SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Sheikh Aweys oo Maanta Shir Jaraa'id ku Qabtay Muqdisho - June 8, 2009

Gudoomiyaha xisbul islaam oo kabaxay murankii ku aadanaa noloshiisa ka dib markii uu maanta shir jaraa'id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho

Xasan Daahir Aweys oo maalmahaan la isla dhexmarayey warar sheegayey in uu ku geeriyooday dagaaladii ka dhacay dalka kuwii ugu danbeeyey ayaa markale ka soo muuqday shaashadaha caalamka ka dib markii uu shir jaraa'id ku qabtay maanta (June 8, 2009) Magaalada Muqdisho isaga oo aanay ka muuqan wax dhaawac ah oo uu bed qabo.


Sh. Aways oo Shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho, June 8, 2009 | Eeg sawirada

Gudoomiyahay xisbul islaam ayaa shirkiisa jaraa'id kaga hadlay xaalada guud ee dalku xiligaan marayo iyo isaga oo ujeedadiisu aheyd ( ishii bugtaay ku bikaacso) mid ka turjumeysa in uu badqabo oo uu ku beeninayo wararka warbaahinta caalamka ay faafisay maalmihii ugu danbeeyey .

Sheikh Xasan ayaa ugu horeyntii tacsi guud u diray shacabka somalilyeed gaar ahaan bahda warfaafinta wuxuuna sheegay in uu aad uga xun yahay dilkii shalay loo geystay agaasimhii idaacada shabeele Marxuum Muqtaar Maxamed Hiraabe oo uu sheegay in ay ka mid tahay arintaasi isku dirka lagu haayo bulshada somaliyeed .

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa si toos ah u sheegay in umadda somaliyeed dhamaantood yihiin ahlu sunnah wal jameeca isku diin af iyo dhaqan ah waxayna ka siman yihiin caqiidada islamka isaga oo intaa raaciyey in ay waajib tahay in la soo nooleeyo lana baro diinta ilaamka quraanka sunada iyo tafsiirkaba shacabka somaliyeed .


Sawirada Shirka Jaraa'id halkan ka daawo

Sh. Aways wuxuu aad u amaanay gabdhaha waqtigaan oo uu sheegay in aan lagu qasbin xijaabka ay ka wada siman yihiin waxayna qaarkood wadaan dacwada jidka iyaga oo baahinaya ku dhaqanka shareecada islaamka iyo sunnaha NNKH .

Gudoomiyaha noloshiisa lagu muransanaa maalmahan ayaa ka hadlay shacabka guryahooda ka barakacay wuxuuna ku eeedeyey in ay kicinayaan dad laga soo agaasimay New York iyo adis ababa waxayna wataan buu yiri diin faalso fikeeshin ah .

Xasan daahir aweys oo dhinaciisa uu fadhiyey Sh Xasan Mahdi oo isaga qudhiisa warbaahintra qaakeed ay faafiyeen in uu ku geeriyooday dagaaladii ugu danbeeyey.

Waraysiyo uu siiyey VOA ka dhagayso halkan iyo BBC halkan ka dhagayso

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Wararkii hore ee warkan la xiriira hoos ka akhri:

"Sheikh Xasan Daahir Aweys oo Beeniyay in uu Dhintay" VOA

Idaacadda Codka Maraykanka (VOA) ayaa sheegtay in "Hogaamiyaha ururka Xisbul Islaaam ee dagaalka kula jira xukuumadda ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya, Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu dhintay, isaga oo intaa ku dary in uu Isniinta subixii qaban doono shir Jaraa’id." VOA waxa uu intaas ku daray "Sheekh Xassan Daahir Aways ayaa Laanta Af-Soomaliga ee VOA-da la hadalay sacado yar ka dib markii ay Wakaaladda Wararka ee Reuters ay tabisay warar sheegaya in laga yaabo in uu Sheekh Aways dhintay."


kenyaWasiirka Arrimaha Dibadda Kenya: Arrimaha Soomaaliya Gacanta kama Laaban doono
".... mana daawan doono danahayaga istaatiijiyadeed oo wiiqmaya sharci darrada ka jirta Soomaaliya awgeed...." Akhris/Video... June 7

waladWalad Cabdalla oo sheegay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay... waa akhbaartii hore loo sheegay in uu isagu bilowgeeda lahaa... Video/Akhris


Sidoo kale warsaxaafadeed ka soo baxay Xaafiiska warfaafinta isbahaysiga dib u xoreynta soomaliya "ayaa waxa uu cadeeynayaa in Gudoomiyaha Isbahaysiga Shiiq Xasan Daahir Aways uu ku sugan yahay magaalada muqdisho wax dhib ahna qabin."

