- Taliyihii ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir oo ku geeriyooday dagaalkii
Saakay Muqdisho ka dhacay.
- Dagaalo ka qarxay saakay Magaalada Muqdisho.
- Saddex Wariye oo ku dhaawacmay Dagaaladii saakay ka qarxay Muqdisho.
- Maalinta Caruurta Afrika oo shalay laga xusey Magaalada Muqdisho
Waxaa wararka isku soo dubariday
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Taliyihii ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir oo ku geeriyooday dagaalkii
Saakay Muqdisho ka dhacay.
June 17, 2009, Muqdisho: Taliyihii ciidanka Booliiska Gobolka Banaadri Gen. Cali Siciid Xasan Wadaad ayaa
ku geeriyooday dagaal saakay dhex maray ciidamada Dowladda FKMG iyo Kooxaha ka soo
horjeeda, waxa uuna dagaalkaasi xooggiisu ka dhacay Isgoyska KPP iyo tarabuunka.
Sarkaalkaan ayaa dhimashiida waxaa ka soo baxay warar kala duwan, waxayna qaar
sheegayaan in sarkaalkaani ay ku dhacday raraas laga soo riday meel fog mar uu
marayey Isogyska KPP oo ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda KMG, halkaas oo ah
goobtii uu dagaalku ka dhacay.. Waxa jira warar kale oo sheegaya in madfac ku
dhacay..
Cali Siciid waxa uu horey u ahaan jiray ciidanka Kumaandooska Soomaaliya,
kadibna waxa uu ku biiray Ciidanka Booliiska, gaar ahaan isagoo xilal taliyenimo
ka soo qabtay Dowladihii soo maray xiligii dagaalada sokeeye ka socdeen
soomaaliya.
Dimashada Taliyahaan ayaa noqoneysa taliyihii ugu horeeyey ee ku geeriyooda
dagaalada ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo Isbitaalada Magaalada Muqdisho la
dhigay iyo 40 qofood oo dagaaladaasi ku dhaawacmay kuwaas oo u badnaa dad rayid
ah oo aan waxba galabsan.
Dagaalo ka qarxay saakay Magaalada Muqdisho.
Waxaa saakay June 17 dadweynaha Magaalada Muqdisho ku waabareysteen daryanka Madaafiicda
ay isweydaarsanayeen ciidamada Dowladda iyo Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo
Xisbul Islaam oo dhinac ah, waxayna dagaalada xoogoodu k qaraxeen xaafadda Hodan
gaar ahaan Tarabuunka iyo isgoyska KPP.
Dagaalka oo ku bilowday hubka darandooriga u dhaca ayaa markii dambe waxa uu
isku bedelay in madaafiic la isweydaarsado, waxayna madaafiicdu ku dhaceysay
suuqa Bakaaraha iyo agagaarkiisa ayaa waxa ku geeriyooday dad fara badan oo
rayid ah oo lagu qiyaasay ilaa iyo 7 qofood, sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay
ilaa iyo dhowr iyo toban qofood.
Dagaalkaan ayaan la ogeyn sababihii uu ku bilowday, balse wararka qaar ayaa
waxay sheegayaan in ciidamada Dowladda ay iyagu weerarka bilaabeen kuwaas oo
doonayey in ay kooxaha ka soo horjeeda ka qabsadaan goobo ku yaala Xaafadda
Hodan, warar kale ayaa waxay sheegayaan in dagaaladaan ay ka qaybgaleen
ciidamada Midowga Afrika kuwaas oo ridayey taangiyo la soo dhigay Isogyska
Tarabuunka.
Dagaaladaan ayaa waxay sababeen in ay mar kale barakacaan dadkii fara ku tiriska
ahaa ee ku horey ugu haray xaafadahaasi, kuwaas oo markii hore la ildarnaa
duruufo dhaqale, awoodi waayeyna in ay goobaha ay dagaaladu ka socdaan ka
baxsadaan.
Gawaarida Gargaarka Deg-dega ah ayaa isdib-dhaafayey wadooyinka Magaalada
Muqdisho, kuwaas oo daadgureynayay dadka dhaawaca ah, waxaana la sheegay in
Isbitaalada Muqdisho ay buux dhaafiyeen dad fara badan oo ku dhaawacmay
dagaaladii ugu dambeeyey ee mudo labo bilood ah ka socday Magaalada Muqdisho.
Saddex Wariye oo ku dhaawacmay Dagaaladii saakay ka qarxay Muqdisho.
Iyadoo Waqtiyadan dambe weriyayaasha Soomaaliyeed ku shaqeynayeen xaalad adag
ayaa dagaalkii saakay ka qarxay qaybo ka tirsan Magaalada Muqdisho, waxaa ku
dhaawacmay saddex weriye oo ka tirsan Idaacadaha Magaalada Muqdisho, waxayna
weriyaashaan kala yihiin, Ismaaciil Guuleed Istiila oo u hadla Idaacadda SIMBA,
C/Xakiim Ibraahim Cawaale oo ka tiran Idaacadda Xurmo iyo weriye kale oo u
shaqeeya Idaacadda Horseed ee Magaalada Boosaaso, waxaana weriyaashaan ku dhacay
Madfac mar ay Sawiro ka qaadanayeen Dagaalkii saakay ciidamada Dowladda iyo
kooxaha ka soo horjeeda ku dhexmaray Xaafadda Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Saddexda Weriye oo haatan lagula tacaalayo Isbitaalka Madiina ayaa waxay ka mid
noqday dad fara badan oo iyana saakay ku dhaawacmay dagaalkaasi oo la dhigay
Isbitaalka Madiina.
