FAARAADIN AYAYNU BERI LAHAAN JIRNAY
Daalacasho buugga Abwaanka
Cudurrada Dadka iyo Duunyada.
Mustafa Xariir
xariir@doctor.com
Waxaan
soo akhriyey buugga la yidhaa Abwaanka Cudurrada Dadka iyo
Duunyada ee uu qoray Cabdiraxmaan Faarax Barwaaqo oo ka kooban
saddex boqol iyo konton cudur oo ku dhaca dadka iyo duunyada
Soomaaliyeed. Ugu horrayn jeldiga buugga ayaa ah mid soo jiidasho
iyo damac xiisadeed huwan oo kugu qasbaaya in aad dhammaan buugga
wada hanato. Haddana waxaa qiiro ku sii gelinaaya luqada,
aftahanimada iyo aqoonta durugsan ee lagu sharxaayo cudurrada ku
dhaca dadka, geela, adhiga iyo lo'da.
Farqadaha ugu horreeya ee buugga markaad sidaas u furtaad
daalacanaysaa in ay ummadda Soomaaliyeed waa hore, oo aanay aqoonta
caafimaad ee immika la adeegsada jirin, ay lahaan jireen aqoon iyo
cilmi baahsan oo soojireen ah iyo ilbaxnimo aan ka dhicin ta reer
galbeedka. Laakiinse markii la bartay cilmiga casriga ah, ee immika
jira, in laga hayaamay oo aad mooddo inaan deegaanno badan lagaba
aqoon. Wuxu qoruhu marka hore inna barayaa in Soomaalidu lahaan
jirtay dhakhtar oo la odhan jiray faraadin, halka haweenayda
wax ka ummulisana 'ummuliso' laga odhan jiray, ta dumarka
daaweeysana '
baanato' laga odhan jiray. Kuwaasi oo immika kala noqonaya
(doctor, midwife and female gynecologist).
Qoraha
buuggu waxa uu isku dayay in uu soo bandhigo cudurradii berigii hore
dadka ku dhici jiray mid walba waxa uu yahay iyo waxaa laga qaado.
Qaar koodna wuxu innoo soo bandhigayaa sidii loo daaweeyn jirey.
Waxaan, haddaba, tusaale u soo qaadanayaa oo is barbardhigidoonaa
caafimaadka waxa berigii hore laga aamminsanaa iyo waxaa immika laga
aaminsan yahay. Waxaa kale oon tusaale u soo qaadan cudurrada u
baahan in la lafa guro oo inta la iskagaga yimaaddo lagu dabaqo kuwa
casriga ah ee hadda jira. Haddaba aan ku horreeyo kuwa laysla
garanaayo:
Aqoontii hore waxay odhanaysaa;
Gawracato(-da)=Fin daran oo dadka
hunguriga ka soo baxa oo loo dhinto, cudur cagta cad gala oo u yeela
dildilaacyo aan hore u bogsan.
Aqoontan danbe waxay odhanaysaa;
Gawracatada
(diphtheria) waa xab daboola cunaha oo ku dhaca qanjidhadda, cunaha,
sanka iyo haragga sare ee jidhka. Waxaana keenta bakteeriyo la
yidhaa corynebacterium diphtheriae, oo ku dhacda qof yar iyo mid
weynba, gaar ahaan carruurta ay da'doodu ka yar tahay shan sanno ee
aan tallaallayn.
Aqoontii hore waxay odhanaysaa;
Jadeeco
(-da) = Waa xanuun carruurta ku dhaca oo qandho badan leh. Ilmaha ay
ku dhacdana waa la uumiyaa ilaa inta finan yaryari ka soo yaacayaan.
Haddii ay finankaasi ka soo yaaciwaayaan way ku noqotaa, ilmahana
way disha.
Aqoontan danbe waxay odhanaysaa;
Jadeecada (measles) waxaa keena fayras wata xummad, sanka iyo
indhaha oo ay biyo kaa yimaaddaan, finan iyo qufac. Waxaana dadkana
ku ridda qallal, maskaxda oo wax noqota iyo dhimashaba. Waxa uuna
cudurkani sababi karaa caabuq gala sanbabada iyo dhegahaba, iyada oo
badanaa xummad badani qabato qofka uu ku dhaco oo uu cabirka
heerkulkiisu noqdo 104F. Saddex ilaa shan bari kadib waxa u caado ah
inuu qofka finan badani ka soo yaacaan.
Aqoontii hore waxay odhanaysaa;
Jabti
(-da)= Waa cudur daran oo lakala qaado oo ragga iyo dumarkaba kaga
dhaca xubnaha taranka (dhalmada), haddaan si fiican la iskaga
daawaayna waxa uu dhaliyaa dhalmo la'aan.