Dhanka kale website ku hadla Afka Dawladda Federaalka oo soo xiganayey afhayeen u hadlay Ahlu Sunna wal jamaaca ayaa sheegay in Sheikh Aweys uu ku dhaawacmay "dagaal ka dhacay Deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud" islamarkaasna  “Dhaawaca Shiikh Xasan Daahir waxaa hadda lagu daweynayaan Xarunta Bisha Cas ee Degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud”.

Sidoo kale war hay'adda wararka ee Reuters oo soo xiganaysay malaysiyo taabacsan Dawladda Federaalka ayaa sheegtay in Sheikh Aweys Dhintay. Warkaas oo ah kan Sheikh Aweys beeniyay, sida ay sheegtay Idaacadda Codka Maraykanka.

Wararkaas oo faahfaahsan hoos ka akhri:

WARSAXAAFADEED: Ururka Dib u Xoraynta...

SHIIKH XASAN DAAHIR OO AAN WAXBA QABIN KUNA SUGAN MAGAALADA MUQDISHO

(June 7, 2009).

Xaafiiska warfaafinta isbahaysiga dib u xoreynta soomaliya ayaa waxa uu cadeeynayaa in Gudoomiyaha Isbahaysiga Shiiq Xasan Daahir Aways uu ku sugan yahay magaalada muqdisho wax dhib ahna qabin marka dadka sheegaya wararka ah inuu gudoomiyaha isbahaysiga dhaawacmayna aysan waxba ka jirin.

Waxaan aad iyo aad u fiican dadka Soomaaliyeed ee iska leh websidyada inay iska hubiyaan inay waxay qorayaan ay yihiin wax sax ah iyo wax kale waayo waxa ay la hadlayaan waa ummad dhan oo ku nool qaaradaha aduunka oo dhan.

Mida kale gudoomiyuhu waa bani’aadam ilaahay uuntay lehna waqtigiisa dhimana kara noolaana kara suu alle ugu tala galayna aan marnaba dhaafayn balse waxaan hada idiin cadaynaynaa inuu wax dhibaato qabin muqdishana ku sugan yahay mardhowna shir jaraa’id qaban doono hadii alle idmo.

Shiiq xasan waxa uu ka qayb galay dagaalo badan oo looga soo horjeedo cadowga dalka ku soo duulay waxa uuna naftiisa iyo maalkiisa u huray inuu u dhinto dalkiisa iyo diintiisa ilaa uu ka xaqiijiyo in wadanka lagu xukumo shareecada islaamka ama uu diyaar u yahay inuu u dhinto

Ugu danabayntii shiiqa iyo mujaahidiinta oo dhan waxaan u rajaynaynaa guul iyo khayrka alle.

Xaafiiska Warfaafinta ARS.

Asmara 7/06/2009
 isbahaysi@gmail.com

VOA Laanta Af-Soomaaliga oo Shaagtay in Sheikh Aweys la soo xiriiray:

Warkaas ka dhagayso ama akhri hoose

Aways: Waan Caafimaad Qabaa, Barri Ayaan Shir Jaraa'id Qaban Doonaa


07-June-2009

Warka halkan ka Dhagayso (mp3)VOA

Sh. Xasan Daahir Aways
Sh. Xasan Daahir Aways
Hogaamiyaha ururka Xisbul Islaaam ee dagaalka kula jira xukuumadda ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya, Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu dhintay, isaga oo intaa ku dary in uu Isniinta subixii qaban doono shir Jaraa’id.

Sheekh Xassan Daahir Aways ayaa Laanta Af-Soomaliga ee VOA-da la hadalay sacado yar ka dib markii ay Wakaaladda Wararka ee Reuters ay tabisay warar sheegaya in laga yaabo in uu Sheekh Aways dhintay.

Reuters ayaa wararka ka soo xigay xubin ka tirsan qoyska Sheekh Aways iyo kooxaha taageersan dawladda oo sheegay in uu ku dhintay dagaal Jimcihii ku dhex maray dagaanka Wabxo.

Si kastaba ahaatee, Aways waxa uu sheegay in uu caafimaad qabo, maalinta barri ahna qaban doono shir Jaraa’id.

