Office Telephone: 252 2 517269/ 252 24112633/252 2
4409125/25224481219
E-mail:
shuro4rights@gmail.com
Hargeisa, Somaliland
Ref/SHURO-Net/ 0409 /07 Date: 22/11/07
Ujeedo: War bixin
Cabudhinta Saxaafada Madaxabanaan iyo Inqilaabkii SHURO-Net
Isku-xidhka Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland ee SHURO-NET oo ay ku
bahoobeen ururada rayidka ah ee ka shaqeeya horumarinta iyo ilaalinta
xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga dalka Somaliland, ururadaasi oo ka
kala hawl gala dhamaan gobolada dalka,ayaa waxay aad uga xunyihiin hawl
galkii ay booliska somaliland kula wareegeen xarunta isku-xihdka ururada
xuquuqda aadamiga Somaliland bishan horaanteedii,taasoo si cad u
baaalmarsan destoorka dalka iyo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda
aadamiga.
1/11/2007 abaaro
10:00 a.m ayay ciidanka booliska Somaliland oo horkacaayo Taliye ku
Xigeenka Ciidanka Bilayska Somaliland, Maxamed Shiil Dhidar la wareegeen
mafaatiixda xarunta isku-xidhka ururada xuquuqda aadamiga
Somalialnd.Taliye ku xigeenak bilayska Somaliland ayaa u socday inuu
hogaanka shuro-net ku wareejiyo guddi sheegatay in lagu soo doortay
kulan aan caadi ahayn oo kadhacay hudheelka ambaasadar bisha October
24keedii, laakiin waxaa Xarunta shuro-net waqtigaas ku sugnaa in kabadan
afartan urur oo kamida dalada shuro-net kuwaa soo si adag u cadeeyay
inaanay soo dooran guddidan balse ay taageersanyihiin hogaankii hore ee
shuro-net,islamarkaasina ay qabsanayaan doorashii hogaanka shuro-net bil
kadib sida uu dhigayo destoorka shuro-net, taasi waxay dareensiisay
taliye ku xigeenka bilayska Somaliland in ururada intooda badani ka soo
horjeedaan hogaankan cusub ee sheegtay in lasoo doortay.
Isku-xidhka heer
qaran ee ururada xuquuqda aadamiga Somaliland (SHURO-Net) waxay si
xoogan u cambaaraynayaan ficiladda laf jabka ku ah xuquuqda aadamaha iyo
xoriyadaha aasaasiga ee uu caadaystay Wasiir ku Xigeenka Wasaarada
Cadaaladu Yusuf CiiseTalaabo tan iyo markii uu xilka wasaarada cadaalada
uu qabtay.
Falalka ku tacadiga
xuquuqda aadamaha ee Wasiir ku xigeenka Wasarada Cadaaladu Yusuf
CiiseTalaabo uu caadaystay kii ugu dambeeyay waxa uu haleelay Garyaqaan
Mubarik Ibrahim Aar ahna Agaasimaha SHURO-Net, maaliniminaddii axadii 4
November 2007 , abaaro 10:00 subaxnimo
Koormeerayaasha xuquuqda aadamiga SHURO-Net oo baadhitaan qotodheer ku
sameeyay kiiska lagula wareegay xafiiska shuro-net ayaa waxay ogaadeen
in garyaqaan mubarik oo ku guda jira hawlihisii maalilmeed oo ku sugan
jaamacada hargeisa ay ciidan bilays ahi ugu yimadeen halkaasi kadibna ay
amar ku siiyeen inuu u raaco xafiiska shuro-net,si uu u wareejiyo xilkii
uu kahayay shuro-net.
