Home » Badda, Warar »

Sheikh Shariif oo Imanaya Maraykanka xilli ay dhici karto in UN ay Goaan ka Gaaraan heshiiskii Isfahamka ee Kenya-Somalia

  •  UN: Go’aankii Baarlamaanku waa go’aan Soomaaliyeed
  • UN: Go’aanada ka soo baxa guddiga xadaynta badaha waa go’aana aan rafcaan laga qaadan Karin
  • Warbaahinta: Norway waxay Kenya siisay $200 million si uu u hirgalo heshiiska isfaham ee Somalia-Kenya

Sheikh Shariif oo Imanaya Maraykanka, Xilli laga yaabo in Qarammada Midoobay go’aan ka gaaraan Dukumiintihii ay Kenya u gudbsatey UN ee la xiriirta heshiiskii Is-fahamka…

  • Sheikh Shariif Soomaalida deggan Maraykaanka ma u sharxi doonaa sababta xukuumaddiisa ku kalliftay in heshiis aan wax dan ahi ugu jirin shacabka Soomaaliyeed ay la galaan Kenya…

COLUMBUS, Ohio: Cilmi Ducaale, oo ah safiirka Soomaalida u fadhiya Qarammada Midoobay, ayaa hay’adda wararka ee AP waxa uu Arbacadii (Sept 9, 2009) u sheegay in Sheikh Shariif Sheikh Axmed uu doonayo in uu booqasho ugu tago Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minneapolis, Columbus iyo cirifka Washington DC. Warku waxa uu intaas ku daray in madaxweynaha DFKMG uu ka qayb geli doono shirka Qarammada Midoobay dhammaadka bisha September 2009. Sidaas waxaa werisey jariidadda StarTribune ee ka soo baxda Minneapolis.

Waxaa in dhoweyd xarunta UN-ta ee New York ka socdey kulan kale oo lagu falanqaynayo dukumiintiyadii iyo akhbaartii ay dalalka xeebaha leh u gudbiyeen guddiga xadaynta badaha ee Qarammada Midoobay. Kulankaas oo soo bilowday August 10 ilaa September 11, 2009. Shirkaas oo albaabadu u xiran yihiin.

Sarkaal ka tirsan Qarammada Midoobay oo wax laga weydiiyey kulanka guddiga xadaynta badaha ayaa sheegay in go’aanada ka soo baxa ay noqon doonaan “go’aan aan rafcaan laga qaadan Karin.” Arrintaas oo walaac ku abuureysa shacabka Soomaaliyeed.

shariif3Dhanka kale Afhayeen u hadashay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay ayaa tibaaxday in go’aankii baarlamaanka DFKMG ay ku diideen heshiiskii is-fahamku uu yahay “go’aanka Soomaaliya” oo arrimaha gudaha ee Soomaaliya aysan faragashanayn.

Dhanka kale shabakad xarunteedu tahay Maraykanka ayaa sheegtay in Dalka Norway ay lacag dhan laba boqol oo million ($200 million oo doolar) siisay Kenya si uu u hirgalo heshiiska isfahamka ee ay la gashay Soomaaliya (hoos ka akhri warkaas).

Agoosto 1, 2009 ayey ahayd markii 334 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka DFKMG  ay u codeeyeen diidmaha heshiiska is-faham ee Soomaaliya-Kenya.

Warar SomaliTalk heshay waxay tibaaxayaan in Afhayeenka golaha Barlamanka DFKMG Sheekh Aadan Maxmed Nuur (Aaden Madoobe) uu xeerkii ay baarlamaanku ku diidey heshiiskaas si rasmi ah ugu gudbiyey madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif Sheikh Axmed. Sidaasna uu ku noqonayo Qaanuur ama Xeer rasmi ah. Laakiin ilaa hadda (September 10, 2009) ma jiraan wax muujinaya in xukuumaddu ay xeerkaas u gudbisay Qarammada Midoobay, ugu yaraan arrintaas weli laguma daabacin shabakada UN-ta.

Akhristuhu si uu u fahmo sidii degdegga ahayd ee xukuumadda Sheikh Shariif ay ku fulisay heshiiska is-faham: Febraayo 22, 2009 ayaa la dhaariyey xukuumadda FKMG. March 10 waxaa Nairobi ka dhacay kulan dhex maray xubno xukuumadda ah, UN iyo Norway, kulankaas ayaa xukuumadda loogu soo bandhigay qorshaha heshiiska. March 12 ayaa la sheegay in xubno ka tirsan golaha wasiiradda DFKMG ay ansixiyeen heshiiskaas. March 18 waxaa Nairobi heshiis ku kala saxiixday Wasiirka Maaliyadda DFKMG Shariif Xasan iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, heshiiskaas oo kusaabsan in cashuurta alaabta aadeysa Soomaaliya in ay Kenya cashuurta uga qaado DFKMG. April 5-6 ayaa wafti reer Norway ay yimaadeen Muqdisho safarkooduna uu la xiriirey arrinta badda. April 7 ayaa Nairobi lagu saxiixay heshiiska Is-fahamka. April 8 ayaa ra’iisul wasaaraha DFKMG waxa uu warqad lifaaq ah ku daray heshiiska una diray UN-ta. April 14 ayaa si rasmi ah heshiiskaas lagu daabacay shabakada Qarammada Midoobay.

