saasoo kale ayaa nimanka Soomaaliya horbooda ugu ordayaan Addis Ababa si ay usoo galaan khiyaamo ay kula dagaalaan diinta dadkeeda. 

Xafladda dadka kiristaanka ahi u yaqaannaan “baptism” oo ah in qofka dhibco biyo ah lagu daadsho ama la dhexgesho kaddibna lagu soo dhoweeyo kaniisadda uu markaas ku biirayo. Inta badan carruurtaa u badan laakiin waxaa jira kaniisad ku doodda in dadka waaweynna lagu sameeyo arrintaas oo laga daayo carruurta. Xafladdaas kaddib ayuu Zenawi inta caqliga ka xado ku dhahaa haddii dagaalooge laguu yaqaan waxaad tahay maanta laga bilaabo nabaddoon caadil ah oo dadka Soomaaliyeed ku hogaaminaya kheyr aakhiro iyo mid adduun. Haddaad dhaqtar xoolaad tahay waxaad noqoneysaa midka dadka Soomaaliyeed ee intaas oo sano cudurrada iyo jahliga ku jiray kana dabiib dhaawaca iyo boogaha oo horumar u horkac. Haddaad booliis iyo Bisha Cas u soo shaqeyn jirtay waxaad noqoneysaa Jaajuus iyo mid u shaqeynaya Laanqeyrta Cas. Wax walba waxay noqonayaan cagsigooda. 

Madaxweynaha Eretereeya laftiisu wuxuu sheegtay in qofka Soomaaliga ah ee ka soo taga Zenawi oo isaga ku soo biira noqonayo wuxuu ku sifoobey cagsigeeda. Hadduu shalay Itoobiya wax ka soo geshay Soomaaliya, kaddibna uu Asmara tago wuxuu noqonayaa qof u taagan inuu Soomaaliya wax ka xoreeyo. Ka warran sheekhii inta Asmara taga ka raadgata jihaadka ama goobjoog ka noqda meel xukunka Ilaahay iyo qeyrkiis cod loogu qaadayo? Shaki maleh inuu isna caksigii aadayo. Dhul gaalo ma la joogi karaa iyo lama joogi karo wax nagu cusub maaha. Marka xukunka Ilaahay qofkii diida meel kasta ha joogee waa qabaneysaa. 

Ma garan waxa Nuur-cadde isagoo da’daas jooga oon gaajo heyn u rabo inuu khaatumadiisa ku khatimo isagoo u shaqeynaya cadowga koowaad ee Soomaaliya. Hadduu talo maqlayo waxaa u fiican in sida horay loo sheegay uu is casilo. Ha fiirsho saaxiibkiis Geeddi iyo sida Soomaalidu u arkaan. Ma filayo qof Soomaaliyeed oo miyir qaba oo jeclaan lahaa iney ku dhacdo wixii Geeddi ku dhacay xitaa haddii uu qofkaasi faqri yahay. Marka sidii gabyaa C/Qaadir Xirsi Yamyam Allaha u naxariistee uu gabay jacbur ah ku lahaa mar madaxweyne Maxamed Siyaad qabsaday Baydhabo si uu Xamar dib ugu noqdo: 

  • hadday gaajo heysoo ka baqay dibab inuu aado
  • inta land cruiser uu heysto baa ku filan oo uu iibsado e
  • kursigiisii Yaaqshid bey niman u qaateenne
  • gambar iyo ma dirin buu sitaa meeshu waa ebere

Marka Nuur wuxuu Booliiskii iyo Bisha Cas ka soo shaqshaqday baa ka badane muxuu ku falayaa in isagoo cimrigaas jira uu noqdo dameerkii Muuna ee Zenawi? Kiradii Zenawi siiyey dameerkii ka horreeyey ha fiirsho. Marka xabsi ka buuxsho dadkii muslimiinta ah ee ka badbaaday gumaadka Tigreega. 

La yaab ma leh nimankaas jago-doonka ah ee dadkii Soomaaliyeed maxaa helay? Maxaa nimankaas lagu taageeraa? Kase warran midka qabiilka uga soo horjeedda ee aan qaddiyad kale uga dambeyn? 