Shalay Sabtidii ayaa dagaallo ba’ani ka dheceen degaanka Wabxo ee bartamaha Soomaaliya.   Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in dagaalkaas oo socday laba maalmood ay ku dhinteen ugu yaraan 64 qof. 

Dagaalka ayaa ku dhexeeya kooxaha Alshabab iyo Xisbul Islam oo dhinac ah iyo ururka Ahlu Sunnah Wal-Jamaaca oo dhinaca kale ah.

Hogaamiyayaal maxalli ah ayaa sheegay in tiro maydad ah lagu arkayo waddooyinka tuulada Wabxo.

Isha: VOA, June 7, 2009

Website ku hadla Afka DFKM oo sheegay in Sheikh Aweys uu Dhaawac yahay oo lagu dawaynayo Cisbitaal ku yaal Degmada Ceel-buur

Dhanka kale shabakadan sheegta in ay ku hadasho Afka Dawladda Federaalka kumeelgaarka ah oo soo xiganaysay afhayeenu hadlay Ahlu Sunna Wal Jamaaca ayaa qortay warka hoose:

Afhayeen u hadlay Ahlu Sunna Wal-jamaaca oo sheegay in dagaalkii dorraad ka dhacay Deegaanka Wabxo uu ku dhaawacmay Shiikh Xasan Daahir Aweys

 Axad June 7, 2009 (Wararka Dowladda ee Maanta) Afhayeen u hadlay Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo lagu magacaabo Shariif Cali Axmed ayaa sheegay in dagaal dorraad ka dhacay Deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud uu ku dhaawacmay Shiikh Xasan Daahir Aweys.

Shariif Cali Axmed oo u warramayay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaal xooggan oo gelinkii dambe ee Jimcihii ka dhacay Deegaanka Wabxo uu salka ku hayay sida uu hadalka u dhigay sidii ay Xoogagga Xisbul Islaam iyo Xarakada Al-Shabaab ay u qaadan lahaayeen dhaawaca Shiikh Xasan Daahir.

“Dhaawaca Shiikh Xasan Daahir waxaa hadda lagu daweynayaan Xarunta Bisha Cas ee Degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud”ayuu yiri Shariif Cali Axmed oo intaas ku daray in dagaalkaas oo ahaa mid aad u xooggan uu geystay dhimasho iyo dhaawac aad u faro badan.

Haddaba iyadoo Afhayeenkan u hadlay Ahlu Sunna Wal-Jamaaca uu sidan leeyahay ayaa haddana dhinaca kale waxaa jiritaanka warkaas beeniyay Afhayeenka Xisbul Islaam Shiikh Xasan Mahdi oo sheegay in warkaas uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn, wuxuuna caddeeyay in Shiikh Xasan Daahir aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaaray.

Hadalladan is-burinaya ee ay sii daayeen Afhayeennada u kala hadlay Ahlu Sunna Wal-Jamaaca iyo Xisbul Islaam ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo 24kii saacadood ee aanu ka soo gudubnay ay jireen warar magaalada Muqdisho la isla dhexmarayay oo sheegayay in Shiikh Xasan Daahir uu ku dhaawacmay dagaal ka dhacay Deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo dhexmaray Xoogag taabacsan Xisbul Islaam iyo Xarakada Shabaabul-Mujaahidiin oo isku dhinac ah iyo Xoogag taabacsan Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.

Isha: Shabakad ku hadasha Afka DFKMG...

Reuters oo soo xiganaysay malaysiyo taabacsan Dawladda oo sheegtay in Sheikh Aweys Dhintay.

Warkaas oo af ingriisi ah hoos ka akhri

FACTBOX: Facts about Somali opposition leader Aweys
 Sat Jun 6, 2009 6:57pm EDT

(Reuters) - Battles between rival Islamist groups in central Somalia have killed 123 people, a rights group said on Saturday, and a pro-government militia said militant rebel leader Sheikh Hassan Dahir Aweys had died in the fighting.


Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay
"Waa run (Kenya) badda Soomaaliya khalad bay ka gelayaan oo waa soo gelayaan." "Waa RUN iyada hadda xarriijinta ay samaysay ee hadda map-yada addunyada la soo geliyey kii (Kenya) wuu ka soo durkoo toos ayuu u socdaa," Prof. Ibbi
Akhri/Daawo...

qareFaarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad..
iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo

 

Sh. Aaden Madoobe oo Sheegay in Baarlamaanka DFKMG yeelan doono kulan ku saabsan Heshiiska is-afgarad
aadan"Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe, ayaa sheegay in xildhibaanno ay mooshin ka keeneen in laga hadlo is af garadkii dhawaan dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya" waraysi uu siiyey Yuusuf Garaad....
Dhegeyso ama
soo rogo (mp3)


Aweys' militia denied that as propaganda.