Taas barbardhig in Baarlamaanka DFKMG ay diideen heshiiskaas August 1, 2009 ilaa haddana aysan xukuumaddu ficil ka qaadan, ama muujin ficilka ay qaadatay. Lama sheegin sababta ay taasi ku dhacday.

Waa jawaabaha ay Jaaliyadda Minneapolis, Columbus iyo Washington DC ka sugayaan Sheikh Shariif marka uu booqashada ku tago Maraykanka.

***

Qarammada Midoobay Lugta ay ku leedahay Heshiiska isfahaka ee Soomaaliya-Kenya.

UNITED NATIONS (FinalCall.com) Sept 7, 2009– Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Axmed Walad Cabdalla, kama jawaabin su’aalo ay weriyaal ka weydiiyeen lugta uu ku leeyahay diyaarintii/qorista 15-ka bog ee heshiiskii is-afgaradka “Memorandum of Understanding (MOA)” kaas oo Kenya siinayey xuquuqda batrool kaqodista Qalfoofka Qaaradda ee Soomaaliya, oo la kordhinayo 200 miles. Sidaas waxaa qoraalka ku bilawday shabakada FinalCall oo xarunteedu tahay magaalada Chicago ee Dalka Maraykanka.

Qaar kamid ah dadka wax falanqeeya ayaa sheegay in Nairobi ay Qarammada Midoobay ka dalbatay in loo kordhiyo xuduudkeeda badda, ayadoo ku andacoonaysa qayb weyn oo ah qalfoodka qaaradda (oo ah dhulka badda hore u sii gashan) arrintaas oo raad ku yelanaysa xuquuqda qoditaanka macdanta laga filayo gobolkaas.

unr10Warbaahintu waxay Walad Cabdalla weydiisay haddii ay taasi ahayd dano iska hor imanaya (conflict of interest) in Qarammada Midoobay qudheedu ku lug yeelato in ay Soomaalida ku caawiso la macaamilka Dawladda Norway si ay u bixiso kharashka lagu xareeyay diiwaan gelinta heshiiska MOA; iyo haddii ka qayb qaadashadiisa (Walad Cabdalla) ay tahay dano iska hor imaanaya.

Walad Cabdalla waxa uu yiri waxaa su’aalaha oo dhan la weydiin karaa xafiiska Qarammada Midoobay u qaabislan horumarinta ee UNDP (UN Development Program). Ilaa maanta ma jirto cid ka socota UNDP oo ka soo jawabtay su’aalahii weriyaasha; sidoo kale ma jirto saraakiil ka saraysa oo ka soo jawaabtay su’aalahaas. Afhayeen u hadlan Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa shabakada Final Call u sharxay in ergeyga gaarka ah uu xaqiiqo ahaan bixiyey jawaab ku filan.

Cidda keliya ee jawaabtay waa Dawladda Norway, oo adeegsanaysa wakiilkeeda Qarammada Midoobay, ayadoo sheegtay in caawinaadii ay Soomaaliya ka caawiyeen xeraynta/diyaarinta dukumiintiga, in ay ahayd arin ay sameeyeen si ay u caawiyaan dhawr dal oo Afrikaan ah, laakiin waxay (Norway) diidey in ay sheegaan kuwa ay yihiin dalalka kale ee ay caawiyeen. Norway waa dalka toddobaad ee adduunku ugu badan sahaminta batroolka.

lgerladGerald Lemelle oo ah madaxa Africa Action, oo ah urur xaruntiisu tahay Washington DC waxa uu shabakadda FinalCall u sheegay: in waxa aan ku arkayno Qarammada Midoona ay yihiin hab-fikir “taariikhi ah” oo reer Galbeed oo ah sidii xiriir loola samaysan lahaa Afrika kaddib Gumaysigii.

afrikaa8“Dalalka sida Norway waxay rabeen in ay helaan sidii ay usii wadi lahaayeen in ay xukumaan khayraadka Afrikaanka, sidaas daraadeed waxay adeegsadeen Xeerarka ama Qaraarka Golaha Ammaanka, iyo Afrikaan maqaar saar ah sida Kenya (waxaa lagu soo waramay in Norway ay $200 million oo doolar siisay Kenya oo ay ka siisay heshiiskii is-fahamka MOA,)” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray “arrinta ubucda u ah ku lug yeelashada reer galbeedka ee Soomaaliya, taas oo ah garoonka siyaasadda-iyo-dhulka, waa ku dagaalanka batroolkeeda,” ayuu yiri Mr. Lemelle.