Qofkii Addis Ababa ka biyo diida maaha inuu u cararo Asmara ee waa ineynu u noqonnaa diinta Islaamka. Waa innaga nala mooddo ineynu leennahay diinta Islaamka la iskuma xukumikaro waqtigaane ilaa 1960-kii beynu wax meelo kale laga keenay ku dhaqmeynee maxeynu heynaa? Soow sidii Ilaah u yiri ma noqon oo ah dadkii iyagoo muslim sheeganaya diida xukunka Ilaah inuu aakhiro iyo adduunba hoogayo? Gaaladuna waa ku jirtaa laakiin waxaa dhicikarta gaaladu iney adduunka iska ceyshto inkastoo ciriiriga galbigu uu ka weynahay kan gaajada iyo cudurrada. Waa arrintaas darteed waxa dadka muslimiinta ahi u yihiin kuwo ugu liita adduunka. Waa doqon ninkii la kala safta labada nin e kala xukuma Itoobiya iyo Eritereeya. 

Sidaan horay u iri qofka biyaha Zenawi soo cabba wuxuu qaataa arrin cagsi ku ah waxa Soomaalida badankeedu aaminsanyihiin. Horay baa hal-abuur u lahaa: 

  • seddexdii maqnaanna waa soo socdaanne (Jabuuti, NFD iyo Soomaali Galbeed)
  • nin lagu seexdoow ha seexan

Geeddi wuxuu yiri shuqul kuma lihin NFD iyo Soomaali Galbeed xitaa haddii Somaliland go’dana dan kama lihi! Sidoo kale meesha Soomaalidu u arkeysay in xoogga dalku waardiye ugu taagnaadaan difaaca dalka ayaa dabo-dhilifyada Tigreegu waxay leeyihiin aan seexanno waxaa geyiga ilaalinaya saaxibadeen Tigree! Marka qof kasta oo raba inuu la shaqeeyo “dowladdaas” ha isu diyaariyo biyaha Zenawi inuu cabbo. Markaasna aad aakhiro iyo adduunba hoogto. Marka Zenawi iyo kuwa uu biyaha siisay waxay na gaarsiiyeen in labadii isku sidkanaaa sii kala socdaan (Koonfur iyo Waqooyi). Labada “guul” ee ugu weyn ee dowladdii C/hi & Geeddi gaartay waa Tigree oo Xamar qabsaday iyo Riyaale oo Laascaano qabsaday! Taageerayaasha korneylku waa u damaashaadeen qabsashada Xamar laakiin waa ka ooyeen tan Laascaano weliba iyadoo Riyaale Soomaali yahay. Marka biyaha Zenawi kii cabba iyo kan taageeraba waxa cadowga koowaad u ah qofka Soomaaligaa. Kan madaxweynaha Eriteriya taageera ama kii kaas sii taageera waxaa iyagana cadow koowaad u ah qofka Soomaaliga ah. 

Qofka inta biyo Zenawi soo cabba raba inuu wasiirradiisa ku dhaarsho Kitaabka Qur’aanka ah wuxuu ka dhiganyahay qof inta khamri iyo hilib doofaar la soo baxay intaas oo jeer Bisinka u qabta oo markuu ka dhergo yiraahda ALXAMADULILLAAHI. Waa kalmado fiican laakiin maaha meel munaasib u ah. 

Biyaha Zenawi ka hor iyo kaddib waxaa socda Qaddarta Ilaahay. Wataas oo wax ukala soconwaayeen dhabo-dhilifyada waana arrin noogu filan cibroqaadasho. Marka diin-nacayb darajo lagu gaari waa. Waxaan kula talinlahaa xildhibaanno-ku-sheegga Baydhabo jooga in intey mar is dhugtaan ay dhahaan maanta, dabadeedna ay iscasilaan. Ilaaheyna ha u toobad keeneen. War nimanku miyeysan u jeedin intey jiraan? Goormey darajo iyo duunyo jaceylku idinka gaboobin? 

Soomaalidu waxay dib ugu noqotay meel ka hooseysa meeshii ay joogtay 1991. Ilaah oo na badbaadsha maahee waxaan ku soconnaa meel xun. Marka biyihii Zenawi meel lagu gaariwaa. Ma la gaaray waqtigii aan u noqon laheyn xalkii ay Ilaah iyo Rasuulkiisu noo sheegeen? Waxaan idiin xaqiijinayaa haddaan toobad keenno oon dariiqii saxda ahaa ku noqonno in hal habeyn isbedel fiican dhacayo Ilaahay idinki. 

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Nin Xildoon Ahi Waddan Ma Xoreeyo: Waa maxay xil?... Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 09, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com