Faahfaahin Dheeraad ah oo ku Saabsan Dagaalka Magaalada Muqdisho ka soda...
25 qof ayaa dhintay, in ka badan 100 qofna dhaawac Cisbitaalada la geeyay
MUQDISHO, Arbaca, July 17, 2009: Warbixintii Muuse Maxamuud Jiisow
Dagaalka Magaalada Muqdisho ka socda ayaa waxaa u geystay qasaare isugu jira
naf iyo maal wuxuuna u dhaxeeyaa ciidamada dowlada fadaraalka KMG somaliya iyo
xogaga dagaalka hubeysan kala soo horjeedo ee xisbul islaam iyo xarakada
mujaahidiinta al shabaab .
Dagaalkaan oo galay maalintii 2 aad ayaa xoogiisu waxaa uu ka socdaa xaafadaha
hodan ,wardhiigley ,waaberi iyo howlwadag oo dhamantood ka wada tirsan gobolka
banadir iyada oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan qoryaha fudud
iyo kuwa culus ee lidka diyaradaha waxaana magaalada afarteeda gees laga
maqalayaa dhawaqa risaasta nocyadeeda kala duwan iyo madaafiicda oo ay ku jiraan
dhawaqa xabadaha laga rido taangiyada iyo weliba qoriga BM ka .
Dagaaladaan ayaa ahaa kuwo aad u culus oo ay isaga soo horjedaan dowlada KMG
somaliya iyo kooxaha hubeesan ee dagaalada kala soo horjeedo dagaalkaan oo
markiisi hore ka bilowday dagmada hodan ayaa ku faafay xaafadaha u dhowdhow oo
horey u daganaa waxaana risaasta ay gaareysaa meelo ka fogfog halka dagaalku ka
dhacay .
Xabadaha wiiftada ah ayaa dad badan u geystay qasaare isugu jirta dhimasho
iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed sida guryo dumay iyo gaadiid dabqabsaday,
manala laha cidloo heysto oo laga helayo duug ,duco iyo daawo cidii ay wax
garaana waa ku kaligiisa.
Afhayeen u hadlay dhanka dowlada KMG ayaa shaaciyey in dagalakaan uu daba socdo
dagaal shalay lagu soo qaaday ciidamada dowlada FKMG oo uu jawaab u yahay
waxaana ilaa gaabaldhicii suuqa bakaaraha lagu ridayey madaafiic .
Guriga ku yaal dagmada hodan goob ay dad badani gabaad ka dhiganayeen ayaa waxaa
ku soo dhacay hoobiye aan la garaneyn cida soo riday iyo halka laga soo riday
wuxuuna sababay dhimashada ilaa 7 ruux oo laba ka mid ah ay ahaayeen caruuur yar
yar waxaana ilaa hada la garan waayey meyka nin ka mid ahaa dadkii u ku habsaday
hoobiyuhu iyada oo intii kalana ka gartay oo la xabaalay waxaana sidoo kale uu
dhawacyo kala duwan ka soo garay tiro intaa ka badan .
Dagmooyinka waaberi iyo howlwadag oo iyana ka mid ahaa goobaha ay masiibada bini
aadanimo ka dhacaday isla markaana u aad ugu dhow xaafada kaasa bobolaare oo ay
si fool ka fool ah ugu dagaalameen ciidamada dowlada Faradaalka KMG somaliyeed
iyo xoogaga hubeysan ee dagaalka kala soo horjeedo ayaa iyane waxaa dagaalku ku
yeeshay saameyn aad u weyn.
Xaafada shanta geed ee u dhow beerta sayidka madfac ku soo dhacay ayaa wuxuu
geystay dhimasho gaareyso ilaa lix qof iyo tiro dhawac ah meel aan sidaa uga
fogeyn isgoyska howl-wadaag agagaarka baar bakiin ayaa waxaa ku dhacay hoobiye
kale kaas oo isane dilay 5 qof oo ahaa dad shicib ah xili ay ku jireen guri shub
ah oo ay kaga ganbanayeen madaafiicda habowga ah waxaana jira in uu dhaawacyo
kala duwan u geystay ilaa 9 ruux oo kale iyada oo loola cararay isbiltalka
dagmada dayniile oo lahaa wado loo maro.