Waxa uu yiri waqtigaan oo ay jirto arrin waadax ah, waxay awoodaha reer galbeedku adeegsanayaan Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee taageerada ka haysata Qarammada Midoobay, “dawladdaas oo aan wax sharci ah u haysan” Soomaaliya si ay u samayso tartan shirkadaha waaweyn ee batroolka.

Dawladdii kumeelgaarka ahayd waxay sannadkii 2005 ku dhawaaqday in ay bixinayso qandaraasyo ku saabsan xuquuqda batrool, gaaska iyo macdanta; oo aan ahayd sahamin oo keliya balse ay sii dheertahay suuq geyn. Si kastaba ha ahaatee, hoggaankii xukuumadaas waxaa sannadkii 2007 bedelay Maraykanka iyo Qarammada Midoobay.

Maamulka cusub ee Sheikh Shariif Sheikh Axmed waqti badan oo aan soo wareegin ayey heshiis jaalnimo la galeen Kuwait iyo Indonesia; sida laga soo xigtay International Oil & Gas News.

sacdiyasamatarDadka wax falanqeeya sida Sacdiya Aaden (Sadia Aden) oo ka tirsan hay’ad xuquuqda u dooda oo xarunteedu tahay Virginia iyo Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, oo bare ka ah Jaamacadda Minnesota (ee dalka Maraykaanka), waxay sheegeen in Qarammada Midoobay ay ka qayb qaadatay in ay dalalka reer galbeedka u horkacdo sidii ay u xakumi lahaayeen khayraadka Soomaalida. Maraakiibta shisheeye ee xeebaha Soomaaliya ka waardiyaynaya burcad badeeda xaqiiqo ahaan waxay halkaas u joogaan in ay sahansadaan khayraadka Soomaaliya, gaar ahaan kaydka batroolka iyo gaaska dabiiciga ah; waxayna ogolaanshada ka haystaan Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay, sidaas waxaa Final Call u sheegtay Sacdiya Aaden.

“Soomaalidu waa ogyihiin in maraakiibtaasi aysan u iman in ay ugaarsadaan oo dacwad ku ogaan burcad badeeda, laakiin ay u yimaadeen in ay qaybsadaan badda Soomaaliya, iyo in ay difaacaan danahooda ayagoo rajaynaya in ay kala qaybsadaan khayraadka – ma aha oo keliya dhanka badda , balse sidoo kale xagga dhulka,” ayey Sacdiya Aaden hadalkeeda ku dartay.

Prof. Samatar waxa uu Final Call u sheegay in Heshiiska Isfahamka ee MOA uu Muqdisho ka abuuray caro lagaga soo horjeedo; waxaana baarlamaanka Soomaaliya ay si aqlabiyad buuxda ah ugu codeeyeen diidmada heshiiskaas. “Tani ma aha dawlad sax ah, sidaas daraadeed ma laha awood hab-maamul oo ay ku dhaqan geliyaan ama ku galaan heshiisyo,” ayaa profosoorku ku adkaystay.

Prof. Samatar waxa uu yiri DFKMG waxay Kenya iyo reer galbeedka taageersan ugu qoordhiibanaysaa waa ayada oo aan haysan kharash lacageed; sidaas daraadeed dawlada kumeelgaarka ahi maleh awood ay ku difaacdo danaha dadka Soomaaliyeed.

Dadka ka faallooda shirkadaha batroolka waxay sanadihii 1980-naadkii sheegi jireen in ay jiraan cadaymo muujinayey in batroolka Yemen oo la sii marayo Badda Cas in uu gaarsiisan yahay Soomaaliya. Ka hor intii aan xukunka laga tuurin Siyaad Barre sannadkii 1991, waxaa tobanaan million oo doolar lagu maal-geliyay ceelasha laga baarayey batroolka ee Soomaaliya, shirkadda ugu badnayd waxay ahayd CONOCO oo xarunteedu taahy Texas.

som12Hay’adda dalka Maraykanka u qaabilsan Akhbaarta Tamarta waxay ku warbixisay in khubaro badan oo xagga batroolka ay Soomaaliya u tixgaliyaan dalka ugu dambeeya ee “Dahabka Madow” (batroolka) ee Bariga Afrika; ma jiraan cadayn la rumaysan karo oo muujinaysa in batrool badaani ku jiro; laakiin waxaa jira baaxad weyn oo ah gaaska dabiiciga ah.

Warbixin ay sannadkii 2004 diyaarisay “HAN DATA & Information Background” oo ku saabsanaa “Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya ee istaatiijiga ah” ayaa lagu xusay in Soomaaliya oo ah dal ku yaal Geeska Afrika ay ku jiraan macdanaha ay ka mid yihiin copper, gold, zinc and silver, oo ay ku jirto iron-ore, bauxite iyo gypsum.

Sida laga soo xigtay Mr. Lemelle Qarammada Midoobay waxay maqlaysay ururro u ololeeya danaha Afrika (pro-African) sida Africa Action oo sheegayey in UN-tu ay dhul baaxad weyn oo Afrika ah ay siinayso shirkado caalami ah oo ka socda dalal kala duwan; taas oo Qarammada Midoobay ay garab siinaysay qandaraasyo mugdi ku jiro oo lagu bixinayo khayraadka Afrikaanka. “Waxaan doonaynaa in aan ogaano yaa ansixiyay qandaraasyadaas,” ayuu yiri Mr. Lemelle.

