Hamigii dowladnimo waa lagu hungoobey
Hordhac
Kulankii C/Laahi Yuusuf iyo C/risaq M Xuseen (Qoraaga maqaalkan)
Dadka soomaaliyeed intooda badani waa isku raacsan yihiin in dal aanu
shaqeyn karin dowlad laàan. Marar badana dadku waxaa ay yiraahdaan
”dowlad xumi dowlad laàan ayey dhaantaa” Hadalkaasi waxaa uu markhaanti
u yahay sida dadka soomaaliyeed ay dowlad ugu hamuun qabaan. Haddaba
kolkii muddo dheer la fadhiyey dalka Kenya waxaa lasoo yagleelay dowlada
iyo baarlamaan ku dhisan qaab qabiil. Dadka soomaalida ah oo aad uga
daaley dowlada laàan iyo jahwareer waxaa ay soo dhoweeyeen dowladaas
qaabkaas loo dhisay. Markastana waa muuqatey in wax qabiil saldhig looga
dhigay aanu guul badan keeneynin. Haddii taasi dhici karto rasuulkeenii
suubanaa lama dagaalameen qabiilka iyo qaabka loo isticmaalo. Si kastaba
ha ahaatee dowladii soomaaliya loo soo dhisay waxaa ay soo gashay gudaha
dalka. Intaas waxii ka dameeyey cid waliba waa la socotaa oo ka
hadalkeeda wakhti ku dhumin maayo.
Maxaa qaldamay?
Waa ay dhacdaa in dowladi hadii ay tabar weydo kaashato dowlado kale.
Iskaashigaasi waxaa uu noqon karaa mid dhaqaale, ama mid ciidan. Balse
waa in kaalmadaas aaney noqon mid xadgudub ku ah dadka iyo dalka loo
kaalmeynaayo. Waa inuu jiro heshiis aduunka laga ogyahay oo ka dhexeeya
dowlada loo kaalmeynaayo iyo tan wax u gargaareysa. Waa iney jiraan
nidaam iyo qawaaniin la isku raacsan yahay. Arinkaasina waxaa uu ku
xiran yahay kartida iyo wadaninimada dadka kolkaas wadanka xukunkiisa
haya. Waa in madaxda iyo baarlamaankuba yihiin kuwo ay ku jirto
wadninimo iyo karti.
Haddaba masiibada soomaaliya ku habsatey waa mid salka ku haysa
qaabka hogaaminta. Waxaana dalkii oo dhan soo wajahey fowdo xagga
maamulka ah. (leadership crisis). Fowdada noocaas ahna waa adag tahay in
si sahal ah looga baxaa. Meel kasta ee soomaaliya ka mid ah waxaad ku
arkeysaa dad xukun doon ah hadaana aan ku qalmin xukunka ay doonayaan.
Tusaale ahaan dadkii isugu tegey kenya ee dowlada soomaaliya soo dhisay
waxaa ay doorteen baarlamaan qabqable dagaal iyo calooshii u shaqeyste
uu ka buuxo. Baarlamaanka noocaas ahina waxaa uu doortay c/lahi yusuf oo
taariikhdiisa, dhaqankiisa iyo waxqabadkiisaba lawada ogsoon yahay. Waa
tii soomaalidu horay u tiri ” Hal xaaraan ahi, nirig xalaal ah ma
dhasho”
Sidaas darteed marna lagama filaneynin baarlamaan qabqable ka buuxo
inuu doorto qof karti leh. C/lahi yusufna waxaa uu keensaday Geedigii la
casiley. Bal dib u eeg maahmaahda aan kor ku xusay. Ka dibna waxaa la
dhisay qaybihii kala duwanaa ee dowlada. Waa shey iska caadi ah in qof
kasta oo baniàadam ahi uu doonto qof kale oo ay isku nooc yihiin,
dhinaca dhaqanka, diinta, fekerka, aragtida iwm. C/lahi yusuf waxaa uu
dowlada iyo haàadka dowlada ka soo buuxiyey dad isaga dhinac walba kala
mid ah. Dadkaas waxaa laga dhaariyey iney yeshaan feker iyaga u gaar ah.