Dad joogjoogayaal ah ayaa saxaafada u sheegay in ciidamada dowlada FKMG xagooda
aan la ‘aadi Karin oo ay xabaduhu ka soo horeeyaan dadkuna ay argagaxeen markii
ay bilaabatay madaafiicda lagu duqeynayey goobaha ay dagan yihiin dadka rayidka
ah oo uu ku jiray suqa bakaaraha.
Dagmada wardhiigley oo ka tirsan gobolka banadir ayaa iyane dagaalku saameyn ku
yeeshay maanta waxaana ku dhacay xaafada Geedka jacayl-ka tiro madaafic ah oo
intooda badan aan geysan qasaare aad u weyn marka laga reebo tiro dad ah oo uu u
geystay dhawacyo kala duwan.
Madaafiic lagu ridayey dhinaca madaxtooyada ayaa waxaa ay ku dhaceen xaafada
cag dhiig oo iyadu masaafo aan sidaa uga fogeyn u jirta dhismaha madaxtooyada
waxaana ku geriyootay gaabar yar sida ay dadka deegaanku sheegayaan .
Goob ay xeyn ciyaal ah ku cayaarayeen madfac ku soo dhacay ayaa dilay ilaa 4
caruur ah waxaana uu dhaawacay tiro kale oo intaa ka badan waxayna shegeen in
qaar ka mid ah caruurtii ku dhaawacantay ay dayow iyo jaah-wareer (shoog)
qaadeen naxdin darteed.
Ilaa iyo hada si dhab ah looma cadayn karo qasaaraha uu geystay dagaalkaan mana
jirto wax waan waan ah oo laga dhaxwado dhiancayda isaga soo horjeedo, wararka
aan la xaqiijin Karin ayaa sheegaya in dhimashada maanta ay gareyso ilaa 25 ruux
waxaana dhawaca uu gaarayaa ku dhawaad boqol qof .
Isabitalka madiina ayaa la geeyey dhawaca 55 qof waxaana ka geeriyootay 5 ka mid
ah dadkii dhaawaca ahaa ee la geeyey sidoo kale isbitaalka dagmada dayniile ayaa
la geeyey tiro dhawac ah oo gaareysa ilaa 52 qof waxaana iyana la xaqiijiyey in
ay ka geeriyoodeen ilaa 3 dhaawaca ka mid ahaa.
Goobaha dagaaladu ka dhacayaan ayaa waxaa ka socda barakac baahsan iyada oo la
arkayo dad badan oo guryahoodii faarujiyey ka dib markii ay u adkeysan waayeen
dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda ku dhaceyso hareerahooda.
Suuqa bakaraha oo ah meel aan ka fogeyn goobaha dagaalku ka socday ayaa wuxuu
dagaalku ku yeeshay saameyn aad u weyn, ma jiraan ganacsi iyo ganacsato joogta
gudaha marka laga reebo xoogaa dad ah oo aan badneyn kuwaas oo ahaa kuwo
dagaanadoodu u dhowyihiin, sidoo kale ma jirin wax gaadid dad weyne ah oo
shaqeynayey galinkii hore ee maanta waxaana jirtay in magaaladu ay kala xirneyd.
Goobaha dagaalku ka socday ayaa hada dagan iyada oo ay is hor fadhiyaan
ciidamadii dagaalamayey waxaana la moodaa in ay ku jiraan nasiino dagaalkuna waa
mid bilaaban kara waqti kasta.