***

Cabirkii Qalfoofka Qaaradda ee Soomaaliya ee Baarlamaanku diiday waxa uu waji gabax ku noqday Norway, sida ay qirtay Qarammada Midoobay.

Sidaas waxaa qoraal ku bilowday Inner City Press oo ka hawl gasha xarunta Qarammada Midoobay ee New York.. Waana kan qoraalkii shabakada oo ay SomaliTalk.com tarjumtey:

UNITED NATIONS, (InnerCityPress.com), August 31, 2009 — Baarlamaanka Soomaaliya waxay dhowaan u codeeyeen in ka badan boqolkiiba 90% in ay ka soo horjeedaan heshiiska uu dhexdhexaadiyaha ka ahaa ergeyga gaarka ah ee Qarammada Midoobay Axmed Walad Cabdalla, asagoo adeegsanaya kaalmada Norway, si Kenya iyo Soomaaliya ay wadajir u gudbiyaan arrin ku saabsan xuquuqda dadka Soomaaliyeed ay u leeyihiin qalfoofka qaaradda (ama dhulka badda hore u sii gashan) iyo baddaas khayraadka dabiiciga ah ee ku jira. Xitaa ka hor codbixintaas baarlamaanka waxaa shabakada Inner City Press ay si isbada joog ah Qarammada Midoobay u weydiisay waa maxay arrinta xuquuqda u siinaysa Walad Cabdalla in uu isku dubarido gudbinta akhbaarta (Soomaaliya u gudbisay UN-ta), wax jawaab toos ah weli ma helin.

Hadda oo xarunta Qarammada Midoobay ee New York uu ka socdo kulan ku saabsan Qalfoofka Qaaradda iyo sharciga badaha, waxa ay shabakada Inner City Press ugu dambayntii heshay qadar jawaabo ah.

Kulan ku saabsan “nidaamka badaha” oo lagu qabtay xafiiska UN-ta u qaabisan sharciga, ayaa shabada Inner City Press waxay koox khubaro oo ka tirsan Qarammada Midoobay ay weydiisay sida ay hadda ula tacaalayaan ama wax uga qabanayaan akhbaarta la diidey sida tan Soomaaliya. Markii hore khabiir ka mid ah ayaa isku deyey in uu jawaabta ka warwareego isagoo yiri waxaa la weydiin karaa oo jawaabta laga heli karaa oo keliya kulamo kale oo lagu qabanayey qol kale oo halkaas u dhawaa oo uu ka dhacayey kulan ku saabsanaa xadaynta qalfoofka qaaradda ee badaha. Laakiin kulamadaasi waxay ahaayeen kuwo albaabadu u xirnaayeen.

gpeterunep3Peter Gilruth, oo ah madaxa hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan deegaanka UNEP (UN Environment Program), qaybteeda qaabilsan digniinaha la xiriira kulaylka cimilada/degaanka, ayaa yiri: waxaan isku deyayaa in aan ka jawaabo, inkasta oo uu dareemay in arrintaas ay ku sababi karto “xaalad adag”. Waxa uu yiri: Norway waxay bixisay kharashka 10 dal oo Afrika ah si ay u gudbistaan (cabirka badahooda), laakiin Soomaaliya ayaa “qaybo kale waxa ay warka u weeciyeen jiho kale, taas oo sababtay arrinta adag ee aad tilmaantay.” Isagoo intaas ku daray “in ay jiraan su’aalo ka sahlan taas.”

Markale ayaa Inner City Press waxa ay qaabishay Mr. Gilruth waxana uu markaas ku jawaabay in akhbaarta Soomaaliya ee la gudbiyey ee jaahwareerka dhalisay “in ay waji-gabax ku noqotay dawladda Norway.”

bpatriciounesco5Waxaa isaga garabkiisa joogey Patricio Bernal, oo ah agaasime xigeenta hay’adda Qarammada Midoobay ee UNESCO, isla markaasna ah xoghaynta guud ee guddiga cabirka badaha (Intergovernmental Oceanographic Commission) waxana uu yiri: waxan arrintan ka shaqaynayey toban sano, waxaan kala shaqeeyey dawlada Soomaaliya ee “dibad jooga ku ahayd” Nairobi, waxana uu sheegay in uusan fahmi karin sababta arrinta Soomaaliya ka dhigtay qodaxda/musbaarka. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in go’aannada ka soo baxa kulanka Qalfoofka Qaaradda – ee albaabadu u xiran yihiin – in ay yihiin go’aanno “aan rafcaan lahayn” (ama rafcaan laga qaadan karin “unappealable.”).