Shuruudaha ugu muhiimsan ee qofka lagu qaataana waa inaad tahay ”yes
man” ama qof wax walba laqa.
Geedigii la eryeyna waxaa uu isna dowlada kasoo buuxiyey dad leh
shuruudaha aan kor ku soo sheegnay. C/lahi yusuf ayaan kula kulmay
magaalada Stockholm e dalka iswiidhan. Waxyaalaha aan aad ula yaabay
waxaa ka mid ahaa nimanka uu howlwadeenada u doortay oo ay ka maqnayd
wax kasta oo dowladnimo lagu sheegi karo. Waxaa ay ahaayeen niman isdhex
yaacaaya, qaabka wax loo haggo ama loo maamulaana ay aad uga qaldanayd.
Waxyaalaha iigu yaabka badnaa waxaa ay ahayd kolkii aan nin
howlwadeenada ka mid ah weydiiyey suàashaan: ” ma u yeerteen jaraaìdka
dalka iyo kuwa caalamiga ahba si ay wax uga qoraan imaatinkiina iyo
howlihiina Sweden?”
Kolkaas ayuu ninkii iigu jawaabey sidatan: ”Waanu u yeeranay kuwii
aanu u baahneyn waana kuwaas duubaaya dhacdooyinka” Su aal dame kuma
aanan celin,balse waxaa aan eegay warbaahinta uu sheegayaa kuwa ay
yihiin. waxaa aan raadiyey calaamadaha lagu yaqaan warbaahinta waaweyn
ee iswiidhan sida raadyaha iyo teleefishanka dalka. Ma aaanan helin
kuwaas balse waxaa ii muuqday tv-yada yar yar ee ay soomaalidu daawadaan
oo dhacdada duubaaya. Waa taleefishano yar yar oo xaafadaha soomaalida
uun laga daawan karo kuwaas oo ku hadla afka soomaaliga. Marka
howlwadeenka madaxweynuhu kuwa uu ii sheegaayey waa kuwaas. Tayo xumada
howlwadeenada madaxweynaha iyo wasiirka kowaad waxaa lagu arki karaa
meel walba. Bal waxaad baaritaan ku sameysaa dadka ay usoo magacaabeen
safiirada dibada, iyo wakiilada dibada u jooga. Dhamaantood waxaa lagu
keenay laba shuruudood. 1. Iney qaraabo hoose yihiin madaxweynaha ama
wasiirka kowaad ama mid akle oo iyaga saaxiib la ah. 2. Inuu yahay qofka
lasoo magacaabay qof aan wax fikir ah oo isaga u gaar ah aanu la hayn.
waa qof iska makarfoon ah oo hadalka la sii mariyo.
Haddaba hamigii dowladnimo waa lagu hungoobey, qof kasta oo ka rajo
qabey in soomaaliya dowlad shaqeysa yeelatona candhuuf buu dib u laqey.
Dadka maanta soomaaliya horboodayana ma aha kuwii dalka samata bixin la
ahaa.
Caddeyn waxaa kuugu filan dhibta xamar ka taagan. Caruurta qaxay ee
daadka iyo kaneecadu laysay? Waayeelka guryahoodii ka qaxay oo ku
dhintay jidka, madaafiicda maalin iyo habeen lala dhacaayo masaakiinta,
dhalinta soomaaliyeed ee kolkii caddowgu qabto lawada gowracaayo.
Nin damiir lihii waa waxuu ka dhiidhiyaa. Qolooyinka wax iska
caabintu waa iney qaabkooda wax ka bedelaan. Una dhismaan qaab qarameed,
oo dadku ku kalsoonaan karo. Shakise kuma jiro dowlada maanta jirta
hogaankeeda iyo baarlamaankeeduba ma aha kuwo badbaadin kara soomaaliya.
Hamigii dowladnimo waa lagu hungoobey.
Mahadsanidin
C/risaq M Xuseen, Eskilstuna, Sweden
Master degree in economics
Email:
habdirisak@hotmail.com
Suuqyada
lacagaha iyo siyaabaha ay u shaqeeyaan.. Suuqa badeecadaha