Dagaalka saaka Arbaca ka dhacay deegaanada hodan ,waaberi ,howlwadaga iyo
wardhiigley ayaa waxaa ka horeyeyy dagaal shalay ka dhacay duleedka magaalada
muqdisho waxaana isaga horyimid ciidamada dowlada FKMG iyo ciidamda xisbul
islaam & xarakatul mujaahidiin alshabaab oo isku dhinac ah waxaana laga qabsaday
dhanka dowlada KMG tiro ka mid ah gaadiidka dagalaka iyada oo la soo jabiyey
xendaabkii hore ugu yiil oo ay ciidamadoodu difaaca uga jireen.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in dhinacyada isku haaya talada dalka ay dagaalka
guulo ka sheganayaan isla markaana ay sheegayaan in dhinacii ka soo horjeeday ay
u geysteen jab iyo halaag.
Inta badan dagalada ka dhacayo somaliya ayaa dhibka ugu weyni wuxuu garaa dadka
shacabka ah waxaana ugu nugul duamrka iyo caruurta iyo dadka gaboobey.
Sarkaal sare oo ku geeriyooday dagaal xoogan oo saakay aroornimadii ka
dhacay magaalada Muqdisho.
Taliyihii qeybta guud ee ciidanka booliska ee gobalka Banaadir G/sare Cali
Saciid Sheekh Xasan oo ka mid noqday tira ciidan ah oo ku geeriyooday madfac
kula dhacay saldhiga police degmada Hodan ee gobalka Banaadir.
Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowlada KMG ayaa inoo xaqiijiyay in uu
dagaal saldhiga police-ka degmada Hodan oo ku nafwaayey Talyihii ciidanka qeybta
guud ee gobalka Banaadir gaashanlle sare Cali Saciid Sheekh Xasan ka dib markii
uu ku habsaday sida la sheegay madfac hobiyo ah oo lagu duqeynayay saldhigaasi
taasoo sababtay dhimashada sarkaalkaani iyo weliba tiro farabadan oo askarta ah
oo ku dhawacmay.
Waxana ay sheegeen dadka deegaanka in saldhiga lagu liishaamay tiro madaafiicda
goobta ah waxana la sheegay in qaar ka mid ah madaafiicdaasi ay gudaha
xaruntaasi u galeen kuwaasi oo waxyeelo gaarisiiyay qaar ka mid ah ciidamada
dowlada KMG ee halkaasi ku suganaa.

File photo: Cali Saciid

File Photo.
Taliyihii ciidamada plice-ka dowladda KMG ee gobolka Banaadir
Cali Saciid Sheekh Xasan ayaa ka mid ahaa saraakiisha ugu sar sareyso dowlada
KMG arimaha gobalka Banaadir wuxuuna taliye ka ahaa ciidamada gobalka Banaadir
mudooyinkii la soo dhaafay.
Dagaal aad u xoogan ayaa saakay ka qarxay Muqdisho gaar ahaan wadada Tarbuunka
iyo Taleex oo kawada tirsan degmada Hodan oo fariisin u ah ciidamada dowlada KMG
isla markaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan sida madaafiicda
qorayga baasuukaha laga rido iyo weiba qoryaha kale ee daran dooriga u dhaca
isla markaana laga maqlayay daryanka hubkaasi qeybaha kala duwan ee magaalada
Muqdisho.
Dadka reer Muqdisho ayaa saakay salaadii subax ka dib ay la soo daristay cabsi
daran waxana isla markiiba bilaabday in dadka ay guryahooda isaga cararaan ka
dib markii ay ku dhaceen goobo dadka ay degan yihiin madaafiic habow ah.
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
. Dagaalo ka qarxay saakay Magaalada Muqdisho.
. Saddex Wariye oo ku dhaawacmay Dagaaladii saakay
. Maalinta Caruurta Afrika oo shalay laga xusey Muqdisho
Wararkii oo dhan ka
akhri halkan...
Faafin : SomaliTalk.com | June 17, 2009
Baarlamaanka DFKMG oo ku kala dareeray kulan ay ku yeelan lahaayeen xarunta Gobolka Banaadir..
sidaas waxaa qoray website ku hadla Afka xukuumada FKMG
Warkaas iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo shaaca ka qaaday in Xarunta
Gobolka Banaadir ay noqon doonto xarunta Kumeelgaarka ee Baarlamaanka...
Akhris/Dhegeysi June 17