6-dii Bishan ayay ahayd markii Suuqa Bakaaraha lagu dilay Allah u naxariiste
Mukhtaar Max'ed Hiraabe oo agaasime ka ahaa Idaacadda Shabeele. Afartii February
ee isla Sanadkaan waxaa la dilay Agaasimihii Idaacadda Hornafrik Siciid tahliis,
waxaa kale oo sanadkaan la dilay Weriye Xasan Mayow Xasan iyo C/risaaq Warsame
(Gaadaco) oo u shaqeynayey Idaacadda Shabele
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Maalinta Caruurta Afrika oo laga xusey Magaalada Muqdisho
Drs Qamar Aadan “ Waxaa Dowladda Ka Go’an in ay daryeel u fidiso Caruurta
Dhibaateysan”

Talaadiadii
oo ku beegan 16-ka Juun waa maalinta caruurta Afrika, waxayna maalinta astaan u
tahay sidii caruurta looga saari lahaa dhibaatooyinka, waxaana qaaradda Afrika
ka dhaca barnaamijyo fara badan oo looga hadlayo daryeelka carruurta, gaar ahaan
siday u heli lahaayeen, waxbarasho, caafimaad iyo adeegyo kale.
Somalia oo ka mid ah Qaaradda Afrika ayaa waxaa maanta ka dhacay xarunta
wasaaradda caafimaadka ee dowladda Somalia munaasabad lagu xusayay maalintan,
waxaana kasoo qaybgalay afar wasaaradood oo kala ah:
Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Dhaqancelinta iyo daryeelka naafada,
Wasaaradda Bani’aadamnimada iyo dib u dajinta iyo wasaaradda dib u dhiska,
waxayna afartan wasaaradood ay sheegeen in caruurta Afrika ay haystaan
dhibaatooyin aad u badan, siiba Somalia.
Mss. Qamar Aadan Cali oo ah wasiirrka wasaaradda caafimaadka oo ugu horreyn
kulankan ka hadashay ayaa waxay sheegtay in 16-ka Juun ay tahay maalin ku weyn
qaaradda Afrika, waxayna sheegtay in caruurta Somalia ay xilligan haystaan
waxbarasho la’aan, caafimaad xumo iyo daryeel xumo.
“Caruurta waa ubadkii berri dalka maamuli lahaa, waxaana dowladda ay u
qorsheysay inay wax ka badasho xaaladahooda nololeed, si ay u noqdaan kuwo niyad
ahaan iyo jir ahaan u diyaarsan inay dalka wax u taraan” ayay tiri Qamar Aadan
Cali.
Wasiirradu waxay sheegtay in caruurta Somalida ay haystaan dhibaatooyin aad u
badan, si in loo adeegsado dagaallada, waxaana dowladdu ay waddaan qorshe ku
aadan in laga hortago in caruur ka yar 18-sano loo adeegsado dagaallada.
Dr. Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ah wasiirka dib u dhiska oo isaguna ka hadlay
munaasabadda ayaa sheegay in ubadku ay yihiin ubixii dalka, waxayna dowladdu
waddaa qorshayaal ay gacan ku siinayso caruurta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwii
ku waxyeeloobay dagaallada.
“Waxaan dib u dhis ku sameynaynaa goobihii waxbarashada, goobihii xanaanada
caruurta iyo Jaamacadaha, si loo helo caruur dhanka garaadka ka dhisan oo anfici
kara naftooda, ummaddooda iyo adduunka intiisa kale” ayuu yiri Dr. Xuseen
Ceelaabe.
Wasiirka Bani’aadamnimada iyo dib u dajinta Somalia Sheekh Maxamuud Garweyne oo
isaguna ka hadlay xaflada lagu maamuusayay maalinta caruurta Afrika, ayaa
sheegay in xukuumaddu ay ka warhayso caruurta loo adeegsanayo dagaallada.
“Kooxaha dagaalamaya waxay aaminsan yihiin in caruurta ay yihiin geesiyaal aan
kasoo laaban halkii loo diro, balse dadka waaweyn ay yihiin kuwo fikiraya oo
baqdinin ay ku jirto” ayuu yiri wasiirka oo sharraxaad ka bixinayay sababta
keentay in caruurta loo adeegsado dagaallada.
Sidoo kale wasiirku wuxuu ka hadlay caruurta ku dacdareysan Magaalooyinka
waaweyn ee dalka, sida kuwa daroogooyin isticmaala iyo kuwa aan helin
xuquuqahooda iyo waxbarasho, isagoo sheegay in dowladdu ay waddo qorshayaal ay
ku saacidayso dhallaankaas.
Xusas kala duwan oo lagu maamuusayo maalinta Caruurta ayaa ka dhacay Muqdisho,
waxaana hay’adihii iyo dadkii ka hadlay ay si weyn uga dayriyeen xalaadda ay ku
nool yihiin caruurta Somalia, kaddib dagaallo sokeeye oo muddo dheer socday.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin : SomaliTalk.com | June 17, 2009
Baarlamaanka DFKMG oo ku kala dareeray kulan ay ku yeelan lahaayeen xarunta Gobolka Banaadir..
sidaas waxaa qoray website ku hadla Afka xukuumada FKMG
Warkaas iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo shaaca ka qaaday in Xarunta
Gobolka Banaadir ay noqon doonto xarunta Kumeelgaarka ee Baarlamaanka...
Akhris/Dhegeysi June 17