Aweys is an influential figure among the insurgents in Somalia, where he has headed numerous Islamist groups since the 1990s. Here are key facts about Aweys:

* The 62-year-old bespectacled cleric was born on the outskirts of Dhusamareb town in the Galguduud region of central Somalia. He is part of the Ayr wing of the Habr Gedir, a major sub-clan of the Hawiye.

* Aweys went to secondary school in Mogadishu. In 1972, he joined dictator Mohamed Siad Barre's army and graduated from General Daud military academy. Aweys rose to the rank of colonel and was decorated with a silver medal for bravery in a war against Ethiopia in 1977.

* In the 1990s, Aweys was vice chairman and military commander for al-Ittihad al-Islami, which at the time was Somalia's largest militant Islamist group. He was soundly defeated in battles against Ethiopia and Somali warlords backed by Addis Ababa.

* Aweys is among individuals or entities the United States "linked to terrorism" shortly after the September 11 attacks. The United Nations has him on a list of people "belonging to or associated with" al Qaeda. Washington has ruled out contact with Aweys, who denies al Qaeda links.

* President Sheikh Sharif Ahmed, who led the Islamic Courts Union with Aweys before Ethiopian troops expelled them from Mogadishu in late 2006, wants him taken off those lists. Aweys founded the al Shabaab, a militant Islamist group and the armed wing of the sharia courts movement.

* Aweys is a close friend of Sheikh Hassan Abdullah Hersi al-Turki, who, intelligence sources say, leads the Somali wing of the al-Takfir wal-Hijra -- an international Islamist group linked to extremism. Aweys also mentored the former head of the al Shabaab, Aden Hashi Ayro, who was killed in a U.S. air strike in May 2008 and was also accused of al Qaeda links.

* Following Ethiopia's invasion of Somalia, Aweys went underground and kept a low profile until publicly re-surfacing in Eritrea at a Somali opposition conference in September 2007. Initially, he was not part of the leadership of the Asmara-based Alliance for the Re-Liberation of Somalia (ARS), but took over after the former head, Ahmed, broke away and became the interim government's president. Aweys returned to Somalia in April on his first known trip back to the Horn of Africa nation.

SOURCES: Aweys, Reuters, experts.

Somali Insurgent Leader Denies Reports of Death


07 June 2009

Sheikh Hassan Dahir Aweys talks to supporters in Mogadishu, 24 Apr 2009
Sheikh Hassan Dahir Aweys talks to supporters in Mogadishu (file: 24 Apr 2009)
A major Somali insurgent leader has denied reports of his possible death, saying he will hold a news conference on Monday.

Sheikh Hassan Dahir Aweys spoke to VOA's Somali service Sunday, just hours after Reuters news agency reported that he may be dead.

Reuters based its report on a family member and a pro-government militia that said its fighters shot Aweys during battles in the central town of Wabho on Friday.

But Aweys told VOA that he is in good health, though the interviewer said the insurgent leader sounded slow and less authoritative than usual.

The interview took place on the condition that there be no recording of Aweys' voice.

Meanwhile, gunmen in the Somali capital have killed the director of one of Somalia's most popular broadcasters, Radio Shabelle.  Witnesses say Moktar Mohamed Hirab was shot several times in the head Sunday.

Another journalist who was with Hirab was wounded and taken to a hospital.

There was no immediate claim of responsibility.

Violence in Somalia escalated about a month ago, when militant Islamists led by the al-Shabab group launched an offensive against government positions in Mogadishu.

The United Nations says the fighting has displaced some 86,000 people from the city.

On Friday, the fighting spread to Wabho, where al-Shabab and Aweys' group Hizbul Islam battled a moderate Islamist group, Ahla Sunna Waljamaca.  Witnesses say at least 64 people were killed in that fighting. 

VOA/  AFP and AP.

READ LATEST NEWS FROM SOMALIA
 

Faafin : SomaliTalk.com |  June 7, 2009

Agaasimihii Idaacadda Shabeele oo lagu dilay Suuqa Bakaaraha.  June 7

Muxaadaro lagu Qabtay Masjidka Rowda Minneapolis

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: