SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Embagaati Oo Cagta Saartay Waddadii Carta

asad caddaaniAsad Caddaani Ibraahim

Dimishiq Suuriya

asadlaska@hotmail.com


C/qaasim Salaad Xasan ayaa xilligii la doortay waxa uu balan qaaday in u isu keenayo ummadda Soomaaliyeed ee kala irdhawday, wuxuuna geed gaaban iyo mid dheerba u koray sidii uu shacabka isaga iyo kooxdii Cartaba isaga gadi lahaayeen, waxaana ay mudadii shanta sano ahayd gaaf wareegeen daafaha dalka wixii ilaahay u qadaray, waxa kale oo ay isaga goosheen qaaradaha hadduunka. 

Waxay marba meel maraan muddadii ay haysteen aqoonsiga oo xilligaas loo arkayey maamulka sharciga ah ee dalka hogaamiya waxay ku dhamaysteen dibada wareeg iyo dalkii oo aan xasilin, wax kale daaye C/qaasim wuxuu ku guul darasytay in uu gurigii uu Muqdisho ka deganaa nabad galyadiisii sugo. 

C/qaasim iyo kooxdiisiina waxay qaadeen toobiyaha, iyaga oo aan waxba ka qaban wixii ay u dhaarteen, wuxuuna C/qaasim xilkii ka dagay isaga oo afartii faataxana baal martay, dalkiina sidii uu markii hore ahaa iyo si ka xun marayo. 

C/qaasim wuxuu xilkii iyo dhagihii Libaax ee Carta loogu soo dhiibay ku wareejiyey xariifka isagu muddada dheer ku faani jiray in uu Soomaali u horseeday hooga iyo halaaga, Kaas oo ah C/laahi Yuusuf Axmed oo isagu markuu xilka qabtay ku khudbadeeyey waxaan balan qaadayaa in aan la shaqeeyo dadka habeen iyo maalintiiba shaqeeya, isaga oo xilligaas maankiisa gashey in uu yahay siyaasi ruug caddaa ah oo xeel dheer  sida mawjadaha siyaasadeed ee baaxaa-dega loogu dabaasho loogana badbaado. 

C/laahi Yuusuf  Axmed oo intaanu xilkii uu u beercadaaday ee madaxweyne kol idhaha eey , aan loo caleemasaarin wuxuu ku soo alamiiteeyey maamulkii uu u samaystay in uu jaranjaro u dhigto in uu mar uun Villa soomaaliya fadhiisto, waxaanu gacanta ku dhigay xubnaha maamulkaas yare ee ku meel gaadhka ah kala hawl gali jiray, isaga oo dhamaantood  dhinaca uu doono u jeedin jiray. 

C/laahi Yuusuf isaga oo maanka ku haya siduu u maarayn jiray Puntland oo Ardaa kaliya wada dego ,ayuu sida lawada ogyahay ku faanay waxaan awood u leeyahay in aan meesha waalatay ee Muqdisho lagu tilmaamo dejiyo villa Somalina indhihiina oo shan ah dhex fadhiisto, layguna heeso  noolow, noolow noolow c/laahi. 

Hasayeeshee markiiba waxa uu C/laahi Yuusuf Axmed dhex fadhiisatay wax aanu waligiiba maanka galin, wuxuu moodayey Puntlandtii uu isagu gacantiisa ku sameeyey waana kala baaxad weynaatay, wuxuuna afka uga galay god aanu garanayn waxa kaga horeeya, sadex Sano ayuu marna Jawhar iyo Baydhabo wareegayey, marna Taangi Itoobiyaan ah dushiisa saarnaa kaas oo uu Muqdisho isaga iyo geedi ku qabsadeen. 

Waa run oo Maamulkii Embagaati lagu soo dhisay ee ay hogaaminayeen raggii  C/laahi Hormuudka u ahaa, iyaga oo naf lacaari ah waxay mar marsiiyo mugweyn ka heleen rag hogaaminaye maxkaamadaha oo fiq-higa siyaasadu ku qaloocday oo ku talaabsaday siyaasad guracan, hasa yeeshee maamulkii horboodayaashii Embagaati waxay madaxa la haleeleen gidaar iyo waxaanay waligoodba filanayn oo waxaa markiiba gaashaanka u daruuray bulshada wadaniyiinta ah oo ay ka degi weyday Amxaarkii shalay aad la gasheen dagaalka ee dhulkiinii qaaliga ahaa cudhaadha ku haysta ayaa walaal idiin ah,waxay Taasi la mid noqotay Muwaadin Suuriyaan ah oo la yidhi Yuhuuda ayaa dalkaaga badbaadinaysa oo wanaag kula rabta , waa maan guracan iyo garasho jaan, shacabkii soomaaliyeed waxay markiiba diideen amxaaro ayaad walaalo tihiin ,oo dalka nabad galyo la rabta. 