Inner City Press oo halkaas faallo ka bixinaysay waxay qortay “Waxaa laga yaabaa in jaahwareerku uu yahay in la macaamilka dawladda Soomaaliya ee dibad jooga ah, ama DFKMG, ama Walad Cabdalla, in aysan ahayn in lala macaamalayo dadka Soomaaliyeed, mana jiraan wax dammaanad ah oo muujinaya taageero ama sharciyad.” Waxaa lagu soo waramay in Walad Cabdalla uu isku deyayo in Qabqable dagaal uu kusoo casumo in uu ku soo biiro DFKMG. Inner City Press waxay (August 24, 2009) arrintaas wax ka weydiisay afhayeen, taas oo sheegtay in jawaabta la weydiin karo Walad Cabdalla. Welina wax jawaab ah lagama hayo.

Warbixintii ay DFKMG u gudbisay Qarammada Midoobay ee ka koobnay 15-ka bog waxaa ku cad in Axmed Walad Cabdalla “uu ahaa kii bilaabay diyaarinta akhbaarta hordhaca ah ee muujinaya cabirka qalfoofka qaaradda ee Soomaaliya in ka baxsan 200 oo mayl badeed…. Diyaarinta akhbaartaas waxa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qarammada Midoobay uu aqbalay taageerada dawladda Norway… Wasaaradda Arrimaah dibada ee boqortooyada Norway iyo Qaybta batroolka u qaabilsan Norway ayaa ka qayb qaatay diyaarinta akhbaarta (ay Soomaaliya u gudbisay UN-ta).”

Inner City Press oo horay arrintaas wax uga qortay, waxay wax ka weydiisay Qarammada Midoobay iyo afhayeenka Walad Cabdalla, Suzie Price, laakiin ilaa hadda wax jawaab ah kama helin.

Bishii May 2009 ayaa waxaa su’aasha toos loo weydiiyay Walad Cabdalla, waxana uu ku jawaabay in uusan “khabiir gaar ahayn” iyo in uusan ka war hayn akhbaarta la gudbiyey ee ay ku cadayd in uu isagu diyaariyay. “Weydii Norway,” ayuu yiri. (Daawo Halkan )

afhayeenuAugust 24, 2009 Xafiiska Afhayeenka Xoghaya Guud ee Qarammada Midoobay ayaa wax laga weydiiyey heshiiskii is fahamka ee Soomaaliya iyo Kenya iyo lugta uu ku leeyahay Axmed Walad Cabdalla. Waxaana weriyuhu xusay in baarlamaanka Soomaaliya in uu u codeeyay diidmada heshiiskaas.

Hadaladdii ay afhayeenku ku jawaabtay waxaa ka mid ahaa: “Xaqiiqo ahaan in loo codeeyey oo la diiday dukumiintigaas waa arrin khusaysa gudaha Soomaaliya, waa arrin Soomaaliyeed, farana la geli mayno. Ka qayb qaadashada Arrintaas ee Qaramada Midoobay waxaay filayaa Axmed Walad Cabdalla isagaa hore si cad idiinku sheegay waxa ay arrintaas UN-tu ku lahayd iyo waxa uu isagu lahaa, oo arrintaas wax dheeraad ah kama dhehi karo, sababtoo ah go’aanka, go’aanka kama dambayta ah iyo arrinta baarlamaanka waa go’aan Soomaaliyeed.” (Daawo Halkan )

Markii baarlamaanku diidey heshiiskii is fahamka DFKMG iyo Kenya, kaddib ayaa British Broadcasting Corporation (BBC) waxay madaxweynha DFKMG wax ka weydiisay arrintaas, waxana jawaabtiisii ka mid ahayd “Heshiiskaas dantii laga lahaa waa laga gaaray.” Arrintaas oo shacabka Soomaaliyeed ay fahmi waayeen waxa uu erayadaas ka wadey maadaama khubaro ajaaniib iyo Soomaali ahba ay muujiyeen in heshiiskaas aysan wax dan ahi ugu jirin ummaadda Soomaaliyeed.

baddaa13

Haddii heshiiskaas is fahamka lagu socodsiiyo Soomaalida, markaas dhulka Soomaalidu ay waayi karaan waa dhul badeed baaxaddiisu dhan tahay 116,000 km2. Si loo fahmo baaxadda cabirkaas, waxaan tusaale u soo qaadanaynaa qiyaas cabirka bedka dhulka Soomaalida guud ahaan, sida ku qoran buugga uu qoray Khaalid Cali-Guul Warsame (2003 Denmark) oo cinwaankiisu yahay Taxanihii Taariikhda Soomaaliya,  waxaa ku qoran sidan:

Bedka Dhulka Soomaalida:
Jamhuuriyadda Soomaaliya: 640,000 km2
Jamhuuriyadda Jabuuti: 23,000 km2
NFD (dhulka ku maqan Kenya): 384,000 km2
Soomaali galbeed (ku maqan Itoobiya): 416,000 km2
Jasiirada Suqadara (oo ay sheegato Yemen): 2,655 km2

Halkaas waxaad ka arki kartaa baaxadda lagu waayi karo Isfahamka Kenya iyo Soomaaliya in ay dhan tahay dhulbadeed cabirkiisu shan-jeer (5) ka weyn yahay bedka dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Sawirada: http://www.innercitypress.com , http://www.finalcall.com/http://ioc-unesco.org/  , http://www.unep.org/  , http://www.africaaction.org/ , http://www.startribune.com/

…………………………………………..

