SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Qofka Aan  Aragti  Fog la hayni ma yeelan karon Go'aan  Rasmi ah

abdiqani maxamed

cabdiqanimakhtal@hotmail.com


Burburka iyo barakaca ay ku Ababeen Dhalinyaradda  Soomaaliyeed, waxa uu suurta galiyey in Maaliba Maalinka ka danbaysa ay bataan dhibka iyo waliba Amiirku.
 
Hadii uu qofi sheegto Amiir amase Xil uu san lahayn waxaa khasab ah in ay dhibi halkaas ka imanayso inta ay doonto ha joogto e, waxaana  suurta gal ah in uu Nin sheegto in u yahay isinka Beesha ayna halkaasi ka dhici karto gacan saar
 
Sidoo kale hadii uu Qofki iska sheegto in uu Yahay Madaxweynaha wadanka Soomaaliya ayna jirto Dawladd Xoog leh  waxaa khasab ah in uu halkaasi dhibi ka Imaanayo, waa ayba dhacday in Mas'uuli uu iska sheegto Madaxweynaha Soomaaliya ah balse ma jirto cid uu xukumo iyo Dal uu ka  taliyo
 
Waxaan uga ogleeyahay waxaa soo badanaysay in  Dhalinyaradda Soomaalidu ay  waxa niyadooda  ku soo dhaca uu ay iska shegtaan sida , Gudoomiyaha Haayadda HEBEL, Gudoomiyaha Jaaliyadda , Wakiilka Dalkaas u jooga DFKM amase Pl/Sl , Suxufi , Aqoon yahayn IWM
 
Run ahaantii qofku marku uu sheeganayo in uu Xil u hayo Dal, Qabiil iyo Bulsho meel ku nool waa in uu haystaa Rabitaankoodda hadii kalese uu Awood ku maquuniyaa, Hadii aan Tusaale yar ka bixin
 
Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf 2001 Puntland waa laga Baaciyey waxaana Madaxweyne loogu Doortay Jaamac Cali Jaamac balse  Awood ayuu ku qabsaday Jaamac Cali Jaamacna waa uu Baacsaday, Shacabkii Puntland awood ayey ku raaceen Hase yeeshee  rabitaan ma jirin markii danbe  
 
Nin Dhalinyaro ah oo Kenyanti ah ayaanu maalin ku wada sheekaysanay Maqaaxi laga cabo Shaaha oo ku Taala Magaaladda Nairobi, Anaga oo sheekadu meel wacan noo marayso ayuu igu yidhi Kenyantiga iyo Soomaalida kee badan?, waxaana ugu Jawaabay Kenyatiga, inta uu Madaxa Ruxay ayuu igu yidhi waa Beentaa waxaa badan Soomaalidda, sababtoo ah inta Soomaalidda ee aan Aqaano waa Madax,markaas dadkani ayey Madaxdda u yihiin, waa Dad badan!!  
 
Nin aanu saaxiibo nahay ayaa maalin ii yeedhay waxana uu i siiyey Waraaq Casumaad ah in uu yahay Gudoomiyaha Ururka Nabadda iyo Horumarka Soomaaliya , Muddo ka dib ayaa waxa uu ii Soo diray Waraaq uu sheeganayo in uu yahay Siyaasiga gobaladda SSC u jooga Bariga Afrika.
 
Dhawaanta waxaan ku arkayey Webka Caalamiga ah ee Somalitalk.com Nin Sheeganaya in uu yahay , Afhayeenka RPP, Afhayeenka DGPL, Wakiilka DGPL ee Uk.
 
Ma la oran karaa qofkani Habi ayuu leeyahay uu Higsano?
 

Su'aashani uma baahna Jawaab wax badan laga Baaraan dego, waayo Qofka doonaya  Tusaale ahaan in uu Madaxweyne noqdo kama labo labeeyo waana uu ku adkaadaa inta uu Riyadiisa ka Guul gaadhayo balse Asbuuc walbaba Xil iska Qaad midna isku Dhiib!!!
 
Waxaan u soo jeedin lahaa Maamulayaasha Warbaahinta Soomaalidda in aysan, Qofkastaba xilka uu sheegto aysan u soo Baahin, Isaga oo keena Waraaq Cadayn ah oo lagu Magacaabay amase waddo kale.

 
Cabdiqani Makhtal
cabdiqanimakhtal@hotmail.com

ciiroXisbiga Ramaas oo Beeniyey in Afhayeenkii Xisbigaas ee London uu Wakiil u Noqday DGPL
Waxaana xisbiga Ramaas uu DGPL uga Digey in ay iska magacawdaan
C/Naasir Guure "jeer"... Akhri..

jeerGen. Cadde Muuse Saxiixiisa ma Lagu Been Abuuranayaa?....
C/Naasir Guure "jeer" oo cadayn waayey xilligii uu Cadde Muuse u magacaabay afhayeenka Akhri...

Yaa Qaban Kara Xilka Raysulwasaaraha DFKM: Todobaadyo muran iyo is qabqabsi Siyaasadeed

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com