Mudane aar oo xoog lagu soo kexeeyay, ayaa waxaa uu sooraacay ciidankii
bilaysa waxaanu yimi xarunta shuro-net isagoo halkaasi kula kulmay
wasiir ku xigeenka wasaarada cadaalada Yusuf CiiseTalaabo, Madax ka
tirsan ciidanka bilayska Somaliland, Garsoore ka socda maxkamada gobolka
iyo masuuliyin kale, intaa kabacdi waxaa uu ku wargaliyay wasiir ku
xigeenka wasaaradda cadaaladu inuu agaasimuhu ku wareejiyo hogaanka
shuro-net guddida cusub ee ay ka dambaysay samayntiisa xukuumadda
Somaliland, laakin agaasimuhu wuxuu u cadeeyay dhammaan masuuliyiintii
xukuumadda ee goobtaa joogtay inaan isaga xaq loogu lahayn xil
wareejin, laakin ay arintani u taalo ururada ku bahoobay shuro-net
kuwaa soo iyagu si cad u diidan hogaanka cusub oo ka kooban ashkhaas
hore looga cayriyay ka mid noqoshada shuro-net kadib markii xilkii loo
igmaday ay gudanwaayeen ayna ku kaceen dambiyo ka dhan ah destoorka
shuro-net iyo ururo aan iyagu xubinba ka ahaynba shuro-net .
Hanjabaad iyo Dood dheer ka bacdi ayaa agaasimaha shuro-ne wuxuu ku
warejiyay agabkii iyo alaabtii taalay shuro-net wasiir ku xugeenka
wasaarada cadaalada Yusuf CiiseTalaabo kazoo isaguna isla markiiba ku
wareejiyay guddidii cusbayd ee uu horkacaayay Maxamed Omar Wayab oo
madax ka ah wakaalada wararka ee Somaliland.
Sidoo kale garsoore Siciid ee la hawlgala Maxkamameda Gobolka ee
Hargeisa, garsoorahaas oo si toos ah uga amar qaata Xukuumadda
Somaliland, ahna garsoorihii ka garnaqaayay dacwadii lagu soo eedeeyay
masuuliyiintii urur siyaasadeedka qaran ayaa loo soo kaxaystay si uu
waranka u jaro hadii uu agaasimuhu diido xil wareejinta, arintan ayaa
yaab iyo fajiciso ku noqotay dhammaan shacbiwaynaha reer Somaliland iyo
cid kasta oo danaysa xuquuqda aadamiga.
Sida
ay xogogaalka u yihiin ururada xuquuqda aadamiga Somaliland ma'aha oo
kaliya inuu wasiir ku xigeenka wasaarada cadaaladu ku amray inuu xilka
uu wareejiyo mudane mubarik aar balse waxaanu ogaanay in xukuumaddu
markay ogaatay inaanay wadikarin hawlaha shuro-net hogaankii cusbaa ay
iyagu keenen, islamarkaana ay cadaatay in ay xukuumaddu ku fashilantay
faragalinta ururada xuquuqda aadamiga, taasoo sumcadii Somaliland wax
wayn u dhintay, ayaa waxay amar ku siiyeen mudane aar inuu ku soo noqdo
maamulka shuro-net,laakiin waxa uu u cadeeyay mudane aar inaanu dib ugu
soo laabanayn meel ay xukuumaddu haysato.