  • Xigmad: “Taariikhdu waa cibro iyo cashara waaweyn, waa kaydka waanada iyo waaya aragnimada. Dhacdooyinka maanta dhacayaa berri wexey noqdaan taariikh. Taariikhdu cidna ma duudsido, qof walbana wexey diiwaanka u gelisaa wuxuu galo iyo wuxuu gudo, booska uu istaago iyo kaalinta uu qaato Ummaddiisa ama diintiisa ama dalkiisa.” Sh. Maxamed Idris. Sept 3, 2009

…………………………………………..

Sh. Shariif oo ka gows qabsaday go’aankii BaarlamaankaSh. Shariif oo ka gows qabsaday go’aankii Baarlamaanka” Baarlamaanka sida aad lasocotid waxa uu xaqa u leeyahay waxa ay tahay heshiis inuu buriyo,laakiin kani heshiis ma’ahayn wuxuu ahaa IS-AFGARAD”…”heshiis rasmi ah in hada ladiyaariyo ayaa loo baahan yahay”. Akhr…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

16 Jawaabood " Sheikh Shariif oo Imanaya Maraykanka xilli ay dhici karto in UN ay Goaan ka Gaaraan heshiiskii Isfahamka ee Kenya-Somalia "

  1. Salaan diiran kadib,waxaa wax laga naxo ah,dhiilo iyo argagaxna ku reebaysa jiilak danbe ee Soomaaliyeed ficilka qar-iska-xoornimada ah ee Ibi,Wasiirka kaluumaysiga DFKS uu damcay in uu ugu gacan-galiyo biyaha Soomaaliyeed Dawladda Kenya.
    Ibi Soomaali way baratay,Biyihiina Kenya ma aysan heli.
    Unka waxaan ka codsanaynaa inay meel-mariso Go’aankii Baarlamanka,Norwayna waxaan leenahay Iman Allaa Uur Buuxiya,200.000 USD way kaa baxday,yaan lacag kale kaa bixin.

    Sultan:Bashiir Abdi Mohamed(Garas(

  2. Marka hore waan idin salaamayaa,salaan ka dib waxaa ah wax laga naxo ,mahadho iyo ciilna ku reebi karta jiilka soo koraya ee Soomaaliyeed ficilka axmaqnimada iyo hungiri weynida huwan ee Ibi uu ku damcay in uu ku wareejiyo biyaha Soomaliyeed dalka Kenya,waxaa la oran karaa Ibi,wASIIRKA kALUUMAYSIGA DFKS,

  3. As cl wr wb walalayal somalidu waxay ku mahmahda {NINKII KABO KA WAA WEYN QATA ISAGA YAQAN SIDU UGU SOCON LAHAA} Macnaha aan mahmahdan aan usoo qatay waxa weye Ninkan wa nin bare arday iska ahaa marka Madaxweyne Soomaaliya waa jago ka weyn marka aniga waxan oran laha jagadan wa ay ka weyn tahay ee iska dhiib. Dhanka kale waxan lee umada soomaaliyed dadkan isku magacabay Dowlad & Barlaman inama matelan sababto ah Alle waxa uu kitabkiska quranka ku leyahay:
    (ومن لم يحكم بما أنزل الله فاولئك هم الظالمون‏)
    ugu danbeyn waxan farin qima badan u diraya MUJAAHIDIINTA ku dhaqan soomaaliya waxana lee yahay CIID MUBAARAK ka dibna difaca Diinta & Dalkina

  4. abdulaziz says:

    shariif isku sheego waxaanu ku,ogayn macalin quraan ee yaa isl lahaa maxadweyne ayuu unoqon umada soomaaliyeed taa kasukow khayraadkii umada soomaaliyeed ayuu nooli ka dhiganayaa si,uu aduunka usoo kala barto allen dan soomaaliyeed uma ordayo ee wuxuu u, ordayaa dan shisheeye /// shisheeyana dadkiisii ,dalkiisii iyo diintii uu aamin sana ayuu midays tay shariifka shaadh diimeed ayuu u xidhay uma islamka gaar ahaan umada soomaaliyeed waana la,aaminay wuuna khayaamay haday daacad katahay miyu AMISOM dalka kasaaro oo walaal tinimo umujiyo walaalihisa kasoo horjeda sida xasan dahir aways

  5. As cl wr wb walalayal ninkan wa nin maclin dugsi ah oo mudaraso iska dhigayey waxa barnamijkan madax weynimo u hergeliyey way fahmi karta cid kasta oo caqli leh. Wana dalka salibiga ee USA & daba dhilif yadeda Dhanka kuwan isku magacaway dowlada inama ma telan ugu danben waxan farin gaban u diraya dhaman MUJAHIDIINTA dalka waxana ka hor istaga oo babiya waxan ay ku magacawen Norway & kenya heshis ay ka saxixden dowlad isku shega ka dhisan gudaha somaliya mahadsanidin