Aqoontan danbe waxay odhanaysaa;
Jabtiddu (gonorrhea) waxay ka mid tahay cudurrada galmada la iskugu
gudbiyo (Sexually Transmitted Disease), iyada oo ay keento
bakteeriyo loo yaqaan (neisseria gonorrhoeae) kuna dhacda qaybta
taranka ragga.
Aqoontii hore waxay odhanaysaa;
Duumado(-da) = waa cudur soo laba kacleeya oo qandho daran leh oo
laga qaado qaniinyada kaneecada. Waxaa kale oo cudurkaas loo yaqaan
kaneeco iyo dhaxan. Waxaana la iskagaga daaweeyn jiray dheecaanka
dacarta.
Aqoontan danbe waxay odhanaysaa;
Duummadu (malaria) waa
cudurrada ay kaneecadu gudbiso, iyada oo qof ka qaadaysa oo qof kale
u gudbinaysa, taas oo ay sababta Plasmodium falciparumis. Waxaana
lagu qiyaasay in uu sannadkii ku dhaco adduunka laba boqol ilaa
saddex boqol oo milyan oo qof, halka ay u dhintaan laba ilaa saddex
milyan.
Aqoontii hore waxay odhanaysaa;
Qaaxo(-da) = Waa cudur halisa oo lakala qaado laysna qaadsiiyo oo
feedhaha iyo sanbabada ku dhaca.
Aqoontan danbe waxay odhanaysaa;
Qaaxada (tuberculosis) oo loo yaqaan "TB" waa cudur uu keeno jeermis
loo yaqaan (mycobacterium tuberculosis) oo badanaa weerara sanbabada
(lungs) iyo dhammaan qaybaha kale ee jidhka. weyna dhib yar tahay in
aad cudurkan si fudud u qaadid una faafisid.
Aqoontii hore waxay odhanaysaa;
Tuf(-ku)
= Waa cudur lafaha ku dhaca oo ay dadka lafahu aad u xanuunaan.
Waxaa kale oo loo yaqaan riix.
Aqoontan danbe waxay odhanaysaa;
Tufku (arthritis) waa cudur
uu sababo xanuun ku dhaca isgooysyada jidhka, kaas oo dhaqdhaqaaqa
yareeya. Haddaynu si kale u dhigno waxa uu yahay tufku (arthritis).
Waa arth oo ah isgooysyada iyo ritis
oo ah hurid, iskugayn waa
hurid isgooysyada. Haddaba cudurkani waxa uu leeyahay cudurro badan
oo isaga hoosyimaada.
Aqoontii hore waxay odhanaysaa;
Waraabow(-ga) = Waxa
kale oo loo yaqaan xabbad. Waana cudur xun oo lays qaadsiiyo
layskana dhaxlo oo lagu dhasho.
Aqoontan danbe waxay odhanaysaa;
Waraabawgu (syphilis)
waa cudur ay sababto bakteeriyo layidhaa Treponema pallidum, waxaana
uu ka mid yahay cudurrada galmada la iskugu gudbiyo (Sexually
Transmitted Disease). Waxaana qofka wajiga, gacmaha, lugaha iyo
qaybaha iskutaga ragga iyo dumarka ka soo baxa nabaro aad u kala
khatarsan
Dhakhaatiirtii berigii hore;
- Dhakhtarka dhirta wax ku
daaweeya.
- Dhakhtarka jabniinka iyo
kabida.
- Dhakhtarka madaxa gura.
- Dhakhtarka hilib dalqaha jara.
- Dhakhtarka ragga guda.
- Dhakhtaradda dumarka baanata,
gudana.
Dhakhaatiirta casriga;
- Dhakhtarka aririmaha gudaha
(internal medicine).
- Dhakhtar guud (family
physician).
- Dhakhtarka qaliinka guud
(genaral surgery).
- Dhakhtarka lafaha
(orthopedic).
- Dhakhtarka qaliinka isqurxinta
(plastic surgery).
- Dhakhtarka maqaarka
(dermatologist).
- Dhakhtarka macdanta
(urologist).
- Dhakhtarka carruurta
(pediatrics).
- Dhakhtarka maskaxda
(psychiatry).
- Dhakhtarka dumarka
(obstetrics, gynecologist).
- Dhakhtarka indhaha
(ophthalmology).
- Dhakhtarka cunaha
(otolaryngology).
- Dhakhtarka raajada
(radiologist).
- Dhakhtarka suuxinta
(anesthesiologist).