Baadhitaan ay sameeyeen kormeerayaasha xadgudubyada xuquuqda aadamiga
oo ka tirsan Isku-xidhka Xuquuqda Aadamiga Somaliland (shuro-net) ayaa
daboolka ka fayday in ay xukuumaddu u burburisay shuro-net iyadoo ay
shuro-net si cad uuga hadashay xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda
aadamiga oo si isdaba jooga uga dhacaayay somaliland sanadaii lasoo
dhaafay iyo shuro-net oo daaha ka fayday boqolaal qof oo ah rayid oo u
xidhan guddida nabadgalyada, dadkaasoo aan la horkeenin wax maxkamad ah
,intaa marka lagu daro shuro-net oo si adag u cambaaraysay xadhigii
sharcidarada ahaa ee lagula kacay madaxda urur siyaasadedka qaran oo
ilaa hadda ku jira xabsiga madheera
Dhinaca kale waxa Isku-xidhka Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxa ay aad
iyo aad uga walaacsan yihiin xakamayta aan sharciga ahayn iyo cabudhinta
saxaafada madaxa banaan taasi oy xukuumadda Somaliland ku kacayso si ay
uuga takhalusto cododka xorta ah ee ka soo yeedhaaya shacbiwaynha
Somaliland
Ujeedadda ugu weyn ee Isku-xidhka Xuquuqda Aadamiga Somaliland waa
horumarinta iyo ilaalinta dhamaan xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ee
ku cad dastuurka dalka iyo heshiisyadda caalamiga ah ee xuquuqda
aadamaha,anagoo tixraacayna muhimadaas waxaanu si adag u cambaaraynaynaa
xeerka cusub ee saxaafada kaasoo ay rabto xukuumaddu inay ku cabudhiso
saxaafada madaxabaan taasoo ah astaanta kaliya ee ka siinool hanaankii
dimuquraadiga ahaa ee ay ku hanaqaaday jamhuuriyada Somaliland.
Isku-xidhka ururada xuquuqda aadamiga Somaliland waxay aaminsanyihiin in
ay saxaafada madaxa banaani si weyn uuga soo qayb qaadatay horumarka
iyo kaladambaynta maanta ay ku faanayso xukuumada somaliland,waana isha
kaliya ee uu hada haysto shacbiweynaha reer somaliland ,taasoo ay kala
socdaan dhammaan waxqabadka xukuumadda iyo guud ahaanba horumarka
dalka,sidaa daraadeed ilaalinta xarriyadda saxafadu iyo horistaaga
waxkasta oo keeni kara in la cabudhiyo waa mid ay tahay inay u guntadaan
dhaammaan shacbiwaynaha reer Somaliland
Isku-xidhka ururada xuquuqda aadamiga Somaliand waxay u arkaan,xoogii
lagula wareegay xafiiskii komissionka doorashooyinka, xadhigii madaxdii
urur siyaasadeedka qaran,inqilaabkii foosha xumaa ee lagula kacay
hogaankii shuro-net iyo xeerkan saaxaafadda ey xukuumaddu wado mid
larabo in lagu soo afjaro xarriyaddaha aasaasiga ah ee uu dammaanad
qaaday destoorka Somaliland
Isku-xidhka Ururda Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxa uu
ugu baaqayaa xukuumada Somaliland in:
- xukuumada Somaliland baadhis ku samayso
sababta keenta in Boolisku si fudud ula wareego xaruntii shuro-net, isla
maraasina u hawlgasho sidii ay u dhamayn lahayd arinta shuro-net
- in ay cadaalada horkeento saraakiisha iyo
askarta geysta ama amartay faragalinta shuro-net
- Waa in ay joojiso xukuumaddu xadhiga
sharcidarrada ah ee ay kula kacayso dadka rayidka ah, una marto wixii
xadhiga sifo sharci ah.
- In xukuumaddu joojisa faragalinta ururada
xuquuqda aadamiga kana fogaato waxkasta oo wax udhimi kara sumcada
somaliland
- In xukuummaddu xoriyadoodii u soo celiso
madaxda urur siyaasadeedka qaran ,tixgalisana dhawaaqyada ka soo
yeedhaya shacbiwaynaha reer somalialnd
- In xukuummadu ixtiraamto xoriyadda saxaafadda
,kana dheerato cabudhinta saxaafada madaxa banaan
- In golayaasha qaranka Somaliland ganafka ku
dhuftaan xeerka cusub ee cabudhinaaya saxaafada madaxa banaan
- Waxay ugaysiinaysaa ururada xubta ka ah
shuro-net in doorashii hogaanka cusub ee shuro-net uu dhici doono
waqitigii loogu talagalay taasoo ah 23 December 2007, cid alla cidii
rabtaana ay halkaa iska sharixikarto iyadoo ay noqon doonto doorasho xor
ah oo xalaal ah.
Hawlwadeenada SHURO-NET
Shurada sharciga ah
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 24, 2007