  6. Guulwade says:

    s/a

    Qolku wax uusan aqoon haduu farha la galo, dhibkeeda ayey leedahay—> Ninkaan macalin dugsi quraanka ahaa, waxa meesha loo keenay waa inoo cadahay, waa sidaan:
    1- In uu danaha Amerika iyo saaxibadeed fuliyo, sida: dadka ay terrorisha u yaqaanan oo ay dilaaln ama soo qantaan. sida: in heshiisyo aan si kaler agu heli karin in lag saxiixdo, dhul, bad, cir,qayraad dhulka ku jira etc.

    Bal eeg waxa somali loo soo dhoob dhoobay iyo qaabka wax loo farsmayey–275+275=550 oo barlaman lagu sheegay iyo dadka qudhigoodu waxa ay yihiin…..dhan kastaba markaad eegto.

    somali illaah ayey leedahay, cidna uma maqna ceela umma qodna.

    Wa bilaahi towfiiq

    Eng.Yusuf

  7. ali adan says:

    asc wr br waa suur tagal in madaxweynaha somalia heshiis noocaas oo kale ah soo galo laakiin waa qiyaano qaran inkastoo hada wax u harsan somalia yartahayba aan is kaashano walaalal wabilaahi towfiiq

  8. Layla says:

    asc wr wb
    Norway,kenya,walad cabdala,mooryaanoos
    filinkooda eeyaa ruugi doono insha alaah kareem.imaanka alle idinka qaad. hada kuwaa waa muslim,somali ah ma dhihi karnaa? dad,duunyo,maal, dhul wax ay u naxariisteen aanba jirin ee ilaahoow adaa weynoo waaxid eh. cawanaataan (puppets) ilaahoow naga qabo.waxaan la yaabaa kuwa shariif ugu yeeraayo madaxweyne. alle idin ceebee oo sumcada idinka qaad.never ever inay gaalada u hirgasho hamiga ay dhulkeena ka leeyihiin intii ay jiraan MJUAHIDEENTA soomaaliyeed ee ka dhiidhiyay in umada la gumaado ama gaalo loo cabdiiyo, ALAHUMA ANSUral MUJAHIDEEN FII KULI MAKAAN, aamiin

  9. sadiqulamiin says:

    a/c?
    ramadan kariim & thanks oo gudbinta warbixinta wacnaha weyn leh runtii heshiskas oo ah wa mid xaran ah oo sharciyda adunka kajira midna samaxeyn marka cidii gashayna matasho dadlka & daka somaliyed waxayna egten dantooda shaqsi & shilimo waxana ku borinaya dhaman bulshada somaliyed in uguntadan hantidooda qaran waxan ku si gara ugu diraya fariim ururka alshalab oo ah masulka haya xuxkunka deganada ay kadhowdahay dulbadedka somaliyed ee losaxixay kenya inay fashilyan dhaman isku daykasta oo norwey kusameynayso baris shidal kahortaga oo ha usura galina in xaq somaliyed cid cadowa qadato wajibkasna hada idinku ini saran yahay shacabkana waxan ku borinlaha aqon yahan & cidkasta inay ged dher & midgabanba ufusho inay san shisikas hirgalin oo xaqena cidla laga qadan wana wajib wadaniyaden walayl

    ramadan kariim
    ardeysomaliyed abdulhakiim (gambayare2@hotmail.com)

  10. umu anisa says:

    asc wr wb fikirkeygi maxad u tuurten kkkkkkk mise koox istaqan loo ogol yahey oo qabyaaladi dilootey viva dowlada islaamiga ee midnimada qaran.

  11. MOHAMUUD says:

    Runtii markaan maqaalkan akhriyey shacuurtayda wadaniyeed aad ayey u kacday aad ayaan uga naxay sida Somalia dadkeedii ay u galayaan, haday ahaan lahayd siyaasiyiin ku sheega horboodaya akhoonyano ku sheega ka doortay dhulkoodii shilimaadka dhulkoodii wadaada ku sheega aan axranka u hayan maatida iyo khurba joogta u badatay danaystayaasha. Umadda Somaliyed waxay u baahan tahay dadka nadiif ah qabill danayste dhiigyacab mana helayso hadaysan iyagu u sitaagin in ka soo horjeestaan calooshood u shaqaytayaasha iibsanaya dhulkooda, sida maqaalkan ku cad Aduunka oo dhan waa loo heshiiyey Somalia waxaana loogu heshiiyey in aysan dagaal ka bixin si khayraadkeeda loo gurto haday ahaan lahayd UN(United For Nothing) Haday ahaan lahayd dowladaha deriska USA and yurubba Waxaa la soo ogaaday in dadka horkacaya Dalkan aysan lahayn damiir wadaniyad iyo mid biniaadanba balse ay yihiin dhuuniqaatayaal ku dilaaya aabihiis, waloolkiis, wiilkiisa, hooyadiis, Shilimaad IBBi,Shakuur,Shariif Waa danbiilayaal qaran taariikhda Dalkeenuna ma iloobi doonto meesha ay ka galeen.