Waxaan xusuustay dhawaan qoraal ay soo saareen rag lagu tilmaamay generaalo loo xilsaaray warbixin in ay ka soo saaraan xaaladda Soomaaliya, waxay warbixintooda ku soo koobeen sadex qodob, 1-Soomaaliya marnaba suurta gal maaha in lagu celiyo xilligii dawlada dhexe ay ka jirtay, 2-Soomaaliya waa in la kala qaybiyaa qabiil iyo dhulba, 3-Soomaaliya waa in laga hortagaa  si looga badbaado islaam-nnimada ka soo faafaysa ee ku soo fidaysa dhulka itoobiya. 

Qodobadaas oo iyagu ka turjumaya sida dhabta ah ee ay u fakeryaan amxaaradu ayaa qofkasta oo Soomaaliya oo Xalaal ah horyaala , taasina waa ta keentay C/laahi Yuusuf in uu ku ladi waayo gudaha magaalada Muqdisho , isaga oo ay amxaaro Taangigeeda ku soo galisay Villa Somaliya ayuu awoodi kari waayey in uu habeen kaliya  si wanaagsan ugu hoydo , talaabo kasta oo uu qaadana uu guuldaro kala kulmo, si kasta oo uu isugu dayey isaga iyo geedi in ay dhoodhoobaan waxay ugu yeedheen shirka dib u heshiisiintana ay noqdeen hal bacaad lagu lisay. 

Maanta Soomaaliya goobkasta colaad ayaa ka taagan, Muqdisho marnaba may xasilin , waxaadna moodaa talaabo kasta oo ay qaadeen kooxda Embagaati in ay ku guuldaraysteen , maantana ay ka taagan yihiin khasaare iyo shalaytoon,wixii lagu soo heshiiyeyna aan mudadaa sadexda sano iyo bisha ahna wax laga fuliyey jirin, haday noqon lahayd Distoor , Nidaamka federaalka oo lagu baahiyo gobolada, tiro koob IWM, qodobadan oo ahaa kuwii C/qaasim Salad Xasan oo isaguba tilmaamsaday balana qaaday in uu wax ka qabanayo,dhamaantood ku guul daraystay , Xataa waxa uu ku guuldaraystay C/laahi  in uu abuuro ciidan soomaaliyeed oo xalaal ah. 

Wuxuuna maanta taagan yahay C/laahi Yuusuf Axmed  Raysal wasaaraha dalka hogaaminaya waa in uu laba sano gudahood ku qabtaa wixii sadexda sano isaga iyo Geedi ku qaban kariwaayeen, iyagoo waliba helay taageero dibada ah iyo ciidamada amxaarada oo garabsiinaya, kuna kasban kari waayey shacabka Soomaaliyo 0.9, ama wax u dhigma toona. 

Dad ay soo jiitaan daaye cadaalad darada baahday iyada oo afrikaanka lagu wada yaqaano, ayuu C/laahi Yuusuf isagu dheeraaday mid indho la’aan ah, waxaadna ka garankartaa la taliyayaasha C/laahi Yuusuf oo dhamaantood ah jufadiisa hoose. 

Waxaad moodaa ama kuu soo baxaysa Maamulkii Embagaati lagu soo dhisay in uu isaguna qaaday waddadii uu maray kii ka horeeyey ee Carta lagu soo dhisay, iyada oo aanay suurta gal ahayn in sida hadda uu ku socdo maamulkan C/laahi Yuusuf hogaaminyo in uu kob caleen leh ka soo durdurin doono labada sano ee u hadhay , markaas oo ay isweydiintu noqondooto C/laahi iyo kooxda itoobiya maxay ku talaabsan doonaan miyey isu kordhin mise way iska tagi?. 

Asad Caddaani Ibraaahim

Dimishiq Suuriya

asadlaska@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 24, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com