- Dhakhtarka ilkaha (dentistry).
Cudurrada u baahan
in la lafo guro:
-
Abeesow
-
Af-laaqo
-
Ajarro
-
Araarad
-
Bajo
-
Barraaqdo
-
Baruurad
-
Beerkurus
-
Beerxaw
-
Biijo
-
Buullalo
-
Caano-gocato
-
Cadanyo
-
Caddaadka
-
Cagagi
-
Carrab-barar
-
Cusbo
-
Daaf
-
Dabdhul
-
Dameerow
-
Doog
-
Dhalmo-geri
-
Dharbaano
-
Dhibib
-
Dhicin
-
Dhullax
-
Farraatikeen
-
Fujo
-
Futo-qarradh
-
Geestaan
-
Geestahanyo
-
Goonjab
-
Gurguurato
-
Haaro
-
Hano
-
Hayaamiso
-
Himish
-
Hinjibiso
-
Hannog
-
Hoolato
-
Horudhalow
-
Hud
-
Hudhe
-
Hunnug
-
Ifilo
-
Jacjacle
-
Jajabow
-
Jildhaaf
-
Kabrar
-
Kirkir
-
Kubo
dhagaxow
-
Kuududshe
-
Laan
-
Labacarrabow
-
Ladaadyo
-
Lafo-weyneeye
-
Lalleemo
-
Libaaxaw
-
Liidaanyo
-
Majinow
-
Man-dheelli
-
Maroodiyow
-
Nudub
-
Ooro
-
Qaarjeex
-
Qal-aboodi
-
Qaras
-
Qardaw
-
Qodax
-
Qoon
-
Qun
-
Rigaax
-
Rimay-wareeg
-
Roob-sugow
-
Sambab-faraq
-
Sinyaro
-
Sunbay
-
Surrati
-
Taag
-
Togtog
-
Urugo
-
Uuryaal
-
Wareento
-
Weled
-
Wiirshe
-
Winiin
-
Xaliib
-
Xammo
-
Xawaad
-
Xundub
-
Yerid
-
Yirid
Cudurradii aynu berigii hore
lahaan jirnay;
Waxaa
jira cuduro aad u badan oo aynu hore u lahaan jirnay, laakiinse
isticmaalkoodu uu imaka yahay mid aan aad loo danayn. Waxaase xusid
mudan aqoon iyo waayo arragnimo walba mar ayaa la bartaa si looga
faa'iidaysto, haddiise laga faa'iidaysan waayo aqoontaasi waxay ku
danbaysaa in la illaawo oo aanay gaadhin jiilkii loogu talo galay.
Haddaba cilmigan meesha ku qorani waxa uu yahay in ay dadka imaka
jooga iyo kuwa mustaqbalka dhalan doonaba ay u baahan yihiin una
baahan in wax laga qabto. Waana arrin sugaysa ciddii wax ka qaban
karaysa, ee aqoonteeda iyo waayo arragnimadeedaba leh.
Gabagabo:
Waxaa
marka hore sharaf wayn innaga muddan qofka Soomaaliyeed ee dedaal ku
keena in uu buug qoro, maxaa yeelay af Soomaaliga ayaa waxaa lagu
tilmaama inuu ka mid yahay luqad da' wayn laakiinse qoriddeedu ay
dhawd. Intii ay jirtayna qoraallo dhaxal gala laga qoray ilaa iyo
imakana ay socoto. Ciddii qoraalka wax ku soo kordhisana in aan
dhaliishiisa lala soo boodin ee la eego maxaa wanaaga ee uu soo
kordhiyey. Kadibna wanaagiisa la sheego wixii qaladana in loo soo
bandhigo si anshaxa iyo asluubta ku wacan aan xaqana baal marayn.
Haddaba aniga oo og in aan erey-bixinno badan oo caafimaad meelo
laga soo xigta ayna jirin, waxa hubaal ah in dedaalka uu qoraagani
sameeyey buuxinayo kaalin weyn oo innagu banaanayd loona baahan
yahay in la sii kobciyo.
Mustafa
Xariir
xariir@doctor.com
Raadraaca qoraalka;
-
Buugga uu qoray
Cabdiraxmaan Faarax Barwaaqo ee Abwaanka Cudurrada Dadka iyo
Duunyada, 2001
-
Buugga uu qoray
Mustafa Xariir ee Caafimaadka Aasaasiga ah, (Fundamentals of
Health).
-
Buugga uu qoray
Mustafa Xariir ee Faya-dhawr (Cudurrada, Daawooyinka iyo
Erey-bixinta Caafimaadka)
-
(Medical
Terminology, Medications and Disease) 2007