  12. c.qaadir cali axmed maxamed says:

    waxay ilatahay in aysan dowladu isku mashquulin wax an ahayn in ay ammaanka wax kabato, xilligaan taas aa shacabku u bahanyahay

  13. MUSE says:

    SHIRIF WUXU LAMID YAHY DADKI USHAQAN JIRAY TALYANIGA IYO GUMASTAYASHI HORE HADANA TALADISA MA FOGA HAKU JIROO XISARKISA

  14. ahmed says:

    SCWWB
    Horay ayaa loo yiri al maru cadawun bimaa jahili” waxaase raganimadu ahaan lahayd hadii uu qofka qiraayo waxa uusan aqoonin uu dhihi karo ma aqaan.
    Proff. in la yiraahdo daaye Ibbi waxuu ahaa waanu ognahay ( P.E) 00 ah Physical education buu lafaoole ka bartay kana noqday macalin kaaliye. Qiimaynta idinkaan idiin daayay ahadii Jimicsiga aradayda iyo Heshiiskan aqoontuu rabao la isu keeni karo.
    Tana laba Shariifka warkkissa daa , waxaase haboonayd , waa madaxwaybne oo allaa ka dhigaye, inuu dadka ehelka u ah aqoontana u leh u diro hawshaan laakiin , Wasiirka qorshaynta A. Abdishakuur horta ma kala yaqaanaa MoU iyo Agreement , waxa uu saxiixayse waxay ahaataba isaga wax niqaasha xitaa maka sameeyay. Waa maya , Miskiin inta waxa lasoo diyaarsaday loo dhiibay oo saxiix la yiri buu ahaa. Xiisa badana u qabay inuu wax saxiixo. Waayo Geed Jacayl siduu Bulugul maraam ugu aqrin jiraya baa Ingriiska loosoo ximbaaray, oo SOO HOYDE loo yaqiinay deedna waxaa la baray oo sameeyay Web site isaga taageera oo siyaasad qabiil lagu wadi jiray fursadaan Asmara oo ninkii tago sida waquufu carafada nalooga dhigay buu soo istaagay xilkaasna loogu dhiibay. maahmaa baa jirtoo le ONE EYE MAN IS MASTER OF BLINDS marka IBBI iyo A. abdishakuur la yaabimaynoo Shariifba waa kaas leh DANTII LAGA LAHAA WAA LAGA GAARAY – saw mucjiso maaha madaxweyne aan baarlamankii doortay ixtiraamaynin xitaa oo ndiaamka dawliga ahaba waxba ka aqoon . Guddonka Barlamaanka oo isna u caburinaayo Xildhibaanada sida uu rabo Shariifka

    Horaa loo yiri ” IDAA SAARA QAAIDUL QAWMI GURAABAN YADUURU CALAA JUTHATHIL KILAAB”

    qaw tuke haduu haogaansho , raqda kala fiicane waxuu kula wareegaa raqda eeyaha. marka tuke iyo waxaan dhaamin baa u baxay umadan.

  15. sheekhunaa says:

    sc wr wb marka ramadaan kariim.
    waxaan aad ula yabay ilaah somali waxaa ku saladay wax ma garato kii u ahaa ahl diin iyo sharaf banaanka ayuu ka istaagay. maanta idinka waxaad aragtaan shariifka kaliya cabdulaqasim iyo dahir awees maxay kaga duwan yihiin.waxaa xasuus miiran dowladii kacaanka inuu yiri cabdulqasim salaad dadka reer ogaaden somali ma aha!waxaa kaloo ku xigay kii sogaal dadkaas waa in ay ku so galaan viso.bal eeg tuugan logu magac daray aan qori aqoon waxba wasiirka maliyada oo ahaa jaad wade waxaad arki kartaa indha cade isagaba ah mooryaanti laysay shabeelda hoose iyo jubada hoose oo aha ninkaas in la saro sharci islaamka ka dib uu yiri dahir awees indha cade waa hooyadii maxaakiimt. marka somaliyeey moryaan iyo mooryaan gareey waxba idinlama harin ee dhulka ka kaca hasugin madaxwayne ku sheegaan iyo dowladisa u taliyo nin somali inuu gato rabo axmed walad cabdla oo munaafaq u adeega. war somaaliyee toosa

  16. Yasin says:

    Waxaan la yaabanahay in dadkii uu ku andacoodey Patricio Bernel ee qurba joogta ka dhigey dad metelayey soomaliya, markii baarlamaanku diidey heshiishkana la yidhi waa somali internal affair.
    Waxaan kale oo la yaabey ir Pro Ibbi iyo sheekh shariif mar walba oo wax laga weydiiyo mowduufacan sababta ay difaac u galaan waxkastana ugu tilmaamaan propoganda.