Barack Obama |
Barack Obama oo Guul Kale ka soo Hooyey Tartanka
Isreeb-reebka Madaxtinimada Maraykanka...
- Barack Obama oo ku guulaystey tartankii Gobolka Wyoming ....
Doorashii isreeb reebka [caucus] ee tartanka madaxweyna-nimada
Maraykanka ee [Sabti, Maarso 8, 2008] kacday Gobolka Wyoming ee xisbiga
dimoqraadiga waxaa guushii raacday Barack Obama oo ay tartan kula jirto Hillary
Clinton.
Wararka ugu horreeyey ee ka soo baxay tirinta codbixintii
Sabtidii ee Gobolka Wyoming ayaa tibaaxay in uu Obama helay boqolkiiba 59%,
halka ay Clinton ka heshay 40%. [CNN waxa uu tiradaas ka dhigay in Obama helay
61%, halka Clinton ay heshay 38%.]
Sidaas daraadeed waxa uu Obama gobolkaas ka helayaa 7 wafti, halka Clinton ka
heshay 4. Tartankii ilaa hadda la soo maray waxaa ku horeeya Obama oo haysta
ilaa 1,578 wafti, halka Clinton ka haysato 1,468, sida ay sheegtay
hay'adda wararka ee AP. Waxaana loo tartamayaa musharaxii hela 2,025 wafti in uu
noqonayo musharaxa u taagan xisbiga Dimoqraadiga ee ka qayb geli doo doorshada
guud ee November 2008.
Tartanka xiga waa maalinta Talaadada Maarso 11, waana
gobolka Mississippi.
Taas kaddib Gobolka tartanka xoogga leh ka dhici doona waa
Pennsylvania, April 22 , waxaana loo tartamayaa 158 wafti ah.
Gobollada uu ilaa hadda ku guulaystey Obama - eeg sawirka hoose qaybat buluugga
tikhda ah:
Isha sawirka:
http://origin.barackobama.com/resultscenter/
Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 8, 2008
Sawir
Barack Obama oo Ku Lebisan Dharka Soomaalida oo Muran Weyn
ka dhilyey Siyaasadda tartanka Madaxweynanimada Maraykanka....
|