SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet Daabaco Boggan | Print


AFRICOM iyo Qaaradda Afrika: Welwelka Afrikaanku ka Qabaan saldhigga Militari ee AFRICOM Akhri...


oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga...
Akhri...

  • Nabadoon Axmed Diiriye Oo Shir Jaraa'id Ku Qabtay Magaalada Muqdisho
  • Sh.Muqtaar Abu-Mansuur Oo Digniin Culus U Jeediyey Ciidamada Dowlada FKMG ah Ee Ku Sugan wadada Isku Xirta Muqdisho Iyo Dooloow.
  • Maamulka Somali-land Oo Ku Eedeeyey Maamulka Punt-land Inay Saldhigyo Ku Leeyihiin ONLF.

    March 9, 2008

Nabadoon Axmed Diiriye Oo Shir Jaraa'id Ku Qabtay Maanta (Maarso 8, 2008) Magaalada Muqdisho

Afhayeenka dhaqanka beelaha hawiye ayaa shaaca ka qaaday inay dowlada FKMG soomaaliya ay ciidamadeeda kala baxdo suuqa ganacsiga ee bakaaraha isagoo xusay inay dhac iyo dhibaato ka gaysanayaan taasina ay tahay mid aan sharci islaam iyo mid gaaloba aysan ogolaan karin.

Axmed diiriye cali oo ah afhayeenka dhaqanka beesha hawiye ayaa shir jaraa,id oo ku qabtay maanta (Axad Mar 9, 2008) magaalada muqdisho ku sheegay inay dowlada soomaaliya ciidamadeeda kala baxdo suuqa bakaaraha xili ay ciidamada dowlada KMG ahi saldhig milatari ka samaysteen gudaha suuqaasi.

Afhayeenka intaasi sii raaciyey inay beesha caalamka ka codsanayaan inay il gaara ku eegaan waxa ka soconaya magaalada muqdisho islamrkaana fiiro gaara u yeeshaan dhibaatada baahsan ee lagu hayo shacabka gaar ahaan dadka kasoo jeeda beesha hawiye.

Axmed Diiriye ayaa xusay inaysan indhaha ka daboolan karin waxa ka socda magaalada muqdisho gaar ahaan suuqa weyn ee bakaaraha oo dhowaan ay biliqaysteen ciidmada dowladu islamrkaana ayuu sheegay afhayeenku aysan cidina waxba iska weydiin taasina ay macnaheedu yahay inay ula kac tahay arintaas lagu samaynayo shacabka soomaaliyeed ee reer muqdisho.

Dhinaca kale axmed diiriye ayaa ka hadlay Mooshinka la sheegay in lagu doonayo in xilka lagaga qaado Raysal wasaare Nuur cadde ayuu sheegay inuu yahay mid la doonayo indhaha caalamka lagaga qariyo waxa ka jira muqdisho islamarkaana lagu baabinayo bulshada beesha hawiye waa siduu hadalka u dhigaye .

Sh.Muqtaar Abu- Mansuur Oo Digniin Culus U Jeediyey Ciidamada Dowlada FKMG ah Ee Ku Sugan wadada Isku Xirta Muqdisho Iyo Dooloow.

Xoogaga al-shabaab ee sida xoogan dowlada KMG iyo ciidamada shisheeye uga soo horjeeda ayaa Digniin culus usoo jeediyey ciidamada dowlada FKMG ee ku sugan deegaanada u dhexeeya gobolada Gedo iyo Banaadir.

Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Sh. Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur oo Digniintan Culus saxaafada ka sheegay islamarkaana ku nuux nuuxsaday inay waxii hada ka dambeeya dagaalo ka culus kuwii hore ay la geli doonaan kuwa uu ku sheegay daba dhilifka oo uu ula jeeday ciidamada dowlada FKMG islamarkaana aysan sii deyn doonin askariga ay gacanta ku dhigaan oo uu hore u sheegay inay iska sii deyn jireen askariga ay qabtaan.

Sh. Muqtaar ayaa Ku Eedeeyay Ciidamada Dowladda FKMGS Ee Ku Sugan Wadada U Dhaxeeysa Muqdisho Iyo Dooloow In ay Waardiye U Yihiin Ciidamada Ethiopia Islamarkaana aysan Banaaneyn In la Sii Daayo waayo ayuu yiri waxay Daba dhilf u yihiin gaalada wadanka kusoo duushay waa siduu hadalka u sheegaye.

Dhinaca kale Abuu Mansuur ayaa carabaabay inay mudo todobaad ah ku sifayn doonaan deegaanada uu sheegay islamarkaana uu uga digaye in askarta daba dhilfka uu ku magacabay inay ka feejignaadaan shirqoolka cadowga waa siduu hadalka u dhigaye .

Hadalkan afhayeenka xoogaga al-shabaab ayaa kusoo beegmaya xili ay dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka socdaan magaalada muqdisho iyo meelo kamid ah gobolada dalka soomaaliya islamarkaana ay marbna marka kasii dambeeya kasii darayaan .

Maamulka Somali-land Oo Ku Eedeeyey Maamulka Punt-land Inay Saldhigyo Ku Leeyihiin ONLF.

Maamulka la baxay soomaaliland ayaa sheegay inay maamul goboleedka puntland Gudihiisa ku sugan yihiin xisbiga xoraynta soomaalida ogaadeeniya ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano ONLF islamrkaana ay saldhigyo ku leeyihiin waa siday hadalka u dhigeene .

Madaxweyne ku xigeenka maamulka soomaaliland axmed yaasiin ayaa wakaaladaha wararka aduunka u sheegay inay ururka ONLF ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin deegaanada maamulka Puntland taasoo uu xusay inay kaga soo duulaan dalalka deriska la ah sida Ethiopia iyo somaliland .

madaxweyne ku xigeenka ayaa intaasi raaciyey inay jiraan cadaymo islamrkaana ay dhowaan usoo bandhigi doonaan saxaafada waa siduu hadalka u dhigaye taasoo uu iska fogeeyey inaysan marnaba ku dheehnayn wax la yiraahdo dacaayado ama ku tiri kuteen .

Hadalka axmed yaasiin oo ah madaxweyne ku xigeenka somaliland ayaa kusoo beegmaya xili ay hore xukuumada Ethiopia ugu eedaysay maamulka puntland Ururka ONLF islamrkaana khilaaf xoogan oo gacan ka hadal keenay ka dhex dhalisay madaxweyne c/laahi yuusuf iyo weliba sarkaalka haysta ciidamada ethiopia ee jooga wadanka soomaaliya Gen,gabra.

yaasiin maxamed faytin

yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 9, 2008

Ganacsiyo ay dad Soomaali ah leeyihiin oo lagu boobey dalka K/Afrika.
.Muqdisho: Macadka tarbiyada islaamka la gudoonsiiyey deeq
.Banaanbax Maarso 7, 2008 ka dhacay Geneva
.Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumayisga
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Mar 9

Barack Obama oo Guul Kale ka soo Hooyey Tartanka Isreeb-reebka Madaxtinimada Maraykanka (Gobolka Wyoming)...

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga... Akhri...

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com